Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Degdeg: Toogasho ka dhacday magaalada New York iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

    Sarkaal ka tirsan hay’adda Mareykanka u qaabilsan socdaalka iyo fulinta sharciga socdaalka ee ICE, ayaa nin ku toogtay deegaan ka tirsan magaalada New York.

    Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka, oo ay hoos tagto ICE, ayaa xaqiijisay in sarkaalku uu hubkiisa adeegsaday intii lagu jiray “hawlgal gaar ah oo lagu soo qabanayay soogalooti sharci-darro ku jooga dalka, isla markaana leh taariikh dembiyeed”.

    Wasaaraddu waxay qoraal ku sheegtay in ninkaasi uu weli nool yahay, isla markaana la dhigay isbitaal ku yaalla deegaanka.

    Duqa magaalada New York, Zohran Mamdani, ayaa dhacdada ku tilmaamay “arrin aan la aqbali karin oo aad u culus”.

    “Wararka hordhaca ah waxay muujinayaan in saraakiishu ay hareereeyeen ninka iyo ilmo shan jir ah oo gaarigiisa ku jiray, ka hor inta aysan dhowr xabbadood ridin,” ayuu yiri Mamdani. Wuxuu sheegay in ilmaha uusan wax dhaawac ah soo gaarin.

    BBC-da ayaa la xiriirtay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka si ay faahfaahin uga hesho hadallada Mamdani.

    Guddoomiyaha gobolka New York, Kathy Hochul, ayaa sheegay inay arrintan kala hadashay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayna muujisay caro ay ku sheegtay inay ku hadlayso magaca shacabka New York.

    Trump weli si cad ugama uusan hadlin toogashada.

    Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in ninka, oo aan magaciisa la shaacin, uu ka soo jeedo Jamhuuriyadda Dominican-ka, isla markaana uu horey u galay dambiyo.

  2. Trump: "Dadka gobolka Minnesota waa inay "iska caabiyaan" soogalootiga Soomaalida, dowladdu gacan ayay idinku siinaysaa"

  3. War deg deg ah, Shirkado diyaaradeed oo ku dhawaaqay in ay joojiyeen duulimaadyadii Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    Shirkadaha diyaaradaha ee Lufthansa ee Jarmalka iyo Air India ee Hindiya ayaa ku dhawaaqay inay joojinayaan duullimaadyadooda taga Riyad, caasimadda Sacuudiga, kaddib weerarrada Xuutiyiinta Yemen.

    Joojinta duullimaadyada ayaa timid iyadoo ay sii xoogeysanayaan weerarrada Xuutiyiinta ee lagu beegsanayo garoomada diyaaradaha iyo xarumaha shidaalka ee Sacuudiga.

    Xuutiyiinta Yemen oo xulafo la ah Iran ayaa Khamiistii kordhiyay weerarrada ay ku qaadayaan Sacuudiga, iyagoo gantaallo ku beegsanaya hawada dalka iyo xarumaha shidaalka. Weerarrada toddobaadkan ayaa sababay dhimashada saddex qof, waxayna si weyn u waxyeelleeyeen diyaarad.

    Kooxda ayaa sheegtay inay bartilmaameedsatay garoonka diyaaradaha Riyad, waxayna shaqaalaha uga digtay inay ka fogaadaan xarumaha tamarta oo ay qorsheynayaan inay weeraraan.

    Wararka la helayo ayaa sheegaya in diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha qaranka Sacuudiga ay waxyeello ka soo gaartay weerarradii lagu qaaday garoonka King Khalid ee Riyadh.

  4. War deg deg ah, Xuutiyiinta oo weerar la beegsaday diyaarado fadhiyay garoonka diyaaradaha Riyaad iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Laba qof oo goobjoogayaal ah ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha qaranka Sacuudiga ee Saudia ay soo gaartay waxyeello muuqata, kaddib markii Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen inay Khamiistii weerarro isdaba joog ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha Riyad.

