Faransiiska ayaa u diyaargaroobaya dibadbaxyo la xiriira qiimaha nolosha oo sare u kacay
Faransiiska ayaa wajahaya mowjad cusub oo dibadbaxyo ah oo looga horjeedo sicir bararka iyo xaaladaha sii xumaanaya ee dugsiyada, iyadoo laga cabsi qabo in ay soo noqdaan rabshadihii iyo bililiqadii dukaamada ee dhacday toddobaadkii hore.
Dowladda ayaa sheegtay in ay geyn doonto meelo kala duwan oo dalka ah 70,000 oo askari oo boolis ah, waxayna ballanqaadday in ay tallaabo degdeg ah qaadi doonto haddii ay soo baxaan wax calaamado ah oo muujinaya rabshado ama qalalaase.
“Uma dulqaadan doonno fal kasta oo sharci-darro ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Laurent Nuñez.
Wuxuu intaas ku daray in dowladdu aysan u dabci doonin dadka waxyeelleeya hantida, kuwa wax dhaca iyo dhammaan dadka ku lugta leh falalka rabshadaha wata. Wuxuu sidoo kale sheegay in marka laga soo tago dibadbaxyada la qorsheeyay, ay baraha bulshada ku jiraan farriimo badan oo rabshado hurinaya, kuwaas oo ay faafinayaan kooxaha garabka bidix iyo kuwa bidixda fog.
Magaalada Paris, ganacsatada ayaa xiray dukaamadooda, qaarna waxay ku dabooleen alwaax si ay uga hortagaan falal waxyeello geysan kara. Magaalada Orléans, oo ku taalla koonfurta Paris, ayaa ka mid ah meelaha sida weyn looga walaacsan yahay.
Dibadbaxyada ayaa markii hore ku bilowday ardayda dugsiyada sare oo dalbanayay in la hagaajiyo goobaha waxbarashada, lana xalliyo macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee yaraaday. Hase yeeshee, meelo ka mid ah dalka ayaa markii dambe rabshado ay ka dhaceen.
Xisbiga garabka midigta fog ee National Rally ayaa shirkiisa sannadlaha ah ku qabanaya magaaladaas. Hoggaamiyaha xisbiga, Marine Le Pen, ayaa la filayaa in ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo in ay doonayso in ay u tartanto xilka madaxweynaha doorashada dhici doonta sannadka soo socda.
Warar kale oo dheeri ah