Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed oo sheegay in saraakiil sare oo Itoobiyaan ah ay qaadanayaan tababar milatari

Xigashada Sawirka, Abiy Ahmed Ali
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shaaciyay in xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyo mas'uuliyiin kale oo sarsare oo dowladda ka tirsan ay tababar ciidan ku qaadanayaan Hurso.
Wuxuu sheegay in tababarka ciidan ee ay mas'uuliyiintani qaadanayaan uu lagama maarmaan u yahay si si qoto dheer loo fahmo loona dhaqan-geliyo aragtida ku jirta 'Istaraatiijiyadda Weyn ee Qaranka ee la wada leeyahay'.
Ra'iisul Wasaare Abiy wuxuu bartiisa bulshada ku baahiyay sawirro muujinaya isaga iyo mas'uuliyiin sarsare oo dalka ah oo tababar ciidan qaadanaya.
Sawirrada la baahiyay waxaa ka muuqda mas'uuliyiin dowladeed oo dhowaan la magacaabay, oo ay ku jiraan wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo madaxda xafiisyo kale, iyagoo xiran dharka ciidanka ee tababarka.
Guddoomiyaha Aqalka Federaalka Muferiat Kamil, Wasiirka Maaliyadda Dr. Fitsum Assefa, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Mekdes Daba ayaa ka mid ah mas'uuliyiinta tababarka ciidan qaadanaya, sida uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ku muujiyay sawirrada uu daabacay.

Xigashada Sawirka, Abiy Ahmed Ali
Ra'iisul Wasaare Abiy oo sawirrada baraha bulshada ku baahiyay wuxuu ku qoray, "Madaxda dowladda ee xisbiga Barwaaqada ayaa tababar ciidan ku qaadanaysa Hurso".
Ra'iisul Wasaare Abiy wuxuu sheegay in cilmiga ciidanku "uusan lahayn wax la tartami kara bixinta ujeeddo iyo anshax", wuxuuna xusay inuu ka caawiyo aadanaha "inay yeeshaan ficil isku dhafan oo jir, ruux iyo anshaxba leh".
Sida uu qabo Ra'iisul Wasaare Abiy, fikradaha ugu muhiimsan ee ku jira waxa uu ugu yeeray "Istaraatiijiyadda Weyn ee Qaranka" waxaa ka mid ah "mar walba sugidda amniga dalka", "dhisidda dal xoog leh oo aan cidna col ku ahayn" iyo "diyaarinta hadaf qaran oo ka soo unkamaya salka ilaa heer sare".
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Tababarka ciidanku wuxuu leeyahay door aan la fududeysan karin si loo xaqiijiyo loona hirgeliyo fikradaha istaraatiijiyaddan si sax ah" ayuu ku qoray bartiisa Facebook-ga.
"Ciidanku wuxuu leeyahay anshax; shacabka rayidka ahna wuxuu leeyahay ujeeddo. Labaduba hadafkoodu waa guusha. Marka labadaas la isku daro, waxaan abuureynaa jiil hadafkiisa gaara" ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Abiy.
Goorta uu billowday tababarka ciidan ee ay mas'uuliyiintani qaadanayaan iyo muddada uu soconayo si rasmi ah looma shaacin.
Itoobiya ayaa dhawaan Ruushka ka heshay 12 diyaaradood oo dagaal oo casri ah oo nooca Su-35 ah. Waxaa sidoo kale la sheegay in mustaqbalka ay heli doonto afar hab oo difaaca cirka ah oo nooca S-400 ah.
Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa hore u sheegay in helitaanka diyaaradahaas casriga ah, oo loo kala saaro jiilka afraad iyo shanaad ee diyaaradaha dagaalka, ay Itoobiya ka dhigayso "dalka ugu horreeya ee ka hooseeya Saxaraha Afrika" ee ku hubaysan diyaaradaha noocaas ah.
Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay heshay qalabkan casriga ah xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya iyada iyo Eritrea.
Itoobiya oo Eritrea ku eedaysa inay taageerto ciidamada TPLF iyo kooxo kale oo dagaalyahanno ah, ayaa dagaal la gashay ciidamada TPLF, iyadoo maalmo gudahood dib ugu riixday xuduudka Eritrea.
Warar kala duwan ayaa sheegaya in dagaalladu ay weli ka socdaan gobolka Tigray.
Ciidanka Itoobiya ayaa gaaray xadka Eritrea balse kama gudbin. Inkastoo ay sidaas tahay, welwelka laga qabo in labada dal ay isku dhacaan ayaa ka xoog badan sidii hore.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay inuu heshiisiiyo labada dal.
Waxaa la filayaa in Ruushku uu kulansiiyo hoggaamiyeyaasha labada dal inta lagu guda jiro shir-madaxeedka Ruushka iyo Afrika.

























