Maxaa ka socda Uganda, Jeneraallo la xir xiray, madaxweyne xigeen loo hanjabay iyo loolanka hoggaanka dalkaas

Published
Waqtiga akhriska: 9 daqiiqo

Milatariga Uganda, xitaa jeneraalada darajooyinka sare leh ayaa ogaanaya in darajadoodu aanay wax badan ka tari karin inay ka badbaadaan tallaabooyinka adag ee taliyaha awoodda badan ee ciidanka dalkaas.

15-kii bilood ee la soo dhaafay, ugu yaraan 12 jeneraal iyo saraakiil sare oo milatari ah ayaa la xiray intii uu xilka hayay Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, oo sidoo kale ah wiilka madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni. Xariggan ayaa walaac ka dhex abuuray hoggaanka sare ee milatariga.

Xariggan ayaa dhacaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira cidda beddeli doonta Museveni, oo Uganda xukumayay muddo afartan sano ah.

Jeneraal Kainerugaba oo 52 jir ah ayaa si weyn loogu arkaa inuu yahay qofka laga yaabo inuu xilka madaxweynaha kala wareego Museveni, inkasta oo damaciisa siyaasadeed uu u muuqdo mid iska caabin kala kulmaya xubnaha xisbiga talada haya.

Toddobaadkan, waxa uu ku hanjabay inuu xilka ka qaadi doono madaxweyne ku-xigeenka dalka, Jessica Alupo, isla markaana ay suuragal tahay in la xiro, isaga oo sidoo kale soo jeediyay inuu isagu qabto xilkaas.

Xisbiga talada haya ee National Resistance Movement (NRM) ayaa beeniyay wararka sheegaya in hoggaankiisa sare uu diiday soo jeedin lagu taageerayay Jeneraal Kainerugaba si uu u noqdo madaxweynaha xiga. Xisbigu waxa uu wararkaas ku tilmaamay kuwo "gebi ahaanba been ah".

Arrimahan oo dhan ayaa sii xoojiyay mala-awaalka ah in xarigga saraakiisha milatarigu qayb ka yahay dadaal lagu doonayo in xilalka looga fogeeyo saraakiisha ka soo horjeeda damaca Jeneraalka ee ah inuu noqdo madaxweynaha dalka.

Dadka kale ayaa aaminsan in xir xiritaankan caddeyn u yihiin olole ka dhan ah musuqmaasuqa, kaas oo lagu doonayo in taliyeyaasha sare lagula xisaabtamo falalkooda.

Xuddunta khilaafkan waxaa ku loollamaya laba hay'adood oo awood badan: milatariga, oo Jeneraal Kainerugaba uu ku leeyahay saameyn weyn, iyo xisbiga NRM, halkaas oo su'aalaha la xiriira damaciisa siyaasadeed ay u muuqdaan kuwo kala qaybinaya madaxda sare ee xisbiga.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, shir dhowaan ay yeesheen hoggaanka sare ee xisbiga NRM ayaa dhammaaday iyada oo aan heshiis laga gaarin soo jeedin ahayd in Jeneraal Kainerugaba loo diyaariyo inuu noqdo qofka beddeli doona Museveni.

Shan xubnood oo ka tirsan xisbiga, kuwaas oo ka qaybgalay shirka albaabadu u xirnaayeen, ayaa AFP u sheegay in cod loo qaadi lahaa soo jeedintaas laga baaqsaday ka dib markii dhowr xubnood ay ka horyimaadeen.

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Uganda ee ChimpReports ayaa sheegtay in inta badan xubnihii hadlay ay taageereen suuragalnimada in Jeneraalka uu noqdo madaxweynaha dalka, inkasta oo qaar ka mid ah ay su'aal geliyeen inuu diyaar u yahay hoggaamin rayid ah.

Bayaan uu Khamiistii soo saaray, xoghayaha guud ee xisbiga NRM, Richard Todwong Awany, ayaa xaqiijiyay in xisbigu kulmay 10-kii Nofeembar si uu uga hadlo "arrimaha siyaasadda, bulshada iyo dhaqaalaha".

Waxa uu beeniyay wararka sheegaya in shirka lagu diiday soo jeedin ahayd in Jeneraal Kainerugaba loo diyaariyo inuu noqdo madaxweynaha xiga ee Uganda, isaga oo sheegay in go'aan kasta oo xisbigu gaaro lagu shaacin doono "habka saxda ah iyo waqtiga ku habboon".

Dr Gerald Bareebe, oo ah aqoonyahan ku takhasusay cilmiga siyaasadda, kana soo jeeda Uganda, isla markaana wax ka dhiga Jaamacadda York ee dalka Canada, ayaa xiriir ka dhex arka xarigga saraakiisha iyo loollanka siyaasadeed ee ku saabsan cidda beddeli doonta Museveni, kaas oo inta badan loo yaqaan mashruuca "Muhoozi Project".

