Booqashada Xi ee Washington waa kulankiisii labaad oo fool-ka-fool ah ee uu sanadkan la yeesho Trump

Xigashada Sawirka, Reuters
Labada hoggaamiye ayaa markii ugu dambeysay bishii May ku kulmay Shiinaha, halkaas oo Trump uu Xi uga helay soo dhaweyn heer sare ah oo xaflad rasmi ah lagu maamuusay, taas oo ka dhacday Hoolka weyn ee Dadweynaha ee Beijing. Waxaa sidoo kale la riday salaan madaafiic ah, waxaana koox muusig ay qaaday heesta calanka qaranka Mareykanka.
Laakiin marka laga tago xafladaha iyo muuqaallada diblomaasiyadeed, shirkii wuxuu soo saaray natiijooyin la taaban karo oo kooban, marka laga reebo heshiis ay Shiinuhu ku iibsanayeen 200 diyaaradood oo Boeing ah iyo dhowr ballanqaad oo dhinaca ganacsiga ah, oo ay ku jirto in beeraleyda Mareykanka loo fududeeyo inay badeecooyinkooda ka iibiyaan suuqa Shiinaha.
Falanqeeye Pattie Kim ayaa booqashada ku tilmaantay mid “ballanqaadyo la taaban karo ay ku yar yihiin”.
Iyadoo la hadlaysay Machadka Brookings, Kim waxay sheegtay in ka hor shir-madaxeedka ay jireen “walaac badan oo laga qabay in Trump uu qaadi karo tallaabo wax looga beddelayo siyaasadda Mareykanka ee Taiwan, arrintaas oo Shiinuhu muddo dheer doonayay.”
In kasta oo arrintaasi aysan dhicin, Trump ayaa shirkii kaddib wareysi uu siiyay Fox News uga digay Taiwan inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo inay ka madax-bannaan tahay Shiinaha.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale si weyn u ammaanay Xi, isaga oo wariyeyaasha kula hadlay diyaaradda Air Force One kaddib booqashadii, wuxuuna yiri: “Madaxweyne Xi waa nin cajiib ah. Waan is fahannay, waxaana sameynay heshiisyo ganacsi oo badan oo wanaagsan".
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:








