Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Dowladda Yemen oo Xuutiyiinta ku eedeysay inay kaalmo ka heleen Iiraan si ay u helaan hub iyo tiknoolajiyad milatari oo casri ah

Dowladda Yemen ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu baaqday inuu cambaareeyo weerarrada soo noqnoqday ee kooxda Xuutiyiinta ee Ansarullah ay ku qaadday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Cadan

Kooban

  • Trump oo mar kale ku hanjabay inuu Iran si xooggan u weerari doono, isla markaana burburin doono
  • Madaxweyne Cirro oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha Israa'iil u soo magacowday Somaliland
  • Iran oo sheegtay in ay liiska argagixisada ku dartay ciidamada badda iyo kuwa cirka ee Ingiriiska
  • Qaar ka mid ah dalalka waaweyn ee caalamka oo dadkooda kula taliyey inay 'diyaar garoobaan oo cunto iyo biyo sii kaydsadaan'

Tebin toos ah

  1. Shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee G20 oo hadheeyay dagaallada Iran iyo Ukraine

    Shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay G20 ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, Mareykanka.

    Shirkan ayaa dhacaya maalmo ka hor doorashooyinka muhiimka ah ee bartamaha muddada xilka madaxweynaha Mareykanka, waxaana martigelinaya Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio. Waxaa ka qaybgalaya dhiggiisa dalalka G20, oo uu ku jiro wasiirka arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov.

    Kulanka ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo in wadaxaajoodyada dalalka xubnaha ka ah ay noqdaan kuwo adag. Dagaallada ka socda Ukraine iyo Iran, iyo kor u kaca weyn ee qiimaha tamarta ayaa sii xoojinaya xiisadaha u dhexeeya dalalka.

    Lama filayo in shir-madaxeedka G20 uu ka soo baxo natiijooyin waaweyn, iyadoo ay weli jiraan khilaafaad ku saabsan dagaalka Ruushka ee Ukraine iyo saameynta dagaalka Iran.

    Maamulka Trump, oo lagu wado inuu Britain ku wareejiyo hoggaanka wareegga ah ee G20, ayaa aaminsan in madashu ay ka leexatay ujeeddadii markii hore loo aasaasay.

    Washington ayaa ballanqaadday inay G20 dib ugu celinayso ujeeddadii asalka ahayd ee ahayd kobcinta dhaqaalaha, iyadoo ku doodaysa in amniga iyo barwaaqada dhaqaale ay si dhow isugu xiran yihiin.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  2. Tartanka Kubadda Cagta Qaramada Afrika oo al go'aamiyay in labadii sanaba mar la qabto

    Tartanka Kubadda Cagta Qaramada Afrika (AFCON) ayaa la qaban doonaa labadii sanaba mar, kaddib markii guddiga fulinta ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) uu si wadajir ah uga laabtay go’aankii hore ee ahaa in tartanka afartii sanaba mar la qabto.

    Madaxweynaha CAF, Dr Patrice Motsepe, ayaa kulankii istaraatiijiyadda ee xiriirka oo 7-dii ilaa 9-kii October 2026 lagu qabtay dalka Cabo Verde ku dhawaaqay in guddigu dib u eegis ku sameyn doono go’aankii sannadkii hore la gaaray.

    Motsepe ayaa sheegay in dib ugu noqoshada nidaamka labadii sanaba mar ay dan u tahay kubadda cagta Afrika, 54-ka dal ee xubnaha ka ah CAF iyo ciyaartoyda Afrikaanka ah ee u ciyaara kooxaha ka dhisan dalalka ka baxsan qaaradda.

    Wuxuu sharaxay in qorshaha lagu dhisayo tartan cusub oo loogu magac daray African League of Nations, kaas oo la soo jeediyay inuu beddelo AFCON, ay qaadan doonto dhowr sano si uu u soo saaro dakhliga badan ee loo baahan yahay horumarinta kubadda cagta Afrika iyo kor u qaadista tartankeeda heer caalami.

    Tartanka AFCON ee xiga ayaa la qaban doonaa sannadka 2027, waxaana si wadajir ah u martigelin doona Kenya, Tanzania iyo Uganda.

    Tartamada xiga ayaa loo qorsheeyay sannadaha 2028, 2031 iyo 2033. Tartankii la qorsheeyay 2030 ayaa la baajiyay si boos loogu baneeyo Koobka Adduunka ee FIFA.

