Fa'az: Muxuu yahay gantaalka casriga ah ee lagu sameeyay gudaha Pakistan ee ay Militariga soo bandhigeen?

Xigashada Sawirka, ISPR
Dagaalka cirka ee casriga ah, awoodda diyaaradaha dagaalka laguma qiimeeyo oo keliya waxqabadka raadaarkooda, xawaarahooda ama awooddooda duulimaad, balse waxaa sidoo kale muhiim ah inta uu le'eg yahay masaafada ay ka ogaan karaan diyaaradaha cadowga iyo nooca hubka ay u adeegsan karaan inay ku bartilmaameedsadaan.
Pakistan ayaa dhowaan ku guuleysatay tijaabada Gantaal kuwa lidka diyaaradaha oo lagu magacaabo Fa'az, kaas oo milatariga dalkaasi ku tilmaamay gantaalkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee gudaha Pakistan lagu sameeyo.
Sida ay sheegtay waaxda xiriirka dadweynaha ee milatariga Pakistan (ISPR), gantaalkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee gudaha dalka lagu farsameeyo.
Waxa uu ku qalabaysan yahay nidaam casri ah oo lagu hago marxaladda ugu dambaysa ee duulimaadka, wuxuuna awood u leeyahay inuu masaafo dheer ku haleelo bartilmaameedyada hawada.
Militariga Pakistan ayaa sheegay in soo saarista gantaalkani ay muujinayso khibradda farsamo, hal-abuurka iyo isku-filnaanshaha warshadaha difaaca Pakistan.
Inkasta oo aan weli la shaacin faahfaahin badan oo ku saabsan farsamada iyo awoodaha hawlgal ee gantaalkan, haddana horumarintiisa waxaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo Pakistan u qaadayso sidii ay gudaha dalka ugu soo saari lahayd hub casri ah iyo teknoolajiyadda la xiriirta diyaaradaha dagaalka.
Haddaba, waa maxay awoodaha farsamo ee gantaalka Fa'az? Ma siin karaa ciidamada cirka Pakistan awood cusub marka loo eego hubka ay hadda haystaan? Muhiimad intee le'eg ayuu ku yeelan karaa tartanka awoodda dagaalka cirka ee Pakistan iyo India? Iyo intee ayuu horumarintiisu muhiim ugu yahay dadaalka Pakistan ee ku aaddan isku-filnaanshaha dhinaca warshadaha difaaca?
Waa maxay awoodaha farsamo ee gantaalka Fa'az?

Xigashada Sawirka, ISPR
Sida uu sheegay Bilal Khan, oo ah aasaasaha iyo falanqeeye ka tirsan madal ka faalloota arrimaha difaaca ee Quwa, xarunteeduna tahay magaalada Toronto, gantaalka Fa'az waa nooc ka tirsan gantaallada riddada dheer ee hawada lagaga hago (BVR).
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taas macnaheedu waa inuu awood u leeyahay inuu haleelo bartilmaameed cirka ku jira oo ka baxsan aragtida tooska ah ee duuliyaha.
Isaga oo la hadlay BBC News Urdu, ayuu sheegay: "Waxaa jira laba nooc oo aasaasi ah: mid ku shaqeeya dareemaha sawirka infrared-ka (IIR), iyo mid kale oo adeegsada nidaamka raadaarka firfircoon ee bartilmaameedka raaca (ARH).
Xarunta Hubka Cirka ee Pakistan (AWC) ayaa sheegtay in gantaalku leeyahay masaafo dhan ku dhowaad 100 kiiloomitir, balse ma cadda in masaafadani ay isku mid u tahay dhammaan noocyada gantaalka."
Sida uu sheegay Bilal Khan, tijaabadii 3-dii Nofeembar waxaa la adeegsaday nooca Fa'az ee ku shaqeeya dareemaha sawirka infrared-ka.
Nidaamkan, gantaalku si fudud uma aqoonsado kulaylka bartilmaameedku sii daayo oo keliya, balse wuxuu ka sameeyaa sawir kulaylkiisa muujinaya.
Sida uu sheegay, arrintani waxay yaraynaysaa suurtagalnimada in gantaalka lagu khaldo xeeladaha kulaylka lagu leexiyo, sida ololka dabinka ah ee diyaaradaha dagaalku adeegsadaan, marka loo eego gantaallada caadiga ah ee infrared-ka ku shaqeeya.
Bilal Khan ayaa sheegay in Xarunta Hubka Cirka ee Pakistan ay ku qiyaastay in dareemahan infrared-ku uu bartilmaameedka aqoonsan karo marka uu u jiro masaafo dhan 40 ilaa 45 kiiloomitir.
Marka gantaalka la rido, raadaarka diyaaradda dagaalka ee ridday ayaa marka hore hagaya, si uu ugu dhowaado bartilmaameedka. Marka uu gantaalku bartilmaameedka u soo dhowaado masaafo dhan ku dhowaad 40 kiiloomitir, waxaa shaqaynaya dareemihiisa infrared-ka, kaas oo la wareegaya aqoonsiga iyo beegsiga bartilmaameedka.
Nooc kale oo ka mid ah gantaalka Fa'az ayaa adeegsan kara dareeme raadaar firfircoon oo bartilmaameedka raaca (ARH).
Bilal Khan ayaa sharxaya in tani asal ahaan tahay raadaar yar oo lagu rakibay gudaha gantaalka. Noocan sidoo kale waxaa marka hore haga raadaarka diyaaradda dagaalka, balse marka uu bartilmaameedka u jiro masaafo dhan 20 ilaa 25 kiiloomitir, ayaa dareemihiisa raadaarku shaqaynayaa si uu u helo una haleelo bartilmaameedka.
