Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Warbixinta Wall Street Journal ee digniinta Iran haddii Maraykanka iyo Israa’iil ay dib u bilaabaan weerarrada
Wargeyska The Wall Street Journal ayaa sheegay in Iran ay ka digtay inay ballaarin doonto baaxadda weerarradeeda haddii Israa’iil iyo Maraykanku ay dib u bilaabaan weerarrada ka dhanka ah dalkaas.
Warbixintu waxay sheegtay in haddii duqeymaha cirka dib loo bilaabo, Iran ay weerari doonto saldhigyada iyo maraakiibta dagaalka ee Maraykanka oo keliya, balse ay sidoo kale bartilmaameedsan doonto garoomada diyaaradaha, dhuumaha shidaalka iyo goobaha kale ee rayidka ee dalalka deriska la ah ee ku yaalla Gacanka Faaris.
Wargeysku wuxuu intaas ku daray in digniinahan lagu baahiyey hadallo si fagaare ah loo jeediyey iyo farriimo diblomaasiyadeed oo si gaar ah loo gudbiyey.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in Iran ay haysato kayd badan oo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah, isla markaana ay awood u leedahay inay adeegsato.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:
Sideed ku ogaan kartaa in ilmahaagu maskax ahaan fiyow yahay iyo in kale?
In aad aragto ilmo xanaaqsan ma ahan wax lagu farxo, gaar ahaan haddii aad tahay waalid, macallin ama mas'uul, goob caruurta lagu xanaaneeyo.
Haddii carruurta ay xanaaqaan ayaga oo ku sugan meel fagaare ah ama fasalka dugsiga, waa ayba ka sii daran tahay mararka kale .
Dariiqada Qaadiriya: Asalkeeda iyo saamaynta ay dunida ku yeelatay muddo ka badan 900 oo sano
Iska horimaadyada magaalada Moyale oo sababay dhimashada dad rayid ah, halka dad badanna ay u qaxeen Kenya
Dadka ku nool magaalada Moyale ee koonfurta Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in dad rayid ah lagu dilay iska horimaadyo tan iyo Axaddii ka dhacay deegaan xuduud la leh maamullada Oromiya iyo Soomaalida.
Dadka ay BBC-du la hadashay ayaa sheegay in sababta isku dhacu ay ahayd “calan si khaldan loo taagay”, isla markaana dad dhowr ah oo labada dhinac ah la dilay, oo ay ku jiraan carruur da’doodu tahay 10 sano.
Dhinaca maamulka gobolka Oromiya, duqa magaalada Moyale, Gelma Korcha, ayaa Arbacadii BBC-da laanta Afan Oromo u sheegay in isku dhacu billowday 8-dii Oktoobar 2019.
Duqu wuxuu sheegay in deegaanka ay xuduud wadaagaan Soomaalida iyo Oromadu, ay Soomaalidu “ka gudbeen xuduudda, galeen dhulka Oromiya, ayna ka taageen calankooda maamul.”
Cabdiraxmaan Karama, oo la hadlay BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga, kana shaqeeya hay’ad gargaar, ayaa sheegay in deegaanka laga dhisay maamul cusub.
Dhanka kale, Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyo maleeshiyaad ay ka billowdeen dhinaca gobolka Oromiya.
“Subaxnimadii Khamiista ayaa rasaas la isweydaarsaday, waxaana halkaas ka dhashay burbur xooggan. Guryo dhowr ah ayaa la gubay, dadkii deegaankuna waxay ka carareen magaalada. Markii dambe, ciidamada ammaanka ee deegaanka ayaa halkaas galay si ay xaaladda u dejiyaan,” ayuu intaa ku daray
Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in iska horimaadyadu magaalada ka billowdeen Arbacadii, iyadoo dadka deegaanka ay soo sheegeen rasaas laga maqlayay dhinaca xuduudda Itoobiy
Boqollaal qof ayaa guryahooda ka barakacay kaddib iska horimaadyo ka dhacay magaalada Moyale, oo ah xarun ganacsi oo ku taalla xuduudda Itoobiya iyo Kenya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Boqollaal Itoobiyaan ah ayaa u tallaabay gudaha Kenya si ay uga baxsadaan colaadda ka qaraxday magaalada Moyale, sida ay sheegeen Laanqayrta Cas ee dalkaas iyo mas’uuliyiintu.