" Saraakiisha sare ee la aaminsan yahay inaysan taageersanayn mashruucan ayaa la xiray, xabsiga la dhigay ama lagu soo oogay eedeymo la xiriira musuqmaasuq iyo khiyaano qaran," ayuu BBC-da u sheegay.

Waxa uu sheegay in eedeymaha loo jeediyay qaar ka mid ah saraakiisha si weyn loogu arko kuwo dano siyaasadeed laga leeyahay, kuwaas oo ka tarjumaya kala qaybsanaanta sii kordheysa ee milatariga ee ku saabsan cidda xilka madaxweynaha la wareegi doonta.

Qaar ka mid ah dadkii la xiray ayaa markii dambe la sii daayay, waxaana muuqata in sii deyntoodu ay timid ka dib markii ay heleen cafiska jeneraalka.

Xarigga mid ka mid ah taliyayaashii hore ee ugu caansanaa dalka, Sarreeye Guuto Peter Elwelu, ayaa si gaar ah indhaha ugu soo jeediyay tallaabooyinkan ka dhanka ah saraakiisha milatariga.

Taliye ku-xigeenka hore ee ciidanka ayaa la xiray 2-dii Nofeembar, isaga oo lagu eedeeyay inuu maleegayay qorshe lagu xasilooni-darro gelinayo gobolka Teso ee bariga dalka.

Hoos u dhaca ku yimid maqaamkiisa ayaa yimid ka dib qoraallo xiriir ah oo uu Kainerugaba ku baahiyay baraha bulshada, kuwaas oo uu ku eedeeyay Elwelu khiyaano, kuna dhawaaqay in laga xayuubiyay darajadiisii saddexda xiddigood, isla markaana hoos loogu dhigay darajada askari caadi ah.

"Khaa'inka Peter Elwelu waxaa laga xayuubiyay dhammaan darajooyinkiisii. Waxaa hoos loogu dhigay darajada askari caadi ah," ayuu Kainerugaba ku qoray barta X.

Waxa uu sidoo kale sheegay in la xiray in ka badan 20 askari oo xiriir la lahaa Elwelu.

Ku dhawaaqistaas ayaa dhalisay su'aalo la xiriira sharciga, iyadoo warbaahinta Uganda ay sheegtay in xeerarka milatarigu aysan oggolayn in sarkaal sare darajadiisa lagala noqdo qoraal lagu baahiyo baraha bulshada.

Milatariga ayaa markii dambe xaqiijiyay in Elwelu xabsiga lagu hayo, iyaga oo sheegay in laga soo helay 15 qori, dareesyo milatari iyo laba gaari oo nooca loo yaqaan pickup ah, kuwaas oo lala xiriiriyay isaga. Qoyskiisa ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay.

Sida lagu sheegay baaritaan uu samayey wargeyska Daily Monitor ee Uganda, Elwelu waxa uu ka mid yahay ugu yaraan 12 jeneraal iyo saraakiil sare oo milatari ah oo la xiray tan iyo bishii Abriil 2025.

Waxaa ka mid ah saddex taliye oo hore u soo noqday madaxda sirdoonka milatariga, kuwaas oo xilliyadoodii xilka hayay kormeerayay qaar ka mid ah howlgalladii amni ee ugu xasaasisanaa Uganda.

Sarreeye Guuto James Birungi, oo hore u soo noqday madaxa sirdoonka iyo amniga gaashaandhigga, ayaa la xiray bishii Agoosto 2025, isaga oo lagu eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin khiyaano qaran, argagixisanimo iyo musuqmaasuq.

Waxaa lagu soo oogay dacwad maxkamad milatari, balse markii dambe waa la sii daayay ka dib markii Jeneraal Kainerugaba uu ku dhawaaqay inuu "cafiyay".

Taliye kale oo hore u soo noqday madaxa sirdoonka, Sarreeye Guuto Abel Kandiho, ayaa bishii Sebtembar ee sanadkan la xiray, isaga oo lagu eedeeyay inuu bixiyay xog sirdoon oo been ah iyo khiyaano. Sida uu qoray wargeyska Daily Monitor, weli xabsiga ayuu ku jiraa.

Qofkii xilkaas uga horreeyay, Sareeye Guuto Charles Bakahumura, ayaa sidoo kale bishii Sebtembar la xiray, isaga oo lagu eedeeyay falal la mid ah, balse markii dambe waa la sii daayay ka dib markii taliyaha ciidanka uu ku dhawaaqay inuu cafiyay.

