Tartanka hubka: 10-ka dal ee hubka ugu badan soo dejista Afrika ee ka hooseysa Saxaraha

Xigashada Sawirka, getty
Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.
Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.
Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.
10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.
Nigeria;Nigeria waxaa loo arkaa dalka ugu horeeya gobolka ee hub soo iibsashada. Qiyaastii 16 boqolkiiba hubka gobolka la keenay waxaa la yimid Nigeria. Hubka ay la soo degtay Nigeria noocyada ugu badan waa diyaaradaha dagaalka, helikobtaro, gawaarida gaashaaman, maraakiib iyo drones.
Nigeria waxay hubka ka soo iibsatay meelo kala duwan oo hal dal kama aysan keensan. Waxaana ka mid ah dalalka ay hubka ka soo iibsatay Turkey, Kuuriyada Koonfureeda, Shiinaha, Netherlands, France, Italy, Brazil, Mareykanka, Ruushka, Koonfur Afrika, Pakistan, Canada, Sacuudiga, Austria iyo Malaysia. Waxay la timid lix meelood meel hubka ay keensadeen dalalka Afrika ee ka hooseysa Saxaraha.
Senegal: Senegal waxay sameysay horumar muuqda oo dhinaca awoodda militariga ah, iyadoo maalgelisay 298.46 milyan. Dalabkeeda hubka waxaa lagu qiyaasay 8.8% hubka ay soo iibsatay.
Waxay noqotay waddanka labaad ee ugu weyn gobolka dhinaca soo dejinta hubka, iyadoo iibsatay maraakiib ciidan iyo kuwa gantaallada. Waxaa loogu talagalay ilaalinta xeebaha iyo kormeerka shidaalka iyo gaaska badda hoosteeda, iyo sidoo kale diyaarado loogu talagalay ilaalinta hawada dalka.








