Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Kuuriyada Waqooyi oo ridday gantaal ballistic ah.

    Koonfur Kuuriya iyo Japan ayaa sheegay in Waqooyi Kuuriya ay Sabtidii ridday gantaal nooca ballistic-ga ah oo ku dhacay biyaha ku teedsan xeebteeda bari. Tani waa tallaabadii ugu dambeysay ee dalkaas uu ku rido gantaal sanadkan.

    Ciidamada Koonfur Kuuriya ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in gantaalka laga riday aagga Wonsan abaaro 6:30-kii subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah maalintii Sabtida, uuna gaaray masaafo ka badan 700 oo kiiloomitir.

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in Seoul iyo Washington ay dib u eegis ku sameynayaan faahfaahinta tijaabadaas. Koonfur Kuuriya ayaa horay dalkaas ugu eedaysay inuu askarteeda dhaawac u geystay qaraxyo miinooyin dhulka lagu aasay oo ay sameysay Waqooyi Kuuriya; eedeyntaas oo ay Waqooyi Kuuriya shalay beenisay.

    Warar dheeraad ah:

  2. Qof kasta wuxuu rabaa inuu miisaanka dhimo laakiin dufanka jirka oo aad u yaraada wuxuu leeyahay khatar caafimaad

  3. La taliyeyaasha sare ee Trump oo la sheegay inay si qarsoodi ah uga tashteen Iiraan

    Sida ay sheegtay Axios, xubno sare oo ka tirsan golaha wasiirrada madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii si qarsoodi ah ugu kulmay xarunta Camp David, si ay uga wada hadlaan tallaabooyinka xiga ee ku aaddan dagaalka Iran iyo colaadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ee Yemen.

    Axios ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa dad xog-ogaal u ah arrinta, in kulanka uu shir-guddoominayay J.D. Vance, madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.

    Kulanka ayaa dhacay xilli wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ay meel xasaasi ah oo aan horumar lahayn gaareen. Sida warbixintu sheegtay, Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka J.D. Vance iyo saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa dhowr saacadood ka wada hadlay fursadaha Washington ay ka haysato jawaab ka bixinta arrimaha ka socda gobolka.

    Axios waxay xustay in qabashada kulan noocan oo kale ah iyadoo aan horay loo sii shaacin ay tahay tallaabo aan caadi ahayn, iyadoo qortay in kulankii ugu dambeeyay ee la midka ahaa, oo ay ka qaybgaleen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka, lagu qabtay Camp David bishii Juun 2025, maalmo ka hor inta uusan bilaaban dagaalkii Israa'iil iyo Iran.

    Warar dheeraad ah:

  4. Argentina oo soo bandhigtay barnaamij lagu heli karo dhalashada iyadoo la maalgashanayo dalka

  5. Markab lagu weeraray Cummaan

    Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO) ayaa sheegtay aroortii hore ee Sabtida in markab shidaal uu ku dhacay gantaal ama walax aan la aqoonsan, qiyaastii 4 mayl-badeed dhanka bari kaga beegan Cumaan.

    Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in dhammaan shaqaalaha markabka la soo sheegay inay badqabaan, isla markaana aanay xilligan jirin wax war ah oo sheegaya waxyeello deegaanka soo gaartay.

    Hay’addu waxay hore u sheegtay in Jimcihii markab shidaal uu gantaal ku dhacay isagoo ka sii baxayay marin-biyoodka Hormuz, taas oo sababtay dab yar iyo koronto ka go’day markabka.

    Warar dheeraad ah:

  6. Kaniini laga yaabo inaad in badan isticmaashay oo 'khatar ku ah beerka'

    Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar qorin, kaniinigan pracetamol-ka waa mid ka mid ah dawooyinka aadka looga isticmaalo adduunka.

    Dalka Mareykanka, waxaa lagu qiyaasaa in sanadkii la iibiyo ilaa 49,000 oo tan, amaba in 298 kaniini ah ay sanadkii kusoo aadeyso qofkiiba.

    Dalka UK, celcelis ahaan 70 xabbo oo kaniinigan ah ayaa qofkii kusoo aada sanadkii.

    Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.

    Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.

  7. Netanyahu oo sheegay in ninkii weeraray diyaaradda Flydubai uu aaminsanaa "fikir xagjirnimo Islaami ah oo lagu soo barbaariyay"

  8. SUMMARY

  9. Trump oo carrabaabay xilliga uu dhammaan karo dagaalka Iiraan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo ka hadlayay isu soo bax olole doorasho oo ka dhacay magaalada Mobile ee gobolka Alabama, ayaa mar kale sheegay in dagaalka Iiraan uu dhammaan doono "malaha wax yar kadib doorashooyinka dhexe."

    Warbaahinta NBC News ayaa sheegtay in Trump toddobaadyadii u dambeeyay marar badan ku celceliyay hadalladan, xilli uu sii kordhayo tirada Maraykan ka soo horjeeda dagaalka Iiraan.

    Khudbaddiisa, Donald Trump wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka dhaqaale ee Iiraan, isagoo ku andacooday in sicir-bararka dalkaasi uu gaaray qiyaastii 310%.

    Wuxuu yiri: "Dhaqaalahoodu gebi ahaanba waa burburay. Hal shay oo ay dhab ahaantii haystaan waa sicir-barar... Waa inaan aragnaa waxa dhaca."

    Trump wuxuu sidoo kale u sheegay dadkii isu soo baxay: "Dagaalkani si dhakhso ah ayuu u dhammaan doonaa, malaha isla marka doorashadu dhammaato. Laakiin marka uu dhammaado, qiimaha shidaalku si weyn ayuu hoos ugu dhici doonaa."

    Wuxuu dhowr jeer ku celiyay in dagaalkani uu mar dhow dhammaan doono, "si uun ama si kale."

    Sida lagu sheegay warbixintan, hadallada Donald Trump ayaa imanaya xilli xogta la heli karo ay muujinayso in celceliska qiimaha hal gaaloon oo shidaal ah gudaha Maraykanka uu hadda yahay $3.94.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  10. Dalalka G7 oo fasixi doona 100 milyan oo foosto shidaal iyo naafto ah kadib hanjabaadda Trump ee xannibaadda dhoofinta

    Kooxda G7 ayaa ku heshiisay inay suuqa kusii deyso 100 milyan oo foosto oo shidaal cayriin ah iyo naafto ah, si loo yareeyo cadaadiska dhanka sahayda ee sababay in qiimaha shidaalku si weyn u kaco.

    Kooxdan oo uu ku jiro Maraykanka, ayaa sheegtay in tallaabadan ay ka mid noqon doonto sii deyn ballaaran oo naafto ah maalmaha soo socda.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa hore ugu hanjabay inuu mamnuuci doono dhoofinta naaftada Maraykanka, taasoo ah tallaabo hoos u dhigi lahayd cadaadiska qiimaha ee saaran macaamiisha Maraykanka ka hor doorashooyinka dhexe ee bisha Noofambar, balse kor u qaadi lahayd qiimaha shidaalka ee dalalka kale.

    Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen, G7 waxay ku sheegeen in dalalka xubnaha ahi ay ku heshiiyeen inay iska ilaaliyaan xayiraadaha dhoofinta tamarta iyo wax soo saarka tamarta dhexdooda.

    Kooxda G7 waxaa xubno ka ah Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Canada, Japan, Jarmalka, Talyaaniga iyo Faransiiska, waxaana sidoo kale shirarkeeda ka qayb gala Midowga Yurub.

    Trump ayaa uga digay inuu joojin doono dhoofinta naaftada Maraykanka haddii dalalka Yurub aysan oggolaan inay suuqyada keenaan qayb ka badan kaydadkooda shidaalka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  11. Dalalka xubnaha ka ah heshiiska Difaaca Makah ayaa kulan degdeg ah yeelanaya

    Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Ishaq Dar, ayaa ku dhawaaqay maanta kulan degdeg ah oo ay isugu imaanayaan “Guddiga istaraatiijiyada siyaasadeed iyo difaaca heshiiska Makah”.

    Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saarayo weerarada Xuutiyiintu ku qaadeen Sacuudiga.

    Mr. Dar ayaa u sheegay wariyayaasha in kulanka la qabanayo toddobaadka dambe.

    Dalalka Pakistan, Turkiga iyo Sacuudiga ayaa wada-galay bishii Agoosto “heshiis wadajir ah” oo loo yaqaan Heshiiska Makah, toddobaadyo ka hor intii aysan Xuutiyiintu Yemen weerarka ku soo qaadin Sacuudiga.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. Caqabadaha ay weriyeyaasha Soomaaliya kala kulmaan xog helista

  13. Dalalka G7 ayaa fasaxay 100 milyan oo barmiil oo naafto ah

    Kaddib kulan ay yeesheen hoggaamiyeyaasha dalalka G7, waxay go’aansadeen in ay fasaxaan 100 milyan oo barmiil oo ah shidaalka keydka.

