Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
SUMMARY
Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay James Comey, oo ahaa agaasimihii hore ee Hay’adda Baarista Federaalka Mareykanka (FBI), iyada oo ku eedeysay inuu toban sano ka hor xog la xiriirta amniga qaranka uu u dusiyay wariye.
Tani waa markii saddexaad muddo sannad ka badan gudaheed ee maamulka Madaxweyne Donald Trump uu isku dayayo inuu dacwad ku soo oogo Comey oo Trump xilka ka qaaday sannadkii 2017-kii.
Comey ayaa ka jawaabay eedeymaha isaga oo sheegay inuu weli yahay qof aan sameyn waxa lagu soo eedeeyey, kana madax bannaan yahay, isla markaana aanu weli cabsi qabin.
Waxa uu si cad u dhaliili jiray madaxweynaha. Qareennadiisa ayaa hore maamulka ugu eedeeyay inuu dacwadda u adeegsanayo dano siyaasadeed.
Shan qaab oo uu Trump wax uga beddelay nidaamka socdaalka ee maraykanka
Hindiya oo su’aalo ka keentay adeegsiga awoodda Codka diidmada qayaxan ee Qaramada Midoobay
Wakiilka Joogtada ah ee Hindiya u fadhiya Qaramada Midoobay, Parvathaneni Harish, ayaa soo bandhigay mowqifka dalkiisa ee ku saabsan adeegsiga awoodda diidmada qayaxan intii lagu guda jiray kalfadhiga guud ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Waxa uu sheegay in awoodda diidmada qayaxan ay hadda leeyihiin oo keliya shanta dal ee xubnaha joogtada ah ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Waxa uu xusay in awooddaasi ay sidoo kale tahay mas’uuliyad, loona baahan yahay in si taxaddar iyo xakameyn leh loo adeegsado, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta nabadda iyo amniga caalamka.
Waxa uu intaas ku daray in awoodda diidmada qayaxan aan loo adeegsan danaha siyaasadeed ee gaarka ah.
Harish ayaa sheegay in diiwaanka adeegsiga awooddan uu cad yahay, isaga oo xusay in intii ay jirtay Qaramada Midoobay, awoodda diidmada qayaxan la adeegsaday 331 jeer, lagana hor yimid ku dhowaad 200 oo qaraar.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in laba ka mid ah shanta dal ee xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee kala ah; Shiinaha, Ruushka, Maraykanka Faransiiska iyo Ingiriiska aanay awooddan adeegsan muddo ka badan 35 sano, halka inta badan adeegsigeeda ama hanjabaadaha la xiriira ay ka yimaadeen saddex ka mid ah dalalkaas.
Wakiilka Hindiya ayaa sheegay in hindisihii awoodda diidmada qayaxan ee la bilaabay 2022 uu rajo ka muujiyay isbeddel, maadaama uu dhigayo in mar kasta oo awooddan la adeegsado, arrinta looga doodo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, si loo xaqiijiyo isla xisaabtan.
Arrinta awoodda diidmada qayaxan ayaa ka mid ah shanta qodob ee ugu waaweyn ee dib-u-habaynta Golaha Ammaanka, kuwaas oo ay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kaga wada hadlayaan wadaxaajoodyada dowladaha dhexdooda.
Sacuudi Carabiya oo ka hadashay shirkii afarta dhinac ee Tehran
Saacad ka dib markii mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Pakistan, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ay gaareen Tehran si ay uga qayb galaan shir afar geesood ahaa, ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga waxay soo saartay bayaan ay ku sheegtay in ka qaybgalka Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, Amiir Khalid bin Salman, uu qayb ka yahay dadaallada Riyadh ay ku dooneyso in lagu xallinayo xiisadda gobolka, iyadoo la adeegsanayo dalalka xubnaha ka ah Heshiiska Maka, oo kala ah Pakistan iyo Turkiga.
