War deg deg ah, Koox xiriir la leh al-Qaacida oo iskaashi la yeeshay koox kale oo aan Islaam ahayn
Dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay Mali, halkaas oo JNIM oo ah garabka Al-Qaacida ee Saaxilka uu iskaashi la sameeyay koox gooni-u-goosad ah oo aan Islaami ahayn, si ay weerarro waaweyn u qaadaan bilihii Abriil iyo Luulyo, ayaa dhaliyay su’aalo ku saabsan xiriirka kooxda iyo Al-Qaacida, iyo suurtagalnimada inay ka go’do ururkaas, xitaa haddii ay ahaan lahayd mid dhinaca rasmiga ah oo keliya.
JNIM ayaa weli muujinaysa awood dhanka dagaalka ah. Kooxdu waxay dhowaan sheegatay mas’uuliyadda weerar weyn oo 10-kii Sebtembar lagu qaaday saldhig militari oo ku yaalla bartamaha Mali, kaas oo la sheegay in lagu dilay in ka badan 100 askari.
Kooxdan oo magaceeda oo buuxa yahay Jama'at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), ayaa weli si rasmi ah uga tirsan Al-Qaacida, waxaana ay ka mid tahay labada garab ee ugu awoodda badan ururkaas, iyadoo tan kale ay tahay Al-Shabaab oo ka howlgasha Soomaaliya.
Hase yeeshee, maanta JNIM uma eka Al-Qaacida sidii ay ahaan jirtay, marka loo eego muuqaalka kooxda iyo farriimaha ay gudbiso. Arrintan waxaa ka mid ah qaabka ay warbaahinta u adeegsato, sida ay u dhisato sumcadda iyo noocyada farriimaha ay bulshada u gudbiso.
Inkasta oo garabyada Al-Qaacida ay inta badan weerarradooda ku bartilmaameedsadaan goobaha ay ka howlgalaan ama meelaha u dhow, haddana qaabka farriimaha JNIM uu gudbiyo aad ayuu uga duwan yahay fikirkii dhaqanka ahaa ee Al-Qaacida ee jihaadka caalamiga ah.