Reuters ayaa sidoo kale sheegtay in iska horimaadyadu magaalada ka billowdeen Arbacadii, iyadoo dadka deegaanka ay soo sheegeen rasaas laga maqlayay dhinaca xuduudda Itoobiya.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:
Warbaahinta Israa’iil: Taliyaha ciidamada milatariga oo aan arag baahi loo qabo in Iiraan la weeraro ka hor doorashada
Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha guud ee ciidamada milatariga dalkaas, Eyal Zamir, uu kulan gaar ah oo dhowaan dhacay ku sheegay inuusan hadda arkin baahi hawlgal oo loo qabo in Iiraan la weeraro ka hor doorashooyinka baarlamaanka Israa’iil ee toddobaadka soo socda.
Sida warbixintu sheegtay, Zamir ayaa kulanka ka yiri: “Ma aragno wax calaamado ah oo muujinaya in loo baahan yahay in Iiraan la weeraro ka hor doorashada,haddii aan go’aansanno in weerar lagu qaado Iiraan uu lagama maarmaan yahay, waan fulin doonnaa.”
Dhanka kale, dhaleeceeyayaasha Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa hore ugu eedeeyay inuu doonayo inuu dib u bilaabo dagaalka Iiraan, si uu saameyn ugu yeesho doorashada ama dib ugu dhigo.
Yair Lapid, ra’iisul wasaarihii hore ee Israa’iil ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka dhexe ee baarlamaanka dalkaas, ayaa Arbacadii Netanyahu ku eedeeyay inuu si khatar ah siyaasadda ugu dhex darayo amniga qaranka, xilli doorashadu soo dhowdahay.
“Runtii aad ayaan ula yaabay inaan maqlo Netanyahu oo si taxaddar la’aan ah uga hadlaya khataraha amniga,” ayuu yiri Lapid.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:
Maxaa kaa caawin kara joojinta qufaca badan, maxayse tahay inaad iska ilaaliso?
Qufaca caadiga ah wuxuu socon karaa toddobaadyo wuxuuna keeni karaa cune-xanuun, murqo xanuun, iyo hurdo la'aan. Sidaa darteed, ma aha wax lala yaabo in dadku raadinayaan daawooyin qufac iyo in uu jiro suuq weyn oo loogu talagalay alaabooyinka xalliya dhibaatadan.
Faahfaahinta ka akhriso qeybta comment
Daraasad lagu ogaaday in halista Kansarka Naasaha uu Somaliland ku sii kordhayo
Taliyaha ciidamada badda Iiraan: Ciidamada Maraykanka ayaa 600 kiiloomitir uga durkay Marinka Hormuz
Taliyaha ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan, Cali Azmaei, ayaa sheegay in “Maraykanku aanu hadda joogin Gacanka Faaris.”
Wuxuu yiri: “Maanta, ciidamada Maraykanku ma joogaan Gacanka Faaris, waxayna 600 ilaa 700 oo kiiloomitir u jiraan Marinka Hormuz. Maraakiibtoodana laguma arko aaggan.”
Cali Azmaei ayaa intaas ku daray: “Maraykanku mar dambe boos kuma laha Marinka Hormuz.”
Saacado ka hor, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Iiraan ku eedeeyay inay dadaal kasta ku bixinayso kor u qaadista qiimaha shidaalka ka hor doorashooyinka dhexe ee Maraykanka, iyadoo uu sheegay inay faafinayso warar been abuur ah oo ku saabsan qaraxyada miinooyinka iyo weerarrada maraakiibta ee Marinka Hormuz.