    Motsepe ayaa sheegay in AFCON uusan ahayn oo keliya tartan kubadda cagta ah, balse uu sidoo kale yahay madal muhiim u ah soo bandhigidda dhaqanka, hiddaha iyo shucuubta hodanka ah ee Afrika.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  3. Qiimaha shidaalka adduunka oo sare u sii kacaya

    Qiimaha shidaalka adduunka ayaa Jimcihii sii waday kor u kaca, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dhowr markab oo shidaal qaada ay miinooyin badeed ku dhaceen marin-biyoodka Hormuz.

    Dhacdooyinkan ayaa mar kale muujiyay khatarta ka dhalan karta hakad ku yimaada sahayda iyo gaadiidka shidaalka.

    Qiimaha halkii foosto ee shidaalka ceyriin ee Brent, ayaa kordhay 1.20 doollar, isagoo gaaray 116.80 doollar.

    Sidoo kale, qiimaha saliidda ceyriin ee West Texas Intermediate (WTI) ee Mareykanka ayaa kordhay 1.37 doollar, wuxuuna gaaray 103.37 doollar halkii foosto.

    Qiimaha shidaalka Brent ayaa kor u kacay ku dhowaad 11 boqolkiiba tan iyo bilowgii bishan, halka saliidda Mareykankuna ay kordhay qiyaastii 14 boqolkiiba.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  4. Meydka haweeney laga soo saaray burburka dhismihii ku dumay Islii, Nairobi

    Shaqaalaha gurmadka ayaa ku guuleystay inay meydka haweeney ka soo saaraan burburka dhisme ku dumay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, xilli baadigoobka dadka la rumeysan yahay inay ku hoos xanniban yihiin burburka uu galay maalintii siddeedaad.

    Meydka haweeneyda ayaa la helay iyadoo howlgallada gurmadku ay socdeen tan iyo Jimcihii, 23-kii October markaas oo uu dumay dhisme ka koobnaa 16 dabaq oo ku yaalla Waddada 9-aad.

    Howlgallada gurmadka ayaa wajahaya caqabado kala duwan, iyadoo kooxaha gurmadku ay sii wadaan nadiifinta burburka, isla markaana isku dayayaan inay gaaraan qeybaha hoose ee dhismaha, halkaas oo laga cabsi qabo inay weli dad ku xanniban yihiin.

    Tallaabadan cusub ayaa timid kaddib markii kooxaha gurmadku sheegeen inay meesha ka saareen ku dhowaad 80 boqolkiiba burburka. Haatan dadaalladu waxay xoogga saarayaan gaarista qeybaha hoose ee dhismaha, oo uu ku jiro dabaqa hoose ee dhulka hoostiisa.

    Khamiistii, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in 16 qof weli la la’yahay, kaddib baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen Laanqayrta Cas ee Kenya iyo Waaxda Baarista Dambiyada (DCI).

    Guddoomiyaha Gobolka Waqooyiga Nairobi, Simon Osumba, ayaa sheegay in xogta taleefoonnada gacanta ay muujisay in sagaal ka mid ah dadka la la’yahay ay ku sugnaayeen agagaarka dhismaha wax yar ka hor inta uusan dumin.

    Wuxuu intaas ku daray in mas’uuliyiintu ay weli baarayaan xogta ku saabsan afar qof oo kale, halka saddex qoys aysan weli bixin lambarada taleefoonnada ee loo baahan yahay si dadkaas loo raadiyo.

    Markii hore, rajada laga qabay in dad kale oo nool laga helo burburka ayaa korortay kaddib markii goobta la geeyay qalab gaar ah oo ka caawinaya kooxaha gurmadka inay ogaadaan calaamadaha muujin kara in dad nool ay ku jiraan burburka.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  5. Maxkamad Kenya ku taalla oo amartay in dib loo bilaabo diiwaangelinta qaxootiga

    Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa dowladda ku amartay inay si degdeg ah dib u bilowdo diiwaangelinta dadka magangelyo-doonka ah ee u dhashay Eritrea iyo Itoobiya ee ku sugan dalka.

    Maxkamaddu waxay go’aamisay in hakinta muddo sannad ah lagu sameeyay diiwaangelinta ay tahay mid sharci-darro ah, takoor ah, isla markaana ka hor imaanaysa waajibaadka Kenya ee ilaalinta qaxootiga.

