Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Xuutiyiinta oo sheegay in duqeyn cirka ah oo Sacuudiga gaystay ay bartilmaameedsatay suuq ku yaalla magaalada Taiz

    Toddoba qof ayaa la dilay, 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn xagga cirka ah oo ay geysteen Sacuudiga, taas oo lagu bartilmaameedsaday suuq ku yaalla magaalada Taiz ee koonfur-galbeed Yemen, sida ay maanta oo Axad ah sheegtay warbaahin xiriir la leh kooxda Ansar Allah (Xuutiyiinta).

    Telefishinka Al-Masirah oo xiriir la leh Xuutiyiinta ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Sacuudiga laga leeyahay ay fulisay duqeynta, iyadoo aanu jirin wax hadal ah oo degdeg ah oo ka soo baxay dhinaca Sacuudiga oo ku saabsan weerarka ama tirada dadka waxyeelladu soo gaartay.

    Duqeyntan ayaa timid xilli ay sii xoogeysanayaan dagaallada u dhexeeya Xuutiyiinta iyo ciidamada daacadda u ah xukuumadda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, ka dib muddo ay jirtay xaalad xasillooni ah.

    Dhanka kale, xukuumadda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay in ciidankeedu ay bartilmaameedsadeen xero iyo gaadiid militari oo ay leeyihiin Xuutiyiinta, kuwaas oo ku yaallay isla aaggaas.

  2. Shan qof oo looga shakisan yahay falal dambiyeed iyo inay waxyeello u geystaan saldhig ay Mareykanku ku leeyihiin Britain oo la xiray

    Booliiska Britain ayaa ku dhawaaqay in la xiray shan qof oo lala xiriirinayo "dhacdo weyn" oo ka dhacday tuulada Wilford—oo u dhow saldhigga ciidamada cirka ee RAF Fairford oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Ciidanka Cirka ee Mareykanka, iyadoo isla markaasna uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump xaqiijiyay in dadkaasi ay qorsheynayeen inay geystaan ​​"waxyeello baaxad leh".

    Tani waxay ka dambeysay markii la xiray dhowr nin oo looga shakisan yahay dambiyo hoos yimaada Xeerka Qaraxyada. Booliska Ingiriiska ee la dagaallanka argagixisada ayaa loo xilsaaray inay baaraan dhacdada.

    Xoghayaha Arrimaha Gudaha Shabana Mahmood ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka ee ka hawlgalaya dhacdada ay aaminsan yihiin in xaaladdu ay hadda "gacanta ku jirto".

    Booliiska ayaa sheegay in dadka degganaa dhowr guri oo ku yaalla aaggaas loo raray xarun madadaalo oo u dhow.

    Waxay intaas ku dartay in koox gaar ah oo ka tirsan Ciidamada Ingiriiska, oo ku takhasustay wax ka qabashada rasaasta iyo walxaha qarxa, ay baarayaan dhowr gaari, iyadoo booliiskuna ay aaggaas ku soo rogeen xayndaab amni.

    Afhayeen u hadlay dawladda Britain ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaare Andy Burnham si joogto ah loogu wargelinayay xaaladda iyo horumarka la xiriira dhacdada, wuxuuna yiri: "Waxaan uga mahadcelinaynaa kooxaha gurmadka degdegga ah sida ay si degdeg ah uga hawlgaleen xiridda dhowr qof oo looga shakisan yahay falka, iyo tallaabooyinka ay u qaadeen sugidda amniga bulshada."

  3. Shan goobood oo dalxiisku si degdeg ah u koray iyo waddan carbeed ka mid ah

  4. Laba dhacdo oo ah toogashooyin baahsan oo ka dhacay Koonfur Afrika ayaa sababay dhimashada 27 qof

    Labaatan iyo toddoba qof ayaa ku dhintay laba toogasho oo ay saacado u dhexeeyeen Koonfur Afrika, waana rabshadihii ugu dambeeyay ee rasaasta lagu furay dalkaas.

    Toddoba iyo toban qof ayaa ku dhintay markii siddeed nin oo hubaysan ay weerareen baar ku dhow Johannesburg fiidnimadii Sabtida, iyadoo 15 kale ay ku dhaawacmeen.

