Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Xuutiyiinta iyo al-Shabaab: Xidhiidh noocee ah ayaa ka dhaxeeya labada kooxood?

  2. Hoggaamiyaha Burkina Faso oo furay warshaddii ugu horraysay ee sifaysa dahabka

    Dawladda milatariga ee Burkina Faso ayaa furtay warshaddeedii ugu horreysay ee sifaynta dahabka.

    Tallaabadan ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay dadaallada dalkaasi ku doonayo in uu kheyraadkiisa si gudaha ah uga faa’iidaysto, isla markaana uu gacanta ugu dhigo macdanta muhiimka ah.

    Taliyaha milatariga Ibrahim Tirayore ayaa sheegay in warshaddan loo furay sidii loo yarayn lahaa ku-tiirsanaanta dalka ee dalalka shisheeye marka ay timaaddo sifaynta macdanta.

    Burkina Faso waa mid ka mid ah dalalka Afrika ee ugu waaweyn ee soo saara dahabka, balse dawladda ayaa wajahday caqabado la xidhiidha nidaaminta qaybta macdanta ee aan rasmiga ahayn.

  3. Israa'iiliyiinta la deegaameeyay oo weerarro ku qaaday qoys Falastiini ah

    In ka badan boqol oo qof oo ka mid ah dadka Israa’iiliyiinta ah ee deggan deegaannada la haysto ayaa weeraray tuulo Falastiini ah oo ku taalla Daanta Galbeed, iyaga oo ka hor istaagay qoys Falastiini ah in uu dib ugu laabto gurigooda, kaddib markii ay hore uga qaxeen.

    Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in dadka deggenaa deegaannadaas ee ku sugnaa Jalalud ay dhagxaan tuureen, waddooyinka xireen, isla markaana dab qabadsiiyeen guryo iyo gaadiid.

    Saddex askari oo ka tirsan ilaalada xuduudaha Israa’iil ayaa sidoo kale ku dhaawacmay.

    Qoyska Falastiiniyiinta ah ayaa gurigooda ka qaxay bishii July, kaddib bilo ay la kulmayeen dhibaatooyin iyo weerarro ay ku hayeen dadka deggan deegaannada Israa’iil.

  4. War deg deg ah, Puntland oo BBC-da uga warrantay hawlagl ay ku soo furatay markabka MT Honer 25

    Wasiir ku xigeenka wasaaradda wafaafinta Maamul-goboleedka Puntland oo goor dhawayd la hadlay BBC-da ayaa ka warbixiyay hawlgal ay maanta Booliska Badda Puntland ku soo furteen markabka MT Honer 25.

    Bile Maxamuud Qabowsade ayaa sheegay in hawlaglkan ka hor ay budhcad-badeeddu dileen shan qof oo ka mid ahaa shaqaalaha markabka.

    Mar la weyddiiyay in dadkaasi ay ku dhinteen rasaastii la is weydaarsanayay iyo in kale, waxa uu kaga jawaabay in dadkaasi la laayay intii aanay ciidanku soo gaadhin.

    Tirada budhcad-badeedda la qabtay ayaa waxa ay Puntland ku sheegtay 21 qof. Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in hawlgalku uu ka dhacay badda iyo berrigaba.

  5. Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay 10 qof iyo hay’ado “xidhiidh la leh Wasaaradda Difaaca Iraan”

    Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu cunaqabatayn saaray 10 qof iyo hay’ado uu sheegay in ay hub siiyeen Wasaaradda Difaaca ee Iiraan.

    Liiska cunaqabataynta waxaa ku dhawaaqay Xafiiska Xakamaynta Hantida Shisheeye ee Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka, waxaana ku jira magacyada muwaadiniin ka soo jeeda Iiraan, Mexico, Shiinaha iyo Pakistan.

  6. Maxaan ka og nahay markabka dadka lagu laayay ee xeebaha Puntland?

    Budhcad-badeedda ayaa afduubtay markabkan shidaal oo ay saarnaayeen 17 shaqaale ah, kaas oo marayay meel u dhow xeebaha Soomaaliya, sida ay BBC-da u sheegeen saraakiil badan oo dhinaca ammaanka ah.

    Saraakiishu waxay sheegeen in markabka Honour 25 ay lix nin oo hubaysani qabsadeen bishii afraad ee sannadkan 30 mayl-badeed u jiray xeebta.

    Markabkan shidaal ayaa ku sii jeeday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

    Saraakiil dhinaca ammaanka ah oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa xilligaas BBC-da u sheegay in markabku siday 18,500 fuusto oo shidaal ah.

    Markabkan ayaa siday 17 shaqaale ah — 10 Pakistani ah, afar Indonesian ah, mid Hindi ah, mid u dhashay Sri Lanka iyo mid u dhashay Myanmar.