    Go’aankan oo lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo xuquuqda qaxootiga ku nool gobolka Geeska Afrika ayaa meesha ka saaraya amar dowladeed oo tan iyo bishii July ee sannadkii hore ka hor istaagay muwaadiniinta Eritrea iyo Itoobiya inay iska diiwaangeliyaan nidaamka Kenya ee ilaalinta qaxootiga.

    Go’aanka maxkamaddu wuxuu waddada u furayaa in kumannaan qof oo magangelyo doon ah codsiyadooda la dhageysto, kaddib bilo ay socdeen loollan sharciyeed.

    Xukun ay maxkamaddu soo saartay 19-kii Oktoobar, ayuu garsoore Gregory Mutai ku sheegay in hakinta diiwaangelintu ay ahayd mid sharci-darro ah oo takoor ah, isla markaana ka hor imaanaysay Dastuurka Kenya iyo waajibaadka caalamiga ah ee dalka uga saaran ilaalinta qaxootiga.

    Dacwadda waxaa gudbiyay isbahaysi ka kooban ururro u dooda xuquuqda qaxootiga iyo aadanaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin Refugee Legal Networks, Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya, Kenya Refugee Consortium, Legal Center iyo Sanctuary Foundation.

    Ururradan ayaa ka horyimid go’aan ay Waaxda Adeegyada Qaxootigu soo saartay 31-kii July 2025, kaas oo lagu hakiyay diiwaangelinta muwaadiniinta Eritrea iyo Itoobiya ee magangelyo ka raadsanaya Kenya, ilaa amar dambe.

    Dowladda ayaa tallaabadaas ku difaacday inay ujeeddadeedu ahayd la dagaallanka tahriibinta dadka, wax ka qabashada caqabadaha la xiriira saxnaanta xogta iyo ka hortagga khataraha amniga qaranka.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  6. Sacuudiga oo sheegay inuu Maka ku qabtay diyaarad drone ah oo ay soo direen Xuutiyiinta

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu qabtay oo burburiyay diyaarad aan duuliye lahayn oo laga qabtay gobolka Maka.

    Isbahaysiga ayaa farriin uu ku baahiyay barta X ku sheegay: “Diyaarad aan duuliye lahayn oo ay soo direen maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa lagu qabtay laguna burburiyay gobolka Maka.”

    Xuutiyiinta aya horey u sheegay inay weerareen xarumo shidaal iyo garoomo.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  7. Scott Besant: Ilaalada Kacaanka Iran ayaa dhibaato ku qaba bixinta mushaharka ciidamadooda

    Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in cadaadiska dhaqaale ee Washington ku hayso Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran uu si weyn u kordhay, isla markaana dowladda Iran ay wajahdo dhibaatooyin culus oo la xiriira helitaanka dhaqaalaha ay u baahan tahay.

    Wuxuu sheegay in dhibaatooyinkaas ay ka mid yihiin bixinta mushaharka ciidamada iyo taageeridda kooxaha ay xulafada yihiin ee gobolka.

    Bessent oo la hadlay telefishinka CNBC ayaa sheegay in howlgalka loogu magac daray “go’doominta dhaqaale” uu Iran ka xaddiday helitaanka ilaha dhaqaale, isla markaana Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ay dhibaato kala kulmayaan bixinta mushaharka askartooda.

    Wuxuu intaas ku daray in saraakiisha IRGC ay walaac ka muujinayaan, si fagaare ah iyo si gaar ahba, suurtagalnimada burbur dhaqaale oo dalka ku yimaada.

    Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in xaddidaadda helitaanka doollarka iyo lacagaha qalaad ay Tehran hoos u dhigtay awoodda ay ku maalgeliso kooxaha ay xulafada yihiin, oo ay ku jiraan Xuutiyiinta Yemen, Xamaas iyo Xisbullaah ee Lubnaan.

    Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Washington aysan oggolaan doonin in Iran ay sii waddo maalgelinta hawlaha uu Mareykanku u arko argagixiso.

    Bessent ayaa sheegay in qiyaasaha gudaha ee dowladda Mareykanka ay muujinayaan in dhaqaalaha Iran uu hoos u dhici karo 25 boqolkiiba muddada u dhexeysa Maarso 2026 iyo Maarso 2027.

    Wuxuu howlgalka “go’doominta dhaqaale” ku tilmaamay tallaabadii ugu adkayd ee taariikhda lagu go’doomiyo dhaqaalaha dal.

    Maamulka Trump ayaa howlgalkaas bilaabay 24-kii August. Ujeeddada la sheegay ayaa ah in la jaro waddooyinka lacagaha lagu kala wareejiyo, laga hortago hareer-marinta cunaqabateynta, isla markaana la xaddido dakhliga Iran ka hesho iibka shidaalka.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  8. Canada oo taageertay sheegashada Imaaraadka ee lahaanshaha saddex jasiiradood oo ku yaalla Gacanka Faaris

    Ra’iisul wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa taageeray sheegashada Imaaraadka Carabta ee ah in uu leeyahay saddex jasiiradood oo ku yaalla Gacanka Faaris.

    Taageeradan ayaa timid xilli uu Canada booqasho ku joogay dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheekh Khalid bin Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

    Kaddib kulanka labada dhinac, Canada iyo Imaaraadka ayaa 28-kii Oktoobar soo saaray bayaan wadajir ah oo lagu adkeeyay iskaashiga labada dal ee dhinacyo kala duwan.

    Qaybta ugu dambaysa ee bayaanka ayaa ka hadashay sheegashada Imaaraadka ee lahaanshaha jasiiradaha Greater Tunb, Lesser Tunb iyo Abu Musa, iyadoo ku baaqday in la soo afjaro waxa ay ku tilmaantay “qabsashada” Iran ee jasiiradahaas.

    Bayaanka ayaa lagu yiri: “Labada dal waxay dalbanayaan in la soo afjaro haysashada saddexda jasiiradood ee Greater Tunb, Lesser Tunb iyo Abu Musa, waxayna u arkaan arrintaas xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida qaranka Imaaraadka Carabta iyo Axdiga Qaramada Midoobay.”

    Dhanka kale, Iran waxay saddexdan jasiiradood u aragtaa qayb aan ka go’i karin dhulkeeda, waxayna sheegaysaa in Britain ay hore u qabsatay.

    Ciidanka badda ee Iran ayaa la wareegay gacan ku haynta jasiiradahan istaraatiijiga ah ka hor intii uusan Imaaraadka Carabtu ku dhawaaqin aasaaskiisa sannadkii 1971-kii.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  9. Xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo, Benjamin Netanyah oo eedeyn u soo jeediyay Qatar iyo Turkiga

    Xisbiga Likud ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa Turkiga iyo Qatar ku eedeeyay inay faragelin ku sameeyeen doorashadii Israa’iil, xilli hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet ay baarayso tuhun la xiriira maalgelin shisheeye.

    Xisbiga Likud ee Netanyahu ayaa xisbiyada ay Carabtu hoggaamiyaan ku eedeeyay inay “xadeen” doorashada.

    Hay’adda amniga gudaha Israa’iil ee Shin Bet ayaa baaraysa in xisbiyadaasi ay dhaqaale sharci-darro ah ka heleen Qatar iyo Turkiga.

    Netanyahu iyo xisbigiisa Likud ayaa eedeymaha ku tilmaamay “dhulgariir siyaasadeed” iyo “weerar ka dhan ah dimuqraadiyadda”, iyagoo sheegay in ujeeddadu tahay in xukunka laga tuuro dowladdooda garabka midig.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa beenisay eedeymaha ay ku tilmaantay “wax lagu qoslo oo khatar ah”, waxayna siyaasiyiinta Israa’iil ku eedeysay inay Doxa ka wadaan olole warar been abuur ah.

    Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda cidna si cad uma soo bandhigin caddeyn taageeraysa eedeymahan.

    Hoggaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka Israa’iil, Gadi Eisenkot, iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada ay Carabtu hoggaamiyaan ayaa cambaareeyay ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu, kaddib markii uu sheegay in faragelin shisheeye ay dhacday doorashadii uu isbahaysigiisu ku waayay aqlabiyadda baarlamaanka.

    Labada xisbiyada eeCarabta, Joint List iyo Ra’am, ayaa ka yaabiyay saadaashii doorashada, iyagoo ku guuleystay tiro rikoor ah oo dhan 19 kursi oo ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamaanka Israa’iil (Knesset).

    Guushan ayaa timid kaddib markii ay si weyn u kordheen tirada codbixiyeyaasha Carabta ee ka qaybgalay doorashada.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  10. Natiijada kama dambaysta ah ee doorashadii Israa’iil o la shaaciyay

    Natiijada kama dambaysta ah ee doorashadii baarlamaanka Israa’iil ayaa xaqiijisay in isbahaysiga uu hoggaamiyo Benjamin Netanyahu uu helay kuraasta ugu badan, balse uusan ku guuleysan aqlabiyad uu kaligiis ku dhisi karo dowlad.

    Isbahaysiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo siyaasiga dhexdhexaadka ah ee Gadi Eisenkot ayaa helay 48 kursi, halka xisbiyada ay hoggaamiyaan Carabtu ay ku guuleysteen 19 kursi.

    Netanyahu iyo Eisenkot labaduba waxay sheegeen inay doonayaan inay soo dhisaan dowladda cusub.

    Wadahadallada lagu dhisayo dowladda ayaa qaadan kara toddobaadyo. Haddii aan heshiis laga gaarin, waxaa dhici karta in doorasho kale la qabto.

    Eisenkot ayaa ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay inuu isku dayayo inuu natiijada doorashada shaki geliyo, kaddib markii uu sheegay in faragelin shisheeye ay dhacday, taas oo lagu taageerayay xisbiyada Carabta.

    Qatar iyo Turkiga ayaa beeniyay eedeynta ah inay faragelin ku sameeyeen doorashada.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  11. Warbaahinta Israa’iil oo sheegtay in 10 diyaaradood oo xamuul milatari oo Maraykan ah ay soo gaareen saldhigyo ciidan

    Telefishinka Kan ee Israa’iil ayaa sheegay in 10 diyaaradood oo xamuul milatari oo ka tirsan ciidamada cirka Maraykanka ay ka degeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla koonfurta Israa’iil.

    Sida uu telefishinku sheegay, diyaaradahaasi waxay qeyb ka yihiin duullimaadyo waaweyn oo Maraykanku qalab milatari ku geynayo Bariga Dhexe.

    Warbixintu waxay sheegtay in diyaaradaha laga soo diray saldhigga Fort Bliss ee gobolka Texas, ayna u badan tahay inay sidaan qalabka difaaca cirka iyo gantaallada lagu soo rido gantaallada kale ee loo adeegsado nidaamyada THAAD iyo Patriot.

    Fort Bliss ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee ciidamada Maraykanku ku kaydiyaan kuna diyaariyaan qalabka difaaca cirka.

    Qalabkan milatari ee la wareejinayo ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya suurtagalnimada in Maraykanku qaado hawlgal milatari oo kooban, isla markaana si gaar ah loogu bartilmaameedsado Iiraan.

    Telefishinka Kan ayaa sheegay in diyaaradaha Maraykanku ay ka degeen saldhigyada cirka ee Ovda iyo Nevatim ee koonfurta Israa’iil.

    Dhanka kale, diyaarado kale oo qeyb ka ah duullimaadyadan milatari ayaa loo diray dalalka Urdun, Qatar iyo Sacuudiga.

    Horey waxaa loo soo sheegay in Maraykanku gobolka u soo wareejiyay nidaam kale oo difaaca gantaallada ee Patriot.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  12. Xuutiyiinta Yemen oo sheegtay inay weerareen warshadda sifaynta shidaalka ee ugu weyn Sacuudiga

    Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka hela Iiraan ayaa Khamiistii ku dhawaaqay inay weerareen warshadda sifaynta shidaalka ee Raas Tanura, oo ah tan ugu weyn Sacuudiga.

    Kooxdu waxay sidoo kale sheegatay inay weerartay warshadda sifaynta shidaalka ee Rabigh, oo ay leedahay shirkadda shidaalka ee Sacuudiga ee Aramco, iyo labada garoon diyaaradeed ee King Khalid ee Riyadh iyo King Fahd ee Dammam.

    Sacuudiga weli ma uusan xaqiijin sheegashooyinka Xuutiyiinta, balse wuxuu Khamiistii subaxdii sheegay inuu hawada ku burburiyay laba gantaal oo nooca ballistic-ga ah, kuwaas oo Yemen laga soo riday, kuna wajahnaa magaalada Riyadh.

    Wax yar ka hor inta aan warkan la shaacin, wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  13. War deg deg ah, War cusub oo ku soo kordhay doorashada Israa'iil iyo baaritaan lagu baaqay

    Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa ku baaqay in si “dhammeystiran” loo baaro eedeymaha sheegaya faragelin shisheeye oo lagu sameeyay doorashooyinka dalka, balse wuxuu ka digay in baaritaanku uusan “sumcad xumo u horseedin” dhammaan bulshada Carabta ee Israa’iil.