    Ilo xog-ogaal ah ayaa arrintan AFP u sheegay in ugu yaraan hal diyaarad ay garoonka ku soo gaaray burbur xooggan, halka ilo kale ay sheegeen in saddex diyaaradood la weeraray.

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay Khamiistii garoonka ku qaadeen saddex weerar oo kala duwan. Qaraxyo badan ayaa laga maqlay guud ahaan caasimadda, halka ciidamada isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ay sheegeen inay soo rideen gantaallo lagu soo riday garoonka.

    Labada goobjooge ayaa sheegay in jirka diyaarad Sacuudigu leeyahay oo taagnayd Terminal 4 uu ka muuqday dhaawac, oo ay ku jiraan dildilaacyo iyo waxyeello kale. Terminal-kan waxaa hadda duullimaadyada gudaha u isticmaala shirkadaha Sacuudiga iyo Riyad Air.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale hore u sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee dowladda Sacuudiga uu dab xooggan waxyeello ugu geystay iyadoo taagnayd mid ka mid ah terminal-lada garoonka Riyad.

    Xafiiska warbaahinta dowladda Sacuudiga, Hay’adda Duulista Rayidka ee dalka iyo shirkadda diyaaradaha Saudia midkoodna kama uusan hadlin arrintan.

  5. Sidee ayay BBC-du ku ogaatay dib-u-dhiska qarsoodiga ah ee hoy ku yaalla goobta dalxiiska ee uu Putin ugu jecel yahay?

  6. Araqchi: Waxaan ka jawaabi doonnaa soo-jeedinta Mareykanka maalmo gudahood

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in Iran ay weli ka fiirsanayso jawaabta Mareykanka ee ku aaddan soo-jeedin ah in marinka Hormuz dib loo furi karo muddo toddoba maalmood gudahood ah.

    Sida ay sheegtay wakaaladda Tasnim, Mr. Araqchi ayaa yiri: "Waxaan soo bandhignay qorshaheenna, kaas oo aan u bixinnay 'Qorshaha Toddobada Maalmood', waxaana sidoo kale maqalnay aragtida dhinaca Mareykanka ee ku aaddan qorshahaas."

    Wuxuu intaas ku daray: "Hadda waxaan dib u eegis ku sameyneynaa aragtida Mareykanka, waxaana filayaa inaan jawaabteenna bixin doonno maalmaha soo socda gudahood."

    Wuxuu sidoo kale sheegay in geeddi-socodka diblomaasiyadeed uu socdo, isla markaana farriimo la is-weydaarsanayo iyadoo la adeegsanayo dhexdhexaadiyeyaal.

    Warar dheeraad ah:

  7. Xogo dheeri ah oo laga helayo ciidamada Eritrea oo la sheegayo in ay gudaha u galeen Itoobiya

    Ciidamo Eritrean ah ayaa galay waqooyiga Itoobiya, iyagoo ku sii jeeda deegaan ay iska horimaadyo ka socdaan oo u dhexeeya ciidamada dowladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka, sida ay BBC-da u sheegeen dadka deggan magaalada Adigrat ee Tigray.

    Dagaallada gobolka ayaa billowday laba toddobaad ka hor, kaddib bilo ay jireen xiisado u dhexeeyay dowladda Itoobiya iyo xisbiga maamula Tigray, TPLF.

    Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu jebiyay heshiiskii 2022-kii soo afjaray dagaal sokeeye oo socday laba sano.

    Itoobiya ayaa sidoo kale Eritrea ku eedeysay inay taageerto TPLF, taas oo Asmara ay hore u beenisay.

    Xiisadda cusub ayaa timid kaddib markii bishii Sebtembar la sameeyay isbahaysi cusub oo ay ku mideysan yihiin kooxo hubeysan oo ka jira Itoobiya, kaas oo ay TPLF ka mid tahay.

  8. Hiiraan: Al-Shabaab oo rasaas ku furay dad joogay suuq laga dukaameysto

    Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, sagaal kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii rag hubeysan oo ka tirsan ururka al-Shabaab ay rasaas ku fureen suuq laga tukaamaysto maalinta khamiista ah oo ku yaala deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan.

    Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa BBC-da u sheegay in rasaasta dadka lagu furay ay timid kaddib markii rag hubeysan oo ka tirsan al-Shabaab oo suuqa yimid ay damceen in ay qoriga ka dhigaan nin hubeysan oo joogay suuqa, kaas oo diiday in uu qorigiisa dhigo, deetana waxaa halkaas ka bilaabatay tacshiirad ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dhawr iyo toban qof.

    Sidoo kale akhri:

  9. Kansar, caado go' xilli hore ah iyo dagaal tobnaan sano qaatay: Sida unugyada ugxansidaha la qaboojiyay uu uga dhashay wiil caafimaad qaba

  10. Araqchi: Khasaaraha qalabka milatari ee Mareykanka ayaa aad uga badan tirooyinka rasmiga ah

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray qalabka milatari ee Mareykanka uu aad uga badan yahay tirooyinka la shaaciyey.

    “Bishii May, Adeegga Cilmi-baarista Kongareeska Mareykanka ayaa qiray in ciidamada qalabka sida ee Iran ay burburiyeen 42 diyaaradood oo milatari oo Mareykan ah. Hadda tiradu waxay gaartay 81,” ayuu ku qoray qoraal uu soo dhigay barta bulshada ee X.

    Mr Araqchi ayaa sii raaciyay: “Caddeyntu maxay tahay? Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) xitaa uma oggola senator ka tirsan Kongareeska inuu booqdo oo kormeero saldhigyada ay sheegayaan inay xaaladdoodu gebi ahaanba caadi tahay.”

    Abbas Araqchi ayaa qoraalkiisa ku daray: “Dadka arrintan weligood laguma ‘khiyaamayn’ karo.”

    Warar dheeraad ah:

  11. Jilaaga caanka ah ee Nana Patekar oo geeriyooday

  12. War deg deg ah, War degdeg: Israa'iil oo qaadday talaabo ka dhan dowladda Ingiriiska iyo xaalad Qudus ka taagan hadda

    Israel ayaa sheegtay in inta badan diblomaasiyiinta Britain ay ka bixi doonaan qunsuliyadda Britain ee Bariga Qudus, balse dowladda Britain waxay ku adkaysatay in dhismaha “aan la xirayn”, isla markaana uu sii shaqayn doono isagoo ah “Hawlgalka Britain”.

    “Ma aanan doonayn in arrintu halkaas gaarto,” ayuu baraha bulshada ku qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Saar. Wuxuu sheegay in 20 diblomaasi iyo qunsulka guud ay ka bixi doonaan Israel, halka koox ka kooban toddoba qof ay dhismaha ku sii nagaan karaan, iyagoo qabanaya hawlo “aad u kooban”.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain Ed Miliband ayaa sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha “si ku-meel-gaar ah looga saaray” sababo amni awgood, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in hawlgalku “la shaqayn doono shacabka Falastiiniyiinta”.

    Israel ayaa bishii Sebtembar sheegtay inay xiri doonto qunsuliyadda, taas oo jawaab u ahayd cunaqabatayntii Britain ku soo rogtay deegaameynta Israel ee Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaas oo sharciga caalamiga ah uu u arko kuwo sharci-darro ah.

    Dowladda Britain ayaa dadaalkii ugu dambeeyay ku bixisay inay Israel ka dhaadhiciso inaan la xirin qunsuliyadda ka hor waqtigii kama dambaysta ahaa ee Khamiista maanta ah, kaddib markii dowladda Israel ay sheegtay inay qunsuliyadda xiri doonto 30 maalmood gudahood laga bilaabo markii Britain ku dhawaaqday cunaqabataynta.

    Qunsuliyadda, oo markii ugu horreysay la aas-aasay 1838, waxay qaabilsan tahay xiriirka Britain ay la leedahay Falastiiniyiinta ku nool Qudus, Daanta Galbeed iyo Gaza.