Saraakiil kale ayaa iyagana wajahaya eedeymo kala duwan, kuwaas oo isugu jira xatooyada shidaalka milatariga iyo qaadashada lacag si ay u basaaseen isgaarsiinta milatariga.

Milatariga ayaa difaacay xir xiritaankan, isaga oo sheegay inay qayb ka yihiin dadaallada lagula dagaallamayo musuqmaasuqa iyo falalka dembiyada ah ee ka dhex jira ciidamada qalabka sida.

Falanqeeyaha amniga ee Uganda, Freddie David Egesa, ayaa sheegay in xarigani ay ka dhasheen baaritaanno ay wadaan hay'ado kala duwan oo amni, halkii ay ka ahaan lahaayeen olole sifeyn ah oo uu milatarigu hoggaaminayo.

Waxa uu ku dooday in xarigga saraakiisha sare uu gacan ka geysanayo ilaalinta markhaatiyaasha, isla markaana uu muujinayo sida ay uga go'an tahay dowladda ololaha ka dhanka ah musuqmaasuqa.

"Jeneraal Muhoozi waxaa saaran mas'uuliyadda guud ee ah inuu kooxda baaritaanka u oggolaado inay xiraan dadka magac iyo maqaam weyn ku leh dalka, isaga oo arrinta kala tashanaya taliyaha guud ee ciidamada," ayuu yiri Egesa, isaga oo intaas ku daray: "Xarigyadani ma aha kuwo si iska fudud loo fulinayo."

Hase yeeshee, Bareebe ayaa arrintan u arka mid leh ujeeddo siyaasadeed oo ka ballaaran, isaga oo ku doodaya in la bartilmaameedsanayo saraakiisha looga shakisan yahay inay ka soo horjeedaan damaca Jeneraal Kainerugaba ee ah inuu noqdo madaxweynaha dalka.

"Arrintani waxay dhalisay olole ballaaran oo lagu sifeynayo saraakiisha, kaas oo saameeyay kuwa weli xilalka haya iyo kuwii hore uga fariistay milatariga ee loo arko inay ka soo horjeedaan Muhoozi," ayuu yiri.

Waxa uu tilmaamay kala qaybsanaanta u dhexeysa cutubka gaarka ah ee ciidamada, oo loo yaqaan Special Forces Command (SFC), kaas oo uu sheegay inuu inta badan daacad u yahay wiilka madaxweynaha, iyo taliyeyaasha kale ee milatariga oo aan weli ku qancin in isaga uu noqdo qofka xilka kala wareega aabbihii.

Eedeymaha loo jeediyay saraakiisha ayaa maraya heerar kala duwan. Qaar ayaa dacwado lagu soo oogay, qaar kalena waxay ku jiraan xabsi iyada oo aan si rasmi ah loo shaacin eedeymaha loo haysto, halka dhowr kalena la sii daayay.

Bareebe ayaa sidoo kale su'aal geliyay in maxkamadaha milatarigu ay awoodaan inay qabtaan dacwado si madax-bannaan oo caddaalad ah loo qaado.

"Qaar badan oo reer Uganda ah waxay eedeymahan u arkaan kuwo dano siyaasadeed laga leeyahay, sidaas darteedna ma filayaan in caddaalad badan laga helo," ayuu raaciyay.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay in saraakiil qaar dacwadahooda laga laalay ka dib wada-hadallo albaabadu u xiran yihiin oo ay la yeesheen madaxweynaha iyo wiilkiisa, kuwaas oo lagu cadaadiyay inay muujiyaan taageerada ay u hayaan Jeneraal Kainerugaba.

Afhayeenka dowladda, Allan Kasujja, ayaa meesha ka saaray sheegashooyinka la xiriira khilaaf ka dhashay cidda beddeli doonta madaxweynaha, isaga oo ku tilmaamay "hadal aan sal iyo raad lahayn".

Si ka duwan taliyayaashii isaga ka horreeyay, kuwaas oo farriimahooda ku gudbin jiray hababka rasmiga ah ee milatariga, Jeneraal Kainerugaba ayaa si joogto ah u adeegsada barta X si uu ugu shaaciyo xarigga dadka, u dhaliilo mas'uuliyiinta dowladda, ugana hadlo arrimaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Qaar ka mid ah qoraalladiisa ayaa dhaliyay muranno diblomaasiyadeed.

Habeenkii 9-kii Nofeembar, waxa uu dhaliishiisa iyo farriimihiisa u jeediyay madaxweyne ku-xigeenka dalka, Jessica Alupo, isaga oo dalbaday in xilkaas isaga lagu wareejiyo.

"Qof kasta oo xilkaas haya waa inuu isu diyaariyaa inuu dhowaan xilka wareejiyo," ayuu ku qoray qoraallo uu markii dambe tirtiray.

Waxa uu sidoo kale su'aal geliyay daacadnimada Alupo, isaga oo ugu hanjabay in xilka laga qaadi doono. Waxa uu intaas ku daray in haddii isaga loo magacaabo ku-xigeenka aabbihii, dowladda ay ku shaqeyn doonto "hab milatari".

Maalintii xigtay, bartiisa X, oo ay ku xirnaayeen ku dhowaad 1.4 milyan oo qof, ayaa noqday mid aan la geli karin.

Ma cadda in isaga laftiisu uu xiray akoonka, arrin uu hore u sameeyay, iyo in shirkadda X ay hakisay akoonkiisa.

Jessica Alupo weli waxay haysaa xilkeeda, mana aysan weli si rasmi ah uga jawaabin hadalladaas.

Horaantii sanadkan, Museveni ayaa loo dhaariyay markii toddobaad oo uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha, taas oo muddo xukunkiisa gaarsiisay toban sano oo kale, isla markaana gelisay tobankiisii sano ee shanaad ee uu dalka hoggaaminayo.

Jeneraal Kainerugaba ayaa muddo loo arkayay qofka suuragalka ah ee beddeli kara aabbihii, waxaana uu muujiyay inuu damacsan yahay inuu u tartamo xilka madaxweynaha doorashada 2031-ka, marka uu dhammaado muddada hadda ee aabbihii.

Waxa uu sidoo kale hoggaamiyaa dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Patriotic League of Uganda, kaas oo abaabulay taageero ku aaddan hoggaamintiisa.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, shirkii dhowaan ay yeesheen hoggaanka sare ee xisbiga NRM, ayaa mas'uul ka tirsan xisbiga waxa uu Museveni u soo jeediyay inuu wiilkiisa ka fariisiyo milatariga, isla markaana u magacaabo xil rayid ah si uu khibrad maamul u helo.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in qaar ka mid ah mas'uuliyiinta xisbiga ay aaminsan yihiin in Jeneraal Salim Saleh, oo ah walaalka ka yar Museveni, uu kaga habboon yahay hoggaaminta rayidka.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto wax muujinaya inuu isagu danaynayo inuu noqdo madaxweynaha dalka.

Mas'uuliyiin kale ayaa la sheegay inay difaaceen Jeneraal Kainerugaba, iyaga oo soo hadal qaaday hoggaamintiisa milatari, ololihiisa ka dhanka ah musuqmaasuqa iyo dadaallada uu ku abaabulayo taageerada siyaasadeed ee bulshada dhexdeeda.

Bareebe, ayaa sheegay in mucaaradka ka dhanka ah qorshaha ah in Jeneraal Kainerugaba uu beddelo aabbihii ay ku sii kordhayaan gudaha xisbiga NRM, iyadoo xubnaha muddada dheer ka tirsanaa xisbiga iyo kuwa da'da yarba ay ka walaacsan yihiin waxa ay u arkaan isku day awoodda lagu doonayo in lagu hantiyo iyadoo la adeegsanayo cabsi-gelin iyo qasab.

Saameynta milatari ee qoyska madaxweynaha ayaa sidoo kale soo jiidatay dareenka dadka, iyadoo ay soo baxayaan suurtagalnimada in la dhiso nidaam awoodda siyaasadeed jiilba jiil loogu kala wareejiyo. Arrintan waxaa sii xoojiyay wiilka Jeneraal Kainerugaba, Ruhamya, oo dhowaan ka qalin-jabiyay kulliyadda milatariga ee Sandhurst ee dalka Britain.

Doodda ku saabsan cidda beddeli doonta Museveni ayaa socota xilli mucaaradka dalka ay wajahayaan cadaadis joogto ah.

Siyaasiga mucaaradka ee muddada dheer, Kizza Besigye, ayaa weli xabsi ugu jira eedeymo la xiriira khiyaano qaran, kuwaas oo uu isagu beeniyay.

Bobi Wine, oo doorashadii madaxtinimada ee sanadkan kaalinta labaad kaga galay Museveni, ayaa u qaxay dalka Mareykanka, ka dib markii Jeneraal Kainerugaba uu u hanjabay.

Dowladda ayaa mar walba difaacday howlgalladeeda amni, iyada oo ku tilmaantay kuwo sharci ah oo lagama maarmaan u ah ilaalinta xasilloonida dalka.

Hadda, Museveni ayaa weli haya talada dalka.

Hase yeeshee, xarigga saraakiisha, hanjabaadaha wiilkiisa iyo wararka kala duwan ee ku saabsan khilaafka ka dhex jira xisbiga talada haya ayaa sii kordhiyay su'aalaha ku saabsan sida ay u dhici doonto xil-wareejinta siyaasadeed ee xigta ee Uganda iyo doorka ay qoyska madaxweynaha ku yeelan doonaan.