    Kadib markii Benjamin Netanyahu iyo xulafadiisu ay ku eedeeyeen in bulshada Carabta ee Israa’iil loo sameeyay “laaluushyo doorashada ku saabsan” si loo kordhiyo ka-qaybgalkeeda codbixinta, hay’adda amniga gudaha ee Israa’iil, Shin Bet, ayaa loo xil saaray inay baarto eedeymo sheegaya in lacag laga soo wareejinayay Turkiga iyo Qadar loona gudbinayay Israa’iil, si loo saameeyo codadka bulshada Carabta.

    Xisbiga Joint List, oo ah isbahaysi ay ku mideysan yihiin inta badan xisbiyada Carabta ee Israa’iil, ayaa iska fogeeyay eedeymaha Netanyahu ee musuqmaasuqa iyo faragelinta shisheeye, isaga oo ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay inuu isku dayayo inuu shaki geliyo natiijada doorashada.

    War uu isbahaysigu soo saaray ayaa lagu yiri: “Ololaha kicinta ah ee Netanyahu iyo isbahaysigiisa faashiistaha ah ay ku qaadeen codadka muwaadiniinta Carabta wuxuu muujinayaa cabsida ay ka qabaan awoodda siyaasadeed ee bulshadaas.”

    Qadar ayaa iyaduna maanta bayaan ay soo saartay ku beenisay inay faragelin ku sameysay doorashooyinka Israa’iil.

    Iyadoo inta badan codadka doorashada la tiriyay, xisbiyada Carabta ayaa ilaa hadda ku guuleystay 19 kursi. Tiradan oo aan horay loo arag ayaa siin karta door muhiim ah oo go’aamin kara awood-qaybsiga iyo dhismaha dowladda.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  14. War deg deg ah, Degdeg: Maxaa ka jira in Qadar ay faraglisay doorashada Israa'iil

    Qadar ayaa si cad u beenisay eedeymaha sheegaya inay faragelin ku hayso doorashooyinka Israa’iil ama ay maalgelinayso dhaqdhaqaaqyo lagu doonayo in lagu saameeyo natiijada doorashada.

    Jawaabta Qadar ayaa timid kadib markii hay’adda amniga gudaha ee Israa’iil, Shin Bet, loo xil saaray inay baarto eedeymo sheegaya in lacag laga soo wareejinayay Turkiga iyo Qadar loona gudbinayay Israa’iil, si loo saameeyo codbixinta bulshada Carabta. Eedeymahan waxaa horay u jeediyay Benjamin Netanyahu iyo xulafadiisa.

    “Eedeymahani waa kuwo aan macquul ahayn isla markaana khatar ah,” ayu uku yiri bayaan uu ku daabacay barta X,Majid Ansari, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar.

    Wuxuu intaas ku daray in magaca Qadar oo marar badan lagu soo hadal qaado ololayaasha iyo doodaha doorashada Israa’iil ay muujinayso sida ay qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo warbaahinta Israa’iil ugu nugul yihiin arrimaha la xiriira Qadar.

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qadar aan laga dhigin wax loo adeegsado in lagu qariyo fashilka siyaasadeed ee qaar ka mid ah siyaasiyiinta Israa’iil. Halkii ay dareenka u jeedin lahaayeen Qadar, waa inay diiradda saaraan codbixiyeyaashooda, hagaajiyaan nolol maalmeedka dadka, isla markaana magdhow ka bixiyaan waxyeellada ay gobolka ka geysteen.

    Dhanka kale, Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa taageeray baaritaanka eedeymaha faragelinta shisheeye ee doorashada, balse ka digay in baaritaanku uusan sumcadda guud ee bulshada Carabta ee Israa’iil dhaawicin.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  15. War deg deg ah, Meydadka oo laga soo daad gureynayo goobtii shilku ka dhacay

    Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa ballanqaaday in sida ugu dhaqsaha badan loo soo saari doono natiijada baaritaanka sababihii keenay shilkii tareen ee dhimashada badnaa ee Arbacadii ka dhacay meel u dhow magaalada Madrid.

    Wuxuu sheegay in dadaallada lagu soo saarayo meydadka ay si xawli ah u socdaan. Booliiska ayaa qoysaska rakaabka ka codsaday inay bixiyaan muunado DNA ah si ay uga caawiyaan aqoonsiga dadka dhintay.