    Waxay ka duwan tahay safaaradda Britain ee Tel Aviv, oo ah xarunta ugu weyn ee xiriirka diblomaasiyadeed ee Britain iyo Israel.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Saar ayaa sheegay in dalkiisu uu hirgeliyay tallaabooyinkii lagu dhawaaqay 8-dii Sebtembar, kuwaas oo jawaab u ahaa cunaqabataynta Britain.

  13. War deg deg ah, Suuriya oo qaadaysa tallaabo xaaladda Yemen sii hurin karta

    Suuriya ayaa si taxaddar leh uga fiirsanaysa suurtagalnimada inay taageero militari siiso xulafadeeda ugu weyn ee Sacuudiga, xilli dagaal ka socdo Yemen.

    Sida ay Reuters ku warrantay, iyadoo soo xiganaysa sarkaal Mareykan ah iyo sarkaal militari oo Suuriyaan ah oo arrintan xog-ogaal u ah, waxaa weli socda wadahadallo ku saabsan fursadaha ciidamo Suuriyaan ah loogu diri karo Yemen.

    Ilaha ayaa sheegay in mid ka mid ah fursadaha la tixgelinayo uu yahay in Suuriya ay bixiso taageero difaac ah, si Sacuudigu isaga difaaco weerarrada Xuutiyiinta.

    Waxaa sidoo kale la tixgelinayaa in la diro ciidamo ka qayb qaadan kara howlgallo weerar ah, kuwaas oo taageeri lahaa ciidamada Yemen ee Sacuudigu taageero, si ay ula dagaallamaan Xuutiyiinta.

    Warbixintu waxay tilmaamaysaa in haddii go’aan kama dambeys ah lagu gaaro dirista ciidamo, ay suuragal tahay in Suuriya ay si weyn ugu lug yeelato dagaalka Yemen.

    Warbixin la mid ah waxaa sidoo kale baahisay warbaahinta Mareykanka ee Axios, taas oo sheegtay in qorshayaashu ay weli ku jiraan marxaladihii hore, isla markaana aan si rasmi ah looga xaqiijin dhinacyada Suuriya ama Sacuudiga.

    Haddii qorshahan la hirgeliyo, wuxuu noqon karaa isbeddel weyn oo ku yimaada iskaashiga militari ee gobolka, wuxuuna kordhin karaa cadaadiska lagu hayo kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka Yemen.

  14. Xaggee ayay ku dambeeyeen saaxiibbadii halganka ee madaxweynaha Eritrea uu 25 sano xabsiga ku hayay? Muxuuse ahaa dalabkoodu?

    Tan iyo markii Eritrea ay noqotay dal madax-bannaan, madaxweynaha dalka, Isaias Afwerki, ayaa xukunka hayay. Saraakiil sare oo si rasmi ah uga dalbaday inuu sameeyo isbeddello siyaasadeed ayuu xabsiga dhigay, waxaana hadda laga joogaa 25 sano tan iyo markii la waayay meel ay ku sugan yihiin.

    Saraakiisha loo yaqaan Kooxda 15-ka (G15) waxay xilal sare ka soo qabteen halgankii xornimada Eritrea iyo wixii ka dambeeyay. Kadib markii ay si cad u dalbadeen in isbeddel siyaasadeed lagu sameeyo dalka, waxaa la xiray 8-dii Sebtembar 2001, tan iyo markaasna lama oga halka ay ku sugan yihiin.

  15. Muxuu yahay hadalka doodda iyo falcelinta badan dhaliyay ee uu sheegay duqa New Yorka Mamdani?

  16. War deg deg ah, Nin cirbad lagu dilay iyo walaac laga muujiyay arrintaan oo soo badanaysa

    Jamaal Howard, oo ku jiray xabsiga dadka lagu xukumay dilka, ayaa Arbacadii lagu dilay cirbad sun ah waxaana arrintaan ay ka dhacday gobolka Texas ee Mareykanka.

    Howard oo 46 jir ahaa ayaa lagu helay inuu sanadkii 2000 dilay shaqaale dukaan xilli uu dhac ka gaysanayay goobtaas.