  7. Puntland oo war ka soo saartay shaqaale markab oo la sheegay in budhcad-badeeddu dishay

    Shan ka mid ah shaqaalihii markabka shidaalka ee MT Honer 25 ayaa budhcad-badeeddu dileen, xilli ciidammada ammaanka Puntland ay hawlgal ku doonayeen in ay markabka kaga soo furtaan gacanta budhcad-badeedda, ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo goor dhawayd ka soo baxay Puntland.

    Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) waxay sheegtay in dadka la dilay ay saddex ka mid ahi ahaayeen muwaadiniin Pakistani ah, mid Hindi ah, halka mid kalena uu ka soo jeeday Myanmar.

    Afar shaqaale oo kale ayaa ku dhaawacmay hawlgalka, waxaana saddex ka mid ahi ahaayeen Pakistani, halka midna uu ahaa Hindi, sida ay sheegtay PMPF.

    Maamulka Puntland ayaa sheegay in hawlgalkii lagu soo badbaadinayay markabku uu soo dhammaaday, isla markaana MT Honer 25 uu badqabo oo uu gacanta ugu jiro ciidammada dowladda.

    PMPF waxay sheegtay in hawlgalka lagu qabtay 16 qof oo budhcad-badeed ah, halka qaar kale ay baxsadeen oo lagu raadjoogo.

  8. Kumaan u dhashay Burundi ka hayaamay Kenya, dibna ugu laabtay dalkooda

    Waxaa la sheegay in ku dhowaad 7,000 muwaadin oo Burundi ah ay dib ugu laabteen dalkooda, kaddib howlgallo lagu bartilmaameedsanayo ajaanibta ka ganacsata ganacsiyada yaryar ee Kenya, kuwaas oo billowday horraantii bishan.

    Intii lagu guda jiray shir jaraa’id oo ay Talaadadii qabteen wakiillo ka socday hay’adaha dowladda, Carine Nduwayo oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Burundi ayaa sheegtay in ilaa hadda dalka dib ugu laabteen 6,309 rag ah, 593 haween ah iyo 86 carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano.

    Howlgallada oo la filayay inay billowdaan 7-dii Sebtembar, ayaa daba socday amar uu bixiyay Madaxweyne William Ruto, kaas oo kulan hore ka sheegay in ay jiraan ganacsiyo loogu talagalay oo keliya dadka Kenyanka ah.

    Hase yeeshee, dowladda Kenya ayaa markii dambe caddeysay in ajaanibta ganacsiyada ku wata si waafaqsan sharciga ay xor u yihiin inay dalka ganacsi ka sameystaan.

    Caddeyntan ayaa timid kaddib markii boqolaal muwaadiniin Burundi ah ay horey u bilaabeen inay qaataan dukumentiyada safarka, iyadoo aan la hubin inay sii joogi karaan Kenya iyo in kale.

    Akhrin dheeraad ah

  9. Golaha Garsoorka Iraan oo Maraykanka ku xukumay $48 bilyan oo ah magdhowga dilkii Qassem Soleimani

    Afhayeen u hadlay garsoorka Iraan ayaa sheegay in dacwadda la xiriirta dilkii Qassem Soleimani, oo ahaa taliyihii hore ee Ciidanka Quds ee Ilaalada Kacaanka Iraan, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka lagu xukumay inay bixiyaan $48 bilyan oo magdhow ah.

    Ali Kazemi ayaa sheegay in dacwaddu ay hadda gashay marxaladda fulinta xukunka, isla markaana ay leedahay 3,173 dacwoodayaal. Waxa uu intaas ku daray in qaybta ciqaabta ee dacwadda 73 qof, kuwaas oo lagu raad joogo. Faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin.

    Qassem Soleimani ayaa lagu dilay weerar ay Maraykanku ka fuliyeen duleedka magaalada Baagdaad, muddo xillieedkii kowaad ee Donald Trump.

    Trump ayaa markii dambe sheegay in xilliga uu dagaalka Iraan bilowday uu ahaa markii uu bixiyay amarka lagu dilay Qassem Soleimani.

    Akhrin dheeraad ah

  10. Sacuudiga iyo Imaaraadka oo kulmay kaddib bilo ay isku khilaafsanaayeen arrinta Yeman

    Hoggaamiyeyaasha Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa ku kulmay magaalada Riyadh, kaddib bilo ay labada dal isku khilaafsanaayeen arrinta Yeman.

    Ku dhawaad hal sano, Sacuudi Carabiya ayaa Imaaraadka ku eedeysay inuu khatar ku yahay amniga qaranka Sacuudiga, kaddib markii ay taageereen kooxo fallaago ah oo ka dagaallama Yemen.