Trump ayaa sheegay in shidaal ka badan kii dagaalka ka hor uu hadda marayo Marinka Hormuz, sidaas darteedna Iiraan ay adeegsanayso tallaabo kasta oo ay qiimaha shidaalka kor ugu qaadi karto.
Maanta, qiimaha fuustadii shidaalka cayriin ee Brent ayaa kor u dhaafay 113 doollar, waana qiimihii ugu sarreeyay ee saliiddaasi gaarto shantii bilood ee la soo dhaafay.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:
Maxaa ku dhacaya jirkeenna marka jaceyl nalooga baxo?
Wadne xanuun, wadnaha oo laba qaybood u qaybsamaa, maxaad u maleyneysaa halbeeg kasta oo aan dul dhigno si aan isugu dayno inaan ku qeexno xanuunka na soo gaara, ka dib markii qof aad la socotay ku diido balse wali aad jeceshahay.
Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose
Weerar Internetka ah oo lagu qaaday in badan oo ka mid ah mareegaha caalamka, ayadoo qaarkood la geli waayey
Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu mar kale hubka nooca gantaallada marka ay bartilmaameedka ku dhacaan kala firdha u adeegsaday weerarro habeen hore ka dhacay caasimadda Kyiv iyo gobollo kale oo Ukraine ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa sheegtay in weerarrada lagu dilay ugu yaraan afar qof. Zelenskyy ayaa Khamiistii sheegay in 34 qof oo kale, oo ay ku jiraan shan carruur ah, ay ku dhaawacmeen.
Weerarradan ayaa dhacay saacado kaddib markii Ruushku sii daayay Steven Hubbard, oo ah muwaadin Maraykan ah oo dalkaas ku xirnaa.
Sidoo kale, Steve Witkoff oo ah ergeyga gaarka ah ee Maraykanka ayaa la kulmay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, wuxuuna ku tilmaamay “samafale”. Hadalkaas ayaa dhaliyay falcelin iyo dhaleecayn. farriin.”
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:
Netanyahu oo beeniyay wararka sheegaya in Trump ka hor istaagay Israa’iil inay weerarto Iiraan
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa beeniyay war uu daabacay wargeyska Financial Times oo sheegayay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu hor istaagay qorshe ay Israa’iil bishan ku doonaysay inay ku weerarto Iiraan.
Netanyahu oo la hadlay telefishinka Channel 7 ee Israa’iil ayaa sheegay in warkaas aanu sax ahayn. Wuxuu sidoo kale sheegay inuusan faahfaahin ka bixin doonin waxyaabihii ay kaga wada hadleen Trump kulamadoodii iyo wada sheekaysigoodii ugu dambeeyay ee la xiriiray Iiraan.
Wargeyska Financial Times ayaa shalay, isagoo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah oo aan magacyadooda la shaacin, qoray in ciidamada Israa’iil ay diyaar u ahaayeen inay Iiraan weeraraan 10-kii iyo 11-kii October, balse Trump uu go’aansaday inaan Iiraan la weerarin ka hor doorashooyinka dhexe ee Maraykanka.
Sida uu wargeysku sheegay, bartilmaameedyada qorshuhu ka koobnaa waxaa ka mid ahaa xarumaha nukliyeerka, xarumaha dowladda iyo qaar ka mid ah kaabeyaasha rayidka, sida xarumaha korontada.
Wargeysku wuxuu soo xigtay mid ka mid ah ilaha xogta bixiyay oo sheegay in weerarradii Israa’iil qorshaysay ay ka xoog badnaan lahaayeen kuwii ay fulisay intii uu socday dagaalkii afartan maalmood socday.
Digniin ku saabsan weerar gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo laga maqlay Riyadh, iyadoo qaraxyo laga soo sheegay caasimadda Sacuudiga
Hay’adda Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa subaxnimadii Jimcaha soo saartay digniin ay dadka ku nool caasimadda Riyadh ugu sheegtay inay galaan goobo ammaan ah, si ay isaga ilaaliyaan weerarro la filayo inay dhowaan dhacaan.
