Carruur Kiro Ah: Waayeelka Shiinaha ee kireysta Ubad ay si KMG ah uga weheshadaan kelinimada

.
    • Author, Stephen McDonell
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

"Dhibaatadii ugu weyneyd shaki la'aan waxay ahayd kalinimada. Mararka qaarkood haddii aan doonayo inaan qof la hadlo, waxaan la hadli jiray telefishinka," ayay tiri.

Yang oo 91 jir ah waxay ku nooshahay duleedka Beijing, caasimadda mashquulka badan ee Shiinaha. Ninkeeda geeridiisa ka dib, kalinimada ayaa ku batay ilaa heer ay ka fikirto in ay iskeed isku disho.

"Waxaan arrintan ka weydiiyay wiilkayga, wuxuuna ii sheegay in arrintaasi ay mamnuuc tahay. Waxaan ku iri haddii maalin uun la sharciyeeyo, waan doonayaa inaan sameeyo, ma doonayo inaan sii noolaado," ayay tiri.

Waxaa haya cudurka glaucoma, araggeeduna maalinba maalinta ka dambeysa ayuu sii xumaanayaa, xitaa ma awooddo inay qabato hawlaha ugu fudud sida hagaajinta qaboojiyaha.

Kiisaska la midka ah kiiska Yang ayaa si aad ah ugu soo badanaya magaalooyinka Shiinaha, taas oo uu sii xumeeyay, sida uu qabo borofisar ku xigeenka Teresa Kuan oo ka tirsan Jaamacadda Shiinaha ee Hong Kong, "qaab dhismeedka bulshada iyo sida ay dadku isula dhaqmaan".

Shiinaha waxaa jira sababo badan oo dadka u horseeda go'doonka. Tusaale ahaan, dadka miyiga ka soo guura ee fursado dhaqaale u raadsada magaalooyinka, iyagoo ka tagaya eheladii iyo taageeradii ay lahaayeen, waxay la kulmaan kalinimo iyo walaac cusub oo ay adag tahay in laga gudbo. Sidoo kale, ardayda qalin jebisa ee shaqo u raadsata gobollada fog fog ee dalka ayaa la kulma xaalad la mid ah.

Balse hadda waxaa soo ifbaxaya wax loogu yeero "warshadda kalinimada", oo ah adeegyo cusub oo isku dayaya inay buuxiyaan bannaanka ka jira nolosha dadka.

Yang waxay sheegtay in nolosheedu ay si weyn isu beddeshay kadib markii ay heshay mid ka mid ah adeegyadan: Wang Yingwei iyo kooxdiisa yar oo cuntada ku keena mooto koronto ah. Markii hore waxay u imaan jireen laba jeer maalintii iyagoo u keenaya cunto kulul, balse caawintoodu intaas aad ayay uga ballaaratay.

"Waxaan isku aragnaa inaan qayb ka nahay bulshada," ayuu Yingwei u sheegay BBC. "Waxaana muhiim ah inaad naftaada geliso booska dadka waayeelka ah oo aad si dhab ah u daneyso baahiyahooda".

Tusaale ahaan, qaarkood waxay cabbaan biyo toos uga yimaada qasabadda, kuwaas oo mararka qaar daruuro leh ama ay ku jirto nuurad badan. Waxaan taas ku xallin karaa anigoo u keenaya haan biyo la sifeeyay, arrin fudud oo farxad weyn u keenta. Mararka qaar kalena ma awoodaan inay qubeystaan maadaama qalabkoodu xumaaday. Aniga ayaa qaybta cusub iibinaya, beddelaya, si ay mar kale si raaxo leh u qubeystaan.

"Dadka waayeelka ah waxay noola dhaqmaan sidii aan nahay carruurtooda, annaguna waxaan ula dhaqannaa sidii waalidkeen," ayuu hadalkiisa ku daray.

Adeegga ay bixiyaan Yingwei iyo kooxdiisu wuxuu ku kacaa wax ka yar kala bar qiimaha lagu qorto qof si gaar ah u daryeela waayeelka.

.

Dadka waayeelka ah ee doonaya inay guriga joogaan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ninkan oo markii hore iibin jiray taleefannada gacanta, ayaa sheegay inuu shirkaddiisa u aas-aasay si uu waayeelka uga caawiyo inay guryahooda ku sii nagaadaan, iyagoon u baahnayn inay u guuraan guryaha lagu xanaaneeyo dadka da'da ah.

