Siyaasigii waday aqoonsiga Somaliland oo waayey kursigiisii Kongareska. Sidee doorashadan u saameysay siyaasiyiinta kale ee taageera ictiraafka Somaliland?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ayadoo xisbiga dimoqaraadiga ee Maraykanku uu ku guulaystay aqlabiyadda labada aqal ee uu ka kooban yahay Koongareeska, ayey arrintaasi siyaabo kala duwan u saameysay saaxibada siyaasadeed ee Somaliland ay ku leedahay aqalka iyo guud ahaan siyaasadda Maraykanka.
Shaqsiga ugu weyn ee meesha ka baxay oo kursigiisii looga adkaaday waa Scott Perry, ninkii miiska soo saaray 12 Juun 2025, xeerka qabyo qoraalka ah ee la yiraahdo 'xeerka madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland – H.R. 3992' si loo meel mariyo. Ilaa hadda Koongareesku ma uusan ansixin xeerkaas qabyo qoraalka ah.
Perry waa mudane ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga oo laga soo doortay gobolka Pennsylvania, waxaana ka guulaysatay Janelle Stelson oo ka tirsan xisbiga Dimoqaraadiga.
Hadal qoraal ah oo uu soo saaray markii laga guulaystay ka dib ayuu ku yiri Scott Perry "Anigoo u adeegayey dadka bartamaha-koofureed, Pennsylvania waxay ka mid ahayd sharafta ugu weyn noloshayda. Waxaan si aan kala go 'lahayn uga shaqeynay sidii aan isbeddel u sameyn lahayn, aan u keeni lahayn natiijooyin macno leh, aan u horumarin lahayn nolosha, hab-nololeedka, iyo mustaqbalka, aan u ilaalin lahayn aasaaska Mareykanka, iyo inaan difaacno xorriyadda uu Ilaahay ina siiyay. Doorashadani kordhinaysaa baahida loo qabo in la dagaallamo si loo ilaaliyo loona difaaco Qarankeenna iyo hab-nololeedka Mareykanka. Waxaan koongareska ku matalay qiyamkeenna Mareykanka intii karaankeyga ah mana qabo wax qoomamo ah. In kasta oo natiijooyinka xalay aysan ahayn wixii aan rajeynaynay, haddana waxaan ixtiraamayaa go'aanka Cod bixiyeyaasha ee Degmada 10-aad, iyo wareejinta nabdoon ee awoodda oo ah tan ugu muhiimsan Jamhuuriyaddeenna".
Janelle Stelson waxay ku guuleysatay 55% codadkii la tiriyey, halka uu Scott Perry helay 45%.
Inkastoo uu Perry ahaa qofki xeerkaas qabyo-qoraalka ah soo gudbiyey, haddana waxaa jiray saaxiibbo siyaasadeed oo aqalka ay ku wada jireen oo la waday ololaha aqoonsiga Somaliland.
Tom Tiffany

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa kale oo kursigiisii waayey Tom Tiffany oo ka mid ahaa mudanayaasha taageera gooni isu taagga Somailand.
Waxaa ka guulaystay David Crowley oo ku tartamayey tikidka xisbiga Dimoqaraadiga, lagana soo doorto gobolka Wisconsin, kaasoo helay 54.1%, halka Tiffany uu helay 45.9%.
Wuxuu gobolkiisa ku matalayey koongareeska muddo 6 sano ah oo ka soo bilaatay bishii Maajo 2020.
John Rose

Xigashada Sawirka, AP
Siyaasiyiinta tartanka ku jiray ee taageersan gooni isu taagga Somaliland waxaa ka mid ah John Rose oo ah weli waa xubin Jamhuuri ah oo ka tirsan aqalka Koongareeska, wuxuuna mar kale ku guulaystay kursigiisa isagoo ka soo galay gobolkiisa Tennessee.
Hase yeeshee mudanahan wuxuu ku guuldarraystay tartanka kursiga barasaabka Tennessee oo ay markii ugu horreysay ku guulaysatay gabar ay ku wada jiraan xisbiga Jamhuuriga – Marsha Balckburn.
Rose wuxuu sannadkan u gudbiyey guddiga maaliyadda ee Koongareska xeer qabyo qoraal ah oo la yiraahdo 'Sharciga helitaanka dhaqaalaha iyo fursadaha ee Somaliland – H.R. 7993' kaasoo aan weli la meel marin.
Pat Harrigan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Pat Harrigan oo laga soo doorto degmada 10aad ee North Carolina wuxuu ka mid yahay siyaasiyiintii taageeraysay hindisaha aqoonsiga Somaliland.
Loollan adag ayuu kala kulmay Ashley Bell oo ah gabar xisbiga Dimoqaraadiga ka tirsan.
00:10 saacadihii hore ee Khamiista xilliga Afrikada Bari wuxuu Harrigan ku hogaaminayey 49.72% halka Ashley Bell ay maraysay 48.69%.
Senetorka Jamhuuriga eee aadka u taageerayey Somaliland, Ted Cruz, ayaan tartanka ku jirin doorashadan. Sababtu waxay tahay inuusan isu soo taagi karin muddo xileed kale maadaama laba goor ka badan aan loo ogolayn inuu xafiiska qabto.
Andy Ogles

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Andy Ogles oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, aadna u taageerayey qaddiyadda Somaliland ayaa ku guuldareystay inuu ka soo gudbo doorashada isreebreebka Tennessee ee xisbiga dhexdiisa bishii Agoosto, ah, wuxuuna noqday musharraxii labaad oo uu taageeray Trump oo laga adkaado.
Hore waxaa loogu sameeyey baaritaan, ka dib markii lagu eedeeyey xadgudubyo ku saabsan maalgelinta ololaha laakiin laguma soo oogin dambi. Wuxuu beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.
Andy Ogles waxaa kale oo uu kiciyay dhaleeceyn ka dhan ah hadallada ka dhanka ah Muslimiinta, oo ay ku jiraan qoraallo uu soo dhigay barta X oo uu ku sheegay "Muslimiintu kama tirsana bulshada Mareykanka" iyo "Mareykanka iyo Islaamku islama jaanqaadi karaan".
Kursiga senetka ee Ted Cruz uu banaynayo waxaa iminka ku guulaystay James Talarico oo ka tirsan xisbiga dimoqaraadiga, wuxuuna ka guulaystay Ken Paxton oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga. Talarico ayaa helay codad ka badan 55%.
Xildhibaannada doorashooyinkan ku guulaystay inay kuraastooda xajistaan ee taageera gooni isu taagga Somaliland waxaa ka mid ah John Moolenaar oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto gobolka Michigan, iyo Chris Smith oo laga soo doorto New Jersey.
























