Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
War deg deg ah, War cusub: Maxaa ka jira in wefdigii Iran ee Mareykanka ku sugnaa laga dalbaday in ay halkaa isaga baxaan?
Wariye ka tirsan warbaahinta Axios, Barack Ravid, ayaa sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio uu Isniintii wafdiga diblomaasiyadeed ee Iran, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbaas Caraqji, ka codsaday inuu ka baxo New York.
Ravid ayaa sheegay in farriinta Rubio loo sii mariyay wafdiga Iran ergada Mareykanka ee Qaramada Midoobay.
Wafdiga Iran ayaa saacado kaddib ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee New York, iyagoo u uga duulay Doha Talaadadii.
Caraqji ayaa sheegay ka hor inta uusan New York ka dhoofin inuu dowladda Mareykanka u gudbiyay qorshaha Iran, iyadoo Qadar loo marayo.
Wadahadalladii dhex maray wafdiga Iran iyo wakiillo ka socday madaxweyne Donald Trump, oo ay dhexdhexaadinayeen Qadar iyo Pakistan, ayaan keenin wax natiijo ah oo cusub oo ku saabsan dagaalka ama xabbad-joojinta labada dal.
Iran ayaa Arbacadii sheegtay inay heshay jawaabta Mareykanka ee ku aaddan soo jeedinteeda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran weli kama aysan jawaabin warbixinta Axios ee ku saabsan in Rubio uu wafdiga ka codsaday inuu New York ka baxo.
War deg deg ah, Maxaan ka ka soo kordhay diyaaraddii ku wajahneed Isreal ee shalay laga dejiyay Sacuudiga?
Duulimaad Flydubai ah oo ku wajahnaa Tel Aviv ayaa Arbacadii si degdeg ah ugu degay Sacuudiga, kaddib markii la sheegay in mid ka mid ah duuliyeyaasha uu mindi ku weeraray duuliyaha kale, isagoo isku dayay inuu diyaaraddu ay shil gasho.
Shaqaalaha iyo rakaabka ayaa la sheegay inay qabteen ninkii weerarka geystay, taasoo suuragelisay in diyaaradda si ammaan ah loogu dejiyo garoonka Tabuk.
Duuliyaha dhaawacmay waxaa lagu magacaabay Samit Machchar, waxaana lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla Tabuk. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay “geesi”.
Netanyahu ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo dhacdada iyo ujeeddada duuliyaha la qabtay, iyadoo la qorsheynayo in loo gudbiyo Imaaraadka Carabta.
Dhacdadu waxay sidoo kale keentay iskaashi dhif ah oo dhex maray Sacuudiga iyo Israel, iyadoo shaqaale caafimaad oo Sacuudi ah ay caawiyeen rakaabkii diyaaradda.
Maxaad ka ogtahay warshadda sifeynta Batroolka ee Kenya laga dhagax dhigay?
Alamata: Maxaan ka og nahay magaalada sida weyn loogu dagaallamay ee waqooyiga Itoobiya?
Trump oo 'geesi' ku tilmaamay duuliyihii labaad ee Flydubai
Donald Trump ayaa sheegay in uu khadka telefoonka kula hadlay Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isla markaana ay ka wada hadleen dhacdadii diyaaradda Flydubai.
Trump ayaa Arbacadii sheegay in Netanyahu uu uga warramay wixii dhacay iyo dadaalladii rakaabka diyaaradda ay ku doonayeen in ay xaaladda xakameeyaan.
“Waxaan u malaynayaa in ay tahay dhacdo aan la rumaysan karin. Waxay u muuqataa in ku-xigeenka duuliyuhu uu ahaa argagixiso ama laga yaabee qof waalan,” ayuu Trump yidhi.
Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay ku-xigeenka duuliyaha ee lagu weeraray dhacdada in uu ahaa nin geesi ah.“
Maraykanka oo bogaadiyay in Baxrayn ku biirto isbahaysi dhawaan la sameeyay
Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in Baxrayn ay ku biirtay hawlgalka ciidammada gaarka ah ee isbahaysiga, kaas oo la sameeyay bishii hore si loogu adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo isticmaalo weerarrada ismiidaaminta ah.
Admiral Brad Cooper, taliyaha CENTCOM, ayaa arrintan ka sheegay:
“Waxaan ku faraxsanahay in Baxrayn ay ku biirtay ciidammada gaarka ah ee Falcon Strike, kaddib markii dalkaasi uu mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay la shaqaynta CENTCOM si loo abuuro cutubkii ugu horreeyay dunida ee caalami ah oo ka kooban diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado weerarrada ismiidaaminta ah.Baxrayn waa xubin joogto ah oo gacan ka geysta xoojinta amniga iyo xasilloonida gobolka.”
Bishii August 13-keedii, CENTCOM ayaa ku dhawaaqday in ay ka shaqaynayso samaynta ciidankii ugu horreeyay dunida ee caalami ah, isla markaana adeegsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarrada gaarka ah, kana hawlgala meelo kala duwan.
