Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Dhammaad

    Waxaa intaas nooga eg baahinteenni tooska ahayd ee maanta.

  2. Youssef Jabarin: "Carabta Israa’iil oo doonaya in Ben-Gvir xilka laga qaado iyo in noloshoodu hagaagto".

    Youssef Jabarin, oo ah hoggaamiyaha Isbahaysiga Wadajirka ah ee Carabta Israa’iil, ayaa BBC-da u sheegay in Carabta Israa’iil ay codkooda dhiibteen iyagoo rajaynaya in xilka laga qaado Itamar Ben-Gvir, wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil oo ah qof leh aragtiyaha xagjirka ah, isla markaana ay noloshooda maalinlaha ahi soo hagaagto.

    Sida uu sheegay Youssef Jabarin, sabab weyn oo keentay tirada badan ee dadka Carabta ah ee codeeyay ayaa ahayd rajada ah in Ben-Gvir xilka laga qaado.

    Wuxuu hab-dhaqanka iyo tallaabooyinka Ben-Gvir ku tilmaamay kuwo “cunsuriyad” iyo “faashiiste” ah, isagoo sheegay inuu isku dayayay inuu ka xanaajiyo bulshada Carabta. Jabarin wuxuu tusaale u soo qaatay magaalada Umm al-Fahm ee waqooyiga Israa’iil, oo ay dadka badankoodu Carab yihiin, halkaas oo uu isaguba ku nool yahay, isla markaana Ben-Gvir uu booqday si uu amarro uga bixiyo duminta guryaha.

    Jabarin ayaa dowladda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeeyay inay si nidaamsan u takoorto dadka laga tirada badan yahay ee Carabta ah ee ku nool dalka.

    Wuxuu sheegay in bulshada Carabtu ay wajahdo dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhaqaale iyo agab kooban, awood-darro lagu xakameeyo rabshadaha kooxaha dembiilayaasha ah, amarro lagu duminaayo guryaha iyo hadallo cunsuriyadeed. Dadka Carabta ah ee laga tirada badan yahay waxay ka yihiin ku dhowaad shan meelood meel dadka guud ee Israa’iil.

    “Waxay ahayd xilli adag intii ay jirtay dowladda Netanyahu, dadkuna waxay doonayeen inay codkooda ugu ciqaabaan Netanyahu, Ben-Gvir iyo wasiirka Maaliyadda ee midigta fog, Bezalel Smotrich,” ayuu yiri.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in tirada badan ee dadka codeeyay aysan ku koobnayn oo keliya doonista ah in hoggaamiyeyaashaas xilka laga qaado, balse ay sidoo kale ahayd rabitaan ah in noloshooda maalinlaha ahi hagaagto.

    Youssef Jabarin ayaa sheegay in xisbigiisu diyaar u yahay inuu wada-hadallo la yeesho xisbiyada mucaaradka Yuhuudda si looga caawiyo dhismaha dowlad, balse ay jiraan shuruudo uu isaguna qabo.

    Waxaa hadalladiisa kamid ahaa in “ajandaha siyaasadeed ee Xisbiga isbahaysiga Wadajirka ah ee Carabta uu ku salaysan yahay horumarinta sinnaanta iyo muwaadinnimo loo siman yahay.”

    Sida uu sheegay, bulshada Carabtu waxay la kulantay dhibaatooyin badan intii ay jirtay dowladda Netanyahu, waxaana hadda la joogaa waqtigii isbeddel dhab ah la samayn lahaa.

  3. Dowladda Cummaan oo ka digeysa dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal kale uu ka qarxo gobolka.

    Badr Busaidi ayaa telefishinka Channel 4 ee Ingiriiska u sheegay in dalalka Khaliijku ay tahay inay sii wadaan doorkooda hoggaamineed ee Bariga Dhexe.

    Wuxuu ku baaqay in la sameeyo hannaan cusub oo amni oo gobolka Gacanka Faaris ah, halkii dalalka gobolka ay si weyn ugu tiirsanaan lahaayeen Maraykanka oo ah kan ugu weyn ee amniga suga, waa inay iyagu door muuqda ka qaataan xaqiijinta amnigooda.