Bayaanka ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudigu soo saartay habeenkii Isniinta ayaa u qornaa sidan:
“Iyada oo la sii ambaqaadayo doorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee xoojinta wada-hadalka iyo nabadda heer gobol iyo heer caalami, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi caddeyneysaa in booqashada Amiir Khalid bin Salman bin Abdulaziz Al Saud, Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo ay weheliyaan wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka, ay ku tageen Tehran, halkaas oo ay kula kulmeen mas’uuliyiin sare oo Iiraaniyiin ah.
Booqashadu waxay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee dalalka xubnaha ka ah heshiiskan ay ku doonayaan inay ku yareeyaan xiisadaha u dhexeeya dhinacyada ku lugta leh xiisadda taagan, ku dhiirrigeliyaan wada-hadalka iyo xalalka diblomaasiyadeed, isla markaana taageeraan dadaallada dhexdhexaadinta ee Dowladda Qatar iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.”
Marka laga soo tago Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, waxaa sidoo kale shirkii afarta dhinac ee Isniintii ka dhacay Tehran ka qayb galay Marshal Asim Munir, taliyaha ciidanka Pakistan, iyo Ibrahim Kalin, madaxa sirdoonka Turkiga.
AROORYO SUUBAN
Kusoo dhawaada tebinteenna tooska ah maalinimo
Baarlamaanka Masar ayaa oggolaaday in taageero milatari la siiyo Sacudiga
Baarlamaanka Masar ayaa oggolaaday in taageero milatari loo diro Sacuudi Carabiya, si looga caawiyo dalkaas in uu iska difaaco weerarrada Xuutiyiinta.
Tallaabadan, oo timid kaddib codsi uu soo jeediyay madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, ayaa keeni karta in Qaahira ay si toos ah ugu lug yeelato colaadda gobolka ee u dhexeysa Boqortooyada Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hela Iran.
Horumarka ay Xuutiyiintu sameynayaan ayaa sidoo kale khatar ku ah Marinka Baabul-Mandab, oo ah marin muhiim ah oo loo maro Kanaalka Suweys ee Masar.
Intii uu booqashada ku joogay Qaahira, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayuu sheegay in ay muhiim tahay in laga hortago wax kasta oo sii hurin kara colaadaha Bariga Dhexe, gaar ahaan Mareykanka iyo Iran oo weli is-weydaarsanaya hanjabaado.
Saameynta gobolka ay ku yeesheen weerarka Mareykanka iyo Israel ku qaadeen Iran ayaa sidoo kale maanta looga hadlayaa kulanka ay Tehran ku leeyihiin mas’uuliyiin ka socda Sacuudi Carabiya, Pakistan iyo Turkiga.
Sheekooyin dheeraad ah
'Qol yar ayaan ka dhex shaqeeyaa aniga oo safiir ah' Haweeneyda ka diiday Taliban inay iska casisho xilkeeda
Kulankii ugu socday Tehran dalalka ku bahoobay heshiiska Makah iyo Iran ayaa la soo gabogabeeyay
Kulankii u dhexeyay Iran iyo dalalka ku bahoobay heshiiska Makah ee Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa ku soo dhammaaday Tehran.
Kulanka ayey Sacuudigu ku sheegeen ujeedkiisu in uu yahay “in looga hortago in dagaalka sii weynaaado iyo sidoo kalena loogu gogol xaaro heshiis”.
“Waxaan aaminsannahay haddii aan maareyno khilaafkeenna oo aan xoogga saarno waxyaabaha la wadaago iyo danaha la wadaago halkii aan diiradda saari lahayn arrimaha kala qaybinaya, in aan si fudud oo wax ku ool ah uga gudbi karno dhibaatooyinka gobolka” ayuu yiri madaxweynaha Iran Masoud Pezzekian.
Kulanka oo ka dhacay qasriga Saadabad ee magaalada Tehran waxaa joogay madaxweynaha Iran, Mr. Pezhikian oo ay wehliyeen xoghayaha golaha sare ee amniga qaranka, Mohsen Rezaei iyo wasiirka arrimaha dibadda Abbas Araqchi, waxayna la kulmeen taliyaha cidamada Pakistan Asim Munir, wasiirka difaaca Turkiga, Khalid bin Salman iyo taliyaha sirdoonka Turkiga Ibrahim Kalin.
Sheekooyin dheeraad ah
Iran, Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa Tehran ku kulmaya
Kulan afar geesood ah oo u dhexeeyay dalalka Iran, Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa ka bilowday magaalada Tehran ee caasimadda Iran.
Taliyaha cidamada Pakistan, Asim Munir, dhexdhexaadiyaha ugu sareeyay Iran iyo Mareykanka, Khalid bin Salman, wasiirka difaaca Sacuudiga iyo madaxa sirdoonka Turkiga ayaa ka mid ah madaxda joogtay kulanka Tehran.
Sacuudiga ayaa hore u sheegay in ujeedada wadahadalka ay tahay sidii looga hortagi lahaa in dagaalku weynaado iyo in loo gogol-xaaro heshiis.
Sacudiga, Pakistan iyo Turkiga ayaa bishii Agoosto saxiixay heshiiska Maka, kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado midkood loo arki doono weerar lagu qaaday dhammaantood. Kuwani waxay noqon doonaan wadahadalladii ugu horreeyey ee dhex mara Iran iyo isbahaysiga cusub ee dhawaan la aasaasay.
Sheekooyin dheeraad ah
Bangiga Adduunka oo ku taliyey in la dhimo tirada wasaaradaha dowladda Soomaaliya
Lula da Silva ayaa loo doortay madaxweynaha Brazil
Luiz Inácio Lula da Silva ayaa ballanqaaday in uu madaxweyne u yahay dhammaan reer Brazil, kaddib markii uu si weyn ugu guleystay doorashadii madaxtinnimada dalka.
Musharraxa garabka midig Flavio Bolsonaro ayuu kaga adkaaday in ka badan 4.4 milyan oo cod. Kaddib olole doorasho oo si weyn bulshada u kala qaybiyey, isla markaana ay fadeexado hareeyeen.
Hoggaamiyaha garabka bidix ee 80-ka sano jira, wuxuu diray farriin ku saabsan midnimo iyo guusha dimuqraadiyadda.
Ninka la tartamayay, Mr Bolsonaro ayaa diiday in uu qirto guuldarrada, wuxuuna sheegay in qareennadiisu ay isku dayi doonaan in natiijada doorashada laga noqdo. Wuxuu sheegay in go'aanka maxkamadda ee lagu kordhiyey muddada codbixinta laba saacadood, sababo la xiriira carqalado dhanka gaadiidka ah, uu ahaa mid aan la aqbali karin, inkastoo labada musharraxba ay codsadeen kordhintaas.
Aabihi, Jair Bolsonaro, ayaa sidoo kale diiday in uu aqbalo guuldarradii doorashadii hore, waxaana markii dambe lagu helay dambi la xiriira qorsheyn afgambi.
Natiijadani waxay sidoo kale ka hor imaaneysaa isbeddelka guulaha doorashooyinka ee garabka midig ee Koonfurta Ameerika.
Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha dunida ayaa hambalyo u diray Lula kaddib markii uu si lama filaan ah dib ugu soo laabtay siyaasadda, kuna guuleystay in mar kale loo doorto xilka madaxweynaha.
Siyaasiyiin ka kala socda dhinacyo badan oo siyaasadeed ayaa ka hadlay guushan taariikhiga ah iyo habraacii doorashada.
Madaxweynaha garabka midig ee Peru, Fujimori, ayaa ammaanay kuna tilmaamay “maalin dimuqraadiyad ah” oo Brazil ka dhacday. Waxaa sido kale u hambaleeyay madaxweynaha Brazil madaxweynayaasha Chile iyo Ecuador, kuwaas oo xulafo adag la ah Madaxweyne Trump.
Sheekooyin dheeraad ah
Weerarada Xuutiyina ayaa joojiyay 90 boqlkiiba duulimaadyada Riyaad
Xog laga helay hay’adaha la socda duulimaadyada ayaa muujinaya in weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ku dhowaad gebi ahaanba hawada Riyaad ka joojiyen diyaaradaha. Sagaal ka mid ah tobankii duulimaad ayaa la baajiyey.
Xogtii ugu dambeysay ee ay soo bandhigtay Cirium, oo ah bog falanqeeya xogta duulimaadyada, ayaa muujineysa in intii u dhaxaysay 8-dii iyo 25-kii Oktoobar qiyaastii laba toddobaad ka hor, la baajiyey 4,071 duulimaad, marka loo eego 4,736 duulimaad oo guud ahaan jadwalkoodu ku jiray muddadaas.
Xuutiyiinta oo xulafo la ah Iran ayaa bilihii ugu dambeeyay kordhiyey weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku beegsanayeen xarumaha shidaalka, dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga.
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyaad, oo ah garoonka labaad ee ugu mashquulka badan Sacuudiga marka laga yimaado kan Jiddah, ayaa marar badan bartilmaameed u noqday Xuutiyiinta. Weerarkii dhacay 10-kii Oktoobar ayaa waxaa ku dhintay 13 qof.
Shalay, mas'uuliyiinta Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay in ay dib u furayaan garoonka diyaaradaha ee Boqor Khaalid ee Riyaad, kaddib markii uu xirnaa muddo laba toddobaad ah. Hase yeeshee, warbixinnadu waxay tilmaameen in weerarrada Xuutiyiintu ay weli sii socdeen, isla markaana duulimaadyo badan la baajiyey.
Xuutiyiinta ayaa ka digay in garoonka diyaaradaha ee Riyaad uu weli yahay “bartilmaameed milatari” isla markaana uu sidoo kale yahay meel “aan ammaan ahayn.”
Sheekooyin dheeraad ah
Katz : Israel ma qorsheyneyso in ay weerarto Iran ka hor dorashada
Wasiirka difaaca Isreal Israel Katz ayaa maanta oo isniin ah sheegay in aysan “waxba ka jirin” wararka sheegaya in khilaaf soo dhexgalay milatariga wadanka iyo hoggaamiyayaasha siyaasadda kaas ku saabsan in weerar lagu qaado Iran.
Wuxu sheegay in Israel “aysan qorsheyneyn in ay werarto Iran ka hor dorashooyinka dalka ka dhacaya”.
Talefishinka Israel ee lagu magacaabo Channel 12 ayaa shalay oo Axad aheyd sheegay isago soo xiganaya ilo aan la magacaabin in ay isku khilaafeen raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo taliyaha cidamada IDF Eyal Zamir kaas oo ku saabsan amar cusub oo aan faahfaahintiisa la sheegin. Netanyahu ayaa hore u sheegay wararkaas in ay been yihin.
Katz wuxuu kaloo sheegay ujeedka loo qoray warbixintan in ay tahay in shaki la geliyo go’aanka isbahaysiga Netanyahu ka hor doorashada aadka laysugu dhow yahay.
Channell 12 wuxu sheegay in Eyal Zamir u dalbaday kulan faahfaahsan iyo heshiis qoran oo saxiixan ka hor inta uusan ammarka qaadan.
Talefeshinka ma bixin faahfaahin ku saabsan amarka su’aasha ka taagan tahay balse wuxu soo xigtay ilo sheegaya in ay jiraan walaac ka dhexjira milatariga oo ku saabsan in dagaalka loo adeegsanayo faa’ido siyaasadeed.
Sheekooyin dheeraad ah
Su'aalo ayaa ka dhashay ruqsadaha dhismihii ku dumay Eastleigh
Afrika ma waxay dhiseysaa isku filnaansho dhaqaale oo mustaqbalka ah?
Obama oo si aad ah u weeraray Trump mar uu olole ka waday Ohio
Maxay yihiin Faa'iidooyinka ku jira caana Lo'da ee aan la karkarin?
Haddii aan rumaysanno sheekooyinka laga sameeyay faa'iidooyinka caanaha aan la kar-karin, waxay noqon lahaayeen inay daawo u yihiin caanaha Lo’da dhibaato kasta, laga bilaabo kor u qaadista habdhiska difaaca jirka ilaa hagaajinta habdhiska dheefshiidka.
Tobankii sano ee la soo dhaafay, dadka ka baaraya bogga Google caanaha noocan ah ee ayaa korodhay UK iyo Mareykanka. Waxaa sidoo kale jiray ku dhawaad 260,000 oo qoraal oo Instagram ah oo isticmaalaya hashtag #CaanahaCeeriinka, iyadoo dadka saameeya baraha bulshada ay sii wadaan inay kor u qaadaan oo ay xoojiyaan faa'iidooyinkooda.
Inta badan noocyada caanaha ee lagu iibiyo suuqa waxay maraan hab lagu kululeeyo caanaha heerkul gaar ah si loo dilo bakteeriyada waxyeelada leh loona kordhiyo muddada la kaydin karo iyada oo aan la kharribin.
Dhanka kale, caanaha ceeriin iyo kareemka aan la karin waxaa laga saaraa lo'da, idaha, ama riyaha ka dibna si toos ah ayaa loogu shubaa weelasha iyada oo aan wax farsamayn ah la sii wadin.
Sidaa darteed, waxay ku sii jiraan xaaladdoodii asalka ahayd, nafaqooyinkooda iyo dhammaan unugyada nool ee ku jira.
Intaa waxaa dheer, dhadhanka caanaha aan la karin badanaa waa la ammaanaa, iyadoo la yiraahdo way ka macaan yihiin caanaha la warshadeeyay oo way ka saxsan yihiin.
Sheekooyin dheeraad ah
Iran oo diiday dalabkii Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ee ahaa in wada-hadal lala yeesho
Maalmo ka hor intii aysan Britain, Faransiiska iyo Jarmalku ku dhawaaqin inay diyaar u yihiin inay Iraan wada-hadal la yeeshaan, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iraan, Ismaaciil Bagaei, ayaa sheegay in “Yurub ay qayb ka noqotay dhibaatada”.
“Reer Yurub wax natiijo wax-ku-ool ah ma aysan keenin labadii sano ee la soo dhaafay,” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in xitaa xilligii weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen xarumaha nukliyeerka Iraan, dalalka Yurub ay diideen inay cambaareeyaan weerarradaas. Waxa uu intaa ku daray in farriimihii ay soo saareen ay ahaayeen kuwo “la jaanqaadaya taageeridda gardarrada milatari ee Maraykanka”.
Bagaei ayaa sidoo kale hirgelinta habka dib-u-soo-celinta cunaqabataynta, oo loo yaqaan trigger mechanism, ku tilmaamay tusaale kale oo muujinaya hab-dhaqanka saddexda dal ee Yurub, kuwaas oo muddo sannado ah kaalin weyn ku lahaa wada-hadallada barnaamijka nukliyeerka Iran.
Baaq uu hore usoo saaray, kaddib kulan uu magaalada Istanbul kula yeeshay dhiggiisa Yurub iyo mas’uuliyiin kale oo gobolka ah, wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka, Johann Wadephul, ayuu ku sheegay in dalkiisu, isaga oo kaashanaya Faransiiska iyo Britain, uu diyaar u yahay inuu Iraan kala xaajoodo barnaamijkeeda nukliyeerka.
Sheekooyin dheeraad ah