    Qareennadiisa ayaa isku dayay inay joojiyaan fulinta xukunka, kaddib markii Christa Pike ay toddobaadkii hore ka badbaaday isku day dil oo isla habka cirbadda sunta ah ah.

    Waxay sheegeen in walaac laga qabo isticmaalka maaddada pentobarbital, oo Texas qorsheysay inay u isticmaasho Howard, isla maaddadii loo adeegsaday Pike.

    Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa diiday codsiyada qareennada.

    Qareennada Howard ayaa sidoo kale ka codsaday Guddoomiyaha Texas Greg Abbott inuu 30 maalmood dib u dhigo fulinta xukunka, si ay u helaan xog dheeraad ah oo ku saabsan dawada la qorsheeyay in loo isticmaalo.

    Codsigaas ayaa sidoo kale la diiday.

    Ugu dambeyn, Howard ayaa cirbadda lagu duray, waxaana lagu dhawaaqay inuu geeriyooday 8:03 fiidnimo ee xalay, waqtiga Texas.

  17. Maxaad ka taqaannaa madaxweyne Afrikan ah oo bedelay magaciisa iyo sababta?

    Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa si rasmi ah u wax uga baddalay magacyadiisa si uu ugu daro magac loo bixiyay markii uu yaraa.

    Magacaas oo la yirhaado 'Tibuhaburwa' waxaana luqadda Runyankore loola jeeda "Qofka aan qaadan talada ama la sixi karin"

    Arrintan ayaa hadal badan ka dhex dhalisay baraha bulshada Uganda, halka dadka qaar ay la yaaban yihiin waxa ay aheyd shaqada la taliyeyaasha madaxweynaha markii uu gaarayay go'aankaas.

  18. War deg deg ah, Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad howgal ku jirtay oo Sacuudigu leeyahay

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca Bayraktar Akinci ah oo lagu sameeyo Turkiga, taas oo ay sheegeen inuu leeyahay Sacuudigu.

    Xuutiyiintu waxay sheegeen in diyaaradda ay hawlgallo ay ku tilmaameen “ kuwa colaadeed” ka waday gobolka Tacis.

    Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sheegay in diyaaradda lagu soo riday “hub ku habboon”.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxda ay gantaallo ballistic ah ku bartilmaameedsatay goobo ay ku sugnaayeen ciidamo iyo maleeshiyaad Sacuudigu taageero oo ku dhow marinka Bab al-Mandab.

    Yahya Saree ayaa sidoo kale hore u sheegay in Xuutiyiintu ay gantaal ku weerareen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee Riyad.

    Tani waa markii saddexaad toddobaadkan ee ay kooxdu sheegato inay weerartay garoonka.

    Sacuudiga ayaa sheegay in hal qof oo u dhashay Sudan uu ku dhintay weerarka, halka siddeed qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

  19. Xogo dheeri ah oo laga helayo ciidamada Eritrea oo la sheegayo in ay gudaha u galeen Itoobiya

  20. Muxuu yahay cudurka ay u geeriyoodeen gabdhahan mataanaha ahaa ee saacadaha kooban kala dambeyay?

    Sheekadan ayaa soo jiidatay dareenka dadweynaha, ma aha oo keliya geerida mataanaha oo ku geeriyooday laba maalmood gudahood, balse sidoo kale xiriirka dhow ee ka dhexeeyay iyo in waalidkood ay ka shaqeeyaan waaxda caafimaadka Nigeria, ayaa sheekada ka dhigtay mid Dareen gaar ah leh.

    Dr. Hadiyah Usman iyo Dr. Aidah Usman, oo labaduba 28 jir ahaa, waxay tan iyo carruurnimadoodii la noolayeen cudurka sickle cell.

    Marka laga soo tago murugada ka dhalatay geerida labada gabdhood ee muddada laba maalmood gudahood ah, dhacdadani waxay sidoo kale iftiiminaysaa saameynta uu cudurka sickle cell weli ku leeyahay Nigeria, oo ka mid ah dalalka adduunka ee ay ugu badan yihiin dadka qaba cudurkan.