    Waxaa la xaqiijiyay in 69 qof ay dhinteen markii tareen xawaare sare ku socday oo ka baxay caasimadda Madrid kuna sii jeeday Seville uu ku dhacay tareen taagnaa oo isla khadkaas marayay.

    Duubitaanno cod ah ayaa u muuqda inay muujinayaan in tareenka dheereeya loo oggolaaday inuu dhaqaaqo iyada oo aan wax xaddidaad ah lagu soo rogin xawaaraha uu ku socdo.

    Waa shilkii labaad ee dhimasho sababa oo ka dhaca khadkaas tareennada muddo ka yar hal sano.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  16. War deg deg ah, Geed daroogo ah oo Afghanistaan aad loogu beeray tan iyo markii Daalibenaan talada qabteen

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in wax-soo-saarka maadada opium-ka ee dalka Afghanistan uu si weyn u korortay, inkasta oo maamulka Daalibaan uu mamnuucay beerashadeeda.

    Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan daroogada iyo dambiyada ayaa sheegay in dhulka loo adeegsado beerista geedka poppy-ga uu afar jibbaar ka badan yahay kii sannadkii hore, halka wax-soo-saarka opium-ka lagu qiyaasay 300 oo tan, taas oo shan jibbaar ka badan tiradii sannadkii hore.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tani ay tahay kororkii ugu horreeyay ee weynaa tan iyo markii mamnuucidda la soo rogay sannadkii 2022.

    Waxay sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah beeraleyda saboolka ah ay dib ugu laabteen beerista poppy-ga si ay qoysaskooda u quudiyaan.

    Sidoo kale sii akhri wararkan

  17. War deg deg ah, Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

    Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine habeenkii xalay ku qaadeen magaalada Moscow, xilli ay magaaladaasi martigelinayso in ka badan 20 hoggaamiye oo Afrikaan ah oo ka qaybgalaya shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika.

    Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa waqtiga ay weerarradu dhaceen ku tilmaamay mid “aad loola yaabo”.

    Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin, ayaa sheegay in in ka badan 600 oo diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Ukraine ay habeenkii bartilmaameedsadeen gobolka Moscow, kuwaas oo intooda badan la soo riday.

    Ukraine ayaa kordhisay weerarrada ay ka fulinayso gudaha Ruushka, iyadoo isku dayaysa inay wiiqdo kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada dalka, isla markaana ay muwaadiniinta caadiga ah ee Ruushka dareensiso saameynta dagaalka.

    Warar dheeraad ah:

  18. War deg deg ah, The Guardian: Netanyahu wuxuu lumiyay kalsoonidii uu ku hoggaamin lahaa Israa'iil

    Dul-marka wargaysyada : Wargeyska The Guardian ayaa falanqaynaya mustaqbalka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu kadib doorashooyinkii dhowaan dhacay. Dhanka kale, The Telegraph ayaa ka hadlaya sababaha loo adeegsanayo rabshadaha inta lagu jiro dibadbaxyada Yurub, halka The Independent uu daabacay daraasad ku saabsan muhiimadda isku-duubnida dadka iyo saameynta ay ku leedahay maskaxda iyo dareenka qofka.

    Waxaan ku bilaabaynaa doorashooyinka baarlamaanka Israa’iil ee baarlamaanka aragtida The Guardian ee natiijada doorashada iyo mustaqbalka Netanyahu.

    Wargeysku wuxuu cinwaan uga dhigay: “Netanyahu wuxuu lumiyay kalsoonidii uu ku maamuli lahaa, haddii mucaaradkiisuna midoobaanna wuxuu sidoo kale lumin doonaa awoodda.”

    Wargeysku wuxuu qoray in tirinta codadka doorashada ay weli socoto, balse sida uu sheegay The Guardian, “inta badan codbixiyeyaasha” ay doorteen inay codkooda siiyaan mucaaradka Netanyahu.

    Wargeysku wuxuu xusay in Netanyahu uu weli haysto kuraasta ugu badan ee baarlamaanka, balse isbahaysigiisu uu waayay ku dhowaad toban kursi, taas oo ka dhigan inuusan awoodi doonin inuu dhiso dowlad aqlabiyad leh.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in xisbiyada Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiinta ay horumar weyn sameeyeen. Sida uu qoray The Guardian, Netanyahu waxaa la tartamaya Gadi Eisenkot oo haysta laba xulasho: inuu u hoggaansamo hadallada cunsuriyadda iyo cabsi-gelinta leh ee Netanyahu, ama inuu la shaqeeyo xisbiyada Carabta.

