Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Maxay TikTok u bixinaysaa 100 milyan oo doollar, yaase lacagta la siinayaa?

  2. War deg deg ah, Xuutiyiinta oo gataallo ku weeraray saaka magaalooyin ka tirsan Sacuudiga

    Korneyl Turki al-Maliki, oo ah afhayeenka rasmiga ah ee isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka howlgala Yemen, ayaa sheegay in nidaamka difaaca cirka ee isbahaysigu uu qabtay oo burburiyay gantaal ballistic ah oo Xuutiyiinta Yemen ay u soo rideen dhanka Sacuudiga.

    Turki al-Maliki ayaa bayaan uu soo saaray saaka ku sheegay in gantaalku ku wajahnaa magaalada Khamis Mushait ee Sacuudiga.

    Isbahaysiga ayaa sidoo kale horey u sheegay in nidaamka difaaca cirka uu qabtay oo burburiyay laba diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo Xuutiyiintu u soo direen dhanka magaalada Riyad.

  3. War deg deg ah, Trump oo diiday soo jeedintii Iran, duqeynna ku hanjabay

    Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu diiday soo jeedintii Iran ee xabbad-joojinta, isla markaana uu filayo in duqeymaha cirka dib loo bilaabo kadib doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka.

    Warbixintan ayaa soo baxday xilli mas’uuliyiinta Iran ay Maraykanka u gudbiyeen qorshe toddoba maalmood ah, kaas oo ay ku doonayaan in dib loo furo Marinka Hormuz isla markaana lagu yareeyo xiisadaha. Dhanka kale, mas’uul Maraykan ah ayaa sheegay in wada-hadallada Tehran lala yeelanayo iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyayaal ay yihiin “kuwo wanaagsan oo wax-ku-ool ah.”

    Horaantii toddobaadkan, Trump oo khudbad ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in heshiis lala gaari karo Iran kadib doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka. Hase yeeshee, wuxuu sidoo kale sheegay inay suuragal tahay in howlgallada milatari ee ka dhanka ah Iran dib loo bilaabo.

  4. Dhaleeceyn ka dhalatay ka qaybgalka mas’uuliyiin Iiraan ah ee xafladda Maalinta Qaranka Sacuudiga

    Ka qaybgalka qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Iiraan ee xafladda Maalinta Qaranka Sacuudiga ee lagu qabtay Tehran ayaa dhaliyay falcelin.

    Xafladda oo ka dhacday safaaradda Sacuudiga ee Tehran waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan dowladda Iiraan, oo ay ka mid yihiin Mohammad Jafar Ghaempanah, oo ah madaxweyne ku xigeenka fulinta, iyo Cali Akbar Salehi, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Iiraan.

    Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada ku taageera dowladda Iiraan ayaa dhaleeceeyay ka qaybgalka xafladda, iyagoo ku tilmaamay “in keeg lala cuno kuwa dilaya shacabka Yemen.”

    Dhaleeceyntaas waxaa sidoo kale ku celiyay daadihiyeyaasha barnaamijka “Iran Time” ee ka baxa shabakadda wararka ee Telefishinka Qaranka Iiraan.

    Hase yeeshee, Mohammad Jafar Ghaempanah ayaa isagoo ka jawaabaya dhaleeceynta, barnaamijkaas taleefan ugu sheegay shabakadda Khabar in ka qaybgalka xafladdu uu dhacay kaddib markii arrinta ay ogeysiiyeen mas’uuliyiinta ay khusayso ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan.

    Wuxuu sheegay in ujeeddadu ahayd “in Sacuudiga loo dhowaado iyadoo la eegayo xaaladda hadda jirta.”

    Ghaempanah ayaa sidoo kale sheegay in intii uu kulanku socday uu ka dhiidhiyay adeegsiga saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla dhulka Sacuudiga si loogu weeraro Iiraan.

    Wuxuu intaas ku daray inuu kulanka ku gudbiyay mowqifka rasmiga ah ee dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee arrintaas.

  5. Iibinta tigidhada duulimaadyada Iiraan ee Ciraaq oo la hakiyay ilaa amar dambe

    Hay’adda Duulista Rayidka ee Iiraan ayaa sheegtay in, kaddib markii saaka la hakiyay duulimaadyadii ku wajahnaa Najaf, ay shirkadaha diyaaradaha ku wargelisay inay joojiyaan soo bandhigidda iyo iibinta tigidhada duulimaadyadaas ilaa amar dambe.

