Shan arrimood oo sababay guuldarradii xisbiga Jamhuuriga uu kala kulmay doorashada xilliga dhexe

Xigashada Sawirka, getty
- Author, Jack Lapham
- Published
- Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo
Xisbiga Dimuqraadiga ayaa guul weyn ka gaaray doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, iyagoo la wareegay maamulka labada aqal ee Congress-ka, Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Senate-ka.
In kasta oo xisbiga uu ka tirsan yahay madaxweynaha xilka haya, Donald Trump, uu badanaa dhibaatooyin kala kulmo doorashooyinkan, haddana baaxadda guuldarrada soo gaartay xisbiga Jamhuuriga ayaa loo arkaa inay tahay falcelin cad oo ka dhan ah labadii sano ee Donald Trump uu xilka hayay.
Laga soo bilaabo codbixiyayaasha careysan ilaa madaxweyne aan taageero badan haysan, waa kuwan shan sababood oo keenay in xisbiga Jamhuuriga uu lumiyo kuraas aad u badan.
1. Sare u kaca kharashka maalinlaha ee dadweynaha
Codbixiyayaasha guud ahaan Mareykanka ayaa wajahaya kharashyo maalinle ah oo sii kordhaya. Caradu si cad ayaa looga dareemay gobollo muhiim ah.
"Qiimaha shidaalka, qiimaha cuntada, wax walba way sii qaaliyoobayaan" ayuu yiri qof codbixiye ah oo ka soo jeeda gobolka North Carolina, kaas oo la hadlay BBC-da ka hor doorashada.
Wuxuu intaas ku daray inuu codkiisa ka wareejiyay xisbiga Jamhuuriga una wareejiyay xisbiga Dimuqraadiga doorashadan.
Qiimuhu wuxuu kordhay 3.7 boqolkiiba muddada sannadka ah ee ku eg bisha Sebtembar, taas oo inta badan ka dhalatay kor u kaca qiimaha shidaalka iyo tamarta.
Sida lagu sheegay xog rasmi ah, celceliska qiimaha tafaariiqda ee shidaalka naaftada ah ee dalka Mareykanka, bilowgii bisha Oktoobar, wuxuu ku dhowaa heerkii ugu sarreeyay ee abid la diiwaangeliyo kaas oo ahaa $6.52 halkii gallon, kaasoo la arkay bishii Sebtembar.
2. Dagaalka Iiraan

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sabab weyn oo keentay kor u kaca qiimaha ayaa ah dagaalka ay Mareykanka iyo Israa'iil bishii Febraayo ku qaadeen Iiraan.
Tehran ayaa taas uga jawaabtay iyadoo xirtay marinka Hormuz, kaas oo ah marin muhiim u ah maraakiibta sida shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee loo kala dhoofiyo caalamka. Tani waxay keentay in qiimaha shidaalku si weyn kor ugu kaco.
Tan iyo markaas, dadka Mareykanka ee codbixiyayaasha ah ayaa dhibaatadaas ka dareemayay qiimaha sare ee ay ku iibsanayaan shidaalka.
Dagaalkan ayaa noqday mid aanay raalli ka ahayn inta badan dadka Mareykanka.
Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee taageera Trump, tallaabadani waxay ugu muuqatay mid ka hor imaanaysa halku-dhiggii ololahooda ee ahaa "Mareykanka ayaa Horeeya" (America First). Trump wuxuu ballanqaaday inaanu dib dambe dagaallo u gelin doonin.
Sida lagu sheegay ra'yi ururin, ku dhawaad lix qof tobankii qofba (63 boqolkiiba) ayaa aaminsan in Mareykanku uu qaatay go'aan khaldan markii uu tallaabo militari ka qaaday Iiraan.
Saddex-meelood meel meel codbixiyayaasha (74 boqolkiiba) ayaa sheegay in khilaafkani uu door weyn ku lahaa go'aankooda ku aaddan cidda ay u dooranayaan Koongareeska.
Trump laftiisa ayaa qirtay in dagaalku uu qayb ka ahaa guuldarrada xisbiga Jamhuuriga ee doorashooyinka dhexe. Wuxuu u sheegay telefishinka Fox News inaanu "ka helin" xaaladda ah in dadka looga baahdo inay lacag badan ku bixiyaan shidaalka.
3. Farriimaha Dimoqaraadiga oo habaysnaa
Musharixiin xooggan, oo u muuqday kuwo dhab ah oo la aamini karo, gaar ahaan meelaha dhaqan ahaan Jamhuuriga uu ku xoog badnaa, ayaa sidoo kale door ka qaatay suurtogalnimada guushan ballaaran ee Dimuqraadiga.
Waxay qaateen farriin qaabaysan oo cad oo ku saabsan kharashaadka maalinlaha ah iyo helitaanka xarumaha caafimaadka.
James Tallarico oo ahaa macallin iyo Adam Hamilton oo baadari ah ayaa sidoo kale ka hadlay caqiidooyinkooda diimeed si u muuqata inay la jaan qaadayaan codbixiyeyaasha Texas iyo Kansas, siday u kala horreeyaan.
Dimuqraadiga Annie Andrews ayaa guul lama filaan ah ka gaartay South Carolina.
Maadaama ay ahayd dhakhtar cudurrada carruurta ah, diiradda waxay saaraysay sidii daryeelka caafimaadka loo awoodi lahaa, taas oo saameyn ku yeelatay waddan ay dad badan u arkaan in nidaamku uu fashilmayo.
Sarkaalkii hore ee caafimaadka dadweynaha Abdul Sayed, oo ku guuleystay Michigan ayaa ku dhawaaqay, "Lacagta jeebkaaga geli, ha ku bixin siyaasad".
Senator-ka Dimuqraadiga Jon Ossoff, oo dib loogu doortay Georgia, ayaa kharashka maalinlaha ah iyo musuqmaasuqa ka dhigay farriin muhiim u ah ololihiisa.
Guusha fudud ee musharraxa 39-jirka ah ee gobolka oo Trump uu laba jeer ku guuleystay, waxay dhiirri gelin doontaa mala-awaalka ah inuu noqon karo musharrax suurtagal ah doorashada madaxtinimada ee 2028.
Trump laftiisu wuxuu ammaanay Dimuqraadiyiinta, isagoo u sheegay Fox News inay "shaqo wanaagsan qabteen."
Taas bedelkeeda, qaar ka mid ah musharrixiinta Jamhuuriga, sida Ken Paxton oo ka tartamayey Texas, ayaa la kulmay dhaleecayn ah in ololahoodu uu ku guuldareystay inuu wax ka qabto walaacyada codbixiyayaasha.
4. Sumcad darrada Trump oo culays ku noqotay Jamhuuriga
Labada arrimood ee codbixiyayaashu aad uga xumaayeen, kuwaas oo kala ah sicir barar aan la xakamayn iyo dagaalka ka dhanka ah Iiraan ayaa si toos ah loola xiriiriyay madaxweynaha.
Sumcadiisa codbixiyeyaasha Jamhuuriga ayaa hoos u dhacday, taasoo ka dhigtay gobolladii taageeray 2024 kuwo aad u nugul.
Wuxuu codbixiyayaasha ka codsaday inay qiyaasaan in magacyadooda ay sidoo kale ku jiraan warqadda codbixinta, si ay u abaabulaan taageerayaashooda.
Si kastaba ha ahaatee, ka dib in ka badan toban sano oo uu ahaa shakhsi muhiim ah oo ku jira siyaasadda Mareykanka, qaar ayaa natiijooyinka u arka calaamad muujinaysa in sumcadda siyaasadeed ee Trump ay sii yaraanayso.
Deegaan ay ka jirto caro dadweyne oo sii kordheysa in laga dhigo xarunta ololaha Jamhuuriga waxay ahayd istaraatiijiyad khatar ah, waxayna u muuqataa inay dib ugu soo laabatay.
Sahamin la sameeyay bilaha ka horreeyay codbixinta ayaa muujisay in dad badan oo Mareykan ah ay rabeen in Trump uu fiiro gaar ah u yeesho walaacyadooda ku saabsan sicir bararka.
Khudbaddiisii ugu dambeysay ee ololihiisii oo uu ka jeediyay Washington, D.C. Isniintii, wuxuu si faahfaahsan uga hadlay qorshaha dib-u-habaynta muranka dhalisay ee Baraag lagu dabaasho oo ku taallay xagga dambe ee halkii uu ka khudbaynayey.
5. Cod bixiyeyaasha Hispanic-ga iyo madowga oo dib ugu laabtay Dimoqaraadiga

Laba sano ka hor, isbeddelka qaar ka mid ah codbixiyeyaasha Hispanic-ga iyo madowga ah ee u wareegay Xisbiga Jamhuuriga ayaa ka caawiyay Trump inuu guuleysto.
Laakiin arrinkani wuxuu u muuqday inuu isbeddelayo doorashadii dhexe.
Dimuqraadiyiintu waxay ku guuleysteen dhammaan saddexda kursi ee Aqalka Hoose degmooyinka ay ku nool yihiin dad Hispanic ah oo ku teedsan xuduudaha Texas iyo Mexico.
Sida laga soo xigtay falanqaynta New York Times, degmooyinka ay ku badan yihiin Hispanic-ga waxay ka gudbeen in ka badan 22 dhibcood boqolkiiba marka loo eego musharrixiinta Aqalka Hoose ee Jamhuuriga doorashadii madaxweynenimada ee 2024.
Sida laga soo xigtay weriyaha tabinayey tirakoobka Jeff Adelson, tani waxay ahayd isbeddelka ugu weyn marka loo eego koox kasta oo kale oo muhiim ah oo ka tirsan dadweynaha dalka.
Isbeddelku wuxuu ka dhashay dareen dadweyne oo baahsan oo ku saabsan fulinta sharciyada socdaalka, iyadoo inta badan dadka Mareykanka ah (56 boqolkiiba) ay muujiyeen ra'yi xun oo ku saabsan ICE, sida laga soo xigtay Xarunta Cilmi baarista Pew.
Degmooyinka ay ku badan yihiin dadka madowga ah ayaa sidoo kale si weyn ugu jeestay musharrixiinta Dimuqraadiga ee doorashooyinka Aqalka Hoose.
Tartanka Aqalka Hoose ee Mississippi wuxuu noqday mid aad u adag. Waa gobolka Mareykanka oo leh saamiga ugu badan ee codbixiyeyaasha madowga ah oo ah ku dhawaad 37%.
Haddii Scott Collum uu ku guuleysto - kaasoo weli aan si rasmi ah loogu dhawaaqin inuu guulaystay laakinse hogaaminaya codadka xilliga aan qormadan qorayno - wuxuu noqon doonaa Dimuqraadigii ugu horreeyay ee loo doorto Aqalka Senate-ka ee Mississippi tan iyo 1982.
























