Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuusan u baahnayn wax caawimaad ah si uu Iran uga adkaado.
Trump ayaa mar kale ku celiyay sheegashadiisa ah in Mareykanku uu si weyn uga gacan sarreeyo Iran dagaalka u dhexeeya labada dal.
“Sidii aad la socotaan, si wanaagsan ayaan u wadnaa dagaalka Iran. Waxa keliya ee ay tahay inaan go’aamiyo waa sida aan guusha ku gaari doonno; ma waxaan rabnaa inaan si wanaagsan u guuleysanno mise si adag oo aan naxariis lahayn?” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo Talaadadii fiidkii ka dhacay Aqalka Cad.
“Si kastaba ha ahaatee, si wanaagsan ayaan u soconnaa, mana u baahnin cid naga caawisa,” ayuu raaciyay.
Isagoo ka hadlayay sare u kaca qiimaha shidaalka ee ka dhashay xayiraadaha saameeyay isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz, ayuu Trump yiri dadka ayaa ka cabanaya qiimaha shidaalka oo sare u kacay.
“Ma doonayo inaan hadal aan macno badan lahayn ku dhawaaqo, balse dhab ahaantii waa qiimo yar oo la bixinayo si looga hortago in Iran ay hesho hub nukliyeer ah,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu la xiriiray hoggaamiyeyaasha dalal dhowr ah si uu u ogaado kuwa diyaar u ah inay Mareykanka ka caawiyaan dagaalka.
Wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha uu la xiriiray ay u sheegeen inaysan diyaar u ahayn inay caawiyaan.
“Waxaan tijaabinayay. Waxaan wacay madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaareyaal kala duwan, waxaanan weydiiyay inay doonayaan inay na caawiyaan, waxayna igu yiraahdeen maya,” ayuu yiri Trump.
Si kastaba ha ahaatee, Trump ma uusan sheegin magacyada hoggaamiyeyaasha uu la xiriiray ama faahfaahinta wada-hadallada uu la yeeshay.
Hadalka Trump ayaa yimid saacado kaddib markii ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu baahiyay muuqaal laga duubay wada-hadal taleefoon oo uu la yeeshay Trump.