Guusha Dimuqraadiyiinta oo dhalisay su'aalo badan oo ku saabsan mustaqbalka Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xubnaha Dimuqraadiyiinta ee ku jira Koongareeska Mareykanka ayaa durba qorsheynaya sida ay u adeegsan doonaan awoodda aqlabiyadda ay ku haystaan Golaha Wakiillada iyo Senetka.
Guushooda Golaha Wakiillada waxay siinaysaa awood ay ku soo saari karaan amar rasmi ah oo loogu yeerayo shaqsiyaad iyo hay'ado inay ku marag kacaan, iyo inay helaan dhaqaale dheeri ah oo lagu furayo baaritaanno ku saabsan maamulka Madaxweyne Donald Trump.
Sida ay sheegayaan dadka xogta ka haya wadahadalladaas, waxaa durba billowday shaqo lagu diyaarinayo liiska arrimaha la baari karo iyo magacyada dadka marag-furi kara.
Kuwaan waa qaar ka mid ah arrimaha ay hoggaamiyeyaasha Dimuqraadiyiintu mudnaanta siinayaan, kadib markii ay ku guuleysteen aqlabiyadda kuraasta Koongareeska.
Qoyska Trump iyo dhaqaalaha howlahooda ganacsi
Hoggaamiyeyaasha Dimuqraadiyiinta waxay si cad u sheegeen in qandaraasyada faa'iidada badan leh ee ku xiran ganacsiga qoyska Trump ay noqon doonaan kuwa ugu horreeya ee baaritaannada lagu beegsanayo.
"Waxa aan doonayno in aan hubinno waa in lacagta canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka loo adeegsado si sax ah, lagana ilaaliyo in la lunsado ama musuqmaasuq loogu weeciyo jeebab gaar ah," ayuu yiri Suhas Subramaniam oo ah xildhibaan Dimuqraadi ah oo Virginia ka soo gala, kana tirsan Guddiga Kormeerka Golaha Wakiillada, xilli uu BBC la hadlayay.
Waxyaabaha la qorsheynayo in la baaro waxaa ka mid ah xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo shirkadaha ganacsiga, gaar ahaan kuwa ku lug leh lacagaha dhijitaalka ah.
Sidoo kale, waxaa baaritaan lagu sameyn karaa ganacsiyada caalamiga ah ee uu wado Jared Kushner oo ah wiilka uu Trump sodogga u yahay.
Arrimo kale oo la soo bandhigi karo waxaa ka mid ah diyaarad qiimaheedu dhan yahay 400 milyan oo doollar oo ay Qatar ugu deeqday in loo adeegsado sidii diyaaradda rasmiga ah ee Madaxweynaha Mareykanka, iyo qandaraasyo dhinaca difaaca ah oo malaayiin doollar ah oo la siiyay shirkado xiriir la leh qoyska Trump.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa marar badan beeniyay eedeymo kasta oo ku saabsan jabinta sharciga.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in maamulka Trump uu "mar walba diyaar u yahay" inuu ka jawaabo codsiyada baaritaanka iyo kormeerka ee ka yimaada Koongareeska, iyadoon loo eegin xisbiga haya aqlabiyadda.
Hegseth iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon)

Xigashada Sawirka, Getty
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xildhibaannada Dimuqraadiyiinta waxay ballan-qaadeen inay baari doonaan sida Wasiirka Difaaca Pete Hegseth uu u maareeyay dagaalka ka dhanka ah Iran ee billowday bishii Febraayo.
Baaritaankaas waxaa lagu eegi doonaa tirada dadka rayidka lagu dilay, gabaabsiga hubka iyo rasaasta, kharashka dagaalka, iyo eedeymo sheegaya in ciidamada iyo saldhigyada milatarigu aysan u diyaarsanayn sidii loo baahnaa.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah oo fahamsan wadahadalladaas, arrimo kale oo la baari karo waxaa ka mid ah weerarrada lagu qaaday doonyaha maraya aagga Kaaribiyaanka, oo ay dowladdau sheegtay inay qeyb ka yihiin ka hortagga mukhaadaraadka dalka lagu soo gelinayo.
Bishii Abriil, koox xildhibaanno Dimuqraadi ah oo Golaha Wakiillada ka tirsan ayaa qaaday tallaabo aan caadi ahayn, iyagoo bilaabay baaritaan loogu doonayo in Hegseth xilka looga qaado, iyagoo ku eedeeyay xad-gudubyo waaweyn oo sharci ah iyo ku takri-fal awoodda xilkiisa ee la xiriira dagaallada Iran.