    Toogasho kale oo dhacday aroornimadii hore ee Axadda, 10 qof ayaa lagu dilay bannaanka goob madadaalo ah oo ku taal magaalo u dhow Cape Town, 11 kalena waa la dhaawacay.

    Koonfur Afrika waxay ka mid tahay meelaha ugu badan ee dilalka lagu geysto, waxayna ku dhibtoonaysay inay xakamayso rabshadaha la xiriira qoryaha ee kooxaha sannadihii ugu dambeeyay. Booliisku ma aysan sheegin sababta dhabta ah ee ka dambeysay mid ka mid ah weerarradii ugu dambeeyay.

    Magaalada Johannesburg, rag hubeysan ayaa rasaas ku furay macaamiisha bannaanka baarka ka hor inta aysan sii wadin weerarka gudaha oo ay gubeen laba gaari ka hor inta aysan cararin.

    Boliisku waxay sheegeen in saddex iyo toban nin iyo afar dumar ah la dilay.

    Taliyaha Booliska Gauteng Lt Gen Tommy Mthombeni ayaa sheegay in dad ka yimid Itoobiya iyo Lesotho ay ka mid ahaayeen dadkii lagu toogtay toogashada, laakiin in badankoodu ay ahaayeen Koonfur Afrikaan.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in booliisku ay aaminsan yihiin in ujeeddada ka dambeysa toogashada ay ahayd dhac, maadaama hanti shaqsi ah la qaatay, laakiin aysan meesha ka saari karin dagaallo u dhexeeya kooxaha macdan qodista sharci darrada ah.

  5. Muxuu Turkigu ugu janjeeraa ka qayb noqoshada dagaalka Xuutiyiinta iyo Sacuudiga ka dhaxeeya?

  6. Itoobiyaanku ma waxay dib ugu socdaan dagaalkii Tigray?

  7. Todoba markab oo xalay lagu beegsaday marinka Hormuz - wakaaladda Fars

    Wakaaladda wararka ee Fars ayaa sheegtay in labadii habeen ee la soo dhaafay, ciidamada qalabka sida ee Iran ay "ka hortageen maraakiib isku dayayay inay maraan waddooyin aan loo oggolayn oo ku yaalla marinka Hormuz.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka, oo xiriir dhow la leh hay'adaha amniga iyo milatariga, "todobo markab ayaa la beegsaday xalay, halka 12 kalena la beegsaday habeenkii ka horreeyay."

    Ilo-wareedyo kale ma aysan soo werinin in maraakiibtaas la beegsaday, balse labadii habeen ee la soo dhaafay, dadka deegaanka qaarkood ayaa soo sheegay inay maqleen qaraxyo ka dhacayay badda ku hareeraysan marinka Hormuz.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka (Revolutionary Guard Corps) ayaa bayaan ay soo saareen saacado ka hor ku sheegay: "Marinka Hormuz waa xiran yahay, waxaana qaadaynaa tallaabooyin adag oo aan kala joogsi lahayn oo ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada khatarta ah iyo isu-socodka aan loo oggolayn ee marinka Hormuz."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  8. Ciidamada Iran oo sheegay in ay dabin galiyeen markab quusa oo Maraykanku leeyahay

    Ciidamada Badda ee IRGC waxay sheegeen in "markab is wada" oo ay leeyihiiin ciidamada Mareykanka ay "dabin galiyeen" iyaga oo adeegsanay "Ai iyo aalado elektaroonig ah oo dagaalka loogu talagalay."

    War-saxaafadeedka Ciidamada Badda ee IRGC ayaa lagu sheegay in markabkan quusa ee aan cidina wadin balse meel fog laga hago uu yahay "mid ka mid ah maraakiibta casriga ah ee horumarsan ee loo yaqaan Remus 600" haddana loo wareejiyay khubaro si ay u helaan "macluumaad."

    Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale soo saaray muuqaal ah markab laga soo saarayo biyaha, waxayna ku nuuxnuuxsadeen hadalkooda ah in "Marinka Hormuz uu xiran yahay."

    Sebtembar 17, Ilaalada Kacaanka ayaa ku dhawaaqay "qabashada" markab aan cidina saarnayn oo Mareykan ah.

