Maraykanka oo dayaarado militari kala baxay saldhig kale oo ku yaalla UK. Maxay tahay sababta?

Dayaarado militari
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Ugu yaraan 10 diyaaradood oo ah kuwa shidaalaka hawada ku siiya dayaaradaha Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa Isniintii ka baxay saldhig ciidan oo labaad oo ku yaal Britain.

Xogta raadraaca duulimaadyada ee ay aragtay BBC Verify waxay muujinaysaa in diyaaraduhu ay ka tagteen saldhigga RAF Mildenhall ee Suffolk oo ay ku degeen saldhigyo kale oo Mareykan ah oo ku yaal Yurub iyo sidoo kale Garoonka Diyaaradaha ee Prestwick ee Ayrshire.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in tani ay jawaab u ahayd hanjabaad ka timid Iiraan laakiin BBC si madax bannaan uma xaqiijin sheegashadaas.

Bixitaanka Isniintii ayaa yimid toddobaadyo ka dib markii Mareykanku uu ka saaray diyaaradaha wax duqeeya saldhigga ciidanka cirka ee RAF Fairford sababo la xiriira dhacdo amni oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leedahay Iiraan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa BBCda u sheegay: "Si joogto ah ugama faalloono dhaqdhaqaaqa waddamada kale. Diyaaradaha iyo hantida kale si joogto ah ayay u socdaan iyadoo loo eegayo shuruudaha hawlgalka."

Iyada oo adeegsanaysa bogga dabagalka dadweynaha ee Flightradar24 BBC Verify waxay awood u yeelatay inay aragto dayaaradaha shidaalka hawada ku siiya kuwa kale ee USF KC-135 oo ka baxaya Mildenhall Isniintii oo dhan.

Laba diyaaradood oo markii hore baxay ayaa u duulay saldhigyada Mareykanka ee Jarmalka iyo Talyaaniga. Diyaaraddii ugu horreysay ee KC-135 ayaa dib ugu laabatay Mildenhall ka hor inta aysan u dhaqaaqin dhanka bari oo aysan ka degin saldhigga cirka ee Spangdahlem ee Jarmalka. Diyaarad kale oo ku dul wareegaysay saldhigga cirka ee Aviano ee Talyaaniga ayaa u duushay oo ku degtay Spangdahlem.

Xogta raadraaca duulimaadyada ayaa sidoo kale muujinaysa siddeed kale oo dayaarado Mareykan ah oo ah KC-135s oo ka tagay Mildenhall Isniintii dambe.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Diyaarad Isniintii ka degtay Prestwick oo ku taal Scotland ayaa ka tirsan Ciidanka Ilaalada Cirka ee Qaranka ee Nebraska (Nebraska Air National Guard); taas oo macnaheedu yahay inay u badan tahay inay halkaas ugu hakatay si caadi ah, ka hor inta aysan dib ugu laaban saldhiggeeda Maraykanka.

Qiyaastii 3,000 oo shaqaale ciidan ah ayaa ku sugan saldhigga RAF Mildenhall, kaas oo ku yaalla qiyaastii 80 mayl (130 km) dhanka waqooyi ee magaalada London.

BBC-da ayaa ogaatay in xilligan aysan jirin dhaqdhaqaaq badan oo diyaaradeed oo ka socda saldhigga, isla markaana aysan u muuqan in la kordhiyay tallaabooyinka amniga ee ku hareeraysan. Goobaha ay dadweynuhu ka qaadi karaan sawirrada diyaaradaha ayaa weli furan.

Saldhiggan waxaa inta badan loo isticmaalaa hawlaha shidaal siinta iyo dayactirka diyaaradaha; diyaaradaha qaada madaxweynayaasha Mareykanka, oo uu ku jiro Donald Trump, ayaa badanaa isticmaali jiray.

Waxaa sidoo kale loo isticmaali jiray goob diyaarinta iyo isu geynta diyaaradaha iyo qalabka ku sii jeeda Bariga Dhexe.

