Maxaad kala socotaa dawooyinka lagu sameeyo gudaha Muqdisho ee ay isticmaalaan inta badan Isbitaallada waaweyn?

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Soomaaliya waxaa ka shaqeeya hal warshad oo kaliya marka laga hadlayo kuwa sameeya dawooyinka, waana tii ugu horreysay ee soo saaraysa noocyada dawooyinka, gaar ahaan kiniiniga tan iyo 1991 kii.

Koox maalgashato ah oo isugu jira Soomaali iyo Turki ayaa maal galiyay warshaddan, waxayna wadaag la tahay warshaddo kale oo ku yaala wadamadaTurkiga, Ciraaq iyo Poland.

Warshaddan oo la furay Diiseembbar sanad kii 2022 laguna magacaabo YeniSom ayaa soo saarta qaybaha kala duwan ee dawooyinka bini'aadamku isticmaalo, haddii ay yihiin kuwa gaas ka loo cuno, xanuun baabi'yayaasha iyo qalajiyayaasha kuwaas oo ku soo baxa garaamyo kala duwan. Sidoo kale waxay soo saartaa daawooyin loogu talagalay dad ka qaba macaanka ama sokorta nooca labaad iyo fiitamiino.

Maamullaha Warshadda YeniSom Dr Cabdi Xaashi Aakhiro oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in mishiinnada hadda u yaala kaliya ay soo saaraan noocyada daawoowinka kiniiniga, balse mustaqbalka ay rajaynayaan inay soo kordhiyaan mishiinno cusub oo loogu talagalay waxa soo saarka daawooyinka ay kamid ka yihiin, sharoobooyinka, cirbaddaha iyo faleebooyinka.

"Halkan waxaan ku sameyn karnaa oo noo diyaarsan inaan sameyn karno kaniini nooc walba uu yahay oo daawo ah oo bini'aadamku isticmaali karo iyo kaabsollo, mishiinnada hadda noo yaala waxay sameyn karaan labadaa qaybood, hadda waxan gabagabeynay oo aan ballaarin ku sameynaynaa inaan qayb kale furno oo ah qaybtii faleebooyinka, cirbaddaha iyo sharoobooyinka intaba" ayuu yiri Dr Aakhiro.

Awoodda Wax Soo Saar ee Warshadda

Warshaddan oo afar san jirsatay ayaa maalintii soo saari karta hal milyan oo kiniini, iyadoo tan iyo markii la furay soo saartay kumannaan tan oo daawo ah.

Awoodda khubarrada daawada farsameysa iyo mishiinnada ay isticmaalayaan marka la isu geeyo waxay soo saari karaan boqollaal kun oo tan oo daawo ah, sida ay sheegayaan maamulka warshadda.

Laakiin haddii ay damcaan inay soo saaraan sharoobooyin, faleebooyin iyo cirbado waxay u baahnaan doonaan khubarro dheerraada iyo labo warshadood oo kale.

Waxaa jira sharoobooyin, cirbado iyo faleebooyin ku soo baxa magaca warshadda laakiin lagu farsameeyo dalka Turkiga.

Tayada Daawada ay Soo Saarto warshadda

Dawooyinka ay warshadan soo saarto oo suuqa ku jiray dhawrkii sano ee la soo dhaafay, lagana heli karo farmashiyayaasha iyo isbitaalaada ayaa tayadeeda lagu sheegay mid sare.

Walxaha cayriin ee laga farsameeyo daawooyinkan ayaa laga keenaa dalka Turkiga, iyadoo marta habka ilaalinta alaabbaha cayriin ee la doonayo in la dhoofiyo, lagana farsameeyo daawooyinka.

Ramlo Cabdillaahi Maxamed oo baratay culuunta daawada iyo tayadooda, kana hawlgasha warshada ayaa sheegtay inay maraan dhammaan habraacyada ilaalinta tayada daawada.

"Seddex heer oo caalami ah ayaan marnaa, oo ah kow in walxaha cayriin oo aan ka soo qaadno dalka Turkiga waan soo tijaabinnaa, hubin tayo oo gudaha Turkiga ah ayaan sameynaa, seddex shahaado oo aduunka oo dhan la isla ogol yahayna way haysataa, shahaadada falanqaynta, shahaadada cadaynaysa walxaha cayriin tayadooda. Annagana marka keensananna waxan sameynnaa koontaroolka tayada daawada aan soo saarno" ayay tiri Ramlo.

Tusaale ahaan kiniiniga xanuun baabi'iyaha ee barastimoolka ee warshaddan soo saarto ayaa tayadiisa lagu sheegay boqol kiiba sagaashan iyo shan, marka la eego hubinta tayada ee warshaddu sameysay.

Caqabaddaha Haysta Warshadda

Markii ay dhacday Dawladdii Soomaaliya 1991 kii, waxa burburay dhammaan warshadihii wadanku lahaa, waxana dhulkii ay ku yaaleen dagay dad meello kala duwan ka yimid. Tan iyo waqtigaas way adkayd in wadanka laga sameeyo warshad tan daawada oo kale ah sababbo la xiriirra amniga.

Maamulka warshaddu waxay sheegayaan in caqabaddaha ugu badan ee hadda haysta ay kamid yihiin in aanay dagi karin hareerraha magaalada, mushkiladdaha amni ee jira dartood, taasina ay ku qasabtay inay dagaan bartamaha magaalada oo aad qaali u ah.

Nidaamka caafimaadka oo aan wali si dhamaystiran cagaha isugu taagin iyo canshuur dhaaf la'aanta warshaddaha noocan ah ayaa ka mid ah caqabaddaha haysta.

"Caqabaddaha ugu waawayn ee ka jira Soomaaliya ee aan la kulanay waxaa kamid ah, amniga oo aan noo saamaxaynin inaan dagno magaalada hareerraheeda, iyada oo aysan jirin dhiiragalinta nidaamka dawliga ah sida canshuur dhaaf, iyo in dhulkii warshadda daawada aan nala siin, kaas oo hadda ay dagan yihiin dad shacaba" ayuu yiri Maamullaha Warshadda Dr Cabdi Xaashi Aakhrio.

Magaca ay ku soo baxdo Daawada Warshaddu Soo Saarto

Magaca ay ku soo baxaan daawooyinka ay soo saarto warshaddan ayaa noqonaya magacii ugu horreeyay ee daawo Soomaaliyeed ku soo baxdo, waxana daawo kasta oo ay soo saarto magaceeda raacaya SOM oo loola jeedo Soomaaliya, waxaana baakad kasta ku dul qoran warshadda magaceeda oo ah YeniSom.

Soomaaliya kahor dagaal kii sokeeya waxay lahaan jirtay hal warshad oo daawada sameysa, taasoo ku tiilay duleedka Muqdisho. shirkad taliyaani ah ayaa ka caawin jirtay alaabta cayriin iyo tayada daawada, magaca ay ku soo bixi jirtayna waxa uu ahaa mid taliyaani ah.

Dawladda ayaa lahayd warashadda, markii la riday dawladdana, waa la bililiqaysatay, markii dambena dhulka waxa ku habsaday dad deegaamaystay.