    Ka hor dagaalkii dhowaan dhacay, Cumaan waxay dhex-dhexaadin ka dhex waday Iiraan iyo Maraykanka.

    Goor dhaw ayey markii wasiirka arrimaha dibadda Iiraan uu isna ka digay dagaal ama weerarro cusub oo ay Israa'iil ku qaaddo Iiraan in ay keeni karto dhibaato cusub oo saameyn doonta ganacsiga gobolka iyo kan caalamka.

    Sidoo kale, Iiraan ayaa Qatar ugu baaqday inay “u hoggaansanto shuruudaha dhexdhexaadinta", oo ay noqoto waddan dhex dhexaad ah.

    Mas’uul u hadlay Qatar ayaa hore u sheegay in “Iiraan ay tahay inay joojiso hanjabaadaha ay u jeedinayso dalalka gobolka”.

    Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Qatar ay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan u gudbisay qabyo-qoraal cusub oo heshiis ah.

    Warar dheeraad ah :

  4. Shilka tareen ee Spain oo sababay in la hakiyo dhamaan ciyaarihii loo balansanaa

  5. Ma jiro xisbi weli helay aqlabiyad cad doorashada Israa’iil: Maxaa xigi kara?

    Israa’iil ayaa u muuqata inay mar kale wajahayso qalalaase siyaasadeed. Iyadoo la tiriyey 85 boqolkiiba codadka, ra’iisul wasaaraha xilka haya, Benjamin Netanyahu, iyo ninka ay sida weyn u tartamayaan, Gadi Eisenkot, midkoodna uma muuqdo inuu haysto aqlabiyadda looga baahan yahay dhismaha dowlad.

    Aan eegno xaaladaha suuragalka ah ee arrintan ka dhalan kara:

    • Isbahaysi dhex mara Netanyahu iyo Eisenkot? Xaaladdan, Netanyahu waa inuu ka baxaa isbahaysiga uu hadda la leeyahay xisbiyada midigta iyo kuwa diinta aadka ugu ad-adag. Dhanka kale, Eisenkot waa inuu ka tanaasulaa ballanqaadkiisii ugu weynaa ee doorashada, kaas oo ahaa inuu Netanyahu xilka ka tuuro.
    • Dowlad uu Eisenkot hoggaamiyo oo taageero ka hesha xisbiyada Carabta. Eisenkot iyo ku dhowaad dhammaan xisbiyada Yuhuudda ee isbahaysigiisa ayaa diiday suurtagalnimada in dowlad lala dhiso xisbiyada Carabta. Hase yeeshee, marka la eego tirooyinka hadda jira, tani waxay u muuqataa waddada keliya ee ay ku heli karaan aqlabiyad.
    • Dowlad uu Netanyahu hoggaamiyo oo taageero ka hesha hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee midigta? Netanyahu ayaa isku dayi kara inuu xisbiyada midigta ee ku jira isbahaysiga mucaaradka ku soo daro dhinaciisa. Arrintan, Naftali Bennett oo ka tirsan isbahaysiga Bayhad iyo Avigdor Lieberman oo hoggaamiya xisbiga Yisrael Beitenu ayaa loo arkaa siyaasiyiin muhiim ah oo door weyn ka ciyaari kara.
    • Doorasho cusub haddii lagu noqonayo: Haddii aanu jirin isbahaysi hela aqlabiyad, dalka waxaa laga yaabaa inuu mar kale u dareero doorasho. Kormeerayaal badan ayaa sheegaya in tani si dadban faa’iido ugu yeelan karto Netanyahu, maadaama uu sii ahaan doono ra’iisul wasaare sii haya xilka ilaa doorashada cusub la qabto, isla markaana uu u arki karo inuu markale haysto fursad wanaagsan oo uu ku guuleysto.

    Warar dheeraad ah :

  6. Iiraan "Weerar kasta oo Israa’iil qaaddo wuxuu saameyn ba’an ku yeelan karaa suuqyada caalamka"

    Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Cabbas Araqchi, ayaa Arbacadii ka digay in tallaabo militari oo kasta oo Israa’iil ka qaaddo gobolka Gacanka ay saameyn masiibo leh ku yeelan karto suuqyada caalamka.