Digniinta ayaa lmeesha laga saaray dhowr daqiiqo kaddib. Isla waqtigaas, hay’addu waxay barteeda bulshada ku baahisay digniin kale oo sheegaysa in ay sharci-darro tahay in la duubo, la faafiyo ama la diro muuqaallo la xiriira nidaamyada lagu fashiliyo weerarrada gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Dhanka kale, warbaahinta qaarkeed ayaa sheegtay in qarax laga maqlay magaalada Riyadh, balse ilaa hadda ma jiraan faahfaahin ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah ama kuwo madax-bannaan.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:
Trump oo lagu amray inuu su'aalo dhaar la socoto kaga jawaabo dacwadda BBC-da
Xuutiyiinta oo sheegay inay weerar ku beegsadeen goob muhima oo ku taalla Sacuudiga
Kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee Yemen ayaa ku dhawaaqday inay bartilmaameedsatay wasaaradda difaaca Sacuudi Carabiya ee Riyadh iyo xarumaha shirkadda shidaalka ee Aramco ee magaalada Yanbu. Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in shirkaddu amartay in shaqaalaha weli jooga xarunteeda dhexe ee Dhahran la daadgureeyo, isla markaana ay shaqada guryahooda ka sii wataan.
Afhayeenka milatariga kooxda, Yahya Saree, ayaa sheegay in wasaaradda difaaca “si toos ah loo garaacay”. Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan waqtigii warbixintan la diyaarinayay.
Arrintan ayaa timid kaddib markii mas’uuliyiinta Sacuudigu ay shaaciyeen in afar qof ay ku dhinteen, toban kalena ay ku dhaawacmeen laba weerar oo kala duwan oo Arbacadii lala beegsaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Fahd ee Dammam iyo goobta shidaalka ee Shaybah.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo xigatay laba ilo-wareed oo xog-ogaal u ah arrintan, kuwaas oo sheegay in amarka daadgureynta xarunta Aramco ee Dhahran uu khuseeyay shaqaalihii weli goobta ku sugnaa. Shaqaalaha aan muhiimka u ahayn joogitaanka goobta ayaa shaqada meel fog ka qabanayay tan iyo weerarkii toddobaadkii hore.
Ilo-wareedyadu waxay xaqiijiyeen in goobaha la deggan yahay ee ku dhex yaalla xarunta shirkadda aan la xirin ama laga daadgureyn dadka deggan.
Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, lama bixin sabab gaar ah oo ku saabsan amarka daadgureynta
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:
Ma taqaanaa gantaalka ugu halista badan ee yalla Afrika xilligaan?
Ciidanka Aljeeriya ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay inay haystaan gantaalada Iskander ee hypersonic, iyagoo sii daayay muuqaallo muujinaya gantaalka oo la ridayo intii lagu jiray tababar.
Gantaalkan waxaa la rumeysan yahay inay haysteen militariga dalka sannado badan, inkastoo xaqiijin la'aanta hore ay muujinayso u janjeersiga militariga Aljeeriya ee ah inaysan ku dhawaaqin iibsashada hub cusub.
Iskander waxaa loo arkaa gantaalka ballistic-ga ugu awoodda badan adduunka waxaana la ogyahay in loo dhoofiyay Armenia iyo Aljeeriya oo keliya iyaga oo ka helay Ruushka, halka Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfurta Kuuriya ay soo rideen gantaallo la mid ah iyada oo loo maleynayo inay ka faa'iideysanayaan tignoolajiyada Ruushka.
Gantaalkan wuxuu gaaraa masaafo dhan 500 oo kiiloomitir iyo isaga oo leh bartilmaameedyo saxnaan sare leh iyo dhaqdhaqaaqa awooddiisa ee uu ku safri karo xawaare sare, taa oo adkeyneysaa in la qabto.