    Kulanka maanta ayaa dhex maray Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, iyo Sheekh Mansour bin Zayed Al Nahyan, oo ah madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka Carabta. Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee rasmiga ah, Wasiirka Difaaca Sacuudiga, Khalid bin Salmaan, ayaa sidoo kale kulanka ka qeyb galay.

    Sacuudi Carabiya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay wadatashi la lahayd xulafadeeda caalamiga ah, si ay uga hesho taageero ku aaddan sidii ay uga hortagi lahayd Xuutiyiinta.

    Xuutiyiinta oo xulafo la ah Iran ayaa weli wada xannibaad dhinaca badda ah oo ay ku hayaan Sacuudiga, waxayna weerarro ku qaadaan maraakiibta dalkaas ee ku sugan Badda Cas.

    Isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa toddobaadyadii u dambeeyay marar badan duqeeyay goobaha ay Xuutiyiintu ku sugan yihiin.

    Akhrin dheeraad ah

  11. Muhaajiriinta oo adeegsanaya waddooyin dheer oo halis badan si ay ugu gudbaan Ingiriiska

  12. War deg deg ah, Markabkii labaad oo ay soo furtayn Ciidanka Ilaalada xeebaha Puntland

    Ilaalada xeebaha ee maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegtay inay soo badbaadiyeen markab shidaal qaada oo burcad-badeeddu afduubteen bishii Abriil.

    Markabka Honour 25 ayaa noqonaya markabkii labaad ee ay ciidamada badda ee Puntland ka soo furtaan burcad-badeedda bishan. Bayaan ka soo baxay ilaalada xeebaha ayaa sheegay in markabka oo sitay calanka Palau uu siday shixnad ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ayaa soo furteyn

    Jimcihii, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen markab shidaal qaada, ayna qabteen 41 burcad-badeed ah. Hase yeeshee, markii dambe waxaa soo baxday in 28 ka mid ah ay baxsadeen, iyadoo la sheegay inay ka heleen caawimaad booliis.

    Akhrin dheeraad ah

  13. Nin iska baarayay dhalmo la'aanta oo ilmo-galeen laga helay - xaalad aad u naadir ah

  14. App-kan hadda waa la xiray

  15. Iiraan oo dowladda Qatar ku eedeesay in wax xog ka soo saarin saddex duuliye oo Iranian ah

    Afhayeen u hadlay milatariga Iraan ayaa sheegay in ciidanka iyo dowladda Qatar aysan wax xog cusub ah ka bixin xaaladda saddex duuliye oo Iranian ah oo la la’yahay.

    Mohammad Akraminia ayaa telefishanka Al-Alam ee afka Carabiga ku baxa u sheegay in ciidanka iyo dowladda Qatar aysan Iraan siin wax xog cusub ah, isla markaana ay si joogto ah u sheegayaan inaysan wax war ah ka hayn xaaladda duuliyayaashan.

    Wuxuu yiri: “Waxaan filaynaa in si masuuliyad dheeraad ah la iska saaro arrintan, isla markaana sida ugu dhaqsaha badan loo caddeeyo xaaladda saddexdan qof ee qaaliga ah.”

    Guddiga Ciidamada Qalabka Sida ee Iraan u qaabilsan raadinta dadka la la’yahay ayaa bishii Juun sheegay in laba diyaaradood oo dagaal oo ka tirsanaa ciidanka Iraan, kuwaas oo hawlgal uga baxay saldhigga diyaaradaha ee Shiraz bishii Maarso, laba maalmood kaddib markii ay bilowdeen weerarradii isku mar ay Israa’iil iyo Maraykanku ku qaadeen Iran, ay “khasaare weyn gaarsiiyeen saldhigga Maraykanka ee Qatar”, balse markii ay soo laabanayeen ay cadowgu ku weeraray Gacanka Faaris. Meydka mid ka mid ah duuliyayaashii, Majid Kazemi, ayaa 28-kii Agoosto lagu aasay Iran.

    Qatar ayaa sheegtay inay heshay meydka duuliyaha, isla markaana ay ku wareejisay mas’uuliyiinta Iraan.

    Ururka Bisha Cas ee Iraan ayaa warqad u diray madaxa Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas, isaga oo ka codsaday in laga caawiyo caddeynta xaaladda saddexda duuliye ee la sheegay in la qabtay.

  16. Sidee heshiis uu lagalo Iran uu faa'iido ugu yahay Donald Trump?

  17. War deg deg ah, Muxuu ku saabsan yahay safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku joogo Itoobiya?

    Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo la sheegay inuu u joogo safar hal maalin.

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed ayaa kusoo dhaweeyey caasimadda, iyaga oo kula yeeshay.

    Sida ay qortay wakaaladda wararka Somaaliya (SONNA) kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, iyo ka wada hadalka xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka. “Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga gobolka si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika”, ayey qortay SONNA.

    Safarkaan ayaa kusoo aadaya, iyada oo gobollada waqooyi ee Itoobiya ay ka socdaan dagaallo iyo iska hor imaadyo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo xoogagagga TPLF.

  18. Maxaa loo damiintay dadka looga shakisanaa dhacdadii RAF Fairford?

    Waxaa jira xeer u ogolaanaya booliiska in codsadaan mudo kordhin addii qof lagu xiro Sharciga La-dagaallanka Argagixisada, booliisku waxay marka hore hayn karaan ilaa 48 saacadood iyaga oo aan dacwad ku soo oogin. Waxa kale oo ay codsan karaan in muddadaas loo kordhiyo ilaa 14 maalmood.

    Kiiskan, raggii la qabtay waxaa lagu xiray Sharciga Booliiska iyo Caddeymaha Dambiyada (PACE), kaas oo u oggolaanaya in qof damiin lagu sii daayo inta baaritaanku socdo, iyadoo lagu soo rogi karo shuruudo adag.

    Nick Aldworth oo la hadlay BBC Radio Wiltshire, horena usoo ahaa isku-duwihii Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada, ayaa sheegay in go’aanka shanta qof ee looga shakisan yahay in damiin lagu sii daayo, kaddib qiyaastii 36 saacadood, uusan ahayn go’aan si fudud loo gaaray.

    “Waxaan u malaynayaa in dadku ay filayeen in xaaladdu si kale noqon doonto, laakiin shuruudaha waxaa = lagu dalban karaa damiin waa kuwo cad oo sharci ku dhisan; ma aha arrin si weyn ugu xiran go’aanka qofka. Haddii qof uu xaq u leeyahay damiin, waa la sii daynayaa. Haddii uusan xaq u lahaynna, lama sii daynayo ayuu yiri.

    Dhanka kale waxa uu intaas ku daray “Anigu waxaan ku qanacsanahay in go’aannadaas si taxaddar leh looga fiirsaday, gaar ahaan marka la tixgeliyo heerka ay gaarsiisan tahay indha-indheynta caalamiga ah ee arrintan.”

  19. War deg deg ah, War cusub oo ka soo kordhay raggii damiinta lagu sii daayay

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in dhacdadii ka dhacday saldhigga ciidamada cirka Britain ee RAF Fairford, oo ay ciidamada Mareykanku isticmaalaan, ay si cad u muujisay in dad ama dhinac shisheeye ay ku lug lahaayeen.

    Rubio oo la hadlay Fox News ayaa sheegay in maalmaha soo socda la filayo in la helo faahfaahin dheeraad ah.

    Hase yeeshee, Wasiirka Difaaca Britain ayaa horay u sheegay in ay weli tahay xilli hore in la xaqiijiyo in dad shisheeye ay ku lug lahaayeen dhacdada.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale dhaleeceeyay go’aanka booliska la dagaallanka argagixisada Britain ay shanta nin ugu sii daayeen damiin. Shanta nin oo dhammaantood ah muwaadiniin British ah ayaa weli baaritaan lagu hayaa.

    RAF Fairford ayaa ka mid ah saldhigyada ay ciidamada Mareykanku u adeegsadaan howlgallada ka dhanka ah Iran. Dowladda Iran ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay dhacdada, halka baaritaanka Britain uu weli socdo.

  20. War deg deg ah, Iran oo war ka soo saartay xayiraadda diyaaradaheeda lagu soo rogay

    Afhayeenka dowladda Iran ayaa shir jaraa’id ku sheegay in xayiraadda lagu soo rogay duulimaadyada diyaaradaha Iran ay tahay “caddeyn muujinaysa cadaadiska Mareykanka”.

    Fatemeh Mohajerani ayaa sheegtay in Iran ay hay’adaha caalamiga ah u gudbisay cabasho, isla markaana ay waddo tallaabooyin sharci iyo kuwo diblomaasiyadeed.

    Madaxa Hay’adda Duulista Rayidka ee Iran, Abuzar Shiroudi, ayaa Isniintii sheegay inuu cabasho rasmi ah u gudbiyay Hay’adda Duulista Rayidka ee Qaramada Midoobay, ee ICAO, isagoo farta ku fiiqay xayiraadaha lagu soo rogay duulimaadyada Iran.

    Shiroudi ayaa sheegay in cabashada lagu lifaaqay dukumentiyo faahfaahinaya saameynta xayiraaddu ku yeelatay duulimaadyada Iran.

    Tan iyo toddobaadkii hore, markii cunaqabateyn cusub oo Mareykanku saaray shirkadaha diyaaradaha Iran ay dhaqan gashay, garoomo diyaaradeed oo ku yaalla dalal dhowr ah ayaa joojiyay ama xaddiday duulimaadyada shirkadaha Iran.