Maxaan ka ognahay toogashada ka dhacday magaalada Washington ee Mareykanka?

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhakhtar ay muddo sida la sheegay ay dhibeysay caaryada iyo arrimo kale oo ka jiray gurigiisa dabaqa ah ee Washington DC, ayaa toogasho ku dilay maamulihii dhismaha uu degganaa, afar qof oo kalena rasaas ayuu ku furay, ka hor inta uusan isagu is dilin, sida ay sheegeen booliska.
Maamulaha dhismaha, James Stuart oo 46 jir ahaa, ayaa goobta lagu xaqiijiyay dhimashadiisa, halka afarta qof ee kale loola cararay isbitaallada deegaanka si loogu daweeyo dhaawacyada.
Toogashadu waxay bilaabatay subaxnimadii Khamiista, xilliga maxalliga ah, gudaha goob jimicsi oo ku taalla dhisme dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Logan Circle, taas oo qiyaastii hal mayl (1.6 km) waqooyi kaga beegan Aqalka Cad.
Booliska ayaa sheegay in ninka looga shakisan yahay falka, oo lagu magacaabo Matt Wade Lambert, 55 jirna ahaa, uu markii dambe isku xiray gudaha guri dabaq ah, ka hor inta uusan u dhiman dhaawac ka dhashay xabbad uu isagu isku dhuftay.
Intii ninka looga shakisan yahay uu isku xiray gudaha guriga dabaqa ah, ayuu ugu yaraan laba jeer rasaas ka soo dhex tuuray albaabka, isaga oo ku beegsanayay saraakiisha booliska, sida uu shir jaraa'id ka sheegay Jefferey Carroll, ku-simaha taliyaha Waaxda Booliska Magaalada Washington DC.
Carroll ayaa sheegay in saraakiisha wada-xaajoodka kula jiray ninka ay telefoonka kula hadlayeen, balse ay maqleen dhawaqa rasaas, kaddibna uu joojiyay wada-xiriirkii uu la lahaa.
Saraakiisha booliska ayaa xoog ku galay guriga, halkaas oo ay ku arkeen ninka oo qaba dhaawac u muuqday mid ka dhashay xabbad uu isagu isku dhuftay, ayuu yiri Carroll.
Mas'uuliyiintu waxay weli ku hawlan yihiin sidii ay u ogaan lahaayeen waqtiga saxda ah ee dhacdooyinku dhaceen, ujeedka ninka laga shakisan yahay uu falka u geystay iyo faahfaahinta kale ee dhacdada.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Afhayeen u hadlay booliska Washington DC ayaa BBC-da u sheegay in ninkii looga shakisan yahay toogashada uu dhintay.
Booliska weli ma aysan xaqiijin sababta dhimashadiisa. Shir jaraa'id oo la qabtay, ayay saraakiisha ku sheegeen in ay u muuqato in ninka looga shakisan yahay uu isagu is toogtay.
Ku-simaha taliyaha booliska Washington DC, Jeffrey W. Carroll, ayaa shir jaraa'id ka sheegay in boolisku ay goobta soo gaareen 30 ilbiriqsi gudahood.
Wuxuu sheegay in booliska la soo gaarsiiyay war ku saabsan toogashada wax yar ka hor 8-dii subaxnimo, xilliga maxalliga ah.
Afarta qof ee kale ayaa isbitaalka loo qaaday iyagoo qaba dhaawacyo ka dhashay rasaasta, waxaana mid ka mid ah xaaladdiisu ay tahay mid halis ah.
Toogashadu waxay ka dhacday agagaarka isgoyska waddooyinka 15th iyo P, xaafadda Logan Circle ee bartamaha magaalada Washington DC, meel wax ka yar hal mayl u jirta Aqalka Cad.
Booliska ayaa xiray waddooyinka ku hareeraysan goobta ay toogashadu ka dhacday, waxayna shacabka ka codsadeen inaysan halkaas tegin.
Yaa looga shakisan yahay toogashada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliska ayaa sheegay in ninka looga shakisan yahay toogashada uu ahaa nin caddaan ah, kaas oo ay ciidamada boolisku hareereeyeen kaddib markii uu isku xiray gudaha dhisme.
Sida ay baahisay CBS, oo ah telefishin ay BBC-da Maraykanka wada shaqeeyaan, ayaa mar kale rasaas laga maqlay gudaha dhismaha ka hor intii aysan boolisku la hadlin suxufiyiinta.
Toogashadu waxay ka dhacday gudaha iyo bannaanka goob jimicsi oo ku taalla xaafadda Logan Circle.
Goobjooge ayaa markii hore u maleynayay in dhawaaqa uu maqlay uu ahaa kubbad jimicsi oo qaraxday, balse markii dambe ayuu ogaaday in qof la toogtay.
Soo-saare ka tirsan BBC-da oo lagu magacaabo Jonathan Sappho, kaas oo deggan meel u dhow goobta dhacdadu ka dhacday, ayaa sheegay inuu maqlay rasaas aad ugu dhowaa.
Wuxuu sheegay inuu arkay qiiq iyo biligley rasaas, taas oo sababtay in dadku ay goobta ka cararaan.
Tiro badan oo gaadiidka booliska iyo kuwa gurmadka degdegga ah ayaa la geeyay goobta ay dhacdadu ka dhacday

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Gaadiid badan oo ay leeyihiin booliska iyo hay'adaha gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta kaddib markii la soo sheegay toogasho ka dhacday xaafadda Logan Circle ee magaalada Washington DC.
Tobannaan gaari oo gurmad degdeg ah ayaa lagu arkay goobta, iyaga oo nalalkoodu biligleynayaan. Waxaa sidoo kale la arkay diyaarad qumaatiga u kacda (Helicopter) oo dul heehaabaysa aagga.
























