Shan qodob oo muhiim ah oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga hadlay khudbaddiisa COP31

Isbeddelka cimilada
    • Author, Fatuma Maalim
    • Role, BBC Somali
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalaya shirka Qaramada Midoobay ee isbeddelka cimilada ee COP31, kaas oo ka socda magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaas oo hoggaamiyeyaasha dunidu ay kaga arrinsanayaan isbeddelka cimilada, maalgelintiisa iyo tallaabooyinka lagu caawinayo dalalka nugul ee wajahaya xaaladaha cimilo ee sii xoogaysanaya.

Shirka 31-aad ee Qaramada Midoobay ee isbeddelka cimilada ayaa furmay Isniintii, wuxuuna socon doonaa illaa 20-ka Nofeembar. Waxaa ka qaybgalaya hoggaamiyeyaasha dowladaha, khubarrada cimilada iyo hay'adaha caalamiga ah, kuwaas oo ka wada xaajoonaya sidii wax looga qaban lahaa kulaylka sii kordhaya ee dunida.

Shirka oo uu martigelinayo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta ballanqaadyada caalamiga ah ee wax ka qabashada isbeddelka cimilada, dardargelinta dadaallada la-qabsiga saameyntiisa iyo kordhinta taageerada dhaqaale ee la siiyo dalalka sida daran ugu nugul khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ugu baaqay dalalka horumaray inay kordhiyaan taageerada dhaqaale ee ay siiyaan dalalka soo koraya ee isbeddelka cimilada ay sida daran u saameysay.

Khudbaddiisa ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka aan wax badan ku biirin wasakhowga hawada ee dunida, balse ay ka mid tahay kuwa ugu daran ee la kulma dhibaatooyinka ka dhasha qiiqa ay dalal kale soo saaraan.

Madaxweynuhu wuxuu khudbaddiisa ku soo bandhigay shan qodob oo muhiim ah:

1. Soomaaliya oo si daran u wajahday saameynta isbeddelka cimilada

Somalia
Qoraalka sawirka, Roobab xooggan oo daadad ka dhaliyay Soomaaliya, 2023

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo saarto boqolkiiba 0.09 oo keliya qiiqa hawada wasakheeya ee dunida, hase yeeshee ay dadkeedu la kulmaan dhibaatooyin ka badan kuwa dalal badan oo kale.

Wuxuu xusay in Soomaaliya ay intii u dhexeysay 2020 iyo 2023 la kulantay abaartii ugu muddada dheerayd muddo 40 sano ah, taas oo ay xigtay fatahaadihii El Niño ee 2023, kuwaas oo saameeyay in ka badan laba milyan oo qof.

Wuxuu intaas ku daray in xilliga uu khudbadda jeedinayay ay Soomaaliya wajahaysay khatar ka dhalatay dhacdo El Niño ah oo ka mid ah kuwii ugu xoogga badnaa ee abid la diiwaangeliyo, taas oo fatahaado ku keeni karta koonfurta dalka, isla markaana saameyn karta nolosha illaa 3.4 milyan oo qof.

COP31

2. Dalalka taariikh ahaan wasakheeyay hawada oo laga doonayo inay hoggaamiyaan dadaallada

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dalalka sida weyn uga qayb qaatay abuurista dhibaatada isbeddelka cimiladu ay tahay inay hormuud ka noqdaan wax ka qabashadeeda.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dunidu u baahan tahay in si degdeg ah oo baaxad leh loo yareeyo qiiqa hawada wasakheeya, si loo ilaaliyo hadafka ah in kororka heerkulka dunidu aanu ka badnaan 1.5 darajo Celsius.

Waxa kale oo uu sheegay in ka guurista shidaalka iyo dhuxusha ay tahay inay noqoto mid caddaalad ah, isla markaana aanay caqabad ku noqon horumarka dalalka soo koraya sida Soomaaliya.