Cutubkan oo loo bixiyay “Falcon Strike Special Forces”, ayaa adeegsan doona diyaarado aan duuliyaha lahayn oo hal mar loo adeegsado weerarrada ismiidaaminta. Waa nidaamyo aan cidina wadin oo ka hawlgala saddex goobood — hawada, badda iyo biyaha hoostooda — waxaana loogu talagalay in ay adeegsadaan ciidammada Maraykanka iyo dalalka gobolka ee ay iskaashadaan.
Trump: “Waxaad dhawaan arki doontaan dhacdooyin aad muhiim u ah
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka hadlayay Iiraan ayaa yidhi “Waxa aan la macaamilayno waa dal ku dhowaad burburay, dhaqaalihiisuna aanu xaalad wanaagsan ku jirin.”
Waxa uu intaa ku daray in ciidammadoodii badu ay meesha ka baxeen, ciidamadoodii cirka ay meesha ka baxeen, nidaamkoodii difaaca cirka-na uu baaba'ay.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa yidhi: “Waxaad dhawaan arki doontaan dhacdooyin aad muhiim u ah,” balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin.
Trump ayaa mar kale ku andacooday oo yidhi “waxaad og tihiin aan si buuxda gacanta ugu hayno marin-biyoodka Hormuz.”
Waxa uu sheegay in xaddiga shixnadaha shidaalka ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay maray marin-biyoodka Hormuz uu ahaa “mid ka badan xilli kasta oo taariikhda Maraykanka ah.”
Waxa uu yidhi: “Kama hadlayo oo keliya xilliyada dagaalka, ee waxaan ka hadlayaa taariikhda oo dhan.”
Iiraan oo Imaaraadka Carabta uga digtay in ay martigeliyaan Raysalwasaaraha Israa'iil
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, uu Imaaraadka Carabta uga “digay” martigelinta Raysalwasaaraha Israa’iil.
Farriin uu ku qoray afka Carabiga, bartiisa X ayaa isaga oo aan magaca dalka xusin, ayuu Rezaei ku yidhi: “Sida martigelinta saldhigyada milatari ee Maraykanku aanay ammaan idiinku keenin, martigelinta ‘Gacan-ku-dhiiglaha Qasa’ ayaa iyaduna aan yeelan doonin cawaaqib wanaagsan.”
Rezaei ayaa farriintiisa ku yidhi: “Cashar ka qaata dagaalkii dhawaa, joojiya hurinta dagaallada, sidoo kalena joojiya sheegashooyinka aan salka lahayn ee ku saabsan jasiiradaha Iiraan.”
Netanyahu wuxuu soo dhaweeyay ninkii “qolka duulista xoog ku galay”
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa garoonka diyaaradaha Ben Gurion kula kulmay rakaabkii diyaaradda dib loogu soo celiyay, kaddib markii ay ka degeen diyaaraddii.
Muuqaal lagu baahiyay akoonkiisa rasmiga ah ee baraha bulshada ayaa muujinaya isaga oo rakaabka isku duubaya oo salaamaya. Mid ka mid ah ragga rakaabka ah ayaa xiran funaanad dhiig ka muuqdo.
Qoraalka muuqaalka la socday ayaa sheegay in uu la kulmay “Yaniv, oo qolka duulista xoog ku galay diyaaraddii ka soo duushay Dubai kuna socotay Israa’iil.”
Sawirro: Dabaaldegyo ka socda garoonka diyaaradaha Ben Gurion
Markii rakaabku ay ka degeen diyaaraddii dib loogu soo celinayay ee ka timid Sacuudi Carabiya, waxaa garoonka ku soo dhaweeyay dadweyne badan oo daawanayay, kuwaas oo muusig tumaya, heesaya, qoob-ka-ciyaaraya, isla markaana lulaya calamada Israa’iil.
Duulimaadkii hore ee ka yimid Dubai kuna socday Tel Aviv ayaa loo weeciyay garoonka Tabuk ee Sacuudi Carabiya, kaddib markii la soo sheegay in qof mindi lagu dhaawacay gudaha diyaaradda.
Mareykanka oo 20 sano kadib si buuxda ciidamadiisa ugala baxaya dalka Ciraaq
Sawirro laga helayo rakaabka oo dhexmaraya garoonka Ben Gurion ee Tel Aviv
Hadda waxaan aragnaa sawirrada muujinaya rakaabkii oo ku socda gudaha garoonka diyaaradaha ee Tel Aviv, kaddib markii ay ka degeen diyaaraddii goor hore ka soo ambabaxday Sacuudi Carabiya.
Halkan kala soco wararka deg dega ah ee la xiriira dhacdada waxaana idiin soo gudbin doonnaa hadallada rakaabka isla marka aan helno.
Diyaaradii siday rakaabka diyaaradii ay saarnaayeen dhacdadu ka dhacday oo ka degtay Tel Aviv
Diyaaraddii siday rakaabkii diyaaraddii hore ee ka soo duushay Dubai kuna sii jeeday Tel Aviv, balse loo weeciyay Sacuudi Carabiya, ayaa lagu arkay barxadda Garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee Israa’iil.
