Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho

    Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku ku dhawaaqin inay diyaar u yihiin inay Iraan wada-hadal la yeeshaan, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan, Ismaaciil Bagaei, ayaa sheegay in “Yurub ay qayb ka noqotay dhibaatada”.

    “Reer Yurub wax natiijo wax-ku-ool ah ma aysan keenin labadii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri.

    Waxa uu sheegay in xitaa xilligii weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen xarumaha nukliyeerka Iraan, dalalka Yurub ay diideen inay cambaareeyaan weerarradaas. Waxa uu intaa ku daray in farriimihii ay soo saareen ay ahaayeen kuwo “la jaanqaadaya taageeridda gardarrada milatari ee Maraykanka”.

    Bagaei ayaa sidoo kale hirgelinta habka dib-u-soo-celinta cunaqabataynta, oo loo yaqaan trigger mechanism, ku tilmaamay tusaale kale oo muujinaya hab-dhaqanka saddexda dal ee Yurub, kuwaas oo muddo sannado ah kaalin weyn ku lahaa wada-hadallada barnaamijka nukliyeerka Iran.

    Baaq uu hore usoo saaray, kaddib kulan uu magaalada Istanbul kula yeeshay dhiggiisa Yurub iyo mas’uuliyiin kale oo gobolka ah, wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka, Johann Wadephul, ayuu ku sheegay in dalkiisu, isaga oo kaashanaya Faransiiska iyo Britain, uu diyaar u yahay inuu Iraan kala xaajoodo barnaamijkeeda nukliyeerka.

    Sheekooyin dheeraad ah

  2. War deg deg ah, Madaxweynaha Soomaaliya oo casuumaad rasmi ah u fidiyey Xisbiga Nabad iyo Nolol iyo Mucaaradka

    Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, lagu sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah u fidiyey xisbiga Nabadda iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran, iyo Dalladda Bulshada Rayidka, “si ay uga soo qaybgalaan gogol wadatashi Qaran oo ka furmi doonta magaalada Muqdisho 14–18 Nofeembar 2026”, sida ku xusan waraaqda kasoo baxday madaxtooyada Soomaaliya

    Ujeedka gogoasha ayaa lagu tilmaamay in ay tahay in ay ka wada hadlaan arrimaha doorashooyinka, kuwaas oo wayadaan dambe la isku haystay.

    Madaxweynaha ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale u dhigay gogol wada-hadal, kuwaas oo iskugu jiray kuwo suuragalay iyo kuwo aan suuragelin, inkasta ay oo ka sinnaayeen la'aanya natiijooyiinkii laga filayey ee ahaa in la isku raaco hab iyo maamul doorasho oo uu dalka aadayo.

    Haddaba su'aasha ayaa waxa ay noqoneysaa; ma noqon doontaa Casuumaddii lagu soo afjari lahaa khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka?

    Sheekooyin dheeraad ah

  3. Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday xayiraado adag oo dhanka safarka ah, iyadoo xoojinaysa dadaallada looga hortagayo faafitaanka cudurka Ebola.

    Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah in muwaadiniinta Uganda ee ka soo laabanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) lagu khasbo inay galaan karantiil soconaya 21 maalmood.

    Dadka safarrada aan muhiimka ahayn uga imanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, oo ah dal uu cudurku si weyn uga jiro, ayaa hadda laga mamnuucay inay Uganda soo galaan.

    Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo waxay wadaagaan xuduud dheer oo dhererkeedu yahay boqollaal kiiloomitir, taas oo aan si buuxda loo xakamayn.

    Laba gobol oo ka mid ah kuwa uu cudurka Ebola sida daran uga dillaacay gudaha Congo ayaa xuduud la leh Uganda.

    Inkasta oo aan weli Uganda laga xaqiijin kiis Ebola ah, haddana mas’uuliyiinta dalkaasi waxay wadaan dadaallo ay ku xaqiijinayaan inaan dalku gelin khatar cudurka la xiriirta.

    Shaqaalaha gargaarka, darawallada baabuurta xamuulka iyo ciidamada ammaanka laguma soo rogi doono karantiilka 21-ka maalmood ah, balse waxaa laga dhaafi doonaa oo keliya marka baaritaanno lagu sameeyo.