    Kooxdu waxay sheegtay in ay “isku raaceen tallaabooyin isku xiran oo wax looga qabanayo sahayda tamarta ee degdegga ah si qoysaska iyo ganacsiyada looga ilaaliyo in ay la kulmaan koror lama filaan ah.”

    Sidoo kale waxay dalalka G7 “isla socodsiinayaan jadwalka dayactirka warshadahooda sifeeynta shidaalka si looga hortago in awoodda wax soo saarku isku mar ay istaagto”, ayaa lagu sheegay hadalka ka soo baxay dalalkaas.

    Kooxdu waxay sheegtay in ay sidoo kale dhiirrigelinayaan wada-shaqayn lala yeesho dalalka leh awood weyn oo ay shidaal ku sifeeyaan, “si kor loogu qaado wax-soo-saarka caalamiga ah ee shidaalka la sifeeyay, gaar ahaan naaftada.”

    Madaxda dalalkan waxay sidoo kale mar kale xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay in laga fogaado xannibaadaha dhoofinta ee badeecooyinka tamarta ee u dhexeeya dalalka G7.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  14. WFP: Gaajada ka jirta Yemen ayaa gaartay heer aan hore loo arag

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa maanta sheegtay in gaajada ka jirta Yemen ay sii kordheyso iyadoo tiro aan hore loo arag aysan awoodin in ay helaan cuntooyinka ay u baahan yihiin.

    Dagaalka hadda ka socda Yemen waa kii ugu darnaa ee u dhexeeya Xuutiyiint iyo Sacuudiga ilaa markii xabadjoojinta lagu heshiisyay sanadkii 2022-kii. Dagaaladii u dambeeyay waxaa ku barakacay kumanylaal.

    Matthew Hollingworth oo ah ku xigeenka madaxa fulinta barnaamijka cuntada adduunka ayaa sheegay in toddobaadyo gudahood tiro badan oo dad ah aysan heli doonin cuntooyinka ay u baahan yihiin. Inta badan dadkaas ayuu sheegay in ay joogaan dhulka ay dowladda maamusho.

    Matthew Hollingworth wuxuu kaloo sheegay in afartii qof ee ka tirsan hal qoys saddex ka mid ah ay cuntooyinka u gooyaan. Dadka ku nool dhulka ay dowladda maamusho ayaa lagu qiyaasay 10 milyan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Eritrea iyo Itoobiya: Xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo marxaladihii uu soo maray

  16. Muuqaalka “Shahid daroon” iyo fariin hanjabaad oo ku socota Imaaraatka ayaa lagu qoray meel u dhow safaaradooda Tehran

    Sida ay sheegeen warbaahinta Iran, sawirka diyaaradda aan duuliyaha lahayn "Shahed" ee Iran ayaa lagu arkay darbi u dhow dhismaha safaaradda Imaaraatka ee magaalada Tehran. Muuqaalka waxaa la raaciyay fariin af-ingiriis ku qoran oo oraneysa sidan, “Codkan wuxuu ka dhow yahay sida aad u maleyneysaan”. Waxaan la raaciyay qoraal kale oo ah “Habeen wanaagsan Emirates”.

    Weli ma cadda cidda ka dambeysay sawirkan darbiga lagu qoray, mas'uuliyiinta Iran kama hadal arrintan.

    Sawirka ayaa darbiga lagu qoray xilli ay bilihii u dambeeyay sii kordhayeen xiisadaha u dhexeeya Iran iyo Imaaraatka Carabta. Imaaraatka ayaa xiray safaaradooda Tehran 1-dii Maarso, waxayna u yeereen safiirkooda iyo shaqaalaha diblomaasiyadeed kaddib markii Iran ku weerartay gantaallo. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraatka ayaa weeraradaas ku tilmaantay "xad-gudub cad" oo lagu sameeyay madax-bannaanideeda.

    Xiisadaha ayaa sidoo kale toddobaadyadii u dambeeyay saameeyay dhinacyada dhaqaalaha iyo gaadiidka. Bishii Sebtembar, Bangiga Dhexe ee Imaaraatka wuxuu mamnuucay dhammaan laamaha Bangiga Qaranka Iran in ay la macaamilaan.