    Araqchi ayaa bayaan uu ku baahiyay barta X ku yiri: “Dalalka soo saara gaaska iyo kuwa isticmaala labaduba waxay ka walaacsan yihiin saameynta ba’an ee tallaabo kasta oo militari oo Israa’iil ka qaaddo gobolka Gacanka Faaris ay ku yeelan karto suuqyada caalamka.”

    Bayaankan ayaa imanaya xilli maalmihii u dambeeyay la hadal hayay suurtagalnimada in Maraykanka iyo Israa’iil ay dib u bilaabaan weerarrada ka dhanka ah Iiraan. Dagaalka hadda socda ayaa billowday dabayaaqadii bishii Febraayo, kaddib weerarro lagu qaaday Iiraan.

    Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo isku dayi doona inuu soo dhiso dowlad cusub kaddib natiijooyinka doorashada, ayaa Arbacadii sheegay inuu la shaqeyn karo Madaxweyne Donald Trump si meesha looga saaro “khatarta".

    Warar dheeraad ah :

  7. War deg deg ah, Tirinta codadka doorashada Israa'iil oo ku dhaw in lasoo gababeeyo

    Sida ay baahiyeen telefishinnada Channel 12 iyo Channel 13 ee Israa’iil, waxaa la soo gabagabeeyay tirinta dhammaan codadka, marka laga reebo codadka ay dhiibteen dadka aan goobaha codbixinta ka codayn.

    Codadka maqnaanshaha lagu dhiibtay, oo intooda badan ay leeyihiin ciidamada milatariga, ayaa lagu qiyaasay ku dhowaad 600,000 oo cod, taasoo u dhiganta qiyaastii 10 boqolkiiba wadarta codadka la dhiibtay. Waxaa la filayaa in tirinta codadkan la dhammaystiro maanta.

    Isbahaysiga uu hoggaamiyo xisbiga Likud ee Benjamin Netanyahu ayaa kordhiyay hoggaankiisa, isagoo helay 54 kursi, shan kursina ka horreeya isbahaysiga uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot, kaas oo helay 49 kursi.

    Si kastaba ha ahaatee, isbahaysiga Netanyahu ayaa weli toddoba kursi ka dhiman yihiin tirada looga baahan yahay aqlabiyadda baarlamaanka.

    Warar dheeraad ah :

  8. War deg deg ah, Isbahaysiga Carabta ee Israa’iil oo shaaciyey war an u wanaagsanayn Natenyahu

    Youssef Jabarin, hoggaamiyaha Isbahaysiga xisbiyada Carabta ee Wadajirka ah, oo ah isbahaysi Carbeed oo ka qaybgalaya doorashada Israa’iil, ayaa sheegay in isbahaysigiisu uu “diyaar u yahay, isla markaana doonayo inuu waddada u xaaro sidii xukuumadda Netanyahu xilka looga tuuri lahaa.”

    Sida ay sheegay Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil, Isbahaysiga Carabta ee Wadajirka ah ayaa hadda ku jira kaalinta afraad, isagoo helay 9.11 boqolkiiba codadka. Isbahaysigan ayaa door muhiim ah ka ciyaari kara dadaallada lagu dhisayo dowlad isbahaysi ah oo cusub.

    “Waxaan soo bandhigaynaa weji gebi ahaanba ka duwan siyaasadda dhiigga daadinaysa iyo siyaasadda islaweynida, cunsuriyadda iyo dadka la takooro", ayuu Jabarin ku sheegay bayaan uu ku baahiyay barta X.

    Wuxuu intaas ku daray: “Isbeddelku wuxuu ku iman doonaa iskaashi dhex mara Yuhuudda iyo Carabta, kaas oo ah iskaashi dhab ah oo loo siman yahay, wax intaas ka yar iyo wax intaas ka badan midna ma aha.”

    Xukuumadda Netanyahu ayaa marar badan dadka Carabta ah ee Israa’iil, oo qaar badan oo ka mid ahi isu aqoonsan yihiin muwaadiniin Falastiiniyiin ah oo Israa’iil haysta, ku tilmaantay khatar ku wajahan aqoonsiga Yuhuudda ee dalka.