Isbeddelka Cimilada

3. Soomaaliya oo ballanqaadday dhimista qiiqa hawada wasakheeya

Madaxweynaha ayaa sheegay in qorshaha saddexaad ee Soomaaliya ee wax ka qabashada isbeddelka cimilada, kaas oo qayb ka ah heshiiska Paris, uu dhigayo in dalku dhimo qiiqa hawada wasakheeya boqolkiiba 34 marka la gaaro 2035-ka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay awooddeeda dhaqaale ku dabooli doonto shan dhibcood oo boqolkiiba ah, halka 29-ka dhibcood ee soo harayna ay ku xiran yihiin taageero caalami ah.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib-u-habayn ku samaynayso waaxda tamarta, si loo ballaariyo helitaanka koronto la isku halayn karo, loona kordhiyo doorka tamarta qorraxda iyo dabaysha.

4. Diyaargarowga musiibooyinka iyo digniinta hore oo muhiim ah

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin ay isaga diyaarinayso musiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, ka hor inta aanay dhicin.

Wuxuu xusay in bishii Sebtembar ay dowladdu ansixisay qorshe qaran oo loogu diyaar garoobayo saameynta El Niño, kaas oo ay ku mideysan yihiin dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo maamullada maxalliga ah.

Wuxuu soo xigtay qiyaas ay Qaramada Midoobay samaysay oo sheegaysa in hal doollar oo lagu bixiyo diyaar-garowga musiibooyinka ka hor inta aanay dhicin uu badbaadin karo inta u dhexeysa saddex ilaa 15 doollar oo kharash ah oo dambe ku bixi lahaa wax ka qabashadooda.

"Maaliyadda loogu talagalay digniinta hore iyo tallaabooyinka degdegga ah waa in la sii daayaa marka saadaasha khatartu soo baxdo, ee aan la sugin inta dadka dhintay la tirinayo," ayuu yiri.

Isbeddelka cimilada
Qoraalka sawirka, Roobab xooggan oo daadad ka dhaliyay caasimadda Muqdisho, 2023

5. Soomaaliya oo dalalka horumaray ka dalbatay deeqo lacageed halkii ay ka siin lahaayeen deymo

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in maalgelinta wax ka qabashada isbeddelka cimiladu ay tahay waajib, ee aanay ahayn samafal.

Wuxuu xusay in qodobka sagaalaad ee heshiiska Paris uu dhigayo in dalalka horumaray ay taageero dhaqaale siiyaan dalalka soo koraya.

Wuxuu sidoo kale ku baaqay in bartilmaameedka lagu heshiiyay magaalada Baku ee ahaa in la helo ugu yaraan 300 bilyan oo doollar sannadkii marka la gaaro 2035-ka, iyo qorshaha lagu doonayo in maalgelinta la gaarsiiyo 1.3 tirilyan oo doollar, ay noqdaan dhaqaale dhab ahaan gaara dalalka u baahan.

Wuxuu ku adkeeyay in dalalka sida daran u saameeyaan isbeddelka cimiladu ay u baahan yihiin deeqo lacageed, halkii lagu sii kordhin lahaa deymaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baahida Soomaaliya u qabto maalgelinta la-qabsiga isbeddelka cimiladu lagu qiyaasay 6.3 bilyan oo doollar illaa sannadka 2035-ka, isagoo ugu baaqay saaxiibbada caalamiga ah inay maalgashadaan qorshayaashaas.

Gebagebadii, wuxuu sheegay in guusha shirka COP31 lagu qiimeyn doono go'aannada la qaato iyo in dalalku awoodaan inay hirgeliyaan. Wuxuu ku baaqay in la dedejiyo dhimista qiiqa hawada wasakheeya, la kordhiyo maalgelinta la-qabsiga isbeddelka cimilada, la taageero dalalka wajahaya khasaaraha ka dhasha musiibooyinka cimilada, isla markaana la xoojiyo sanduuqa loogu talagalay wax ka qabashada khasaaraha iyo burburka ka dhasha isbeddelka cimilada.

Wuxuu ku soo gabagabeeyay in hadallada iyo ballanqaadyada lagu beddelo tallaabooyin dhab ah, si loo badbaadiyo meeraha, loona suurtageliyo in dadku helaan nolol ammaan ah oo sharaf leh.