Saldhigyo

Diyaaradaha shidaalka ku shuba kuwa kale ee hawada ku jira ayaa la geeyay gobolkaas intii lagu guda jiray hawlgalladii ka dhanka ahaa Iran.

Markii wax laga weydiiyay in Mareykanku uu diyaarado kala baxayo RAF Mildenhall, Xoghayaha Waxbarashada Lucy Powell ayaa u sheegtay barnaamijka BBC Breakfast inaysan ka hadli karin arrimaha la xiriira hawlgallada socda.

Waxay intaas ku dartay in "aan si dhab ah u qaadanno amniga iyo badqabka saldhigyadeenna" iyo "had iyo jeer waxaan ku dhaqmi doonnaa sirdoonka amniga marka aan u baahanno".

Afhayeen u hadlay Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradahooda "ay uga hawlgalaan saldhigyada ayadoo muddo marki la joogaba la beddelo sababo kala duwan oo ay ku jiraan tababarka iyo baahiyaha dhabta ah ee adduunka ka jira".

"Diyaaradaha militariga Mareykanka waxaa lagu martigeliyaa iyadoo la raacayo heshiisyada marin u helidda, saldhigga, iyo duullimaadyada hawada sare ee lala galo xulafadeenna iyo bahwadaagteenna. Hawlgallada amniga awgood, ma bixin doonno macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa" ayuu raaciyay afhayeenka.

La-taliyahii hore ee Amniga Qaranka ee UK Lord Ricketts ayaa u sheegay barnaamijka Maanta ee BBC Radio 4: "Waxaan ka hadlaynaa saldhig diyaaradeed oo ay ku jiraan kuwa diyaaradahan booyadaha waaweyn. Dabcan, waa bartilmaameedyo waaweyn, saldhig diyaaradeed wuxuu leeyahay wareeg dheer, sidaa darteed waa kuwo aan laga fursan karin inay nugul yihiin."

Wuxuu raaciyay: "Cidna ma oga marxaladdan waxa macluumaadkani ahaa. Waxaan tuhunsanahay in qayb ka mid ah ay tahay taxaddar badan."

Isagoo hadlayay ka hor inta aysan soo bixin warbixinno ku saabsan duullimaadyo ka baxay saldhigga RAF Mildenhall, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Isniintii wax laga weydiiyay hanjabaadaha uga imanaya Iiraan ee ku wajahan diblomaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan dalalka dibadda.

"Waxaan arrintan wax uga qabanay annagoo dadka ka fogeynay goobta khatarta ah," ayuu yiri, isagoo raaciyay: "Sida iska cad, mar walba waan ka walwalnaa badbaadada iyo amniga shaqaalaheenna iyo qoysaskooda ku sugan dibadda. Sidaas darteed, markaan aragno wax kasta oo keeni kara khatar heerkeedu sarreeyo, waan ka hawlgalnaa oo wax baan ka qabannaa".

Ka bixitaanka Mildenhall Isniintii ayaa ka dambeeyay dhacdo amni oo ka dhacday RAF Fairford, oo ah saldhig ciidan oo uu maamulo Mareykanka oo ku yaal Gloucestershire.

Dhacdo weyn ayaa la shaaciyay ka dib markii saddex gaari oo laga shakiyay lagu arkay meel u dhow saldhiggaas bishii Sebtembar. Markii dambe waxaa soo baxday in Mareykanku uu diyaaradaha bambooyinka tuura ka soo saaray saldhigga oo uu dib ugu celiyay Mareykanka.

Laba muwaadin oo u dhashay Britain ayaa maxkamad la soo taagay bishii Oktoobar iyagoo lala xiriirinayo shirqool la sheegay inuu xiriir la leeyahay Iiraan. Siddeed nin ayaa la xiray taasoo qayb ka ah baaritaanka booliiska ee ka hortagga argagixisada.