    Qof kasta oo dhowaan booqday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo looma oggolaan doono inuu Uganda u sii maro dal kale.

    Kiisaskii ugu horreeyay ee Ebola ee laga diiwaangeliyo Kenya iyo Nigeria bishan ayaa lala xiriiriyay dad soo maray Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Entebbe ee Uganda.

    Sheekooyin dheeraad ah

  4. War deg deg ah, Maxaa kasoo kordhay dagaalka ka socda duleedka magaalada Baydhabo

    Qof degan koonaha magaalada Baydhabo oo ku dhaw halka uu saaka dagaalka ka bilowday ayaa BBC-da u sheegay in hadda dhawaaqa rasaasta ay u muuqato mid qabowday, inkasta oo la maqlayo rasaas goos goos ah oo weli ka dhacaysa aagga uu dagaalka ka socda.

    sida aan hore u tebinnay, dagaalka ayaa saaka kadib salaaddii subax ka bilowday dhanka koofureed ee magaalada, aagga deeganka Burjaadka oo kamid ah mid goobaha laga ilaaliyo amniga magaalada Baydhabo, kuna taalla wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

    Dhawaan ayey ahayd markii deegaankaas ay saldhig cusub ka sameysteen ciidamada maamulka cusub ee KG Soomaaliya, kadib weerarro isdabo joog ahaa ooo ay kala kulmayeen ciidamo taageersan madaxweynihii hore KGS Lafta gareen.

    Sheekooyin dheeraad ah

  5. Israa'iil oo galaysa doorasho muhiim ah xilli ay kala qaybsanaan weyn jirto

  6. Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo oo sheegay inuu duqeeyay bakhaarro hub iyo goobaha gantaallada laga gano ee Yeman

    Isbahaysiga milatari ee uu Sacuudi Carabiya hoggaamiyo ayaa Isniintii sheegay inuu bartilmaameedsaday dhowr goobood oo Xuutiyiintu gantaallada ka ridaan iyo bakhaarro hub oo ku yaalla Yemen. Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay weerar kale ay ku qaadayn Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Riyadh.

    Howlgalkan Sacuudiga sheegtay ayaa dhacay maalin kaddib markii qaraxyo kale laga maqlay caasimadda. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa dadka deggan magaalada farriimo qoraal ah ugu diray, kuwaas oo ay ku qorneyd, digniin ku saabsan “khatar weerar cirka ah oo cadowgu soo wado”.

    Toddobaadyadii la soo dhaafay, Riyadh ayaa marar badan bartilmaameed u ahayd weerarrada Xuutiyiinta.

    Turki al-Maliki, oo ah afhayeenka isbahaysiga milatari ee Sacuudigu hoggaamiyo, ayaa saaka bartiisa X ku qoray in howlgalka lagu burburiyay afar goobood oo laga gano gantaallada riddada dheer, bakhaar lagu kaydiyo gantaallada iyo godad ay Xuutiyiintu isticmaali jireen.

    Turki al-Maliki ayaa sheegay in ujeeddada howlgalka ay tahay in la gooyo marinnada sahayda maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee deegaannada ay maamulaan.

    Sida uu sheegay, nidaamyada difaaca cirka ee Sacuudiga ayaa qabtay oo burburiyay gantaal riddada dheer ah oo ku soo wajahnaa magaalada Riyadh.

    Xuutiyiinta ayaa uga digay dadka inay isticmaalaan garoonka diyaaradaha, iyaga oo ku tilmaamay “bartilmaameed milatari”.

    Xuutiyiinta ayaa Isniintii mar kale sheegay inay “si sax ah u haleeleen bartilmaameedka iyaga oo adeegsanaya gantaal riddada dheer ah”. Warkan waxaa baraha bulshada ku shaaciyay afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, Yahya Saree.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in Xuutiyiintu diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen xarumo saliidda Sacuudiga.

    Sii akhri

  7. In ka badan 40 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay degmada Shirka ee gobolka Oromia

    Saddex goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in in ka badan 40 qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan shan carruur ah, lagu dilay weerar kale oo toddobaad gudihiis ka dhacay degmada Shirka, aagga Arsi ee gobolka Oromia.

    Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ku dhawaad 20 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarka, isla markaana la geeyay isbitaal.

    Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (EHRC) ayaa sheegay in weerarka ay ka war heleyn, isla markaana baaritaan lagu hayo.

    Sida ay sheegeen ilo-wareedyo ay BBC-du la hadashay, weerarku waxa uu billowday abaare 11-kii subaxnimo, waxaana uu ka dhacay degmada Shirka, gaar ahaan deegaanada Birbo iyo Chole, oo ka tirsanaa aagga RCS ee dowlad-goboleedkii hore ee Oromia.

    Qof deegaanka deggan oo aabbihii oo 75 jir ahaa lagu dilay weerarkii shalay ayaa xaaladda ku tilmaamay sidan:

    “Waxa nala hareereeyay 11-kii habeenimo. Gabi ahaanba diyaar uma aannu ahayn, wax war ahna kama aannu hayn. Waxay naga soo hareereeyeen afarta dhinac oo dhan”. ayuu yiri.

  8. Taliyaha ciidanka Itoobiya oo sheegay in la qabtay hub ay lahayd TPLF oo ka yimid Massawa

  9. War deg deg ah, Dagaal ka socda duleedka magaalada Baydhabo

    Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dagaal ka bilowday duleedka magaaladaasi, kaas oo sheegtayn ciidanka madaxweynihii hore maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

    Dagaalka saaka ayaa lagu soo warramayaa inuu ka bilowday dhanka koofureed ee magaalada, aagga deeganka Burjaadka oo kamid ah mid goobaha laga ilaaliyo amniga magaalada Baydhabo, kuna taalla wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

    Mid kamid ah weriyeyaasha madax bannaan ee Baydhabo ku sugan ayaa BBC Soomaali u xaqiijiyey in magaalada ay degan tahay, balse saasaanta colaadeed ee dagaalka laga dareemeyey illaa iyo shalay duleedka Baydhabo, halkaa oo shalay ay miino kula qaraxday saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka KG, inkasta oo aan la hubin tirada saxda ah ee ku geeriyootay miinadaasi.

    Inkasta oo weli ay tahay xilli hore hadana Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka

    Deegaanka Burjaadka ayaa ciidamo dheeraad ah la geeyey tan iyo markii ay bilowdayn weerarrada ay ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore KG Laftagareen kusoo qaadayaan Baydhabo.

    Halkaan kala soco waxii soo kasoo kordha

  10. Meelo dunida ka mid ah oo bilaa muwaadiniin iyo bilaa xukuumado ah: Maxaysan aagaggaas u lahayn cid iska leh?

  11. War deg deg ah, Iiraan oo xaqiijiyay booqashada saraakiil sare oo ka socda Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ee Tehran

    Cali Bagheri, ku-xigeenka xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iraan, ayaa xaqiijiyay in Wasiirka Difaaca Sacuudi Carabiya, Khalid bin Salman, Taliyaha Ciidanka Pakistan, Asim Munir, iyo Madaxa Sirdoonka Turkiga, Ibrahim Kalin,la filayo inay maanta iskugu wada yimaadan caasimadda Iiraan ee Tehraan, waxa ayna kulan wadajir ah la yeelan doonaan mas’uuliyiinta Iraan inta ay booqashada ku joogaan magaalada Tehran.

    Mr Bagheri ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Qaranka Iraan ku sheegay in Asim Munir uu horay, kulan uu la yeeshay Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ugu sheegay in saraakiil sare oo ka socda saddexdan dal ay go’aansadeen inay u safraan Tehran, halkaasna ku yeeshaan kulan wadajir ah.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in Iraan iyo saddexdan dal ay iska kaashan karaan sidii sare loogu qaadi lahaa “amniga gobolka, kaas oo ku dhisan awoodaha gudaha”, iyaga oo ka faa’iidaysanaya waxa uu ku tilmaamay “waayo-aragnimada guulaysatay ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran u leedahay dhismaha amniga qaranka” intii uu socday dagaalkii dhowaan dhacay.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa horay u tebisay, iyadoo soo xiganaysa laba ilo-wareed oo xog-ogaal ah, u sheegtay in saraakiil sare oo ka socda Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan, oo ah saddex dal oo xubno ka ah “Heshiiska Maka”, ay Isniinta, 26-ka Oktoobar, magaalada Tehran kaga wada hadli doonaan isku-duwidda arrimaha gobolka.

    Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay sii wadaan weerarrada ay ku qaadayaan Sacuudi Carabiya.

    Saraakiil ka kala socday saddexda dal ee xubnaha ka ah Heshiiska Maka ayaa horraantii Oktoobar, kulan degdeg ah oo ka dhacay magaalada Riyadh, ku heshiiyay in si dhaqso ah Sacuudi Carabiya loo geeyo ciidamo iyo awoodaha milatari ee loo baahan yahay.

  12. Maraykanka oo Ammarro dheeraad ah kusoo rogay muwaadiniintiisa ka shaqeeya dalka Sacuudiga

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa soo saartay amar ay shaqaalaha Maraykanka ee sugan Sacuudiga kaga baxayaan dalkaasi, iyaga iyo qoysaskooduba. khataraha amni darteyd.

    War saxaafdeedka oo soo baxay 25 bisha Oktoober ayaa lagu yiri “Laga bilaabo 23-ka Oktoobar 2026, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa amartay in shaqaalaha dawladda Maraykanka ee aan ku jirin hawlaha degdegga ah iyo xubnaha qoysaskooda ay ka baxaan Sacuudi Carabiya, sababo la xiriira khataraha amni”.

    Xuutiyiinta ay taageerto Iran ayaa dagaallo iyo weerarro ka fuliyay Sacuudi Carabiya, oo ay ku jiraan weerarro lagu qaaday garoomada diyaaradaha rayidka iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo carqalado waaweyn oo ku yimid isu-socodka safarka, balse safaaraddu waxa ay sheegtay in ay ka cabsi qabaan “in colaadahaasi ay si degdeg ah ugu fidaan meelo ka baxsan aagga ay hadda ka socdaan”.

    Dhanka kale, warka qoraalka ayaa lagu tilmaamay in “ Shaqaalaha dawladda Maraykanka ee ka hawlgala Sacuudi Carabiya waxay u baahan yihiin oggolaansho gaar ah oo uu bixiyo madaxa ergada diblomaasiyadeed ee Maraykanka si ay uga duuli ama degi karaan garoon kasta oo diyaaradeed oo dalkaas ku yaalla, kaddib weerarradii ugu dambeeyay ee gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee boqortooyada”.

  13. Netanyahu: "Waxaan dhammaystirnay 90% hawshii lagu burburinayay barnaamijka nukliyeerka Iraan"

    Maalin ka hor doorashooyinka baarlamaanka Israa’iil, ra’iisul wasaarahooda, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in boqolkiiba 90 hawshii lagu burburinayay barnaamijka nukliyeerka Iran la qabtay, isla markaana uu yahay qofka keliya ee dhammaystiri kara hawshaas.

    Waxa uu ka digay suurtagalnimada weerar ay Iraan iyo xulafadeedu ay qorsheenayaan in ay weerar kusoo qaadaan si ay u carqaladeeyaan doorashooyinka.

    Dhanka kale, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa taageeray Netanyahu, isaga oo ka hadlayay hawlgalkii milatari ee ka dhanka ahaa Iraan, wuxuuna yiri: “U codeeya Netanyahu; waa inaan dhammaystirnaa wixii aan si wadajir ah u bilownay”.

    Hase yeeshee, Gadi Eisenkot oo la tartamaya Netanyahu ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil inuu ku guuldarraystay inuu gaaro ujeeddooyinkii laga lahaa dagaalka Iiraan.