    Sida ay sheegtay Tasnim, shirkadaha diyaaradaha waxaa lagu amray inay rakaabka si buuxda oo aan wax lacag ah laga jarin ugu soo celiyaan qiimaha tigidhada duulimaadyadii la baajiyay, sida ugu dhakhsaha badan.

    Garoonka diyaaradaha ee Najaf ayaa maanta baajiyay duulimaadyadii ka imanayay Iiraan, halka dhowr maalmood ka hor uu garoonka diyaaradaha ee Baghdad ku dhawaaqay in la hakiyay duulimaadyada Iiraan.

    Ramin Kashif Azar, oo ah madaxa shirkadda maamusha garoonka Imam Khomeini, ayaa sheegay: “Ilaa hadda wax go’aan cusub ah lagama gaarin dib u bilaabista duulimaadyadan.”

  6. Arooskii la yaabka lahaa: 1,000 neef oo la qalay arooska wiilasha kaaba qabiilka

  7. Iiraan oo cambaareysay go’aanka Colombia ay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay

    Iiraan ayaa cambaareysay go’aanka dowladda Colombia ay ku jartay xiriirkii diblomaasiyadeed, iyadoo eedeymaha Colombia ay u jeedisay Tehran ku tilmaantay kuwo “aan sal iyo raad lahayn”.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa maanta bayaan soo saartay, iyadoo sheegtay in go’aanka Colombia uu yahay mid “ka hor imanaya mabda’a is-ixtiraamka”, kaddib markii ay jartay xiriir socday in ka badan nus qarni.

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in go’aanka Colombia uu ahaa mid “degdeg loo qaatay” oo “si buuxda saameeyn ugu lahaayeen Israel iyo Mareykanka”.

    Wasaaradda ayaa sidoo kale dowladda Colombia ku eedeysay inay “si weyn u saameeyeen kooxaha ka ganacsada soo saarista iyo qaybinta maandooriyaha”, ayna qayb ka tahay “shabakadda laga baqo ee argagixisada maandooriyaha ee Ameerika”.

    Sida ay sheegtay wasaaraddu, taasi waxay ka dhigan tahay in Colombia aysan “xaalad u joogin inay dalal kale wax uga sheegto argagixisada iyo maandooriyaha”.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay in, “si loo ilaaliyo danaha qaranka, ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” ee ka dhanka ah waxa ay ku tilmaantay “tallaabada aan loo baahnayn ee colaadeed” ee dowladda Colombia.

    Labada dal ayaa weli leh xiriir qunsuliyadeed, halka Colombia ay xiriirka diblomaasiyadeed jartay shalay.

    Sheekooyin dheeraad ah

  8. Reuters: Hakinta adeegyada taleefannada iyo internet-ka Tigray waxaa amray TPLF

    Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in hoggaamiyeyaasha TPLF, oo la wareegay maamulka gobolka Tigray isla markaana khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka Itoobiya, ay jareen adeegyada internet-ka iyo taleefannada ee gobolka.

    Xisbiga Solidarity Party, oo ay aasaaseen xubno hore uga tirsanaa TPLF, isla markaana uu hoggaamiyo la-taliyaha ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa isna bayaan uu soo saaray ku eedeeyay hoggaamiyeyaasha TPLF inay ka tageen waajibaadkoodii shaqo.

    Adeegyada internet-ka iyo taleefannada ee Tigray ayaa go’ay kaddib markii uu sii xumaaday khilaafka u dhexeeya dowladda Itoobiya iyo hoggaamiyeyaasha TPLF, waxaana Arbacadii toddobaadkan qarxay iska horimaadyo.

    Ciidamada Tigray ayaa la wareegay saddexda garoon diyaaradeed ee waaweyn ee gobolka, taasoo keentay in duulimaadyadu hakad galaan maalintii saddexaad.

    Sida ay BBC-da Jimcihii subaxnimadii u sheegeen dadka isticmaala adeegga Safaricom, shirkadda Ethio Telecom oo adeegyo badan ku leh dalka iyo gobolka Tigray, ayaa adeegyada internet-ka iyo taleefannada gobolka laga joojiyay habeenkii Khamiista.

    BBC-da ayaa dhowr jeer wacday oo farriimo u dirtay madaxa isgaarsiinta iyo maamulaha guud ee Ethio Telecom, oo ah shirkadda ugu weyn ee isgaarsiinta Itoobiya, si ay jawaab uga hesho hakadka ku yimid adeegyada Tigray, balse wax jawaab ah kama aysan helin.