    Waqtigaas, CENTCOM ayaa xaqiijisay warka, iyadoo sheegtay in markabka quusa uu "la kulmay cillad farsamo" intii uu ilaalinayay biyaha gobolka.

    Afhayeen u hadlay CENTCOM ayaa yiri: "Markabkaanwuxuu ahaa nooc duug ah oo aan ururin macluumaad xasaasi ah mana wadanin qalab radaar ama dareemayaal sare."

    Si kastaba ha ahaatee, IRGC waxay sheegtay in markabkaan uu "shaqaynayo."

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  9. Iran oo sheegtay suuragalnimada weerar Maraykanku ku qaado dalkooda

    Afhayeenka ciidamada Iiraan ayaa sheegay in xaaladda Mareykanka ee gobolka aysan "wanaagsanayn," taasna ay tahay sababta ay u suuragal tahay inay ku kacaan "gardarro militari."

    Sarreeye Guuto Maxamed Akraminia ayaa uga digay in ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ay "si buuxda ugu diyaar garoobeen inay la dagaallamaan cadowga."

    Horay, afhayeenka sare ee ciidamada qalabka sida ee Iiraan ayaa uga digay Mareykanka inay "la kulmi doonaan dharbaaxo" haddii ay faragelin ku sameeyaan Marinka Hormuz.

    Abolfazl Shekarchi ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku "uusan haysan waddo kale oo uu ku baxsado marka laga reebo inuu ka baxo Galbeedka Aasiya," wuxuuna kula taliyay in sida ugu dhakhsaha badan ee ciidamada Mareykanku uga baxaan gobolka, ay yaraan doonto khasaaraha soo gaaraya.

    Digniinta ka imaanaysa saraakiisha militariga Iiraan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu diiday qorshaha ay Iiraan soo jeedisay ee ku saabsan furitaanka Marinka Hormuz iyo yareynta xiisadda.

    Horay, wargeyska Wall Street Journal ayaa soo weriyay, isagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin, in Donald Trump uu filayo in duqeymaha cirka ee Mareykanka ay dib u billaaban doonaan ka dib doorashooyinka dhexe ee dalkaasi.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  10. Daadad iyo dhul-go' dilay 15 qof oo ku sugan Hindiya iyo 4 kale oo ku sugan Nepal.

    Roobab mahiigaan ah iyo duufaanno ayaa sababay daadad iyo dhul-go' ka dhacay dalka Hindiya iyo dalka deriska la ah ee Nepal, taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan 19 qof, halka 10 shaqaale ahna la la'yahay ka dib markii ay webiyadu soo buuxdhaafiyeen jiiyinkooda.

    Gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya, 15 qof ayaa dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen 48-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo ay burbureen 117 guri, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta gobolka oo soo saaray war-saxaafadeed.

    Dalka Nepal, afar qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah iyo haweeney ayaa dhintay ka dib markii dhul-go' uu ku dumay gurigooda xilli ay hurdeen tuulada Nishi Khola ee degmada Baglung.

    Sidoo kale lama oga halka ay ku sugan yihiin 10 shaqaale oo u dhashay Nepal ka dib markii baraf soo rogmaday (avalanche) uu aasay xeryihii saldhigga buurta Himlung Himal — oo dhererkeedu yahay 7,126 mitir — taas oo ku taal degmada Manang ee waqooyiga Nepal.

    Shaqaalaha ayaa dhisayay teendhooyin loogu talagalay dadka ajaanibta ah ee buuraha fuula, kuwaas oo aan goobta joogin xilligii ay musiibadu dhacday. Mas'uuliyiinta dalka Nepal ayaa ka digay suurtagalnimada inay daadad degdeg ah (flash floods) ka dhacaan 49 ka mid ah 77-da degmo ee dalkaasi.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  11. Jaamacadda Harvard oo daboolka ka qaaday sir kuu sahlaysa inaad waqti dheer caafimaad ku noolaato

  12. Daraasad: dhowr qodob oo kaa caawin kara badbaadinta xiriirka lamaanahaga iyo faa'iidooyin caafimaad ee ku jira

  13. Heesihii laga helay kombiyuutarkii Usaama bin Laden

    Sanadkii 2017 kii, CIA da Maraykanka ayaa baahisay ku dhawaad afar boqol oo dukumenti oo laga helay kumbiyuutarkii Usaama Bin-Laden oo ay ku soo qaaten weerarkii ay ku dileen.