Go'aankan waxaa ku dhiirrigeliyay xaaladdii soddoggiis, oo qabay cudurka Alzhaymer, laguna qasbay in la geeyo goob lagu xanaaneeyo waayeelka. Yingwei wuxuu sheegay in xaaladda halkaas ka jirtay ay ahayd mid aad u xun, sidaas darteed wuxuu doonayay inuu hubiyo in dadka kale ay ka fogaadaan goobaha noocan ah inta ugu dheer ee suurtogalka ah.

Shirkaddiisa yar hadda waxay shaqaaleysiisaa afar qof, balse wuxuu sheegay inay jirto fursad weyn oo ay ku ballaaran karto marka baahidu sii kordho.

Ilaa hadda ma jirto xog rasmi ah oo lagu qiyaaso baaxadda dhabta ah ee adeeggan — oo ay hawl-wadeennadu sheegayaan inuu si xawli ah u koray sannadihii u dambeeyay —, balse shirkadda qiimeynta saamiyada ee Sinolink ayaa ku qiyaastay ku dhawaad 7.4 bilyan oo doolarka Mareykanka ah sannadkii 2025, waxaana la filayaa in tiradaasi ay sii kordho marka loo eego isbeddelka nolosha casriga ah.

Zheng Ruizhi oo ah macaamiil kale oo Yingwei ah, una dhalatay duleedka waqooyi ee Beijing, ayaa albaabka noogu soo dhaweysay iyadoo dhoola-cadeyn weyn wajigeeda ka muuqato.

"Ka dib markii aan hawlgab noqday, fursado badan uma helin inaan dadka la dhexgalo," ayay u sheegtay BBC haweeneydan 75 jirka ah, oo wiilkeedu ku nool yahay laba saacood oo u jirta meesha ay deggan tahay.

Waxay ka soo kabanaysay dhaawac dhawaan soo gaaray, kaas oo ay sheegtay in uu ku adkeeyay howl-maalmeedkeedii.

SAWIR – Zheng Ruizhi, oo 75 jir ah, iyadoo la wadaagaysa waqti deggan Wang Yingwei intii uu booqasho ugu yimid gurigeeda.

Balse imaatinka Yingwei, oo ay ugu yeerto "ilmahayga qaaliga ah", ayaa farxad weyn geliyay qalbigeeda.

"Waxaan kuugu yeeraa 'gacaliye' sababtoo ah aad ayaan kuu jecelahay. Runtii qalbiga ayaan kaa jecelahay. Waan ku majeertaa waanan ku kalsoonahay. Markaad i caawiso, wax walwal ah iyo cabsi ah midna ma qabo," ayay tiri.

Si kastaba ha ahaatee, adeegyada ay bixiyaan shirkadaha ku jira qaybtan kuma koobna booqashooyinka guriga oo keliya.

Liu Yanyan oo 23 jir ah, tusaale ahaan, waxay u shaqeysaa sidii "wehel caafimaad". Shaqadeedu waa inay bukaannada u kaxeyso dhakhtarka, ama ay u soo qaaddo natiijooyinka baaritaannada iyo daawooyinkooda isbitaallada waaweyn ee magaalada, kuwaas oo mararka qaar noqon kara kuwo cabsi geliya dadka sababtoo ah baaxaddooda weyn iyo habraacyadooda adag.

"Qaar ka mid ah macaamiishaydu waa dhalinyaro labaatan jir ah oo u yimid Beijing si ay mustaqbal u dhistaan. Waxaa laga yaabaa inaysan halkan saaxiibo ku lahayn, ama ay ka xishoodaan inay asxaabtood weydiistaan inay u raacaan isbitaalka sababtoo ah dhaqanka Shiinaha waxaa ku weyn fikradda is-dhaafsiga iyo abaal-gudka," ayay sharaxday. "Haddii qof lacag la'aan kuu raaco ballantaada caafimaad, waxaad dareemaysaa inaad ku qasban tahay inaad abaalkiisa ugu celiso casuumaad cunto ama tigidh filim ah."

Waxay sheegtay in sababtaas darteed, dad badan oo ku nool bulshada casriga ah ee Shiinaha ay doorbidaan inay kaligood isku koobaan.

