Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in la baaray in ka badan 30 goobood oo loo qorsheeyay in laga dhiso xarumaha tamarta nukliyeerka, balse ugu dambayn la soo xulay saddex goobood.
Abiy ayaa hadalkan sheegay Arbacadii, intii uu booqashada ku joogay xarunta Guddiga Tamarta Nukliyeerka ee dalkaas.
Waxa uu sheegay in Itoobiya ay hadda heer wanaagsan ka gaartay dhismaha hay’adaha iyo qaab-dhismeedka looga baahan yahay horumarinta tiknoolajiyadda nukliyeerka.
Sida uu sheegay, waxaa la sameeyay koox cilmi-baaris ah, shirkadna si sharci ah ayaa loo aasaasay. Waxaa sidoo kale la magacaabay shaqaalaha iyo maamulayaasha, iyadoo la dhammaystiray qaab-dhismeedka xafiisyada iyo maamulka shaqaalaha.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in goobihii hore loo aqoonsaday ay markii dambe ka yaraadeen 30, loona soo koobay 13, ka dibna shan, ugu dambayna laga soo xulay saddex goobood.
Hase yeeshee, wuxuu sheegay in Itoobiya aysan keligeed go’aamin karin in goobahaasi ku habboon yihiin dhismaha xarumaha tamarta nukliyeerka.
“Ma xaqiijin karno in goobahan ay yihiin kuwa ku habboon. Waa in shirkado shisheeye ay qiimeeyaan goobaha la soo xulay, ayna xaqiijiyaan ku habboonaantooda,” ayuu yiri Abiy.
Waxa uu intaas ku daray in marka la xaqiijiyo ku habboonaanta goobta la doortay, ay lagama maarmaan noqon doonto in goobta loo diyaariyo mashruuca, isla markaana heshiis lala saxiixdo shirkad bixisa tiknoolajiyadda nukliyeerka.
Abiy ayaa sheegay in mashaariicda tamarta nukliyeerka, sida Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee GERD, aan lagu dhammaystiri karin waqti gaaban ama heshiis keliya oo shirkad lala galo.
“Waxay ku lug leedahay hay’ado badan oo xirfadeed iyo kuwo tacliimeed, iyo qaybo kala duwan. Waa mashruuc muddo dheer qaadanaya, una baahan shaqaale badan iyo diyaargarow ballaaran,” ayuu yiri.
Farriin uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in hay’adda tamarta nukliyeerku ay door istaraatiiji ah oo muhiim ah ku leedahay hiigsiga horumarineed ee Itoobiya muddada dheer.
Itoobiya ayaa muddo dheer lagu tilmaami jiray dal leh khayraad dabiici ah oo aad u badan. Abiy ayaa sheegay in marxaladda cusub ay tahay sidii khayraadkaas loogu beddeli lahaa horumar la taaban karo, koboc tiknoolajiyadeed iyo barwaaqo ay bulshadu wadaagto.
Itoobiya ayaa 4-tii May bilowday qorshaha dhismaha xarun tamarta nukliyeerka laga dhaliyo.
Markii uu daahfurayay mashruuca, Abiy wuxuu sheegay in tamarta nukliyeerka loo adeegsan doono ujeeddooyin nabadeed oo keliya.
Wararka kale ee dheeraadka: