Hoggaamiyaha Jarmalka oo sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo Ruushka
Hoggaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa gaaray caasimadda Ukraine ee Kyiv, isaga oo sheegay in Madaxweyne Volodymyr Zelenskiy uu ku tiirsanaan karo taageerada Jarmalka, xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada Ruushka.
Merz oo ay weheliyaan madaxda shirkado dhowr ah oo ka shaqeeya dhinaca difaaca, ayaa sheegay in mashiinka dagaal ee Ruushku uu u jeesan doono dalal kale haddii aan la joojin.
Jarmalku wuxuu Ukraine siinayaa gargaar milatari oo gaaraya ilaa hal bilyan oo Yuuro, waxaana ka mid ah nidaamyada difaaca ee looga hortagayo diyaaraha an duuliyaha lahayn ee cusub ee Ruushka ee ku shaqeeya matoorro jet ah.
Madaxweyne Zelenskiy ayaa sheegay in Vladimir Putin uu oggolaanayo weerarrada lagu beegsanayo dadka rayidka ah, kadib markii uu ku guuldarraystay inuu gaaro guul milatari.