Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaare Abiy: "Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed"

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu sii xoojin doono dadaallada uu ku doonayo inuu helo marin badeed.

    Wuxuu sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay si kasta u difaacdo xuquuqdeeda iyo danaha qarankeeda.

    “Waxaan si adag uga shaqayn doonnaa sidii Itoobiya u heli lahayd meel ay ka gasho ugana baxdo badda,” ayuu yiri.

    Hadallada Abiy ayaa yimid xilli dalalka deriska la ah Itoobiya ee Eritrea, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar ay soo saareen bayaan wadajir ah oo ku saabsan arrimaha Badda Cas iyo webiga Nile.

    Abiy ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay awood u leedahay inay dhisato ciidan iyo ciidan cirka oo xooggan, si ay isaga difaacdo cadowgeeda.

    Wuxuu sheegay in Itoobiya ay sannadihii u dambeeyay wajahday caqabado badan, balse ay ka gudubtay, isla markaana aysan mar kale dhici doonin.

    Isagoo ka hadlayay dagaallada ka socda waqooyiga dalka, Abiy wuxuu sheegay in Itoobiyaanku ay isku aragti ka yihiin arrimaha danaha qaranka, inkastoo ay ku kala duwan yihiin arrimaha siyaasadda.

    Wuxuu sidoo kale ugu baaqay kooxaha hubaysan inay wadahadal iyo dib-u-heshiisiin ku soo laabtaan, isagoo yiri: “Idinka Itoobiyaanka ah ee kaymaha ku jira, ku soo laabta jidka nabadda.”

  2. War deg deg ah, Maxaa ka socda Qadar oo ku saabsan Iran?

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Iran, Eskandar Momeni, ayaa u safray magaalada Doha ee caasimadda Qatar, halkaas oo uu kula kulmi doono dhiggiisa Qadar, Khalifa bin Hamad bin Khalifa Al Thani, iyo mas’uuliyiin kale.

    Momeni waxaa safarka ku weheliya ku-xigeenno ka tirsan wasaaraddiisa iyo guddoomiyeyaasha gobollada Tehran, Hormozgan iyo Bushehr.

    Qadar ayaa door dhexdhexaadin ah ka qaadanaysa xiriirka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, iyadoo labada dal ay xiisad ka dhex taagan tahay.

    Inkasta oo Qadar ay xiriir dhow la leedahay Iran, haddana Doha ayaa cambaareysay weerarro Iran ay dhowaan ku qaaday dalka Qadar, kuwaas oo Tehran sheegtay inay ku bartilmaameedsatay danaha Mareykanka.

  3. War deg deg ah, Xasan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, maadama isagu horey dad u toogtay

    Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqay in dil toogasho ah lagu fulin doono Nidal Malik Xasan, oo ahaa sarkaal iyo dhakhtar ka tirsanaa ciidamada Mareykanka.

    Tani waxay noqon doontaa dilkii ugu horreeyay ee askari Mareykan ah lagu fuliyo toogasho tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Xassan ayaa 5-tii November 2009 ku toogtay saldhigga Fort Hood ee Texas 13 askari oo Mareykan ahaa oo aan hubaysnayn, halka 32 kale ay ku dhaawacmeen dhacdadaa.

    Afhayeenka Pentagon-ka Sean Parnell ayaa sheegay in Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth uu soo jeediyay in Xasan lagu fuliyo dil toogasho ah, isla markaana Madaxweyne Donald Trump ansixiyay.

    Xasan waxaa lagu helay 13 dacwadood oo dil ah iyo 32 dacwadood oo isku day dil ah. Guddiga maxkamadda oo ka koobnaa 13 sarkaal ayaa si wadajir ah ugu taliyay in lagu xukumo dil.

    Parnell ayaa sheegay in waqtiga iyo goobta lagu fulinayo xukunka la go’aamin doono. Wuxuu bartiisa X ku qoray: “Maalintii xisaabtanka Xasan ayaa ugu dambeyn timid.”

    Intii lagu jiray maxkamadeyntiisa militari ee 2013, Xasan wuxuu sheegay inuu aaminsanaa inuu ilaalinayay Muslimiinta iyo Taalibaanka ee Afghanistan, isagoo sidoo kale qirtay inuu ahaa qofkii toogashada geystay.

    Weerarkii 5-tii November 2009 ayaa loo arkaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee aan militari ahayn ee lagu qaado saldhig ciidamada Mareykanka ah taariikhda dalka.