Dhanka kale, Hammad Walid, oo ah cilmi-baare ku takhasusay hubka kana tirsan Machadka Strategic Vision Institute, ayaa qaba in Fa'az loo arko qoys ka kooban dhowr nooc oo gantaallo ah, halkii uu ka ahaan lahaa hal gantaal oo keliya.
Noocyadan kala duwan ayaa loo samaynayaa bartilmaameedyo iyo baahiyo dagaal oo kala duwan.
Isaga oo la hadlay BBC News Urdu, Hammad wuxuu sheegay in shirkadda Global Industrial and Defense Solutions (GIDS) ay hore u soo bandhigtay noocyo ku shaqeeya raadaar iyo dareemaha infrared-ka, kuwaas oo la sheegay inay leeyihiin masaafo u dhexaysa 70 ilaa 100 kiiloomitir.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay in nooca la filayo ee wajiga labaad (Phase-II) uu gaari karo masaafo dhan 180 kiiloomitir ama ka badan.
Muhiimadda gantaalka Fa'az u leeyahay Ciidanka Cirka Pakistan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Si loo qiimeeyo muhiimadda gantaalka Fa'az, waxaa muhiim ah in marka hore la eego diyaaradaha dagaalka iyo gantaallada hawada lagaga hago ee ay hadda isticmaalaan Ciidanka Cirka Pakistan, iyo isbeddellada la filayo in lagu sameeyo diyaaradaha dagaalka ee ciidankaas mustaqbalka.
Diyaaradaha F-16 ee Ciidanka Cirka Pakistan waxay sitaan gantaallada Maraykanka ee AIM-120, halka diyaaradaha JF-17 iyo J-10 ay adeegsadaan gantaallada taxanaha PL ee Shiinaha.
Hammad Waleed ayaa sheegay in gantaalka PL-15E uu ka mid yahay gantaallada riddada dheer ee ugu casrisan ee ku jira hubka Pakistan. Intaa waxaa dheer, diyaarado kala duwan oo ciidankaas ka tirsan ayaa sidoo kale sita gantaallada riddada gaaban ee AIM-9 Sidewinder.
Sida uu Bilal Khan sheegay, horumarinta gantaalka Fa'az waxay kordhin kartaa dabacsanaanta hawlgal ee Ciidanka Cirka Pakistan, maadaama ay ciidanku awood dheeraad ah u yeelanayaan doorashada iyo ku rakibidda hubka ay isticmaalaan diyaaradaha dagaalka.
Wuxuu sheegay in Pakistan ay waddo barnaamij lagu casriyeynayo diyaaradaha JF-17, kaas oo ay qayb ka tahay samaynta raadaar cusub oo hoos yimaada Xarunta Qaranka ee Sayniska iyo Teknolojiyadda Hawada (NASTP). Sida uu sheegay, si looga faa'iidaysto raadaarka casriga ah, waxaa sidoo kale loo baahan yahay gantaallo la jaanqaadi kara.
Bilal Khan ayaa sheegay in raadaarka Grifo-E ee ay sameeyaan shirkado Talyaani iyo British ah, kaas oo adeegsada teknoolojiyadda gallium nitride (GaN), hore loogu tixgeliyey in lagu rakibo diyaaradaha JF-17 Block 3.
Hase yeeshee, ayuu sheegay, maadaama Pakistan aysan si buuxda u heli karin xogta asalka ah ee barnaamijka iyo macluumaadka kale ee farsamo ee loo baahan yahay si gantaallada Shiinaha loogu waafajiyo raadaarka, waxay adeegsatay raadaarka Shiinaha ee KLJ-7A, kaas oo ku shaqeeya teknoolojiyadda gallium arsenide (GaAs).
Hammad Waleed ayaa sheegay in noocyadii hore ee JF-17 Block One iyo Block Two ay lahaayeen xaddidaadyo la xiriira culayska hubka ay qaadi karaan, awoodda raadaarka iyo waxqabadka matoorka.
Hase yeeshee, diyaaradda Block Three waxaa lagu kordhiyay raadaar casri ah oo AESA ah iyo qalab elektaroonig ah oo la casriyeeyay, taas oo u suuragelisay inay adeegsato hub ka horumarsan.
Sida uu sheegay, iyadoo diyaaradaha duugga ah ee F-7 iyo Mirage laga fariisinayo shaqada, laguna darayo noocyada cusub ee JF-17 iyo J-10C, waxaa suuragal ah in JF-17 ay mustaqbalka qayb weyn ka noqoto diyaaradaha dagaalka ee Ciidanka Cirka Pakistan.
Bilal Khan ayaa sheegay in awoodda nooca hadda jira ee Fa'az ay ka hooseyso tan gantaalka Shiinaha ee PL-15, balse muhiimaddiisu ay ku jirto aqoonta iyo teknoolojiyadda ay Pakistan kasbatay intii ay samaynaysay. Sida uu sheegay, teknoolojiyadda matoorka gantaalka ee Fa'az-II waxay mustaqbalka faa'iido u yeelan kartaa samaynta gantaallada hawada lagaga hago ee riddada dheer iyo kuwa dhulka laga rido ee hawada lagu beegsado.
Hase yeeshee, war-saxaafadeedka ISPR ma caddayn diyaaradaha dagaalka ee Ciidanka Cirka Pakistan ee loo adeegsan doono gantaalka Fa'az, mana uusan xaqiijin in gantaalka si rasmi ah loogu daray hubka ciidanka cirka.























