Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
War deg deg ah, Mareykanka oo tilmaamay shaqsiyaadka arrinta Iran ay kala hadlayaan iyo waxa ay kala hadlayaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka J.D. Vance ayaa Reuters
u sheegay in Washington ay weli wadahadallo kula jirto madaxweynaha iyo
wasiirka arrimaha dibadda ee Iran.
Vance ayaa sheegay in soo afjaridda dagaalka ay u baahan
tahay in Iran ay si “macno leh” u yareyso awoodda ay u leedahay kobcinta
uranium-ka, halkii ay kaliya ballanqaadi lahayd inay mustaqbalka yareyn doonto.
Vance oo wareysi siiyay Reuters kaddib markii uu ka qeyb
galay isu-soo-bax ololaha xisbiga Jamhuuriga ee Alaska, ayaa sheegay in
Washington aysan hubin sida Tehran u gaari doonto go’aannada la xiriira
wadahadallada nukliyeerka.
Wuxuu sheegay in ujeeddada ugu dambeysa ee dagaalku tahay
in laga hortago faafitaanka hubka nukliyeerka ee Bariga Dhexe.
Vance ayaa sidoo kale meesha ka saaray hadal-heynta ku
saabsan inuu u tartami karo doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 2028, isagoo
sheegay in hadda diiradda uu saarayo guusha xisbiga Jamhuuriga ee
doorashooyinka dhexe ee dalka.
Ma ogtahay in Jabuuti ay kaalinta koowaad ka gashay dalalka ugu mushaarka badan Afrika?
War deg deg ah, Xuutiyiinta oo madaafiic la dhacay Cadan yo deegaanno kale oo Yemen ka tirsan
Xigashada Sawirka, Reuters
Xafiiska warbaahinta ee Agaasinka Amniga Cadan ayaa
sheegay in laba gantaal oo Xuutiyiintu rideen lagu bartilmaameedsaday garoonka
diyaaradaha caalamiga ah ee Cadan, subaxnimadii saaka. Lama soo sheegin wax
khasaare ah.
Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in uu
qabtay oo burburiyay gantaal ballistic ah oo Xuutiyiintu u rideen magaalada Khamis Mushait ee koonfurta
Sacuudiga.
Isbahaysigu wuxuu sheegay in hanjabaadaha gantaalladu
ka yimaadeen Sanca, oo ay Xuutiyiintu maamulaan, iyo gobollada Saada iyo
Camraan.
Dhinaca kale, telefishinka Al-Masiirah ee taageera
Xuutiyiinta ayaa sheegay in ciidamada Sacuudigu weerar ka fuliyeen deegaanno ka
tirsan gobollada dhexe ee Ibb iyo Taiz. Ilaa hadda ma jirto xaqiijin
madax-bannaan oo ku saabsan weerarkaasi.
Isbahaysiga Sacuudigu hoggaamiyo ayaa Talaadadii
sheegay inuu qabtay gantaal Xuutiyiintu u soo rideen dhanka Sacuudiga, xilli
ciidamada dowladda Yemen ay wadaan howlgallo ay ku doonayaan inay dib ugu
qabsadaan dhul horey looga qabsaday.
Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa
sheegay in kooxdu weli gacanta ku hayso dhammaan goobihii ay bishii hore
qabsatay, gaar ahaan dhulka ku teedsan xeebta Badda Cas.
Ciidanka Yemen ayaa iyaguna sheegay in ay Xuutiyiinta
ka saareen deegaanno ku dhow marinka Bab al-Mandab iyo magaalada dekedda ah ee
Mocha.
Si madax-bannaan looma xaqiijin karo sheegashooyinka
dhinacyada dagaalka, maadaama xaaladda dhulka ay si degdeg ah isu beddelayso,
isla markaana ay adag tahay in saxafiyiintu gaaraan goobaha colaadda.
Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka ee Xuutiyiinta
ayaa sheegtay in lix qof oo hal qoys ah, oo ay ku jiraan afar carruur ah, lagu
dilay duqeyn cirka ah oo Sacuudigu ka fuliyay tuulo ku taalla gobolka Hajjah.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in Isniintii ay
bartilmaameedsadeen garoonka diyaaradaha Riyad iyo warshad sifaysa shidaalka oo
ay leedahay shirkadda weyn ee Sacuudiga ee Aramco.