  4. War deg deg ah, War cusub: Trump iyo ku xigeenkiisa oo hal dhacdo siyaabo kala duwan uga hadlay

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Iran ay ka dambeysay shilkii diyaaradda FlyDubai, isla markaana laga yaabo inay ku lug leedahay hanjabaad amni oo sababtay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka laga saaro saldhigga RAF Fairford ee Britain.

    Trump ayaa sheegay in diyaaradaha laga saaray saldhigga kadib markii Mareykanku helay warar ku saabsan “hanjabaad gaar ah”, isagoo sheegay in tallaabadu ahayd mid taxaddar ah.

    Si kastaba, hadalka Trump ayaa ka duwan mowqifka Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance, kaas oo sheegay in aan weli la hayn caddeyn lagu qanci karo oo Iran ku xiriirinaysa dhacdada FlyDubai. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa isna sheegay in wareejinta diyaaradaha ay u badan tahay inay ahayd tallaabo caadi ah oo lagu beddelayo ciidamo iyo qalab militari.

    Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu ogyahay dadka ka dambeeyay hanjabaadda, balse uusan shaacin cidda ay yihiin. Markii la weydiiyay haddii hanjabaaddu la xiriirto Iran, wuxuu ku jawaabay: “Waxay la xiriiri kartaa Iran.”

    Hadalladan ayaa muujinaya kala duwanaansho ka dhex jira maamulka Trump oo ku saabsan sida loo sharxayo dhacdooyinkan, iyadoo Trump uu si toos ah u tilmaamayo Iran, halka Vance iyo Rubio ay muujinayaan taxaddar dheeraad ah.

  5. Nin aflagaadeyay Nabi Muxamed NNKH, oo dil lagu xukumay iyo qoyskiisa oo cafis dalbanaya

  6. Cilmi-baaris: Maxey aqoonyahanndu ka yirihaadeen arrintaan xilliga hurdada la isku arko?

    Warbixin lagu daabacay mareegta Qaranka ee daawada Mareykanka iyo cilmi-baarayaal ka socda Jaamacadda Caafimaadka ee Tongji ee Shiinaha ayaa isbarbardhig ku sameeyay shahwo rag laga qaaday, waa kuwa sida lama filaanka ah u shahwo-baxa iyo minida rag caafimaadka qaba.

    Xaaladdan, oo loo yaqaan shahwa-baxa aan ku tala galka ahayn (involuntary ejaculation), waxaa lagu gartaa in ninku uu la kulmo dhibaato shahwo-bax, xitaa haddii isla fal-galka si dhaqso ah uu dhaco.

    Cilmi-baaristu waxay sheegtay in xaaladdani tahay sababta ugu weyn ee 72% ilma la'aanta ragga sababta mararka qaar. Ragga la kulma biyo-baxa aan ku tala galka ahayn, waxay dhibaato ku qabaan inay shahwo baxaan marka ay galmo samaynayaan ama xitaa marka dareenkoodu kacsanyahay iyaga oo hurda.

    Shahwada waxaa laga qaaday 91 nin oo la ildaran xaaladdan biyo-baxa hurdada ku yimaada, iyadoo la adeegsanayo qalab gaar ah oo ku shaqeeya gariir (PVS iyo EEJ).

    Gunaanadkii daraasadda ayaa muujisay in shahwada laga helo hab dhaqameed (intii uu hurdo ku biyo-baxayo) ay 30.6% u badan tahay inay dhaqso u dhaqaaqdo (motility), isla markaana ay 61.4% u badan tahay inay lahaato qaab-dhismeed isku mid ah marka loo eego hababka kale ee shahwada lagu helo.

    Daraasadaha waxay muujinayaan in ragga aan ka warqabin biyo-baxa xilliga hurdada ay leeyihiin shahwo tayo fiican leh.

    Maaddaama biyo-baxa xilliga hurdada uu yahay xaalad aan la saadaalin karin goorta ay dhici doonto, ragga waayo-aragnimadaas lahaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaa lagula taliyay in ay xirtaan habeenkii qalab marka ay hurdaan si ay u keydiyaan muunad shahwo ah cilmi-baarista awgeed.

    Daraasad kale oo lagu daabacay mareegta Machadka Qaranka ee Caafimaadka Taranka ee Ragga iyo Dumarka ee Maraykanka waxay qiimeysay awoodda ragga dhibaatada ku qaba dareenka inay ku bacramin karaan lammaanayaashooda iyagoo adeegsanaya shahwada laga helay intii ay huradayeen.