    Dukumiintiyadaan ayaa isugu jiray codad, masawiro iyo muuqaalo. Sagaashan boqolkiiba xogta laga helay kombuyuutarkiisa waxay ku qornayd carabi, laakiin waxay u muuqatay in uu baranayay luuqado kale, sababtoo ah waxaa ku jiray qoraalada laga helay kombiyuutarkiisa, joornaalo ku qoran af Ingiriis.

    Xogtaan waxay sheegaysaa in bin Laden uu xiisayn jiray music ga oo uu haystay heeso u badan Hindi iyo kuwa kale oo lagu sameeyay afka Pashto ga ee looga hadlo waddanka uu waqtiga ku qaatay ee Afghanistan.

    Waxyaabaha laga helay gurigiisa waxaa kamid ah buugaag uu qoray Maulana Maududi oo ah aasaasaha xisbiga Jamaat -e- Islami ee ka dhisan Pakistan.

    Waxyaabaha laga helay computer ka bin Laden:

  14. Madaxweyne xigeenka Shiinaha oo war farxad u ah Falastiin ka sheegay shirka Qaramada Midoobay

    Khudbaddii uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyne Ku-xigeenka Shiinaha Han Zheng wuxuu ku baaqay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo amniga dalalka Bariga Dhexe.

    “Shiinuhu wuxuu aaminsan yahay in madaxbannaanida iyo amniga dalalka Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan dalalka Khaliijka, ay tahay in la ixtiraamo. Hawlaha warshadaha caalamiga ah iyo silsiladaha sahaydu waa inay ahaadaan kuwo deggan oo aan kala go’ lahayn, ganacsiga caalamigana waa in la ilaaliyaa,” ayuu yiri.

    Mr. Han wuxuu sidoo kale ku baaqay in la aqoonsado madaxbannaanida Falastiin iyo dib-u-dhiska Qasa.

    Wuxuu sidoo kale yiri: “Shiinuhu wuxuu doonayaa inuu horumariyo geeddi-socodka maamulka Daanta Galbeed iyo dib-u-dhiska Qasa kaddib colaadaha, iyadoo lagu salaynayo mabda’a ah ‘Falastiiniyiintu ha maamulaan Falastiin.’”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  15. Barcelona oo xiisaynaysa Haaland iyo qodobo ciyaaraha oo xiiso leh

    • Barcelona ayaa weli isha ku haysa weeraryahanka Norway ee Erling Haaland, oo 26 jir ah, waxaana la filayaa inuu noqdo xulashadooda koowaad suuqa kala iibsiga xagaaga. (El Nacional)
    • Real Madrid ayaa sheegtay in Trent Alexander-Arnold, 27 jir, uusan qorshaynayn inuu kooxda ka tago, inkastoo Arsenal iyo Liverpool ay danaynayaan saxiixa daafaca England. (TeamTalk)
    • Manchester United ayaa si dhow ula socda daafaca bidix ee reer Spain Alejandro Balde, 22 jir, kaas oo laga yaabo inuu Barcelona ka tago bisha Janaayo. (Mundo Deportivo)
    • Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay Barcelona u gudbiso dalab dhan £69 milyan oo ay ku doonayso weeraryahanka Spain ee Dani Olmo, 28 jir. (Sport)
    • Liverpool iyo Manchester United labaduba waxay danaynayaan daafaca reer Netherlands Micky van de Ven, laakiin lacag aad u badan ayaa loo baahan doonaa si Tottenham loogu qanciyo inay iibiso 25-jirka. (Caught Offside)
    • Daafaca Fikayo Tomori, 28 jir, iyo khadka dhexe Ruben Loftus-Cheek, 30 jir, ayaa la filayaa inay AC Milan ka tagaan sannadka dambe marka qandaraasyadoodu dhacaan bisha Juun. (Gazzetta – Talyaani)
    • Bayern Munich ayaa sidoo kale danaynaysa daafaca reer Portugal ee Benfica Tomas Araujo, 24 jir. (Bild)
    • AS Roma ayaa lagu wadaa inay laba jibbaarto qiimaha ay ku doonayso khadka dhexe ee Manu Koné, iyadoo qiimihiisa Janaayo laga dhigi doono £86 milyan, kaddib markii Chelsea ay xagaagii diiday dalab £43 milyan ah oo ay uga gudbisay ciyaaryahanka reer France. (La Gazzetta dello Sport)
    • Daafaca Real Madrid Raúl Asencio, 23 jir, ayaa xagaagii helay saddex dalab oo waaweyn, oo ay ku jireen kuwo uga yimid Chelsea iyo Liverpool, balse wuxuu go’aansaday inuu kooxda sii joogo. (Marca)
    • Daafaca reer Spain Alex Jiménez, 21 jir, ayaa amaah ugu biiray Fiorentina isagoo ka tirsan Bournemouth. Heshiisku wuxuu siinayaa kooxda Talyaaniga fursad ay si rasmi ah ugu iibsato £17 milyan. (Tuttomercatoweb)
  16. Gantaalka ugu halista badan xilligan ee yaalla Afrika iyo dalka haysta