Mas’uuliyiin Israa’iili ah iyo ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale lagu arkay iyagoo ku sugaya qaybta dadka imanaya, si ay u soo dhaweeyaan rakaabka marka ay diyaaradda ka soo degaan.
Rakaabkii saarnaa diyaaraddii loo weeciyey Sacuudiga oo dib ugu duulay Israa’iil
Rakaabkii saarnaa diyaaradda Flydubai ee ku lug lahayd dhacdadii maanta ayaa hadda ka baxay Sacuudi Carabiya, sida ay sheegtay shirkadda maamusha garoonka ee Cluster2.
Sida ay shirkadda Sacuudigu sheegtay, rakaabku waxay ka ambabaxeen Garoonka Tabuk.
Sida aan hore u soo sheegnay, shirkadda Flydubai ayaa laba diyaaradood oo beddel ah u dirtay Tabuk, si ay “u qaadaan oo u beddelaan rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda.”
Diyaaraddii asalka ahayd waxay ka soo duushay Dubai kuna sii jeedday Tel Aviv, ka hor inta aan loo weecin Sacuudi Carabiya xilli uu dhacdadani ka socotay diyaaradda.
Raysal Wasaaraha Israa’iil oo war weyn ka soo saaray dhacdadii diyaaradda
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bayaan ka soo saaray dhacdadii diyaaradda Flydubai.
Wuxuu sheegay in “duuliyihii mindiyeynta geystay la xiray, waxaana hadda su’aalo weydiinaya mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya.”
Dhanka kale wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in xogaha hordhaca ahi muujinayaan in mid ka mid ah duuliyeyaashu uu damacsanaa inuu diyaaradda burburiyo, isagoo doonayay in dhammaan dadkii saarnaa ay ku dhintaan.
Wuxuu dhacdada ku tilmaamay “isku day weerar argagixiso”, wuxuuna ammaanay rakaabkii Israa’iiliyiinta ahaa ee duuliyaha awood uga adkaaday oo xakameeyay.
Maxaan ilaa iyo hadda ka ognahay dhacdada diyaaradda Flydubai?
Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay oo ka hadlay dhacdadii diyaaradda
Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in duuliye “geesi ah” oo ka tirsanaa diyaaraddii Flydubai ee loo weeciyay Sacuudi Carabiya xilli ay ku sii jeeday Tel Aviv uu “sida libaax ula dagaallamay” si uu rakaabka u ilaaliyo.
Danny Danon ayaa bartiisa X ku qoray: “Rakaabkii Israa’iiliyiinta ahaa ee maanta ka soo duulay Dubai waxay muujiyeen go’aan iyo karti aan caadi ahayn, iyagoo gacan ka geystay ka hortagga musiibo weyn.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan u mahadcelinayaa duuliyihii Imaaraatiga ahaa ee geesiga ahaa, kaas oo sida libaax ula dagaallamay oo badbaadiyay nolosha rakaabka.”
“Waxaan u rajaynayaa inuu si degdeg ah uga soo kabsado dhaawacyada, dhammaan rakaabkana waxaan u rajaynayaa safar nabdoon oo ay dalkooda ugu laabtaan.”
Wasiirka amniga Israa’iil oo ka hadlay dhacdadii diyaarada
Wasiirka Amniga Qaranka ee xisbiga midigta fog, Itamar Ben-Gvir, ayaa baraha bulshada ku daabacay qoraal uu ka hadlay y dhacdada, inkastoo uusan u muuqan inuu ku hadlayay magaca dowladda.
Ben-Gvir ayaa sheegay in “argagixiso uu qorsheeyay inuu diyaarad burburiyo oo uu dilo” dadka saarnaa.
Wuxuu u mahadceliyay “rakaabkii geesiyaasha ahaa”, wuxuuna sheegay in “caqiidada amniga” Israa’iil loo baahan yahay in la gaarsiiyo heer ka sarreeya, isagoo intaas ku daray in dalku uusan joojin ilaa uu ka gaaro “guul buuxda” dhinacyo badan.
Wax badan kama soo bixin dowladda Israa’iil marka laga reebo bayaan hore oo lagu sheegay in xaaladda la xakameeyay, isla markaana dadaallo lagu doonayo in rakaabka dib loogu soo celiyo Israa’iil ay socdaan.
Yair Golan, oo hoggaamiya xisbiga bidixda ah ee Democrats-ka Israa’iil, ayaa ammaanay rakaabkii diyaaradda saarnaa oo uu ku tilmaamay “geesiyaal”, balse wuxuu dowladda ku dhaliilay inay dhacdada u adeegsanayso “inay ku kasbato dhibco siyaasadeed oo raqiis ah.”
Qaraabada mid ka mid ah shaqaalaha markabka MT Honor 25 oo la hadlay BBC kadib dhimashadii shanta ruux