    Daraasaddu sidoo kale waxay sheegtay in inkastoo tayada shahwada laga helo biyo-baxa hurdada ay kala duwanaan karto ragga dhexdooda, haddana waa la adeegsan karaa si cilmi ah, si loogu xiro ugxanta dumarka, iyadoo la iska ilaalinayo hababka adag sida kuwa koronto ama qalliin lagu sameeyo oo shahwada lagu helo.

    Dr. Kamaraj wuxuu yiri:"Qof kasta laga bilaabo wiilasha 12 jirka ah ilaa ragga waayeelka ah wuu ku shahwa-bixi karaa intuu hurdo. Ilmala'aan ama shahwo yari laguma xiro mini-baxa xilliga hurdada la arko. Jirka bani'aadamku wuxuu soo saaraa shahwo cusub mar kasta oo qofku biyo-baxo. Hurdo ama adeegsiga gacanta midkoodna ma saameeyo awoodda taranka ee ninka."

  7. Muxuu qorsheynayay ninkii dhawaan weeraray duuliyihii diyaaraddii ku socotay Israa'iil?

    Duuliyaha labaad ee flydubai ee lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu afduubto diyaarada ayaa qorsheynayay inuu diyaaradda ku burburiyo garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Tel Aviv ama dhisme dheer oo ku yaal magaalada Israa'iil, sida ay sheegayaan warbixinnada Mareykanka iyo Israa'iil.

    Ninka u dhashay Cumaan ayay sheegeen warbixinadu in uu ahaa xagjir "kiligii howlgalayay".

    Xeer ilaaliyaha guud ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in duuliyaha labaad uu isku dayay inuu fuliyo "fal argagixiso" duulimaadkii FZ1073 oo ka yimid Dubai una socday Tel Aviv Arbacadii la soo dhaafay.

  8. War deg deg ah, Dagaalka Yemen oo sii xoogeystay iyo ciidamada dowladda oo deegaanno cusub qabsanaya

    Dagaallada Yemen ayaa Isniintii sii xoogaystay, iyadoo ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero ay sheegeen inay horumar ka sameeyeen gobolka Tacis, ayna qabsadeen magaalada Mocha iyo fariisimo ku dhow marinka Bab al-Mandab.

    Xuutiyiinta ayaa dhankooda ku dhawaaqay weerarro cusub oo lagu qaaday bartilmaameedyo gudaha Sacuudiga, xilli isbahaysiga ay Riyad hoggaamiso uu kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah fariisimaha kooxda.

    Horumarradan ayaa yimid kaddib markii dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ay billowday hawlgal militari oo ballaaran oo loogu magac daray “Yemen Dawn”.

  9. Mareykanka oo ansixiyay hub qiimihiisu yahay $1 bilyan oo doollar oo laga iibinayo Imaaraadka Carabta

    Mareykanka ayaa ansixiyay iibinta hub qiimahiisu yahay $1 bilyan oo doollar oo loo diray Imaaraadka Carabta.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: "Iibinta la soo jeediyay waxay kor u qaadi doontaa awoodda Imaaraadka Carabta ee ka hortagga khataraha hadda jira iyo kuwa mustaqbalka, iyo sidoo kale inay hagaajineyso is-dhexgalka ciidamada Mareykanka."

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in iibka "uu taageeri doono siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo ujeeddooyinka amniga qaranka iyadoo la xoojinayo amniga saaxiib muhiim ah oo difaaca Mareykanka ah."

    Imaaraadka Carabta waxay la kulmeen xiisado ku aadan xiriirka dibadda ee ay la leedahay deriskeeda, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya iyo Iiraan, bilihii la soo dhaafay.

    Ka dib weerarkii isku mar ay Israa'iil iyo Mareykanka ay ku qaadeen Iiraan, Imaaraadka Carabta wuxuu ka mid ahaa bartilmaameedyadii ay Iiraan bartilmaameedsatay si ay uga aargudato weeraradii gantaalada ee Mareykanka.

  10. Arrin uu damacsanaa ninkii weeraray duuliyihii Flydubai in ku sameeyo garoonka Tel Aviv oo la shaaciyay

  11. Maraykanka oo sheegay in aan cadeyn loo hayn in Iran ku lug lahayd dhacdadii Flydubai

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in aysan jirin wax caddayn ah oo muujinaya doorka Iiraan ee dhacdadii Flydubai.

    J.D. Vance ayaa la hadlay wariyeyaasha ka hor inta uusan safar diyaaradeed ugu ambabixin Alaska.