    Ciidanka Aljeeriya ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay inay haystaan ​​gantaalada Iskander ee hypersonic, iyagoo sii daayay muuqaallo muujinaya gantaalka oo la ridayo intii lagu jiray tababar.

    Gantaalkan waxaa la rumeysan yahay inay haysteen militariga dalka sannado badan, inkastoo xaqiijin la'aanta hore ay muujinayso u janjeersiga militariga Aljeeriya ee ah inaysan ku dhawaaqin iibsashada hub cusub.

    Iskander waxaa loo arkaa gantaalka ballistic-ga ugu awoodda badan adduunka waxaana la ogyahay in loo dhoofiyay Armenia iyo Aljeeriya oo keliya iyaga oo ka helay Ruushka, halka Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfurta Kuuriya ay soo rideen gantaallo la mid ah iyada oo loo maleynayo inay ka faa'iideysanayaan tignoolajiyada Ruushka.

    Gantaalkan wuxuu gaaraa masaafo dhan 500 oo kiiloomitir iyo isaga oo leh bartilmaameedyo saxnaan sare leh iyo dhaqdhaqaaqa awooddiisa ee uu ku safri karo xawaare sare, taa oo adkeyneysaa in la qabto.

    Soo bandhigidda Iskander waxay ka dambeysay markii uu qarxay dagaal heer hoose ah oo u dhexeeya Ciidanka Morocco iyo kooxaha fallaagada ah ee kala duwan.

  17. Wakiilka Maraykanka ee NATO oo ka hadlay diidmada Trump ee soo jeedinta Iiraan

    Wakiilka Maraykanka ee NATO,Matthew Whitaker, ayaa sheegay in Donald Trump uu saxan yahay in uu diiday soo jeedintii Iran ee ahayd in muddo toddoba maalmood ah la furo Marin-biyoodka Hormuz.

    “Iyagu [Iran] waxay aad ugu baahan yihiin heshiis,” ayuu yiri Mr. Whitaker, isagoo xusay in Mr. Trump uu guulo badan ka gaaray go’doominta badda iyo cunaqabateennada.

    Waxa kale oo uu yiri: “Laakiin tallaabooyinkan aan dhammaystirnayn ama heshiisyada muuqda ee ay soo jeedinayaan si ay sumcad uga helaan masraxa caalamka sinaba looma aqbali karo.”

    Diblomaasiga Maraykanka ayaa sidoo kale ka hadlay walaaca dadweynaha ee ku saabsan qiimaha sare ee saliidda iyo shidaalka: “Ugu dambayn, marka xaaladdan si guul leh loo xalliyo, marka dagaalladan lagu soo afjaro si waafaqsan danaha Maraykanka iyo xulafadiisa, waxaan suuqa ku arki doonnaa sahay badan oo saliid iyo gaas, waana in arrintaasi dhacdaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  18. Haweenaydii 10-aad oo maydkeeda laga helay Johannesburg iyo caro ka dhalatay dilalkaas

    Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay meyd kale ka heleen xaafad ka tirsan Johannesburg, taasoo tirada haweenka halkaas meydkooda laga helay bilihii u dambeeyay ka dhigaysa toban.