    Reuters ayaa galabt sheegtay, iyadoo soo xiganaysa afar ilo-wareed oo arrintan xog u leh, oo uu ku jiro ilo diblomaasiyadeed, in go’aanka lagu joojiyay adeegyada taleefannada iyo internet-ka ee Tigray ay qaateen hoggaamiyeyaasha TPLF.

    Sheekooyin dheeraad ah

  9. Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka: Wasiirrada Arrimaha Dibadda Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga oo kulan yeeshay

    Dhinacyada shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, wasiirrada arrimaha dibadda ee Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa kulan ka yeeshay qaabka heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka.

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Ishaq Dar, wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan iyo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa ka wada hadlay horumarka laga sameeyay dhismaha xoghaynta guud, guddiyada iyo kooxaha shaqada ee heshiiska, iyo diyaar-garowga ay ugu bilaabayaan shaqadooda.

    Saddexda wasiir waxay cambaareeyeen weerarrada lagu qaaday xarumaha rayidka iyo kuwa dhaqaalaha ee Sacuudiga.

    Waxay bogaadiyeen diyaar-garowga ciidamada qalabka sida ee Sacuudiga iyo tallaabooyinka difaaca ee boqortooyadu qaadday, iyagoo mar kale xaqiijiyay xaqa Sacuudiga u leeyahay is-difaacidda, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay.

    Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay in la qabto kulan degdeg ah oo ay yeeshaan taliyeyaasha ciidamada saddexda dal, si loo eego qaabka Sacuudiga loo siin karo taageero militari.

    Sida heshiisku dhigayo, weerar lagu qaado mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah waxaa loo aqoonsanayaa weerar lagu qaaday dhammaan dalalka heshiiska ku jira.

    Wasiirradu waxay sidoo kale ka wada hadleen xaaladda guud ee gobolka, iyagoo adkeeyay muhiimadda sharciga caalamiga ah, deris-wanaagga, ixtiraamka madaxbannaanida dowladaha, faragelin la’aanta arrimaha gudaha iyo xorriyadda iyo amniga isu-socodka maraakiibta.

    Dhammaadkii kulanka, saddexda dal waxay mar kale xaqiijiyeen inay sii wadi doonaan dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo nabad iyo xasillooni waarta oo gobolka ah, dhimista xiisadaha iyo in khilaafaadka lagu xalliyo si nabadeed.

    Sheekooyin dheeraad ah

  10. Puntland oo faahfaahin ka bixisay howlgalka lagu dilay burcad-badeed laguna soo furtay markab

  11. Guddiga Xuquuqda insaanka Itoobiya oo xaqiijiyay in kooxo hubeysan ay weeraro u gaysteen rayid

    Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ayaa xaqiijiyay in kooxo hubeysan oo sheeganaya inay yihiin “taageerayaasha TPLF” ay weerar qaadeen 12-kii Sebtembar 2026, abaarihii 9:00 fiidnimo.

    Bayaan ay guddigu soo saareen Jimcihii ayaa lagu sheegay in iska horimaadyo ay ka dhaceen deegaannada xuduudaha la wadaaga Tigray iyo Amhara, oo ay ka mid yihiin deegaannada Cafar, aagga Wag Khemra iyo degmada Lasta ee Waqooyiga Wollo.

    Guddigu wuxuu walaac ka muujiyay dib u soo cusboonaanshaha colaadda ka jirta deegaanno horey ay u saameeyeen iska horimaadyo soo noqnoqday.

    Guddigu wuxuu sheegay inuu si dhow ula socdo colaadda socota, isagoo xusay in dagaalladu ay saameeyeen xuquuqda dadka ee nolosha, badqabka jirka iyo xorriyadda isu-socodka, iyo sidoo kale nolol maalmeedkooda.

    Guddigu wuxuu sheegay in colaadda ay sidoo kale sababtay in la hakiyo duulimaadyada iyo adeegyada gaadiidka dhulka ee Tigray.

    Sidaa darteed, wuxuu ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh colaadda, gaar ahaan dhinacyadii saxiixay heshiiskii Pretoria, inay u hoggaansamaan heshiisyadii ay galeen.

    Waxa kale oo uu ugu baaqay dhinacyada inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah, ayna ka fogaadaan tallaabooyin waxyeello u geysan kara dadka rayidka ah iyo kaabayaasha.

    Guddigu wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay qaaddo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu soo celinayo dhinacyada colaadda miiska wada-hadallada.