    Diyaaradda Emirates Airlines oo ka timid Dubai una socotay Tel Aviv ayaa calaamad degdeg ah ka dirtay Urdun qiyaastii laba saacadood ka dib markii ay kacday Arbacadii hore, waxayna beddeshay jihada, ugu dambayntiina waxay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Tabuk ee Sacuudi Carabiya.

    Xeer ilaaliyaha Guud ee Imaaraadka Carabta ayaa hore u sheegay in duuliyaha labaad ee diyaaradda Flydubai uu damacsanaa inuu geysato "fal argagixiso.

    Waa markii ugu horreysay ee mas'uuliyiinta Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah dhacdada ugu tilmaamaan "argagixiso."

  12. Ahmed Shide oo loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka Itoobiya

    Golaha Wakiillada ee dalka Itoobiya ayaa u doortay Axmed Shide Guddoomiyaha Golaha Wakiillada muddada shanta sano ee soo socota ah.

    Axmed Shide ayaa hore u soo noqday Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya, wuxuuna horay u soo qabtay xilal kala duwan oo dowladeed.

    Kadib markii loo doortay Guddoomiyaha, Axmed Shide ayaa loo dhaariyay xilkaan.

  13. Abiy Ahmed oo mar kale loo doortay in uu noqdo raa'iisul wasaaraha Itoobiya

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa dib loogu doortay inuu noqdo Ra'iisul Wasaaraha dalkaas.

    Abiy ayaa xilka loo dhaariyay markii labaad - isagoo noqonaya Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya - kadib doorashooyinkii sannadkan.

  14. Aramco oo ka digtay in sawirada dayaxgacmeedka loo adeegsado weeraro ka dhan ah kaabayaasha iyo maraakiibta shidaalka

    Shirkadda shidaalka Sacuudi Carabiya ee Aramco, ayaa sheegtay in sawirrada dayax-gacmeedka iyo xogta saxda ah ee raadraaca maraakiibta ay si isa soo taraysa llogu isticmaalayo weerarrada kaabayaasha dhaqaalaha iyo maraakiibta shidaalka.

    Madaxa shirkadda Aramco Amin Nasser ayaa sheegay in "nidaamyada dadwaynaha u furan aysan noqon rasaas gardarro loo adeegsado," isagoo intaa ku daray in "tiknoolajiyadu ay leedahay faa'iidooyin badan, laakiin sidoo kale ay leedahay khataro halis ah."

    Hay'adda Caalamiga ah ee Badda, oo ah hay'adda maraakiibta ee Qaramada Midoobay, ayaa ku qiyaastay in tan iyo markii dagaalka Iiraan-Ciraaq uu bilaabmay Maarso 29, ay dhaceen ilaa 91 weerar ama dhacdooyin ku lug leh maraakiibta Gacanka Faaris iyo gobolka Bariga Dhexe, kuwaas oo dilay 24 badmaaxe.

    Xarumaha saliidda ee Aramco, oo ah mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee soo saara saliidda adduunka, waxaa si isdaba joog ah u bartilmaameedsaday weeraro shisheeye.

  15. Iran oo dumarka hub u tababareysa, Araghchi-na wuxuu leeyahay: "Xal milatari nagula gaari maayo"

  16. Ciidamada dowladda Yemen oo sheegay inay galeen qaybo ka mid ah marinka Baab al-Mandab.

    Ciidamada dowladda Yemen ayaa sheegay inay qaadeen weerar istiraatiiji ah oo looga dan leeyahay in dib loogu qabsado magaalada Sanca.

    Ciidamadan ayaa sheegaya inay weerar istiraatiiji ah ku qaadeen caasimadda Yemen, isla markaana ay isku dayayaan inay Sanca kala wareegaan kooxda Xuutiyiinta.

    Telefishinka Xuutiyiinta ayaa sidoo kale soo weriyay duqeymo cirka ah oo Sacuudigu ka geystay magaalada Sanca.

    Dhanka kale, sida ay sheegeen laba il-wareed oo dhanka milatariga ah, ciidamada dowladda Yemen ayaa sidoo kale weeraray goobo ay Xuutiyiintu ku sugnaayeen oo ku yaalla gobolka Dhubab, kaas oo ku teedsan marinka badda ee Bab al-Mandab.

    Sida uu sheegay Majid Abdullah Nazili, oo ah afhayeenka ciidamada dowladda Yemen, qaybihii ugu horreeyay ee ciidamada ayaa gaaray aagga Bab al-Mandab, waxayna la wareegeen gacan ku hayntooda.