  14. Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday natiijo toddobaadyo la sugayey

    Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka Bulshada ee dowladda Federalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan kiis ku saabsanaa qof loo karantiilay xanuunka Ebola. Warsaxaafadeedka wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in “iyadoo daba socota war-saxaafadeedkii ay soo saartay 12 Oktoobar 2026, waxay shacabka Soomaaliyeed la wadaagaysaa warbixintii ugu dambeysay ee ku saabsan muwaadinkii Soomaaliyeed ee la karantilay, kaddib markii la ogaaday inuu xirir toos ah la yeshay qof qabay cudurka Ebola oo ku geriyooday dalka Kenya 5 Oktoobar 2026” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    Wasaaraddu waxay sheeegtay in 12 bishan October ay ku guuleysatay in si ‘badqab iyo sharaf leh loo karantiilo muwaadinka, iyadoo la geeyay Xarunta Karantiilka iyo Daaweynta Cudurka Ebola ee Isbitaalka Forlanini,”

    Waxaa intaas lagu daray in qofka la marsiiyey laba baaritaan oo cudurka Ebola ah. Baaritanka kowaad ayaa lagu sameeyey gudaha Soomaliya halka kan labaadna loo diray dibadda.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in labada baaritaanba ay muujiyeen in muwaadinka laga waayay fayraska ‘Negative’

    Warka ayaa intaa ku sii daray in Intii uu muwaadinku ku jiray karantiilka, uusan muujin wax calaamado ah oo la xiriira cudurka Ebola. Waxaa sidoo kale la dhammaystiray muddadii 21-ka.

    “Wasaaradda Caafimaadka, iyadoo tixgelinaysa natiijooyinka labada baaritaan, dhammaystirka muddada dabagalka, xaaladda caafimaad ee muwaadinka iyo qüimeynta khatarta caafimaadka bulshada iyadoo la raacayo habraaca caalimaga ah xaqiijinta baaritaanada Cudurka , waxay go'aamisay in muwaadinka laga saaro karantiilka, iyadoo la raacayo habraacyada caafimaadka ee u degsan dalka iyo kan caalamiga ah.”ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sidaasoo kale xaqiijisay in ilaa hadda an Soomaalia laga xaqiijin cuduka Ebola.

    Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan, ayaa BBC-da u sheegay in wali wadaan howlaha feejignaanta iyo u toga haynta xaaladda.

  15. War weyn oo ka soo kordhay dabaqii ku dumay Islii oo la shaaciyey

    Sida ay sheegtay Susan Auma Mang’eni, oo ah Xoghayaha Joogtada ah ee waaxda dowladda Kenya u qaabilsan horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah (MSME), weli waxaa jira dad aan la ogeyn meelaha ay ku sugan yihiin, kaddib burburkii dhisme dabaqa ahaa ee ka koobnaa dhowr iyo tobanka kaas oo Jimcihii k ku dumay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

    “Illaa hadda, waxaa la soo sheegay in ku dhowaad 38 qof la la’yahay,” ayay tiri Mang’eni.

    Sida ay sheegtay, qoysaska ayaa macluumaadka ku saabsan ehelladooda maqan la wadaagay Ururka Laanqayrta Cas ee Kenya iyo kooxaha kale ee ka qayb qaadanaya hawlgallada samatabbixinta, oo ay ku jiraan Waaxda Dambi-baarista (DCI) iyo hay’adaha ammaanka.

    Mang’eni ayaa sheegtay in mas’uuliyiintu ay dabagal ku samaynayaan warbixin kasta si loo ogaado halka ay ku sugan yihiin dadka maqan. Waxay intaas ku dartay in lambarrada telefoonka ee qoysasku bixiyeen ay baarayaasha ka caawin karaan raadinta dadkaas.

    “Mararka qaarkood, haddii aad na siiso lambar telefoon, waxaan ogaan karnaa halka uu lambarkaasi ka shaqeynayo,” ayay tiri.

    Mang’eni ayaa sheegtay in sagaal qof la helay, iyadoo qaar ka mid ah laga helay goobta uu dhismuhu ku dumay. Qaar kale, ayay tiri, ma joogin goobta maalintii uu dhismuhu burburay.

    Lambarrada telefoonka ee sagaalka qof ayaa la jaanqaaday telefoonno laga helay burburka dhismaha.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  16. Dal Afrikan ah oo mamnuucay in la isticmaalo ereyada 'dal sabool ah, dal deyn lagu leeyahay ama dal yar"

  17. Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo oo sheegay inay soo rideen 10 gantaal oo Xuutiyiintu ku ganeen dalkaas

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa ku dhawaaqay inuu soo riday 10 gantaal oo nooca ballistic ah oo ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ku rideen dalkaas.

    Afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Maliki, ayaa qoraal uu ku baahiyey barta X ku sheegay in dhammaan gantaallada la soo riday, balse ma uusan faahfaahin waxyeellooyinka ka dhashay ama khasaaraha nafeed.

    Turki al-Maliki ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada isbahaysigu ay qabteen oo burburiyeen gantaal ballistic ah iyo laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Xuutiyiintu ku bartilmaameedsadeen magaalada Riyadh.

    Axadda, mant aha xilli lagu dhawaaqay in dib loo furayo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee Riyadh, ayaa waxaa la soo sheegay qaraxyo laga maqlay caasimadda Sacuudiga. Si kastaba ha ahaatee, ma cadda in qaraxyadu ay la xiriireen gantaallo hawada lagu burburiyey iyo in ay ka dhasheen weerar toos ah.

    Qaar ka mid ah duullimaadyada garoonka King Khalid ayaa maanta u muuqday inay shaqeynayeen, laba toddobaad kaddib markii garoonka la xiray, inkasta oo shaashadaha ogeysiisyada garoonka ay ka buuxeen duullimaadyo la baajiyey.

    Xuutiyiinta oo xulafo la ah Iran ayaa hore uga digay in garoonku weli yahay “bartilmaameed militari” isla markaana “uusan ammaan ahayn”.

  18. Wasiirka Difaaca Ingiriiska: Waa inaan u diyaar garownaa dagaal muddo kun maalmood gudahood ah

    Xoghayaha Difaaca Ingiriiska ayaa ka digay in waddankiisu uu haysto qiyaastii kun maalmood si uu ugu diyaar garoobo dagaal suurtagal ah oo uu la galo cadawgiisa.

    "Rabitaanka cadawgeennu inay na waxyeeleeyaan ma aha wax cusub," ayuu Wes Streeting u sheegay wargeyska Ingiriiska ee The Telegraph. "Waxa isbeddelay waa awooddooda. Marka la gaaro 2030, awooddooda ciidan iyo dhaqaalahooda dagaal ayaa ku ridi kara boos ay ku weeraraan."

    Mr. Stretting ayaa intaa ku daray in qiimeyntan, Britain ay haysato wax ka badan kun maalmood si ay ula diyaararowdo xulafadeeda si ay "ugu guuleysato" dagaalka.

    "Waa inaan diyaar u ahaannaa inaan ka fogaano malaha ugu xun," ayuu yiri, isagoo ka hadlayay weerar suurtagal ah oo Ruush ka yimaada.

    Dowladda Ingiriiska waxay bilowday olole "Diyaargarow", iyadoo dadka kula talinaysa inay sii wadaan kaydsashada biyaha, cuntada la keydin karo sida cuntooyinka qasacadaysan, busteyaasha iyo raadiyaha guriga si loogu diyaari garoobo haddii ay dhacdo weerar internet ama cimilo daran iyo carqaladayn kaabayaasha.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  19. Qaraxyo laga maqlay magaalada Riyaad xilli uu dib u furmayo garoonka diyaaradaha ee Boqor Khaalid

    Qaraxyo ayaa laga maqlay caasimadda Sacuudiga iyadoo mas'uuliyiinta Sacuudiga ay ku dhawaaqeen go'aankooda ah inay dib u bilaabaan duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee King Khalid ee Riyaad.

    Lama caddeyn in qaraxyadu ay la xiriireen gantaalo hawada lagu qabtay ama kuwo ku dul dhacay magaalada.

    Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay inay qabteen 10 gantaal oo lagu riday Riyaad iyo meelo kale.

    Garoonka diyaaradaha ee King Khalid ayaa xirnaa muddo laba toddobaad ah sababo la xiriira weerarrada ay geysanayaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen.

    Xuutiyiinta ayaa ka digay in garoonka diyaaradaha uu weli yahay "bartilmaameed militari" oo "aan ammaan ahayn."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  20. Khilaaf adag oo ku saabsan shaqada milatariga Israa'iil kaa oo laga yaabo inuu qaabeeyo mustaqbalka Israa'iil