Waa kuma safiirka ay Israa'iil u magacowday Somaliland ee ay dowladda Soomaaliya sida adag u cambaareysay?

Xigashada Sawirka, Somaliland Presidency
Soomaaliya ayaa shalay si adag u cambaaraysay waxa ay ku tilmaantay "aqoonsiga la sheegay" inay Israa'iil siisay safiir ka jooga Jamhuuriyadda goonni isu taaggeeda ku dhawaaqay ee Somaliland.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barta Faceboo waxay ku tiri: "Tallaabooyinkan, oo la qaaday iyada oo aanay jirin oggolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si cad ugu xadgudbayaan madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya. Soomaaliya waxay gebi ahaanba diiddan tahay tallaabooyinkan, waxayna u aqoonsanaysaa kuwo aan wax sharci ah lahayn, wax saamayn sharciyeed ahna aan yeelan karin."
"Hargeysa iyo guud ahaan gobolka Somaliland waxa ay weli yihiin qayb lama taabtaan ah oo aan laga goyn karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Samaynta xiriir diblomaasiyadeed iyo furitaanka xarumo diblomaasiyadeed oo joogto ah waxay u baahan yihiin oggolaanshaha dawladda madax-bannaan, sida uu dhigayo Heshiiska Vienna ee Xiriirrada Diblomaasiyadeed. Ma jirto tallaabo hal dhinac ah oo ka gudbi karta shuruuddaas ama wax ka beddeli karta xaaladda sharci ee dhulka Soomaaliya."
Waxay intaa ku dartay in tallaabadan ay soo xoojineyso aqoonsiga ay ku sheegtay inuu sharci-darro yahay ee Israa'iil ay bishii Diseembar 2025 siisay Somaliland.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay Soomaaliya Israa'iil ka dalbanayso inay si degdeg ah uga noqoto tallaabooyinkan, isla markaana ay ugu baaqeyso "dhammaan dawladaha iyo ururrada caalamiga ah inay diidaan, kana fogaadaan wax kasta oo sharciyad siin kara".

Xigashada Sawirka, Somaliland Presidency
Michael Lotem ayaa warqadaha aqoonsigiisa u gudbiyay madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaas oo si rasmi ah u aqbalay intii lagu guda jiray xaflad ka dhacday magaalada Hargeysa; halkaas oo sidoo kale mas'uuliyiintu ay dhagax-dhigeen dhismaha safaaradda Israa'iil.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa'iil ayaa Axaddii shaacisay dhacdooyinkan, iyadoo sheegtay inay qabsoomeen toddobaadkii hore.
Israa'iil ayaa bishii April magacawday safiirkeedii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland.
Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir ma-deggane ah oo qaabilsan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa'iil.
Waa talaabadii ugu dambaysay ee iskaashiga labada dhinac u dhaxeya oo si xawli ah kor ugu kacayay tan iyo bishii December, markaas oo Israa'iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee caalamka ee aqoonsada Somaliland, taas oo soo afjartay in ka badan 30 sano oo go'doon diblomaasiyadeed ah.
Laakiin dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale xilligaas si adag uga hor timid arrintaas.
Waa kuma Michael Lotem?

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waa diblomaasi ruugcadaa ah, wuxuuna hawlaha diblomaasiyadda ku soo dhex jiray tan iyo 2014, isagoo ka soo shaqeeyey qaaradaha Afrika, Aasiya, iyo dalal kale oo Ruushku ka mid yahay.
Bishii Disembar 2021 ilaa hadda oo loo magacaabay safiirka Soomaaliland wuxuu dalkiisa u fadhiyey magaalada Nairobi.
Wuxuu sidoo kale safiir ka soo noqday dalal Afrikaan ah oo ay ka mid yihiin Uganda, Malawi iyo Seychelles.
Lotem wuxuu sidoo kale safiir ka soo noqday dalalka Azerbaijan, and Kazakhstan sida laga soo xigtay warbaahinta KAN ee Israa'iil.
Muddo afar sano ah oo ka horreysay intii aan Nairobi loo wareejin ayuu ka shaqaynayey xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee israa'iil, isagoo muddadii u dhaxeysay 2017 ilaa Disembar 2021 noqday agaasimaha qaybta dhaqaalaha Aasiya.
Meelaha kale ee uu ka soo shaqeeyey waxaa ka mid ah qunsuliyadda Israa'iil ee St Petersburg oo uu siddeed sano ka ahaa qunsul.
Xilliyadiisii ugu horreysay diblomaasiyadda wuxuu muddo 2 sano ah soo noqday ergayga gaarka ee dalkiisa u qaabilsan tamarta, gaar ahaan 2012 – 2014.
Danjire Michael Lotem ayaan si toos ah u joogi doonin Hargeysa, hase yeeshee lama sheegin meesha uu wakhtigan ka wadi doono shaqadiisa.


