    Meydka ayaa la helay subaxnimadii Sabtida, waxaana aqoonsaday saaxiib ay fiidkii hore wada joogeen baar.

    Taliyaha booliiska ee deegaanka ayaa sheegay in ciidamadiisu aysan meesha ka saari karin suurtagalnimada ah in uu jiro gacan-ku dhiigle - si is-daba-joog ah u gaysanaya oo weli baxsan, isagoo xusay isku ekaanshaha ka dhexeeya 10-ka dhimasho ee ka dhacay Ekurhuleni iyo mid kale oo ka dhacay Soweto.

    Dilalkan ayaa dalka oo dhan ka dhaliyay caro iyo walaac xooggan oo ku saabsan baaxadda rabshadaha loo geysto haweenka dalka, kaas oo ka mid ah dalalka adduunka ugu sarreeya marka laga hadlayo rabshadaha ku salaysan jinsiga.

    Meydka ugu dambeeyay ayaa laga helay qabuuraha ku yaalla xaafadda Tembisa, oo waqooyi-bari kaga beegan bartamaha Johannesburg.

    Booliisku waxay wax yar kaddib soo saareen bayaan ay ku sheegeen in baarayaasha goobaha dambiyada ay goobta ku sugnaayeen, iyagoo ururinayay caddaymo. Saraakiishu weli si rasmi ah uma aysan shaacin magaca qofka dhintay.

    Saaxiibtii haweeneyda ayaa u sheegtay warbaahinta qaranka ee SABC inay aqoonsatay dharkii saaxiibteed ee ay xalay hore xiratay, markii sawir meydka ah loo tusay.

    “Ma garanayo waxa aan carruurteeda u sheegi doono,” ayay tiri iyadoo ilmada iska tirtiraysa. “Waa xanuun badan.”

  19. Shan arrimood oo sahlan oo aad ku yarayn karto baruurta caloosha

    Dad badan ayaa gymka aada si ay u yareeyaan baruurta caloosha, laakiin qaarkood dhab ahaantii dheg uma dhigaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.

    Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.

    Dufanka ku uruuray calooshooda awgiis ma xiran karaan dhar raaxo leh oo iyaga ku habboon.

    Dhibaatadani kaliya maaha xirashada dharka aad jeceshahay. Waxa la caddeeyey in dufanka calooshu uu khatar caafimaad keeni karo.

    Xayrtaasi waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan oo halis ah, oo ay ku jiraan dhiig karka, sonkorta dhiigga oo kacda, iyo dhibaatooyinka kolestaroolka.

  20. Afhayeenka sare ee ciidamada qalabka sida Iiran oo hanjabaad jeediyey

    Abolfazl Shekarchi, oo ah afhayeenka sare ee ciidamada qalabka sida ee Iran, ayaa uga digay Maraykanka inuu faragelin ku sameeyo Marin-biyoodka Hormuz, isagoo sheegay in haddii Washington ay farageliso marin-biyoodka, Iran ay “wajiga ka dharbaaxi doonto.”

    Waxa kale oo uu sheegay in Maraykanku “uusan haysan waddo uu kaga baxo marka laga reebo inuu ka baxo Galbeedka Aasiya,” wuxuuna ku andacooday in hadii sida ugu dhakhsaha badan ee ciidamada Maraykanku uga baxaan gobolka, ay yaraan doonto khasaaraha soo gaari kara.

    Shekarchi, waxa kale oo uu Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku tilmaamay “awood caalami ah,” wuxuuna sheegay in Tehran aysan u oggolaan doonin Maraykanka inuu ku soo laabto booskiisii hore ee “nidaamka cusub ee caalamka.”

    Taas beddelkeeda, saraakiisha Maraykanku waxay sheegayaan in Iran aysan gacanta ku hayn Marin-biyoodka Hormuz. Axios ayaa werisay in wadaxaajoodayaasha Maraykanku ay isla mowqifkan u gudbiyeen dhinaca Iran intii lagu jiray wada-hadallo dadban oo toddobaadkan dhacay, iyagoo sheegay in Tehran aysan shuruudo ku xiri karin marin-biyoodka.

    Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uu gacanta ku hayo marin-biyoodka, isla markaana uu diiday soo jeedinta Iran ee ahayd in si degdeg ah dib loogu furo.