Reuters: Qiyaastii 60 markab ganacsi ayaa Arbacadii ka gudbay marin-biyoodka Hormuz
Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa sarkaal Mareykan ah oo codsaday inaan magaciisa la shaacin,ayaa sheegay qiyaastii 60 markab oo ganacsi ay Arbacadii ka gudbeen marin-biyoodka Hormuz, iyaga oo siday xaddigii ugu badnaa ee saliidda ceeriin ee hal maalin soo mara marin-biyoodkaas tan iyo horraantii bishii Luulyo. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay markale sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.
Sarkaalka Mareykanka ayaa intaas ku daray in ku dhowaad 40 ka mid ah maraakiibtaas ay la xiriireen ciidamada Mareykanka si loo siiyo amni iyo ilaalin.
Iyadoo ay sii yaraanayso rajada laga qabo heshiis dhex mara Iran iyo Mareykanka, qiimaha saliidda ayaa maanta suuqyada caalamka kor u kacay maalintii labaad oo xiriir ah, isaga oo weli ka sarreeya 100 doollar fuustadii.
Qiimaha saliidda Brent ee bisha November la kala iibsado ayaa kor u dhaafay 105.50 doollar fuustadii.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay, mas’uuliyiin Iiraaniyiin ah ayaa xiriir la sameeyay wakiillo Mareykan ah, iyaga oo kulammo ka yeeshay dhinacyada shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Tani waxay kordhisay rajada laga qabo in labada dhinac ay heshiis u dhow yihiin.
Hase yeeshee, horumar la’aanta ka jirta wada-hadallada labada dhinac ee New York ayaa sare u qaaday walaaca suuqa saliidda, iyadoo laga shaki qabo in heshiis la gaari karo.