    The Guardian ayaa xusay in Netanyahu uu weli isu soo bandhigo inuu yahay “nin mudan in la doorto”, inkasta oo uu ahaa hoggaamiyihii kormeerayay fashilaadihii amni ee naxdinta lahaa ka hor weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023. Waxa kale oo uu wajahaya maxkamadeyn la xiriirta eedeymo musuqmaasuq.

    Wargeysku wuxuu sheegay in dagaalka Netanyahu uu ku qaaday Iiraan uu “xasillooni-darro ka abuuray gobolka”, halka ololaha doorashada si kooban oo keliya looga hadlay tobannaan kun oo Falastiiniyiin ah oo lagu dilay dagaalka Qasa.

    The Guardian ayaa intaas ku dartay in Netanyahu uu ololihiisa doorashada ku tiirsanaa cabsi-gelin, isaga oo ku eedeeyay “muwaadiniinta Falastiiniyiinta ah, oo ka kooban ku dhowaad shan meelood meel dadka Israa’iil, inay isku dayayaan inay doorashada musuqmaasuqaan”.

    Wargeysku wuxuu ku dooday in Netanyahu, oo ku xeel dheer sidii uu siyaasadda ugu sii jiri lahaa, uu weli haysto xeelado kale. Waxa uu sheegay in khatarta ugu weyn ay tahay in Trump lagu riixo inuu weerar cusub ku qaado Iiraan kadib doorashooyinka xilliga dhexe ee Mareykanka, isaga oo tixgelinaya in dagaal joogto ahi u noqon karo Netanyahu jid uu siyaasaddiisa ku badbaadsado.

    The Guardian ayaa sheegay in isbahaysiga Eisenkot uu awood u leeyahay inuu xilka ka tuuro ra’iisul wasaaraha hadda jira. Waxana uu intaasi ku daray in taageerayaasha Eisenkot aysan u mahadcelin doonin haddii uu ku guuldarreysto inuu Netanyahu xukunka ka tuuro, isaga oo haysta fursaddaas.

    dayax-gacmeed oo Rasputin ah.

    Warar dheeraad ah:

  19. Putin oo wax ka sheegay Elon Musk

    Madaxweynaha Ruushka ayaa Elon Musk ku tilmaamay “qof dhab ahaantii maskax badan”. Waxa uu sheegay in isaga iyo Mr. Musk ay xiriir dhow ka leeyihiin dhinaca tiknoolajiyadda dayax-gacmeedyada.

    Vladimir Putin ayaa hadalkan ka sheegay shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika ee ka socda magaalada Moscow, halkaas oo uu kaga hadlay mashruuca internet-ka dayax-gacmeedyada ee Ruushka oo lagu magacaabo “Rossot”. Mashruucan ayaa dadka u suurtagelin doona inay internet-ka ku helaan dayax-gacmeedyo.

    Starlink ayaa ka mid ah shirkadda SpaceX ee uu leeyahay Mr. Musk.

    Shirkaddu kama aysan jawaabin codsi ay BBC-du u dirtay oo ku saabsanaa inay arrintan ka hadasho.

    Madaxweynaha Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in Ruushku uu xiriirka la sii hayo Elon Musk, si dayax-gacmeedyada Roscosmos iyo Starlink ee ku wareegaya meeraha Dhulka “aysan u carqaladayn shaqada midba midka kale”.

    “Annaga iyo saaxiibbadeenna Mareykanka labaduba waan qiimeynaa iskaashigan, waxaana si adag uga shaqeyneynaa sidii uu u sii socon lahaa, inkastoo ay jiraan kala duwanaansho iyo arrimo siyaasadeed,” ayuu yiri.

    Sida ay sheegtay shirkadda SpaceX, Starlink ayaa ilaa hadda hawada sare u dirtay ku dhowaad 13,000 oo dayax-gacmeed. Taas beddelkeeda, sida ay muujinayaan mareegaha la socda dhaqdhaqaaqa dayax-gacmeedyada, waxaa hadda meeraha Dhulka ku wareegaya oo keliya dhowr iyo toban dayax-gacmeed oo Rasputin ah.

    Warar dheeraad ah:

  20. Lix daawo oo hoos u dhiga awoodda ragga aadna loo isticmaalo

    Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.

    Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.

    Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani'aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.

    Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas'uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.

    ad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi'iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar.

    Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi'inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan?

    Xanuun-babi'iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka.