Wiil yar oo uu dilay libaax xilli uu samaynayey muuqaal TikTok ah

Wiil libaax cunay
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Wiil 19 sano jir ah ayaa ku dhintay weerar libaax, xilli la sheegay inuu muuqaal TikTok ah ka duubayay beer gaar loo leeyahay oo lagu dhaqo xayawaanka, kuna taalla deegaanka Kahna ee magaalada Lahore, Pakistan.

Booliska ayaa dacwad ka diiwaangeliyay milkiilaha libaaxa iyo ninka muuqaalka duubayay, kuwaas oo labadaba la xiray.

Warbixinta booliiska ee uu gudbiyay Munir Ahmed, oo ah aabaha wiilka dhintay ee Taha, ayaa sheegaysa in dhacdadu ay dhacday abaaro 5-ta galabnimo ee 11-ka November.

Warbixintu waxay sheegaysaa in nin lagu magacaabo Noman Hassan uu yimid beertaas isla markaana uu u yeeray Taha si uu ula sameeyo muuqaal TikTok ah libaaxa halkaas joogay. Taha wuxuu ka shaqayn jiray beertaas.

Warbixinta la gudbiyey waxay ku eedaynaysaa in Noman Hassan uu 'libaaxii ka soo saaray halkii u uku jiray oo uu billaabay inuu sameeyo muuqaal' iyo in intii ay taas socotay 'si kedis ah libaaxii uu u weeraray wiilkayga'.

Sida ku cad qoraalka dacwadda uu Munir Ahmed gudbiyay, wiilkiisa ayaa si daran ugu dhaawacmay weerarka libaaxa. Milkiilaha goobta lagu dhaqo xayawaanka, Fayyaz oo sidoo kale loo yaqaan Faizi, ayaa isaguna goobta yimid markii uu maqlay sawaxanka.

Faahfaahinta ku qoran dacwadda ayaa sheegeysa in Noman Hassan uu Taha, oo dhaawac ah gaariga saaray, kadibna uu geeyay Isbitaalka Central Park, halkaas oo uu "wiilkiisu ugu geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray".

libaaxa wiilka cunay

Munir Ahmed oo ah qofka dacwadda gudbiyay ayaa sheegay in isaga, wiilkiisa kale Hashim iyo walaalkiis Abdul Qayyum ay dhacdada "indhahooda ku arkeen".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dacwadda ayaa ku eedeyneysa Noman Hassan inuu libaaxa halkii uu ku xirnaa ka soo saaray, sii daayay, kadibna uu muuqaal TikTok ah ka duubay, taas oo sababtay in libaaxu weeraro Taha.

Sidoo kale, dacwaddu waxay milkiilaha goobta, Fayyaz oo loo yaqaan Faizi, ku eedeyneysaa dayacaad iyo taxaddar la'aan, maadaama uusan goobta ka sameynin habraacyo amni oo dhammaystiran.

Munir Ahmed, oo ah qofka dacwadda gudbiyay, ayaa codsaday in "tallaabo sharci ah laga qaado eedeysanayaasha, caddaaladdana la ii sameeyo".

Booliska ayaa dacwadda ku diiwaangeliyay qodobbada 289 iyo 322 ee Xeerka Ciqaabta Pakistan. Waxaa sidoo kale lagu daray qodobbada 10-A iyo 12 ee Sharciga Ilaalinta, Dhowrista, Badbaadinta iyo Maareynta Duurjoogta Punjab ee 1974-kii.

Taliye ku-xigeenka booliska ee hawlgallada, Faisal Kamran, ayaa u sheegay wariyaha BBC Urdu, Umair Mahmood, in marka laga soo tago milkiilaha goobta iyo ninka TikTok-ga duubayay, sidoo kale la xiray shaqaale ka tirsanaa goobta, isla markaana goobta la xiray.

Qodobka 289-aad ee Xeerka Ciqaabta Pakistan ayaa ka hadlaya taxaddar la'aanta la xiriirta xayawaanka. Qodobkan ayaa khuseeya xaaladaha uu qofku ku guuldarreysto inuu taxaddar ku filan ka muujiyo xayawaan uu gacanta ku hayo, taas oo khatar gelisa nolosha ama badbaadada dadka kale.

Ciqaabta dambigan ayaa ah xabsi gaaraya lix bilood, ganaax lacageed oo gaaraya 3,000 oo rupees, oo lacagta dalkaas ah ama labadaba.

Qodobka 322-aad, oo ka hadlaya dilka qof si toos ah ama si dadban uga dhashay fal uu qof kale sameeyay, ayaa dhigaya in qofka dambigaasi lagu helo uu mas'uul ka yahay bixinta magta.

Dhanka kale, qodobbada 10-A iyo 12 ee Sharciga Duurjoogta Punjab ee 1974-kii ayaa ka hadlaya xeerarka sharciga ah ee lagu ilaaliyo xayawaanka duurjoogta ah, lahaanshahooda iyo sida loo isticmaali karo.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in dhacdada kaddib la isku dayay in la qariyo xaqiiqooyinka, weerarka libaaxana loo ekaysiiyay weerar eey. Hase yeeshee, baaritaanka ayaa lagu ogaaday in wiilka dhalinyarada ah uu ahaa dhibbanaha weerarka libaaxa.

Sida ay boolisku sheegeen, libaaxii weerarka geystay ayaa laga qabtay goobta lagu dhaqo xayawaanka, waxaana lagu wareejiyay waaxda duurjoogta. Goobtiina waa la xiray.

Afhayeen u hadlay taliye ku-xigeenka booliska ee hawlgallada magaalada Lahore ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadayo dhacdada, isla markaana baaritaan lagu hayo in rukhsadihii looga baahnaa lahaanshaha libaaxa ay jireen, heerka ay gaarsiisnaayeen tallaabooyinka amniga iyo taxaddar la'aan ahi ay dhacday.

Libaaxa

Taliye ku-xigeenka booliska ee hawlgallada, Faisal Kamran, ayaa yiri: "Xiisaha TikTok kama weynaan karo nolosha qofka". Waxa uu intaa ku daray in baaritaan lagu sameyn doono dhammaan dhinacyada dayacaadda, oo ay ku jirto isku daygii lagu qarinayay xaqiiqada dhacdada.

Waxa uu yiri: "Lama aqbali karo in nolosha dadka khatar la geliyo iyadoo marmarsiiyo looga dhigayo hiwaayad ama madadaalo."

Noman Hassan, waxaa akoonkiisa TikTok ku xiran n ka badan 928,000 oo qof oo la socda, wuxuuna soo geliyay muuqaallo dhowr ah oo uu la sameeyay libaaxyo kala duwan.

Waxaa xusid mudan in tani aysan ahayn dhacdadii ugu horreysay ee nooceeda ah.

Dhacdooyin dhowr ah oo sidan oo kale ah ayaa horay uga dhacay magaalada Lahore, halkaas oo dad ay ku dhaawacmeen weerarro ay geysteen libaaxyo meelo lagu hayay oo ku yaalla xaafadaha la deggan yahay.

Bishii Janaayo ee sanadkan, laba carruur ah ayaa ku dhaawacmay weerarro ay geysteen libaaxyo magaalada Lahore.

Dhacdo kale, gabar waddada maraysay ayaa dhaawacantay markii libaax la xanaanaysanayey, oo meel lagu sii waday gaari bajaaj ah, uu baxsaday oo uu weeraray gabadha.

Dhacdooyinkaas kaddib, dowladda gobolka Punjab ayaa go'aansatay inay laasho rukhsadaha lagu haysto libaaxyada.

Uzma Khan, oo ah agaasimaha waaxda ilaalinta deegaanka ee WWF Pakistan, ayaa bishii Janaayo ee sanadkan BBC-da u sheegtay in gobolka Punjab ay ku nool yihiin ku dhowaad 584, duurjooga la xanaanaysto, kuwaas oo "dadku ku haystaan guryahooda ama beerahooda iyagoo u dhaqda sidii xayawaan guri".

Waxay sheegtay in tiradaasi ay ka mid yihiin 358 libaax, 194 shabeel iyo 10 jaguar.

Muuqaallo aan tiro lahayn oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya dad libaaxyo ku haysta qolalka fadhiga ee guryahooda ama silsilado ku xiran gudaha guryaha.

Muuqaallada qaarkood, dad badan ayaa lagu arkayaa iyagoo libaaxyada sawiraya ama ka duubaya muuqaallo TikTok ah.

Uzma Khan, oo ah agaasimaha waaxdaas ee Pakistan, ayaa BBC-da u sheegtay in sannadkii hore dowladda gobolka Punjab ay dejisay siyaasad dadka looga codsaday, ogeysiis dadweyne oo la baahiyay, inay soo sheegaan ama soo bandhigaan libaaxyada ay haystaan.