War deg deg ah, Wadaad hore oo Kaniisadeed oo xabsiga la dhigay kadib markii lagu helay dambiyo xadgudub galmo ah
Xigashada Sawirka, ABC News/David Weber
Wadaadkii hore ee Katooliga Australia, Christopher
Saunders, ayaa lagu xukumay lix sano iyo bar xabsi ah, kaddib markii lagu helay
inuu fara xumen ku sameyay laba nin oo dhalinyaro ah oo asal ahaan ka soo jeeda
dadka asaliga ah ee Australia.
Saunders, oo 76 jir ah, ayaa bishii Agoosto lagu helay 13
dambi oo ay ku jiraan hal kufsi iyo 12 kiis oo weerar galmo ah. Waxa uu u fursad
u heli doonaa sii-dayn sharci ah bisha Febraayo 2031.
Xadgudubyadu waxay dhaceen intii u dhaxaysay 2008 iyo
2019, xilli uu ahaa hoggaamiyaha Diocese-ka Broome ee gobolka Kimberley. Waxaa
lagu helay inuu dhallinyarada dhunkaday, taabtay oo damcay, halka hal kiisna
lagu helay inuu kufsi u gaystay wiil dhallinyaro ah.
Saunders ayaa wadaad noqday 1976, waxaana loo magacaabay
Bishop-ka Broome sanadkii 1996. Waxa uu xilka iska casilay 2020, kaddib markii
eedeymaha xadgudubka galmo ay soo baxeen.
War deg deg ah, Shaqaale laga daadgureeyay Markab lagu weeraray Marinka Hormuz oo
Ciidamada Cirka ee Cumaan ayaa daadgureeyay 10 shaqaale ah
oo dhaawacmay, kuwaas oo saarnaa markab shidaal oo wata calanka Panama, kaddib
markii markabka lagu weeraray marinka Hormuz.
Wasaaradda Difaaca Cumaan ayaa sheegtay in markabka On
Peace lagu bartilmaameedsaday Talaadadii, meel 17 kiiloomitir u jirta
dekedda Lima ee Cumaan.
Weerarka ayaa sababay inuu dab ka kaco dusha sare ee
markabka.
“Shaqaalaha markabka waxaa loo qaaday isbitaal ku yaalla
Khasab, halkaas oo lagu daweynayo,” ayay Wasaaradda Difaaca Cumaan ku sheegtay
bayaan ay soo dhigtay barteeda X.
War deg deg ah, Messi oo si rasmi ah uga fariistay xulka Argentina
Xigashada Sawirka, Getty Images
Lionel Andrés Messi ayaa si rasmi ah uga fariistay
ciyaaraha xulka qaranka Argentina, kaddib markii uu ciyaaray kulankiisii ugu
dambeeyay ee xulka.
Messi ayaa xalay si weyn loogu sagootiyay ciyaar
saaxiibtinimo oo Argentina ay 3-0 kaga adkaatay Benin, taas oo ka dhacday
garoonka Monumental ee Buenos Aires, iyadoo ay daawanayeen in ka badan 85,000
oo taageerayaal ah.
Messi ayaa dhaliyay gool rigoore ah, wuxuuna caawiyay
labada gool ee kale oo ay dhaliyeen Nicolás Otamendi iyo Nico Paz. Kulanka ayaa
ahaa kii 208-aad ee uu u ciyaaro Argentina, isagoo dhaliyay 126 gool intii lagu
jiray 21 sano oo uu xulka matalayay.
Messi, oo kabtan u ahaa Argentina, wuxuu xulkiisa ku
hoggaamiyay hanashada Koobka Adduunka 2022 ee Qadar, sidoo kalena wuxuu kula
guuleystay laba koob oo Copa América ah iyo biladdii dahabka ahayd ee
Olombikada 2008.
Wuxuu sidoo kale Argentina la gaaray finalka Koobka
Adduunka 2014 iyo 2026, balse labada jeerba way guuldarreysteen, iyadoo Germany
ay ka qaaday 2014, Spain-na ay kaga adkaatay finalka 2026.
Messi ayaa hadda sii wadan doona ciyaaraha kooxdiisa Inter
Miami ee Maraykanka. Intii uu xirfaddiisa ciyaareed ku jiray, wuxuu sidoo kale
u soo ciyaaray Barcelona ee Spain iyo Paris Saint-Germain ee Faransiiska.
Geerida mataanaha saacadaha kooban kala dambeyay ee gilgishay quluubta dad badan
Basasha oo cagta hoosteeda la saaro ma daaweysaa hargabka?
Cilmi-baaris: Maxey aqoonyahanndu ka yiraahdeen arrintaan xilliga hurdada la isku arko?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixin lagu daabacay mareegta Qaranka ee daawada Mareykanka iyo cilmi-baarayaal ka socda Jaamacadda Caafimaadka ee Tongji ee Shiinaha ayaa isbarbardhig ku sameeyay shahwo rag laga qaaday, waa kuwa sida lama filaanka ah u shahwo-baxa iyo minida rag caafimaadka qaba.
Xaaladdan, oo loo yaqaan shahwa-baxa aan ku tala galka ahayn (involuntary ejaculation), waxaa lagu gartaa in ninku uu la kulmo dhibaato shahwo-bax, xitaa haddii isla fal-galka si dhaqso ah uu dhaco.
Cilmi-baaristu waxay sheegtay in xaaladdani tahay sababta ugu weyn ee 72% ilma la'aanta ragga sababta mararka qaar. Ragga la kulma biyo-baxa aan ku tala galka ahayn, waxay dhibaato ku qabaan inay shahwo baxaan marka ay galmo samaynayaan ama xitaa marka dareenkoodu kacsanyahay iyaga oo hurda.
Shahwada waxaa laga qaaday 91 nin oo la ildaran xaaladdan biyo-baxa hurdada ku yimaada, iyadoo la adeegsanayo qalab gaar ah oo ku shaqeeya gariir (PVS iyo EEJ).
Gunaanadkii daraasadda ayaa muujisay in shahwada laga helo hab dhaqameed (intii uu hurdo ku biyo-baxayo) ay 30.6% u badan tahay inay dhaqso u dhaqaaqdo (motility), isla markaana ay 61.4% u badan tahay inay lahaato qaab-dhismeed isku mid ah marka loo eego hababka kale ee shahwada lagu helo.
Daraasadaha waxay muujinayaan in ragga aan ka warqabin biyo-baxa xilliga hurdada ay leeyihiin shahwo tayo fiican leh.
Maaddaama biyo-baxa xilliga hurdada uu yahay xaalad aan la saadaalin karin goorta ay dhici doonto, ragga waayo-aragnimadaas lahaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaa lagula taliyay in ay xirtaan habeenkii qalab marka ay hurdaan si ay u keydiyaan muunad shahwo ah cilmi-baarista awgeed.
Daraasad kale oo lagu daabacay mareegta Machadka Qaranka ee Caafimaadka Taranka ee Ragga iyo Dumarka ee Maraykanka waxay qiimeysay awoodda ragga dhibaatada ku qaba dareenka inay ku bacramin karaan lammaanayaashooda iyagoo adeegsanaya shahwada laga helay intii ay huradayeen.
Daraasaddu sidoo kale waxay sheegtay in inkastoo tayada shahwada laga helo biyo-baxa hurdada ay kala duwanaan karto ragga dhexdooda, haddana waa la adeegsan karaa si cilmi ah, si loogu xiro ugxanta dumarka, iyadoo la iska ilaalinayo hababka adag sida kuwa koronto ama qalliin lagu sameeyo oo shahwada lagu helo.
Dr. Kamaraj wuxuu yiri:"Qof kasta laga bilaabo wiilasha 12 jirka ah ilaa ragga waayeelka ah wuu ku shahwa-bixi karaa intuu hurdo. Ilmala'aan ama shahwo yari laguma xiro mini-baxa xilliga hurdada la arko. Jirka bani'aadamku wuxuu soo saaraa shahwo cusub mar kasta oo qofku biyo-baxo. Hurdo ama adeegsiga gacanta midkoodna ma saameeyo awoodda taranka ee ninka."
War deg deg ah, Jarmalka oo xiray madaxii hore ee sirdoonka iyo arrimo khatar ah oo loo haysto
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxii hore ee sirdoonka Jarmalka, August Hanning, ayaa la xiray iyadoo looga shakisan yahay basaasnimo iyo inuu isku dayay inuu sirta dowladda u gudbiyo quwadaha shisheeye.
Baarayaasha ayaa sheegay in Mr. Hanning, oo muddo toddobo sano ah madax ka ahaa hay’adda sirdoonka dibadda ee Jarmalka, BND, uu xog sir ah ka iibsaday kaaliyihiisii hore, kadibna uu xogtaas u adeegsaday diyaarinta falanqaynno uu u gudbinayay hay’ad sirdoon oo shisheeye.Kaaliyihii hore ayaa isagana la xiray.