    Netanyahu ayaa dhowaan sheegay in siyaasiyiinta isaga ka soo horjeedaa ay qorsheynayaan inay xisbiyada Carabta la dhistaan “dowlad khatar ah”.

    Horaantii, Yair Golan ayaa isbahaysiga mucaaradka ugu baaqay inuu la shaqeeyo xisbiyada ay Carabtu hoggaamiyaan si dowlad loo soo dhiso, inkasta oo Gadi Eisenkot uu hore u diiday suurtagalnimadaas.

    Ka hor doorashada, Isbahaysiga Liiska Carabta ee Wadajirka ah ayaa sidoo kale muujiyay inay suurtagal tahay in heshiis iskaashi baarlamaan lala galo dowladda cusub ee isbahaysiga ah.

    Warar dheeraad ah :

  9. Yaa sarreeya doorashada iyadoo boqolkiiba 80 cododka la tiriyey

    Tirinta codadka doorashada Israa’iil ayaa weli socota, waxaana ilaa hadda la tiriyey in ka badan 77% codadka.

    Isbahaysiga Benjamin Netanyahu ayaa hadda haysta 54 kursi, halka tirada kuraasta isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot ay kor u kacday oo ay gaartay 49 kursi, kaddib markii uu helay laba kursi oo dheeraad ah.

    Midkoodna uma muuqdo inuu ku guuleysanayo 61-ka kursi ee loo baahan yahay si loo dhiso dowlad aqlabiyad leh.

    Hore waxaa loo saadaaliyay in xisbiyada ku bahoobay Liiska Carabta ay heli doonaan 19 kursi, balse tiradaasi hadda waxay hoos ugu dhacday 17 kursi.

    Maaddaama natiijooyinka doorashada ay weli soo baxayaan, waxaa suurtagal ah in isbeddel uu ku yimaado natiijada kama dambaysta ah.

    Warar dheeraad ah :

  10. War deg deg ah, Benjamin Netanyahu oo hadda khudbad jeediyey

    Benjamin Netanyahu ayaa khudbad ka jeedinaya isu-soo-bax doorasho oo ay isugu yimaadeen taageerayaasha xisbigiisa Likud. “Likud waa xisbiga ugu kuraasta badan,” ayuu u sheegay dadweyne sacab iyo mashxarad ku soo dhaweeyay.

    “Waa inaan dhisnaa dowlad qaran oo xooggan, oo ay hoggaamiyaan xisbiyada midigta.”

    Inkasta oo natiijooyinka codbixinta hordhaca ah ee hadda la hayo ay muujinayaan in Likud uu yahay xisbiga ugu kuraasta badan, haddana kuraastiisu aad bay uga hooseeyaan tirada aqlabiyadda looga baahan yahay dhismaha dowlad.

    Sida ay muujinayaan natiijooyinka cusub ee codbixinta hordhaca ah ee ay baahiyeen laba ka mid ah xarumaha warbaahinta Israa’iil, isbahaysiga uu hoggaamiyo Netanyahu iyo kan ay hoggaamiyaan xisbiyada mucaaradka ayaa aad iskugu dhaw, halka xarun saddexaad ay muujisay in Netanyahu uu wax yar hoggaaminayo.

    Warar dheeraad ah :

  11. Dalxiiska Soomaaliya: Sida Sucdi uga caawiso dalxiisayaasha inay arkaan dhanka qarsoon ee Muqdisho

  12. Maxaa dhacaya haddii uusan jirin xisbi si cad ugu guuleysta doorashada?

    Ma jiro xisbi abid ku guuleystay aqlabiyad buuxda, taasoo ka dhigan in mar kasta la soo dhiso dowlad isbahaysi ah.

    Hannaankani wuxuu bilaabmaa marka codadka la tiriyo. Madaxweynaha Israa’iil ayaa la tashanaya hoggaamiyeyaasha xisbiyada, ka dibna wuxuu ku martiqaadayaa hoggaamiyaha uu u arko inuu fursadda ugu wanaagsan u haysto dhismaha dowlad.

