Qabri murankiisu socday saddex sano si loo saxo qalad ka dhacay aasitaanka qof dhintay

Marie Lane
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Haweeney 69 jir ah oo lagu magacaabo Marie Lane ayaa sheegtay inay ka niyad jabtay qabrigii ay horay u sii iibsatay, kaddib markii si khalad ah qof kale loogu aasay, markii dambena meydkiisa laga soo saaray.

Marie ayaa dhulkaas ka sii qabsatay qabuuraha Deeping St James ee gobolka Lincolnshire, si loogu aaso agagaarka qabuuraha waalidiinteed oo geeriyooday.

Wasaaradda Caddaaladda UK ayaa horraantii sanadkan oggolaatay in meydka ninka sida khaldan loogu aasay halkaa laga soo saaro qabriga, si qaladka loo saxo.

Golaha deegaanka ee kaniisadda Deeping St James ayaa qirtay in qalad dhacay, wuxuuna raalli-gelin ka bixiyay dhibaatada soo gaartay labada qoys ee arrintan saameysay.

Golaha deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in Marie Lane dib loogu celiyay dhulkii qabriga ahaa ee ay markii hore sii qabsatay.

Marie Lane ayaa sheegtay inay sannadkii 2013 iibsatay si iyada oo keliya lagu aaso dhul ku yaalla gadaasha qabriga hooyadeed.

Waxay sheegtay in dukumenti ay siisay Golaha Deegaanka Deeping St James, kaas oo BBC-du aragtay, uu caddeynayo xuquuqda ay ku leedahay qabrigaas.

"Waxaan iibsaday meel qabuuraha ka mid ah si aan ugu dhowaado waalidkay," ayay tiri.

Qubuuraha
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Marie Lane ayaa tiri: "Wax macno ah ma samaynayso in halkan la igu aaso haddii aanan la joogi karin dadka aan jeclahay."

Horraantii 2023 ayay booqatay qabuuraha, halkaas oo ay ku ogaatay in qof kale lagu aasay qabrigii ay iyadu sii qabsatay.

"Meesha ayaan iska taagnaa anigoo aan garanayn waxa aan sameeyo. Nin aanan aqoon ayaa lagu aasay qabrigaygii," ayay tiri.

Waxay sheegtay in ay qaadatay in ka badan saddex sano sidii loo heli lahaa oggolaanshaha meydka ninka looga saarayo qabriga, balse aysan haysan doorasho kale maadaama aysan meel kale oo u dhow qabuuraha waalidkeed ka helin.

Sida uu dhigayo sharciga UK, meydka qof laga soo saarayo qabri ku yaalla dhul aan diin gaar ah loo qoondeyn wuxuu u baahan yahay oggolaanshaha Wasaaradda Caddaaladda. Badanaa waxaa sidoo kale loo baahan yahay oggolaanshaha ehelka qofka dhintay.

Hase yeeshee, wasaaraddu waxay oggolaatay in meydka la soo saaro inkastoo ehelkiisu aysan raalli ka ahayn, iyagoo arrintaas ku diidanaa sababo diimeed iyo mid anshaxeed.

Warqad ay wasaaraddu u dirtay Golaha Kaniisadda Deeping St James ayay ku sheegtay inaysan jirin waddo kale oo dhibaatada lagu xallin karo, sidaas darteedna ay oggolaatay in meydka la raro si loo saxo qaladkii aasitaanka.

BBC-du waxay isku dayday inay la xiriirto qoyska ninka meydkiisa la saaray si ay aragtidooda u hesho, balse kuma guuleysan.

Ninka Marie Lane, Eric Lane, ayaa sheegay inuu walaac weyn ka qabo habka Golaha Deegaanka Deeping St James u maamulayo qabuuraha.

Ninka Marie Lane, Eric Lane oo 77 jir ah, ayaa sheegay in dhammaan tallaabooyinkii loo qaaday xalinta arrintan ay saameyn weyn ku yeesheen xaaskiisa.

Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in Golaha Deegaanka Deeping St James uusan lahayn nidaam wanaagsan oo lagu diiwaangeliyo qabuuraha, taasoo keeni karta in khaladaad noocan oo kale ahi mar kale dhacaan.

BBC-du waxay golaha weydiisay tallaabooyinka uu qaaday si looga hortago in qaladkan oo kale soo noqdo, balse wax jawaab ah kama aysan helin.

Eric ayaa sheegay in xaaskiisu aysan hadda doonayn inay booqato qabuuraha, isagoo yiri: "Waxyaabo badan oo murugo iyo walaac leh ayaa weli la xiriira goobtaas, mana garanayo inay weligood ka dhammaan doonaan."

Dhankeeda, Marie Lane waxay sheegtay inay u damqanayso qoyska ninka si khaldan loogu aasay qabrigeeda, isla markaana ay fahamsan tahay dhibaatada ay arrintani ku keentay.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan la kulmo qoyskA," ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay inay marar badan golaha ka codsatay inuu kulankaas soo agaasimo, balse mar kasta loo sheegay inaan la qaban doonin.

Dhulka qubuuraha

Marie Lane ayaa intaas ku dartay inay weli dareento xasillooni darro marka ay booqato qabuuraha, isla markaana iyada iyo qoyskeedu aysan hadda u booqan sidii hore.

Waxay sheegtay in su'aalo badan ay weli jawaab u weyday.

"Arrintani ma ahayn inay qaadato saddex sano si xal loogu helo. Xitaa saddex bilood waa muddo aad u dheer. Ma ahayn inaan dhibaatadan muddada dheer ah u marno sidii loo sixi lahaa qaladkii dhacay," ayay tiri.