"Sidaas darteed, waxay soo qortaan qof aniga oo kale ah inuu isbitaalka la socdo. Haddii ay keligood tagaan, waxay dareemi karaan cabsi iyo walaac," ayay tiri.

.

Xuddunta ganacsiyo badan oo la dagaallanka kalinimada ka shaqeeya ee Shiinaha waxaa ku jira fikrad fudud: xiriirka aadanaha.

Teresa Kuan waxay sheegtay in dadka qaar ay doorbidaan inay lacag ku bixiyaan si ay ula hadlaan qof gebi ahaanba shisheeye ah.

Haddii uu yahay wehel lacag lagu bixiyay, xiriirku si buuxda uma sinna.

Waa xiriir adeeg, sidaas darteed laguma qasbana inaad la tacaasho waxyaabaha aan la saadaalin karin ee xiriirka caadiga ah. Dhibaatada saaxiibtinimada ayaa ah inay noqon karto mid aan la saadaalin karin - marna ma garanaysid goorta uu qof ku niyad jabin karo. Taas beddelkeeda, xiriirka adeegga ah, waxaad si cad u garanaysaa waxa laga filayo.

"Taageero shucuureed"

.

Wang Zhoutao wuxuu maamulaa ganacsi socod lug ah oo loogu talagalay inuu caawiyo dadka doonaya inay fuulaan buurta caanka ah ee Huangshan, ee ku taalla gobolka Anhui ee Shiinaha.

"Waxaan siinaa taageero shucuureed, sida inaan dhiirrigelinno, sawirro ka qaadno ama kaftan u sheegno. Dhab ahaantii waa adeeg ku saleysan wehelinta," ayuu yiri.

Askarigii hore wuxuu intaas ku daray in bishiiba uu buurta la fuulo macaamiil u dhaxeysa 10 ilaa 15 maalmood. Marka jadwalkiisu buuxsamo, wuxuu gaari karaa ilaa 30 jeer bishii.

Tusaale ahaan wuxuu sheegay gabar yar oo uu mar la socday oo shaqada ku dareentay caddaalad-darro. "Waxay isku aragtay qof aan qiimo lahayn, waxayna dooneysay inay nafteeda tusto inay wax qaban karto," ayuu yiri.

Waxaan bilownay fuuliddii, balse socodku aad ayuu u dhib badnaa, waayo cimiladu aad ayay u kululeyd, dhidid badan ayaana naga da'ayay. Waxaa jiray xilliyo ay dooneysay inay quusato, balse waxaan ku iri: "Haddii aad hadda is-dhiibto oo aadan buurtan fuuli karin, sidee baad ula tacaali doontaa caqabadaha kale ee nolosha?" Sidaas ayaan si joogto ah ugu dhiirrigelinayay.

Markii ay ugu dambeyn gaartay meeshii ugu sarreysay, waxay ii soo dirtay farriin dheer oo mahadcelin ah, iyadoo kaga sheekeyneysa safarkeedii gudaha ahaa iyo sida ay iiga mahadcelineyso.

"Xawaaraha noloshu aad ayuu u dheereeyaa maalmahan. Dadku waxay la daalaa dhacayaan cadaadiska shaqada, xiriirka iyo filashooyinka qoyska," ayuu yiri. "Waxaan aaminsanahay in macaamiisheyda intooda badan ay yihiin dad dareemaya kalinimo xagga xiriirka ah ama soo maray caqabado nololeed."

Xiriirka bini'aadamku waa baahi aasaasi ah, balse bulshada la dagaallameysa kalinimada, hadda xiriirkaasi wuxuu u beddelay badeecad la iibsado.

Markii ay ku soo laabatay aqalkeeda yar ee Beijing, Yang waxay dareentay degganaansho badan ka dib markii Yingwei uu u xaliyay dhibaatadii qaboojiyaha si uu si sax ah mar kale u shaqeeyo.

"Waa wax fiican inaad haysato qof kuu dhow marka aad u baahato, qof aad la wadaagi karto fikradahaaga ugu gaarka ah," ayay tiri.

"Waxaan la kulmay dhibaatooyin kalinimo, balse waan ka soo gudbay. Aad ayaan u faraxsanahay."

"Ma lumin karo Yingwei iyo kuwa kale. Dhammaantood waa dad qalbi wanaagsan leh."