    Sheekooyin dheeraad ah

  12. Golaha Ammaanka oo cambaareeyay weerarrada Xuutiyiinta ee kaabayaasha rayidka iyo tamarta Sacuudiga

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay weerarrada sii kordhaya ee Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen Sacuudiga.

    Bayaan naadir ah oo Golaha Ammaanku soo saaray, ayaa madaxweynaha hadda ee Golaha Ammaanka ah, ahna wakiilka Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay, Jerome Bonnefon, ayaa cambaareynta akhriyay:

    “Xubnaha Golaha Ammaanku waxay sida ugu adag u cambaareeyeen weerarrada joogtada ah ee Xuutiyiintu ku qaadaan Boqortooyada Sacuudiga, oo ay ku jiraan weerarrada lagu bartilmaameedsanayo kaabayaasha rayidka iyo kuwa tamarta, kuwaas oo sababay dhaawaca dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur.”

    Sheekooyin dheeraad ah

  13. Mareykanka: Taageerada Shiinaha ee Iiraan ma aqbali karno

    Safiirka Mareykanka u fadhiya Shiinaha, David Perdue, ayaa CNBC u sheegay in madaxweyne Donald Trump uu si cad ugu sheegay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, intii ay kulan ku lahaayeen Aqalka Cad, in taageerada Shiinaha ee Iiraan aysan Mareykanka u cuntamin oo aan la aqbali karin.

    Mr Trump ayaa xalay Aqalka Cad ku qaabilay Xi Jinping xaflad casho sharaf ah oo heer sare ah.

    Trump ayaa Xi Jinping iyo xaaskiisa ku tilmaamay dad wanaagsan oo ixtiraam badan, isagoo sheegay in labada dal ay leeyihiin “nidaamyo kala duwan”, balse xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha uu hadda ka wanaagsan yahay sidii hore.

    Dhankiisa, Xi Jinping ayaa sheegay in horumarka nabadeed ee Shiinaha uusan micnaheedu ahayn hoos u dhaca Mareykanka.

    Si kastaba, falanqeeyayaasha ayaa shaki ka muujiyay in kulanka labada hoggaamiye uu wax weyn ka beddeli doono arrimaha xasaasiga ah sida sirdoonka macmalka ah (AI), Ruushka iyo Iiraan.

    Sheekooyin dheeraad ah

  14. Muftiga Sacuudiga oo soo saaray fatwo ku saabsan dagaalka dowladdiisu kula jirto Xuutiyiinta Yemen

  15. Zelensky: Trump wuxuu xaqiijiyay in Ukraine loo oggolaan doono samaynta nidaamyada difaaca Patriot

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu intii ay kulan ku lahaayeen magaalada New York u xaqiijiyay inuu ugu dambayn oggolaan doono in Ukraine ay samaysato nidaamyada difaaca cirka ee Patriot.

    Ballanqaadkan ayaa markii ugu horreysay la sameeyay bishii July, balse dhowr toddobaad ka dib Mr Trump ayaa beddelay mowqifkiisa, isagoo sheegay in Mareykanku “si aad ah uga taxaddaro” oggolaanshaha dalal kale inay sameystaan nidaamyadan.

    Mr Zelensky ayaa sheegay in hadda laga gaaray arrintan “go’aan kama dambeys ah”, balse Washington weli ma xaqiijin warkan.

    Nidaamyada Patriot ayaa muhiim u ah difaaca magaalooyinka Ukraine, gaar ahaan ka hortagga weerarrada joogtada ah ee gantaallada ballistic-ga ah ee Ruushka.

    Madaxweynaha Ukraine ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku soo jeediyay in Imaaraadka Carabta lagu qabto kulan ay yeeshaan wada-xaajoodyahanno ka socda Ukraine iyo Ruushka, si loo baaro waddooyin suuragal ah oo lagu soo afjari karo dagaalka.

    Sheekooyin dheeraad ah

  16. Afarta horyaal ee waaweyn ee kubadda cagta Yurub oo baaq soo saaray

    Afarta horyaal ee waaweyn ee kubadda cagta Yurub ayaa dalbaday in dib-u-habayn ballaaran lagu sameeyo FIFA, oo ah hay’adda maamusha kubadda cagta adduunka.

    Horyaallada Premier League ee England, Bundesliga ee Jarmalka, Serie A Talyaaniga iyo La Liga ee Spain ayaa ku baaqay in si weyn loo kala saaro waaxyaha FIFA ee qaabilsan dejinta xeerarka iyo kuwa ganacsiga.