Habraaca xil-ka-qaadista Madaxweynaha ama sarkaal dowladeed wuxuu u baahan yahay taageerada codadka aqlabiyadda Golaha Wakiillada.
Hase yeeshee, si sarkaalkaas dambi loogu helo oo xilka looga tuuro, waxaa loo baahan yahay taageerada laba-meelood saddex meel ee xubnaha Senetka.
Waligeed xubin ka tirsan Golaha Wasiirrada Mareykanka xilka loogama qaadin habraacaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hawlgallada Hay'adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE)
Hoggaamiyeyaasha sare ee Dimuqraadiyiinta, oo uu ku jiro Robert Garcia oo ka soo jeeda California, kaas oo noqon doona guddoomiyaha Guddiga Kormeerka Golaha Wakiillada, waxay sheegeen in fulinta shuruucda socdaalku ay tahay mid ka mid ah mudnaantooda ugu sarreeya ee baaritaannada uu Koongareesku sameyn karo.
Baaritaankaas wuxuu diiradda saari karaa eedeymaha ku saabsan jebinta sharciga iyo anshax-xumada ay geysteen saraakiisha Hay'adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (ICE) xilliyada hawlgallada lagu qabqabanayo laguna xiraayo muhaajiriinta meelo kala duwan oo dalka ka mid ah.
Hase yeeshee, baaritaanka noocaas ahi wuxuu noqon karaa mid adag oo dhalin kara dood siyaasadeed oo kulul.
Trump wuxuu u galay ololaha doorashada 2024 isagoo ballan-qaadaya inuu dalka ka saari doono muhaajiriinta aan haysan sharciyada saxda ah ee deganaanshaha Mareykanka. Fariintaas waxaa taageeray badi taageerayaashiisa.
Laakiin ra'yi-uruurin dhowaan la sameeyay ayaa muujinaysa in inta badan Mareykanka, oo ay ku jiraan qaar ka mid ah kuwii u codeeyay Trump doorashadaas, aysan ku qanacsanayn qaar ka mid ah hababka ay saraakiisha ICE u adeegsanayeen magaalooyinka kala duwan tan iyo bilowgii sanadkan.
Isku-dayga xil-ka-qaadista Trump
Dimuqraadiyiintu way isku khilaafsan yihiin suurtagalnimada in markii saddexaad la bilaabo habraaca xil-ka-qaadista Trump.
Qaar ka mid ah, oo ay ku jirto Alexandria Ocasio-Cortez, ayaa taageeray tallaabadaas, iyagoo soo xiganaya dagaalka ka dhanka ah Iran oo ay aaminsan yihiin inaan si sharci ah loo oggolaan, iyo tallaabooyin kale oo ay sheegayaan in loo adeegsan karo xil-ka-qaadistiisa.
Trump ayaa marar badan beeniyay dhammaan eedeymaha ah inuu khaladaad galay.
Sidoo kale lama oga in Dimuqraadiyiintu awood u yeelan doonaan inay ku heshiiyaan sabab gaar ah oo lagu bilaabo habraacaas.
"Wax kasta oo aan rabo waan sameyn karaa," ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta ku sugan Xafiiska Madaxweynaha gudaha Aqalka Cad bishii Oktoobar.
Wuxuu kaloo ku tilmaamay isku-dayadii xil-ka-qaadista ee xilligii muddo-xileedkiisii koowaad iyo kiisaska dambiyada ee uu wajahay kadib inay ahaayeen "falal si buuxda sharciga uga hor imaanaya."
Si kastaba ha ahaatee, Suhas Subramaniam wuxuu aaminsan yahay in dadaalladaasi ay xambaarsan yihiin fariin ka muhiimsan mustaqbalka dalka.
"Haddii aan ku guuldareysano in aan tallaabo qaadno, annagoo ka baqeyna sida ay shacabku nooga jawaabi doonaan, ama annagoo u maleynayna in aanan guuleysan doonin, ama annagoo ka niyad jabsan in dhinaca kale uu caqabad nagu yahay, taasi waxay noqon doontaa qalad weyn," ayuu yiri.


