    Shalay, dowladda Yemen ayaa ku dhawaaqday billowga hawlgal lagu magacaabo "Waqtiga Soo-bixitaanka Qorraxda Yemen", kaas oo looga golleeyahay in dib loogu qabsado dhulalka ay gacanta ku hayaan Xuutiyiintu.

    Wuxuu bartiisa X (oo hore loo oran jiray Twitter) ku qoray in ka dib markii gobolkaas la hareereeyay, ay maleeshiyaadka Xuutiyiintu ku baxsadeen doonyo.

  17. Iran: Dagaal cusub ayaa harqin doona dhammaan waddamada Mareykanka martigeliya ee gobolka.

    Ali Abdollahi, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Taliyaha Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya, ayaa sheegay in haddii dagaal cusub uu ka bilaabmo Iran, "dabkiisu uu baabi'in doono dhammaan waddamada gobolka ee ciidamada Mareykanka ay ku sugan yihiin."

    Mr. Abdollahi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in, si ka duwan hadallada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, aysan Jamhuuriyadda Islaamiga ah sugayn natiijooyinka doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, isla markaana ay Iran si "adag" uga jawaabi doonto tallaabo kasta oo militari oo ka dhan ah.

    Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ayaa sidoo kale ku eedeeyay Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA) inay "u dhaqmayso sida yeey xiran maqaar ido," wuxuuna sheegay in hadallada hay'addu ay ka bixisay xarumaha nukliyeerka ee Iran ay yihiin kuwo "aan sal iyo raad toona lahayn."

    Mr. Abdollahi ayaa mar kale ku celiyay in Iran ay si buuxda ugu diyaar garowday inay wajahdo "halis kasta."

  18. War deg deg ah, Faahfaahin cusub: Boko Haram oo qaadday weerar dad badan ay ku dhinteen

    Wararka ka imaanaya Nigeria ayaa sheegaya in tirada dadka lagu dilay weerar ay kooxda Boko Haram toddobaadkan ka geysatay waqooyiga dalka ay gaartay 28 qof.Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Borno, xilli dadka deegaanka ay u baxeen inay qabtaan shaqooyinkooda.

    Markii hore, 15 qof ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka, waxaana meydadkooda lagu aasay Khamiistii tuulada Marte. Hase yeeshee, 13 meyd oo kale ayaa dhammaadkii toddobaadka la helay.

    Weerarkan ayaa ka mid ah weerarrada ka dhacay Borno iyo gobollada kale ee waqooyiga Nigeria, kuwaas oo muddo la tacaalayay amni-darro.

    Sidoo kale, koox xiriir la leh Daacish oo sheegata inay dagaal jihaad ah waddo ayaa lagu eedeeyay afduubyo madax-furasho ah, inkastoo dowladda Nigeria ay sheegtay in xaaladda amni ee gobolka ay soo hagaagayso.

  19. War deg deg ah, Israel oo xiraysa marinno muhiim ah oo ku yaalla Daanta Galbeed iyo Gaza

    Mas’uuliyiinta Israel ayaa go’aansaday inay Isniinta iyo Arbacada xiraan Daanta Galbeed iyo marinnada laga galo Marinka Gaza, xilli la xusayo sannad-guurada saddexaad ee weerarradii 7-dii Oktoobar 2023.

    Wasiirka Difaaca Israel, Yisrael Katz, ayaa sheegay inuu ansixiyay soo jeedinta ciidamada ee lagu dhaqan-gelinayo xayiraadaha 5-ta iyo 7-da Oktoobar, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay qiimeynta xaaladda amni iyo xuska sannad-guurada weerarrada.

    Xayiraadaha Daanta Galbeed waxaa lagu saleyn doonaa talooyinka ciidamada iyo qiimeynta amniga. Si kastaba, waxaa jiri doona dad laga qafiifinayo ay ka mid yihiin shaqaalaha caafimaadka muhiimka ah iyo xaalado gaar ah.

    Sidoo kale, laba maalmood ayaa la xirayaa marinnada laga galo Gaza, taasoo xaddidi doonta dhaqdhaqaaqa dadka Falastiiniyiinta.

    Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Israel ay adkeyneyso tallaabooyinka amni ka hor sannad-guurada weerarradii 7-dii Oktoobar, kuwaas oo sababay dagaal weyn oo u dhexeeya Israel iyo Xamaas.

  20. Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.