    Sheekooyin dheeraad ah

  17. Adeegyada internet-ka iyo taleefannada ee Ethio Telecom oo la hakiyay gobolka Tigray

    Waxaa la soo sheegay in adeegyada internet-ka iyo taleefannada ee shirkadda Ethio Telecom laga jaray gobolka Tigray ee Itoobiya tan iyo xalay.

    Hay’adda NetBlocks oo ka shaqaysa arrimaha xorriyadda internet-ka ayaa sidoo kale sheegtay in adeegga internet-ka ee Tigray uu si weyn u hakad galay tan iyo habeenkii Khamiista.

    BBC-da ayaa isku dayday inay khadadka Ethio Telecom kula xiriirto magaalooyinka Mekelle iyo Shire, balse isku dayadaas ma aysan suurtagelin. Shirkadda Safaricom ayaa xaqiijisay in adeeggeeda taleefannadu uu shaqaynayay.

    Wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP ayaa iyaduna sheegtay in adeegga internet-ka uu hakad ku yimid waqooyiga Itoobiya.

    BBC-da ayaa dhowr jeer wacday oo farriimo u dirtay madaxa isgaarsiinta ee Ethio Telecom, si ay wax uga weydiiso sababta adeegga u hakaday, balse wax jawaab ah kama aysan helin.

    BBC-da ma aysan xaqiijin karin in hakadka ku yimid adeegyada taleefannada iyo internet-ka ay sababtay Ethio Telecom iyo in cid kale ay ka dambeyso.

    Shalay, dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay in hakadka ku yimid adeegga taleefannadu uu saameyn weyn ku yeelan karo xawaaladaha iyo ganacsiga badeecadaha.

    Qof deegaanka ah oo saaka BBC-da la hadlay ayaa sheegay in inta badan dadka gobolka ay isticmaalaan adeegyada Ethio Telecom. Wuxuu sheegay in haddii adeegga aan dib loo soo celin saacadaha soo socda, dad badan oo gobolka ku nool ay waayi karaan isku xirka iyo adeegyada isgaarsiinta.

    Sheekooyin dheeraad ah

  18. Shahbaz Sharif oo Masoud Pezeshkian kala hadlay walaaca laga qabo colaadaha ka socda gobolka

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif ayaa walaac ka muujiyay colaadaha sii socda iyo kororka xiisadaha gobolka.

    Mr Shahbaz ayaa magaalada New York kulan kula qaatay madaxwaynaha Iran Masoud Pezeshkian.

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dejiyo xiisadda, lana xoojiyo waddooyinka diblomaasiyadeed si loo gaaro nabad iyo xasillooni waarta.

    Pakistan iyo Qatar ayaa ahaa labada dal ee ugu muhiimsanaa ee dhexdhexaadinayay Iran iyo Maraykanka, intii uu socday geeddi-socodkii horseeday heshiiskii Islamabad.

    Intii uu kulanku socday, Shahbaz Sharif ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la hirgeliyo Is-afgaradkii Islamabad, wuxuuna sheegay in Pakistan ay diyaar u tahay inay sii waddo doorkeeda “dhisidda kalsoonida iyo dhexdhexaadnimada” ee taageeridda nabadda iyo xasilloonida gobolka.

    Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa isna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay “in la sii wado wadatashiyada iyo dadaallada diblomaasiyadeed si loo yareeyo xiisadaha loogana hortago in dhibaatooyinka gobolka ay sii fidaan.”

    Sheekooyin dheeraad ah

  19. Ninka ugu qanisan Afrika oo qaadaya tallaabo muhiim u ah Itoobiya iyo Jabuuti

  20. War deg deg ah, Laba askari oo Israa’iili ah oo lagu dilay qarax ka dhashay diyaarad si lama filaan ah u qarxday

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in laba askari oo ka tirsan ciidamadooda lagu dilay waqooyiga Gaza, kadib markii uu si lama filaan ah u qaraxday diyaarad aan duuliye lahayn oo ay ku shaqeynayeen.

    Sida uu sheegay milatariga Israa’iil, drone-ka ayaa shalay gudaha saldhigooda milatari ugu dhacay sababo aan la shaacin. Askarta ayaa soo qaaday drone-ka, balse daqiiqado kadib ayay qarxday.

    Milatariga Israa’iil ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay duullimaadyada dhammaan diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha lahayn ee sida walxaha qarxa.