    Musharraxaas ayaa markaas haysta 28 maalmood oo uu ku soo dhiso dowlad isbahaysi ah, inkasta oo uu codsan karo 14 maalmood oo dheeraad ah haddii uu u baahdo waqti dheeri ah.

    Haddii wadaxaajoodyadu ku guuldarreystaan muddadaas, madaxweynaha ayaa dooran kara musharrax kale oo isku daya inuu soo dhiso isbahaysi dowladeed.

    Haddii isku daygaasna uu fashilmo, xubnaha baarlamaanka Israa’iil ee Knesset ayaa madaxweynaha ka codsan kara inuu hoggaamiye saddexaad fursad siiyo. Haddii taasina ay guuldarreysato, waxaa la qabanayaa doorasho cusub.

    Intii u dhaxeysay 2019 iyo 2022, Israa’iil waxay qabatay shan doorasho oo kala duwan, iyadoo xisbiyadu marar badan ku guuldarreysteen inay iska kaashadaan dhismaha dowlad.

    Doorashadii 2022 ka dib, xisbiga Likud ee Benjamin Netanyahu ayaa noqday xisbiga ugu kuraasta badan, isagoo ku guuleystay 32 ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamaanka. Netanyahu ayaa markii dambe isbahaysi la sameystay dhowr xisbi oo midigta fog ah, taasoo isaga iyo xulafadiisa siisay aqlabiyad ka kooban 64 kursi.

    Warar dheeraad ah :

  13. Ruushku ma wuxuu soo saaray hub cusub oo beddelaya Dayaaradaha is qarxiya ee Shahed

  14. Wadaad Islaami ah oo muran badan dhaliyay oo lagu toogtay Nigeria

  15. Afar xaaladood oo suurtagal ah oo go'aamin kara mustaqbalka doorashada Israa'iil

  16. Doorashada Israa'iil: Xisbigee hoggaaminaya?

    Xogtii ugu dambeysay ee Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa muujinaysa in tartan adag uu weli u dhexeeyo Benjamin Netanyahu iyo Gadi Eisenkot, iyadoo la tiriyey in ka badan kala bar codadkii la dhiibtay.

    Telefishinnada Israa’iil ee Kan, Channel 12 iyo Channel 13 ayaa saadaaliyey in Netanyahu uu heli doono 55 kursi, halka Eisenkot uu heli doono 49 kursi.

    Qofka ku guuleysta doorashada ayaa u baahan ugu yaraan 61 kursi oo ka mid ah baarlamaanka Israa’iil ee Knesset, si uu u dhiso dowlad aqlabiyad leh.

    Natiijooyinkani weli kama dambays ma aha, waana isbeddeli karaan.

    Tirada dadka ka qaybgalay doorashada Talaadadii ayaa ahayd tii ugu sarreysay muddo tobannaan sano ah.

    Sida uu sheegay Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil, markii codbixintu xirmatay 22:00 habeenimo waqtiga maxalliga ah, waxaa codkooda dhiibtay boqolkiiba 77.7 dadka xaqa u lahaa inay codeeyaan. Taasi waa heerkii ugu sarreeyay ee xilligan oo kale la diiwaangeliyo tan iyo 1999.

    Warar dheeraad ah :

  17. Isbahaysiga Naftali Bennett oo ka hor maray isbahaysiga Carabta doorashada Israa’iil

    Wararkii ugu dambeeyay ee xogta Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa muujinaysa in hoggaanka xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu uu wax yar hoos uga dhacay 21.7% ilaa 20.8% codadka.

    Xisbiga Yashar ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot ayaa weli ku jira kaalinta labaad, isagoo helay 17.06% codadka.

    Isbahaysiga “Together” ee uu hoggaamiyo Naftali Bennett ayaa helay 9.2% codadka, wuxuuna ka hor maray isbahaysiga “Joint List” ee xisbiyada Carabta, isagoo galay kaalinta saddexaad.

    Warar dheeraad ah :

  18. Wargeysyada maanta ee Tehran oo aan wax weyn ka qorin doorashada Israa’iil

    Wargeysyada maanta ka soo baxay magaalada Tehran ee caasimadda Iran ayaan bogaggooda hore war weyn kaga qorin doorashada Israa’iil, iyaga oo si aamusnaan ah uga gudbay.

    Dhanka kale, dadka reer Iran ee isticmaala baraha bulshada, oo ay ku jirto barta X, ayaa si firfircoon ula socday natiijooyinka doorashada Israa’iil, iyadoo dood kulul ay ka socotay saamaynta ay doorashadu ku yeelan karto Iran iyo xaaladda dagaalka ee hadda taagan.

    Inkasta oo wargeysyada Iran aysan si weyn u soo bandhigin doorashada Israa’iil, haddana wakaaladaha waaweyn ee wararka ee dalkaas iyo telefishinnada dowladda ayaa qayb weyn oo ka mid ah wararkooda u qoondeeyay natiijooyinka doorashada.

    Iran waxay rajaynaysaa in haddii dowladda Benjamin Netanyahu ay xilka ka tagto, uu burburo isbahaysiga militari ee Israa’iil iyo Maraykanka, isla markaana uu yaraado awoodda ay labada dal ku sii wadaan dagaalka ka dhanka ah Iran.

    Warar dheeraad ah :

  19. Iska horimaad dhexmaray ciidamada Pakistan iyo Afghanistan

    Hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, saddex kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad dhexmaray ciidamada Pakistan iyo Afghanistan, kaas oo ka dhacay deegaanka xuduudda ee Angoor Adda, gobolka Koonfurta Waziristan.

    Waxaa sidoo kale la soo sheegay in waxyeello ay gaartay guryo iyo dukaamo ku yaalla deegaanka xuduudda.

    Ku-xigeenka guddoomiyaha degmada Koonfurta Waziristan Hoose ayaa sheegay in habeenkii 27-ka Oktoobar, ururka Daalibaan ee Afghanistan uu rasaas iyo madaafiic ku weeraray guryo ay dad rayid ahi deggan yihiin, kuwaas oo ku yaalla suuqa Angoor Adda iyo deegaannada xuduudda.

    Sida lagu sheegay qoraalka, hoobiye ay Daalibaan ridday ayaa ku dhacay guri, waxaana ku dhintay hal qof oo rayid ah, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen.

    Dukaamo dhowr ah oo suuqa ku yaalla ayaa sidoo kale waxyeello ka soo gaartay duqeynta. Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka si loo daweeyo.

    Ku-xigeenka guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada Pakistan ee ku sugan xuduudda ay si wax ku ool ah oo xooggan uga jawaabeen weerarka lagu beegsaday dadka rayidka ah.

    Askari boolis ah oo ka hawlgala Koonfurta Waziristan , kaas oo BBC-da la hadlay isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in rasaas la sheegay inay sabab la’aan uga timid dhinaca Afghanistan, isla markaana madaafiic ay ku dhaceen deegaanno ay dadku ku nool yihiin.

    Wuxuu intaas ku daray in ciidamada ammaanka Pakistan ay ka jawaabeen weerarka, iyaga oo beegsaday dhowr saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Afghanistan.

    Qof deegaanka Angoor Adda deggan ayaa sheegay in rasaas iyo madaafiic culus ay si lama filaan ah u bilowdeen galabnimadii Talaadada.

    Sida uu sheegay, madfac ayaa ku dhacay guri ay dad deggan yihiin, waxaana ku dhintay hal qof, saddex kalena way ku dhaawacmeen.

    Markii BBC-du la xiriirtay Hamdullah Fitrat, ku-xigeenka afhayeenka dowladda Daalibaan ee Afghanistan, wuxuu sheegay in afhayeenka Wasaaradda Difaaca oo keliya uu arrintan ka bixin karo war rasmi ah.

    Xiisadaha ka taagan xuduudda Pakistan iyo Afghanistan ayaa si goos-goos ah u soo socday labadii sano ee la soo dhaafay.

    Warar dheeraad ah :

  20. Waa kuma Jeneraalkan seddexda jeer ka badbaaday dhimashada ee mar ka mid ahaa askartii Soomaaliya loo diray