Mas’uuliyiintu ma aysan sheegin quwadaha shisheeye ee arrintan ku lugta lahaa, balse warbaahinta Jarmalka ayaa sheegtay in xogtaasi ay ku jireen qiimaynno xasaasi ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran iyo ciidamada milatariga Ruushka.
Qareennada Mr. Hanning ayaa diiday eedeymaha loo jeediyay.
War deg deg ah, Xuutiyiinta oo weerarro ku beegsaday garoomo diyaaradeed oo Sacuudiga ku yaalla iyo faahfaahin ka soo baxaysa
Xafiiska Warfaafinta ee Hay’adda Ammaanka Cadan ayaa
sheegay in laba gantaal oo ay Xuutiyiintu rideen lagu bartilmaameedsaday
garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cadan, iyadoo aan la soo sheegin wax
dhaawac ah.
Weerarradan ayaa dhacay xilli dagaal dhowr jiho ah uu Yemen
ka socdo isla markaana iska horimaadyadu sii xoogeysanayan. Ciidamada dowladda
Yemen ee Sacuudigu taageero ayaa wada weerar ay ku doonayaan inay dib ugu
qabsadaan deegaanno ay Xuutiyiintu la wareegeen toddobaadyadii u dambeeyay,
gaar ahaan xeebaha galbeed iyo nawaaxiga marinka Bab al-Mandab.
Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu
yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen weerarro lagu qaaday garoomada Jizan iyo
Najran ee ku dhow xuduudda Yemen.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga si rasmi ah uma xaqiijin weerar
lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Khalid ee Riyad, balse
website-ka Flightradar24 oo la socda dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ayaa sheegay in
hawada garoonka si ku-meel-gaar ah dhowr jeer loo xiray.
Qadar oo war ka soo saartay wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan
Qatar oo door ka qaadanaysa dadaallada dhexdhexaadinta ee u
dhexeeya Iran iyo Mareykanka ayaa Talaadadii sheegtay in wadahadallada labada
dal ee lagu soo afjarayo dagaalka Bariga Dhexe ay weli socdaan, inkastoo
toddobo bilood kaddib markii dagaalku billowday, wadahadalladu ay u muuqdaan
inay gaareen meel aan wax horumar ah laga samayn karin.
Ibrahim Al-Hashimi, oo ah mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha
dibadda Qatar, ayaa shir jaraa’id oo toddobaadle ah kuy sheegay in
wadahadallada aan tooska ahayn ay tixgelinayaan “walaacyada dhinacyada kala
duwan.”
“Waxaan xaqiijin karaa in wada-xaajoodyadu ay socdaan, isla
markaana is-dhaafsiga farriimaha ee u dhexeeya dhinacyada kala duwan, iyadoo
loo marayo Qatar iyo saaxiibbadeeda gobolka, uu weli socdo,” ayuu yiri.
Mas’uulka Qatar ayaa intaas ku daray in baaxadda dagaalka
iyo khasaaraha culus ee dunidu ka bixinayso ay u baahan yihiin in dhammaan
dadaallada la isugu geeyo sidii si degdeg ah loogu soo afjari lahaa dagaalka,
iyadoo loo marayo xal wadahadal lagu gaaro.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Qatar, Amiirka dalka,
Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa sidoo kale Talaadadii magaalada Doha kula
kulmay wasiirka arrimaha gudaha Iran, Eskandar Momeni.
Inkasta oo xabbad-joojin la gaaray bishii Abriil, is-afgarad
la saxiixay bishii Juun, iyo wadahadallo bishii hore ka dhacay kulamada Golaha
Guud ee Qaramada Midoobay, haddana Washington iyo Tehran waxay weli isku
khilaafsan yihiin arrinta istiraatiijiga ah ee Marin-biyoodka Hormuz.
Qoraalka sawirka, Amiir Abdulaziz bin Salman Al Saud
Wasiirka warshadaha
iyo macdanta ee Sacuudi Carabiya, Amiir Abdulaziz bin Salman Al Saud, ayaa
Talaadadii ku dhawaaqay in dalku dib u soo celiyay awoodda hawlgalka ee
dhuumaha Bariga–galbeed, kuwaas oo qaadi kara 8.5 milyan oo foosto oo saliid ah
maalintii.
Sida uu qoray
wargeyska Asharq Al-Awsat, Amiir bin Salman ayaa sheegay in laga bilaabo saaka,
awoodda dhuumahan ee lagu daabulo saliidda ay gaartay heerkeedii ugu sarreeyay.