    Imaaraatka waxay kaloo joojiyeen dhammaan duullimaadyada dalkooda ka baxaya ee tagaya Iran iyo kuwa ka imaanaya Iran ilaa amar dambe.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Dagaalka ka socda agagaarka magaalada Taciz ayaa sii xoogeysatay

    Dagaal aad u weyn ayaa ka socda Koonfur Galbeed Yemen kaas oo u dhexeeya Xuutiyiinta Iran taageerto iyo ciidamada Sacuudigu taageeraan ee dowladda caalamku aqoonsan yahay.

    Ku dhawaad 80 dadka dagaalka ku jiray ayaa la aaminsan yahay in ay shalay dhinteen. Hareeraha magaalada Taciz ayaa ah meelaha ugu daran ee dagaalka ka socda, wuxuuna ku fiday dagaalka dhulka buuraleyda ah ee ka sareeya Badda Cas.

    Hay’adda Qaramada Midoobay ee WFP ayaa ka digtay in ay gaajado kordheyso iyadoo dad aad u badan aysan awoodin in helaan cuntada ay u baahan yihiin.

    Qaramada Midoobay waxay sheegtay in bilihii la soo dhaafay ay dagaalka ka qaxeen 150 kun dad gaaraya.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  18. Qiimaha naaftada UK ayaa heerkii ugu sareeyay gaartay

    Celceliska qiimaha naaftada ee UK ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay abid, sida ay sheegtay hay’adda gaadiidka ee RAC. Markii ugu horeysay halkii liitar oo naafto ah ayaa noqday £2.

    Qiimo kororkan ayaa soo baxay kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in uu ka dalbanayo dalalka Yurub in ay fasaxaan keydka naaftada maadama uu isaga joojinayo naaftada uu dhoofiyo.

    Tallabadan ayaa hoos u dhigtay qiimaha naaftada gudaha Mareykanka balse khubaradu waxay ka digeen in ay cadaadis saareyso dalal kale maadama uu sii socdo dagalka Iran.

    Wasiirka gaadiidka UK Keir Mather ayaa sheegay in keydka UK uu xooggan yahay isla markaana wadanku leeyahay ilo sahay oo kala duwan.

    Kalluumaysatada ayaa sheegaya in ay suuragal tahay in ganacsigooda joogsado haddii dowladda aysan ka caawin kharashaadka shidaalka.

    Malaayiin qof oo ku nool UK ma kaxeeyaan baabuur naafto ku shaqeysa. Qaar badan xitaa gaari ma kaxeeyaan.

    Laakiin qiimaha kordhay qof kasta ayuu saameynayaa. Naaftada waxaa si weyn loogu isticmaalo beeraha, iyo gaar ahaan, gaadiidka xamuulka oo inta badan cuntada lagu geeyo dalka oo dhan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  19. Trump oo Iiraan ugu hanjabay "weerar aad u culus" haddii la xaqiijiyo inay ku lug lahayd dhacdadii diyaaradda Flydubai

  20. Dowladda Faransiiska ayaa isku dayaysa in ay soo afjarto dibadbaxyada.

    Wasiirka Tacliinta Sare ee Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in uu sii wadi doono wadahadallada uu la leeyahay wakiillada ardayda si loo soo afjaro dibadbaxyada dalka oo dhan ka socda ee ku saabsan xaaladaha dugsiyada.

    Philippe Baptiste ayaa ku dhawaaqay in uu maanta oo jimce ah la kulmi doono dadka dibadbaxa dhigaya si ay uga wada hadlaan dalabaadkooda ah in dhaqaalo badan loo weeciyo dhanka tacliinta. Wuxuu sidoo kale cambaareeyay rabshadaha dhacay intii dibadbaxyadu socdeen.

    Dugsiyo ka badan 400 oo ku yaal dalka oo dhan ayaa maanta xiran kaddib dibadbaxydaas, sidoo kale 40 jaamacadood ayey arrintan saameyn ku yeelatay.

    Booliska ayaa khamiistii xiray 2,000 oo qof mar ay ardaydu xireen iridaha laga galo iskuul.

    Ardayda ayaa ka cabanayay fasalo buux dhaafay iyo xarumo waxbarasho oo burbursan. Ugu yaraan labo iskuul ayaa dab la qabadsiiyay intii ay socdeen dibadbaxyda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: