Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Sida loo ilaaliyo Makka Al Mukarrama iyo magaalooyinka kale ee barakaysan

  2. Warbixin Trump aanu ku farxi doonin oo la soo saaray

    Ra’yi-ururin cusub oo CNN samaysay ayaa muujisay in taageerada dadweynaha Mareykanka ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweyne Donald Trump ay gaartay heerkii ugu hooseeyay tan iyo markii uu bilaabay muddo-xileedkiisa labaad.

    Kaliya 29% dadka la wareystay ayaa taageeray waxqabadkiisa arrimaha dibadda, halka 26% ay ku qanacsan yihiin sida uu u maareeyay dagaalka Iran. Ku dhowaad saddex-meelood laba meel ayaa sheegay in Mareykanku uusan dagaalka ku guuleysanayn, halka 78% ay aaminsan yihiin inuusan Trump ku filnayn dadaallada lagu soo afjarayo.

    Sidoo kale, 18% oo keliya ayaa rumeysan in go’aannadiisa ku saabsan dagaalka Iran ay dan u yihiin Mareykanka.Warbixin

  3. War deg deg ah, Toogasho wadareed ka dhacday Koonfur Afrika iyo faah-faahin ka soo baxaysa

    Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay toogasho wadareed ka dhacday guri ku yaalla deegaanka KwaMakhutha, oo u dhow magaalada Durban ee Koonfur Afrika.

    Booliska ayaa sheegay in rag hubeysan ay guriga gudaha u galeen fiidkii Talaadadii, kadibna rasaas ku fureen 14 qof. Toban qof ayaa goobta ku dhintay, halka afar kalena isbitaal loo qaaday, balse mid ka mid ah uu markii dambe u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

    Boolisku waxay sheegeen in qaar ka mid ah dadka la beegsaday ay ku jireen baaritaanno la xiriira falal sharci-darro ah, balse aysan faahfaahin karin arrintaas si aanay u carqaladeyn baaritaanka socda. Waxay intaas ku dareen in aan meesha laga saari karin suurtagalnimada in weerarku la xiriiro colaad u dhexeysa kooxo iska soo horjeeda.

    Bayaan boolisku soo saareen ayaa lagu sheegay in 13 nin iyo haweeney la rumeysan yahay inay uur lahayd ay xaflad ku lahaayeen guriga, markii ay yimaadeen saddex nin oo rasaas ku furay. Haweeneyda ayaa ka mid ah dadka dhintay.

    Weriye ka tirsan telefishinka eNCA oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in ragga weerarka geystay ay sidoo kale dab qabadsiiyeen gaari uu lahaa mid ka mid ah dhibbanayaasha, ka hor inta aysan baxsan.

    Booliska ayaa sheegay inay bilaabeen baadigoobka tuhmanayaasha.

    Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka uu heerka dilalku aadka ugu sarreeyo dunida. Xogta booliska ayaa muujinaysa in dalka maalin kasta lagu dilo in ka badan 60 qof.

  4. War deg deg ah, Maxaa dhexmaray mas'uuliyiinta Iran iyo kuwa Mareykanka ee New York isku arkay?

    Ergayga gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff ayaa sheegay in wada-hadallo muddo dheer socday lala yeeshay wafdiga Iran, iyadoo dhexdhexaadiyeyaal ay labada dhinac farriimo isu gudbinayeen intii uu socday shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Qoraal uu ku baahiyay barta X ayuu ku sheegay in wareeg wada-hadal ah si guul leh loo soo gabagabeeyay, isla markaana uu rajaynayo in wada-hadalladu noqdaan kuwo “wax-ku-ool ah oo rajo leh”. Wuxuu intaas ku daray in dhexdhexaadiyeyaashu ay sii wadi doonaan dadaalladooda.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isaguna hore wariyeyaasha ugu sheegay New York in Talaadadii uu dhacay wada-hadal saddex saacadood qaatay oo dhexmaray mas’uuliyiin Mareykan iyo kwa Iiraaniyiin ah.

    Trump ayaa kulanka ku tilmaamay “mid aad u wanaagsan oo wax-ku-ool ahaa”, balse ma uusan sheegin cidda ka qayb gashay wada-hadallada.