Dhuumaha Bariga-galbeed,
waxay door muhiim ah ka ciyaaraan gaadiidka saliidda ceyriinka ah ee Sacuudi
Carabiya, iyagoo isku xira goobaha saliidda laga soo saaro ee bariga dalka iyo
goobaha dhoofinta ee ku yaalla Badda Cas.
Kadib hakad ku
yimid qulqulka saliidda ee mara Marin-biyoodka Hormuz, Sacuudi Carabiya waxay
dhuumahan u adeegsatay in saliidda loo weeciyo dekedda Yanbu.
11-kii Sebtembar,
warbaahintu waxay soo tabisay in la weeraray dhuumahan istiraatiijiga ah, hase
yeeshee ilo Sacuudiyaan ah ayaan markiiba xaqiijin warkaas.
Wax yar kadib,
waxaa la sheegay in weerarka dhuumaha lagu qaaday diyaarad aan duuliye lahayn
oo laga ganay dhulka Ciraaq. Warkan ayaa sababay in saraakiisha ammaanka Ciraaq
ay si ku-meel-gaar ah u xiraan xadka dhulka ee Ciraaq iyo Iran.
Maxkamadda dambiyada ee caalmiga ah oo saartay faahfaahinta amaro lagu xirayo ragga ugu sarreeya Taliban
Maraykanka iyo Iraan oo warar kala duwan ka soo saaray xaaladda marinka Hormuz.
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Marin-biyoodka Hormuz
Sarkaal sare oo
ka tirsan saldhigga difaaca cirka ee Khatam al-Anbiya ayaa mar kale sheegay in “Marin-biyoodka
Hormuz uu si buuxda gacanta ugu jiro ciidamada qalabka sida ee Iran.” Isla
markaana, Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ay sii socoto
hirgelinta go’doominta badda ee dekedaha Iran.
Brigadier General
Shamkhal Jafari ayaa wareysi uu siiyay telefishinka Iran ku yiri: “Waxaan ku
qasbannay cadowga inuu maraakiibtiisa iyo qalabkiisa badda geeyo meel aad uga
fog xuduudaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”
Dhanka kale, CENTCOM,
warbixinteedii ugu dambeysay, waxay sheegtay in ciidamada Maraykanku ay
leexiyeen markabkii ganacsi oo dhan 130-aad intii lagu guda jiray hirgelinta
go’doominta badda ee Iran.
Sida ay sheegtay
CENTCOM, go’doominta ayaa dib loo soo celiyay 14-kii Luulyo, iyadoo uu amray
madaxweynaha Maraykanka, waxaana bartilmaameed u ah maraakiibta isku dayaysa
inay galaan ama ka baxaan dekedaha Iran.
Taliska ayaa
sidoo kale sheegay inuu hawl-gab ka dhigay saddex markab oo aan u hoggaansamin
amarada ciidamada Maraykanka, isla markaana uu 13 markab oo ganacsi burburiyay
12-kii toddobaad ee la soo dhaafay. CENTCOM waxay ku andacoonaysaa in
maraakiibtaasi ay jebiyeen go’doominta ama ay qayb ka ahaayeen shabakad
qarsoodi ah oo ay maamusho Ilaalada Kacaanka Iran, taas oo ku kacaysa balaayiin
doollar.
Brad Cooper, oo
ah taliyaha CENTCOM, ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay weli diiradda
saarayaan fulinta hawlgalkan, isla markaana ay si degdeg ah tallaabo uga qaadi
doonaan maraakiibta isku dayda inay hareer maraan go’doominta.
Admiral Habibollah
Sayyari, oo ah isku-duwe ku-xigeenka ciidamada militariga Iran, ayaa sidoo kale
toddobaadkii hore sheegay in Maraykanku uu dib ugu laabtay koonfurta Badweynta
Hindiya, isla markaana uu halkaas ka fulinayo go’doominta badda isagoo jooga
meel ka baxsan gaarista hubka Iran.
Sheegashada Iran
ee ah inay si buuxda gacanta ugu hayso Marin-biyoodka Hormuz iyo tirooyinka
hawlgallada ee ay CENTCOM shaacisay si madax-bannaan looma xaqiijin.
Wakiilada dalalka Iiran iyo Baxrayn ee Qaramada Midoobay oo hadalo kulul is waydaarsaday
Wakiilka Baxrayn u jooga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay,
Guddiga Saddexaad, ayaa cambaareeyay weerarradii Iran ay ku qaaday dalkiisa
intii lagu jiray dagaalkii dhowaa, iyo saameynta ay weerarradaasi ku yeesheen
shacabka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada muhiimka ah.
Dhanka kale, wakiilka Iran ayaa ku eedeeyay Baxrayn inay
oggolaatay in dhulkeeda iyo hawadeeda loo adeegsado weerarrada Maraykanka,
wuxuuna ka digay in weerarro noocaas ah mar kale la qaado.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Tasnim, Ali Karimi
Moqam, oo ah xoghayaha labaad ee Ergada Iran ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay
in Baxrayn ay “dhulkeeda, saldhigyadeeda iyo hawadeeda u oggolaatay Maraykanka
in loo adeegsado in dagaal sharci-darro ah lagula galo Jamhuuriyadda Islaamiga
ah ee Iran.”
Wuxuu sheegay in Baxrayn “aysan hadda la yaabi karin
cawaaqibka ka dhashay arrintaas”, wuxuuna uga digay Baxrayn iyo dalalka kale ee
gobolka inaysan oggolaan in dhulkooda ama hawadooda loo adeegsado weerarro ka
dhan ah Iran.
Guddiga Saddexaad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu
ka shaqeeyaa arrimaha xuquuqda aadanaha, arrimaha bani’aadantinimada iyo
arrimaha bulshada.
Maxay Maraykanku si lama filaan ah ugula baxeen diyaaradahooda dalka Ingiriiska?
Jarmalka oo xiray madaxii hore ee sirdoonka dalkaas iyo waxyaabaha loo haysto
Xigashada Sawirka, AP
Qoraalka sawirka, August Hanning,
Madaxii hore ee sirdoonka Jarmalka, August Hanning, ayaa la
xiray iyadoo looga shakisan yahay basaasnimo iyo inuu isku dayay inuu sirta
dowladda u gudbiyo quwadaha shisheeye.
Baarayaasha ayaa sheegay in Mr. Hanning, oo muddo toddobo
sano ah ilaa 2005 madax ka ahaa hay’adda sirdoonka dibadda ee Jarmalka, BND, uu
xog sir ah ka iibsaday kaaliyihiisii hore, kadibna uu xogtaas u adeegsaday
diyaarinta falanqaynno uu u gudbinayay hay’ad sirdoon oo shisheeye.
Kaaliyihii hore ayaa isaguna la xiray.
Mas’uuliyiintu ma aysan sheegin quwadaha shisheeye ee
arrintan ku lug lahaa, balse warbaahinta Jarmalka ayaa sheegtay in xogtaasi ay
ku jireen qiimaynno xasaasi ah oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran iyo ciidamada
milatariga Ruushka.
Qareennada Mr. Hanning ayaa diiday eedeymaha loo jeediyay.
Ogow dalka Afrikanka ah ee haysta gantaalka ugu halista badan ee yaalla Qaarada
Xigashada Sawirka, MWM
Qoraalka sawirka, Iskander
Ciidanka Aljeeriya ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay inay haystaan gantaalada Iskander ee hypersonic, iyagoo sii daayay muuqaallo muujinaya gantaalka oo la ridayo intii lagu jiray tababar.
Gantaalkan waxaa la rumeysan yahay inay haysteen militariga dalka sannado badan, inkastoo xaqiijin la'aanta hore ay muujinayso u janjeersiga militariga Aljeeriya ee ah inaysan ku dhawaaqin iibsashada hub cusub.
Iskander waxaa loo arkaa gantaalka ballistic-ga ugu awoodda badan adduunka waxaana la ogyahay in loo dhoofiyay Armenia iyo Aljeeriya oo keliya iyaga oo ka helay Ruushka, halka Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfurta Kuuriya ay soo rideen gantaallo la mid ah iyada oo loo maleynayo inay ka faa'iideysanayaan tignoolajiyada Ruushka.
Gantaalkan wuxuu gaaraa masaafo dhan 500 oo kiiloomitir iyo isaga oo leh bartilmaameedyo saxnaan sare leh iyo dhaqdhaqaaqa awooddiisa ee uu ku safri karo xawaare sare, taa oo adkeyneysaa in la qabto.
Soo bandhigidda Iskander waxay ka dambeysay markii uu qarxay dagaal heer hoose ah oo u dhexeeya Ciidanka Morocco iyo kooxaha fallaagada ah ee kala duwan.