War deg deg ah, Iran oo haweenka u tababaraysa in ay dalkooda difaacaan

Xigashada Sawirka, EPA
Xero gaar ah oo haweenka lagu barayo sida loo isticmaalo hubka iyo gargaarka degdegga ah ayaa laga sameeyay magaalada Tehran, xilli madaxda Iran ay muwaadiniinta ku boorrinayaan inay diyaar u noqdaan inay “naftooda u huraan difaaca dalka.”
Axaddii, fagaaraha Imam Xuseen ee caasimadda Tehran waxaa lagu qabtay tababarkii ugu horreeyay ee noocan ah oo si gaar ah loogu talagalay haweenka.
Tobannaan haween ah ayaa ka qayb galay tababarka, iyagoo xiran dharka dhaqanka ee haweenka Iran, kaas oo jirka oo dhan daboola marka laga reebo wejiga.
Tababarka ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda Bariga Dhexe ay sii kordhayso, isla markaana qiimaha saliidda ee suuqyada caalamka uu sare u kacayo.
Iran ayaa sheegtay inay sii wadi doonto xiritaanka marinka Hormuz ilaa Mareykanku uu aqbalo shuruudaheeda.
Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in tababarku yahay mid lagu diyaarinayo muwaadiniinta xaaladaha degdegga ah, isla markaana lagu xoojinayo awoodda bulshada ee is-difaaca haddii ay timaaddo khatar ku wajahan amniga qaranka.
Hase yeeshee, tallaabadan ayaa dad badan u fasireen inay astaan u tahay diyaar-garowga Iran ee wax looga qabanayo xiisadda ka taagan gobolka.

Xigashada Sawirka, EPA