Soo bandhigidda Iskander waxay ka dambeysay markii uu qarxay dagaal heer hoose ah oo u dhexeeya Ciidanka Morocco iyo kooxaha fallaagada ah ee kala duwan.
Trump oo eedeyn culus u jeediyey Iiraan
Donald Trump ayaa Iiraan ku eedeeyay inay dadaal kasta ku bixinayso sidii ay sare ugu qaadi lahayd qiimaha saliidda ka hor doorashooyinka Maraykanka, iyadoo uu sheegay inay “faafinayso warar been abuur ah” oo ku saabsan qaraxyada miinooyinka badda iyo weerarrada lagu qaado maraakiibta marinka Hormuz.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku andacooday in hadda ay marinka Hormuz ay maraan saliid ka badan intii ka horreysay dagaalka, wuxuuna sheegay in taasi ay tahay sababta Iiraan u adeegsanayso tallaabo kasta oo ay ku kordhin karto qiimaha saliidda.
Trump ayaa hadalkan jeediyay xilli qiimaha fuustadii saliidda Brent uu maanta kor u dhaafay 112 doollar, taas oo ah qiimihii ugu sarreeyay muddo shan bilood ah.
Trump ayaa Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ku tilmaamay dowlad “shaydaan ah”, isagoo ku eedeeyay inay weli dilayso dibadbaxayaasha iyo dadka kale ee ka soo horjeeda.
Wuxuu dowladda Iiraan ku eedeeyay inay dishay 75,000 oo dibadbaxayaal ah muddo ka yar toddoba bilood.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:
Afarteeda addin ayey ku weyday xanuun ay ka qaadday xayawaan Soomaalida kula nool xaafadaha
Digniin: Qormadan waxaa ku jira muuqaallo laga yaabo in akhristayaasha qaarkood ay dhibsadaan
Ka dib 32 toddobaad oo isbitaal ay ku jirtay, dhawr goorna wadnaha looga soo booday, afarta addinna laga jaray, ayaa Manjit Sangha oo ka badbaadday xanuunka Sepsis waxay ugu dambayntii ku soo laabtay gurigeeda.
In kasta oo ay dhakhaatiirtu u malaynayeen in gabadhan 56 jirka ah ay runtii dhiman doonto, haddana waxay ka tagtay Ward 9 ee Moseley Hall ee Birmingham todobaadkii hore, iyada oo ka heshay soo dhawayn geesinimo leh qoyskeeda oo ku sugan Penn, oo ku taal xadka Wolverhampton/Staffordshire.
Dhakhaatiirtu waxay aaminsan yihiin in xanuunka haya ee Sepsis uu ka dhashay wax aan waxba galabsan oo aan laga shakin karin sida leef-leefka eygeeda oo meel yar ka jaray ama ka xoqay.
Ayadoo hadda soo kabanaysa, bilaabaysana inay dib u dhisto nolosheeda, ayaa waxay hadda doonaysaa inay uga digto dadka kale khatarta Sepsis, iyada oo aaminsan "inay ku dhici karto qof kasta".
WHO oo war ka soo saartay haweenaydii laga helay Ebola
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay inay weli baadhayso halka ay haweeney laga helay cudurka Ebola ee Nigeria ka qaadday fayraska.
Haweeneydan oo 42 jir ah, xaaladdeedana la sheegay inay soo hagaagayso, ayaa horraantii bishan timid magaalada Abuja, kaddib markii ay in ka badan laba toddobaad ku qaadatay Uganda.
Uganda ayaa sheegtay in haweeneydu ay sidoo kale u safartay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaas oo markii ugu horreysay looga dhawaaqay dillaaca cudurka bartamihii bishii May. Hase yeeshee, WHO ayaa sheegtay in xogtaas aan weli la xaqiijin.
Saraakiisha caafimaadka ayaa dadaal degdeg ah ugu jira sidii ay u aqoonsan lahaayeen dhammaan dadka xiriirka la yeeshay haweeneyda, si looga hortago faafitaanka fayraska.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: