Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Madaxweynihii hore ee Congo, Joseph Kabila, oo loo magacaabay hoggaamiyaha dhaqdhaqaaq cusub oo siyaasadeed iyo milatari

    Joseph Kabila
    Qoraalka sawirka, Joseph Kabila

    Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Joseph Kabila, ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha dhaqdhaqaaq cusub oo siyaasadeed iyo milatari, sida lagu sheegay bayaan Isniintii laga akhriyey magaalada Goma ee bariga dalkaas.

    Kooxdan oo loo yaqaan Jabhadda Dib-u-dhiska Qaranka (FRN), ayaa sheegtay in ay aasaaseen dad isku raacay in ay mideeyaan awooddooda iyo kheyraadkooda, si ay ugu shaqeeyaan hannaan mideysan.

    Bayaan uu akhriyey Claude Ibalanky, oo hore u ahaa la-taliye sare iyo ergey gaar ah oo madaxweyne Félix Tshisekedi ah, balse hadda ku biiray dhaqdhaqaaqan, ayay aasaasayaashu ku sheegeen in ujeeddadoodu tahay in ay dalka “xoreeyaan”.

    Bayaanka ayaa tixraacay qodobka 64-aad ee dastuurka Congo, kaas oo dhigaya in muwaadiniintu waajib ku tahay in ay ka hortagaan qof ama koox awoodda dalka xoog ku qabsata ama ku maamusha si ka hor imaanaysa dastuurka.

    FRN ayaa isku qeexday dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo milatari oo ujeeddadiisu tahay in la mideeyo waxa ay ugu yeertay “xoogagga mucaaradka”, si loo soo afjaro waxa ay ku tilmaantay talisnimo, loona dhiso nidaam siyaasadeed oo cusub.

    Bayaanka ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqu uu ujeeddadaas ku gaari doono “dhammaan hababka suurtagalka ah, oo ay ku jirto adeegsiga xoogga”.

    Aasaasayaashu waxay sidoo kale ku dhawaaqeen qaab-dhismeed hoggaamineed oo ku-meel-gaar ah, iyaga oo si wadajir ah Joseph Kabila ugu doortay hoggaamiyaha FRN, inta laga dhammaystirayo dhismaha hay’adaha ururka.

    Kabila ayaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo hoggaaminayey intii u dhaxaysay 2001 iyo Janaayo 2019, markaas oo Félix Tshisekedi uu xukunka la wareegay kadib doorasho muran dhalisay.

    Sanadihii u dambeeyay, Kabila si dhif ah ayuu uga soo muuqday fagaarayaasha, hase yeeshee waxa uu si cad uga soo horjeeday maamulka madaxweynihii isaga beddelay.

    Mas’uuliyiinta dowladda ee Kinshasa ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhismaha FRN.

    Warar dheeraad ah

  2. Sacuudiga oo baaraya fashilka difaaca cirka kadib weerarro dhimasho sababay oo lagu qaaday garoonka Riyadh

    Gantaal ay Xuutiyiinta Sabtidii ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha ee Boqor Khaalid ee Magaalada Riyadh ayaa waxaa ku dhintay 13 Qof
    Qoraalka sawirka, Gantaal ay Xuutiyiinta Sabtidii ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha ee Boqor Khaalid ee Magaalada Riyadh ayaa waxaa ku dhintay 13 Qof

    Warar ayaa sheegaya in Sacuudigu uu baaritaan ku bilaabay fashilka nidaamyadiisa difaaca cirka, kuwaas oo ku guuldarreystay in ay qabtaan gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Xuutiyiinta Yemen soo rideen.

    Xuutiyiinta Yemen ayaa maalmihii u dambeeyay saddex weerar oo dhimasho sababay ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Riyadh.

    Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa soo xigatay laba mas’uul oo gobolka ka tirsan oo sheegay in baaritaannadii hordhaca ahaa ay muujinayaan in Xuutiyiintu marka hore soo direen dhowr diyaaradood oo aan duuliye lahayn, si ay waddada ugu xaaraan gantaallada nooca loo yaqaan cruise iyo ballisti-ga, kuwaas oo markaas ka gudbay difaaca cirka oo ku dhacay garoonka diyaaradaha.

    Mid ka mid ah mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ujeeddo kale oo baaritaanku leeyahay ay tahay in la ogaado sababta nidaamyada difaaca cirka aysan digniino hore uga bixin weerarradaas.

    Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Sacuudiga ayaa la xiray ilaa ugu yaraan Sabtida, 17-ka Oktoobar, kadib weerarrada. Shirkadaha diyaaradaha ayaa sidoo kale hakiyay duullimaadyadii ay ku tagi jireen Riyadh.

    Warar dheeraad ah

  3. Garsoorka Iran oo dacwad ku soo oogay 97 qof oo lala xiriiriyay waxa uu ku tilmaamay “dambiyo dagaal” oo ay geysteen Maraykanka iyo Israa’iil

    Afhayeen u hadlay garsoorka Iran ayaa sheegay in xafiiska xeer-ilaalinta Tehran uu baarayo waxa uu ku tilmaamay “dambiyo dagaal” oo ay geysteen Maraykanka iyo Israa’iil.

    Cali Kazemi ayaa yiri: “Waxaa dacwad lagu soo oogay kiisaska la xiriira dagaalladii labaad iyo saddexaad ee nalagu soo rogay, kuwaas oo ku saabsan khasaaraha loo geystay Hay’adda Tamarta Atomikada Iran.”

    Afhayeenka garsoorka ayaa sheegay in labada kiisba ay ku jiraan 97 eedeysane.

    Dadkaas waxaa lagu soo oogay eedeymo ay ka mid yihiin “musuqmaasuq dhulka ka jira, amniga oo la wiiqay, ku xadgudubka kheyraadka qaranka, iyo burburinta iyo gubista hanti dadweyne oo qiimaheedu gaarayo 15 bilyan oo doollar.”

    Warbaahinta Iran weli ma aysan baahin magacyada dadka dacwadaha lagu soo oogay.

    Warar dheeraad ah

  4. Abiy Axmed iyo Netanyahu oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo war-saxaafadeed wadajir ah ku qabtay magaalada Qudus 1-dii Febraayo
    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo war-saxaafadeed wadajir ah ku qabtay magaalada Qudus 1-dii Febraayo

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in uu wada-hadal taleefan oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ku tilmaamay mid miro-dhal ah.

    Farriin uu ku baahiyay bartiisa X, ayuu Abiy Axmed ku sheegay in ay ka wada hadleen hirgelinta xiriirka laba geesoodka ah iyo arrimaha muhiimka ah ee ka taagan gobolka.

    “Waxaan wada-hadal miro-dhal ah oo taleefan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, kaas oo aan kaga wada hadalnay hirgelinta xiriirka labada dal iyo xaaladaha muhiimka ah ee gobolka,” ayuu qoray Abiy Axmed.

    Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha ay danaha wadajirka ah ka leeyihiin.

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa farriin uu ku baahiyay bartiisa bulshada ku sheegay in wada-hadalkii taleefanka ee uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu diiradda saaray xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.

    Si kastaba ha ahaatee, Abiy Axmed faahfaahin dheeraad ah kama bixin waxyaabihii ay labada hoggaamiye ka wada hadleen.

    Wada-hadalkan ayaa dhacay xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha milatari ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.

    Itoobiya ayaa warqad ay u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku eedeysay Eritrea in ay ciidamo u soo dirtay gudaha xuduudaheeda.

    Warar dheeraad ah

  5. Sidee Ilhaan Cumar uga falcelisay baaritaankii lagu sameeyey gurigeeda

  6. Trump: Ma aaminsani in Shiinaha iyo Ruushku ay Iran caawin doonaan

    Madaxda Shiinaha, Ruushka iyo Maraeykanka
    Qoraalka sawirka, Madaxda Shiinaha, Ruushka iyo Maraeykanka

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in Shiinaha iyo Ruushku ay Iran ka caawin doonaan dagaalka, isaga oo sheegay in haddii ay caawiyaan ay taageeradoodu noqon doonto mid aad u kooban.

    Farriin uu ku baahiyay bartiisa bulshada ee Truth Social, ayuu Trump ku qoray in haddii Shiinaha iyo Ruushku ay Iran caawiyaan, taageeradaasi ay noqon doonto mid heerkeedu aad u hooseeyo, balse uusan rumaysnayn in ay sidaas samayn doonaan.

    Waxa uu intaa ku daray in labada dal ay wax badan lumin karaan haddii ay tallaabadaas qaadaan, isla markaana Mareykanku si degdeg ah u ogaan doono haddii ay dhacdo.

    Trump ayaa bishii July sheegay in Shiinaha iyo Ruushku aanay Iran ka caawin doonin dagaal, isaga oo xilligaas uga digay in haddii ay sidaas sameeyaan ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan.

    Warar dheeraad ah

  7. Sidee ayaad xilli hore ugu baraarugi kartaa calaamadaha cusub ee dhiig-karka?

    Cabiridda Dhii-karka
    Qoraalka sawirka, Cabiridda Dhii-karka

    Guud ahaan, dhiigkarka looma heysto xanuun halis ah. Balse bahda caafimaadka adduunka ayaa ka digaya in haddii aan joogto loola socon cudurkan uu sababi karo xanuunno kale oo badan.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose.

  8. Sacuudiga oo wajahaya walaac sii kordhaya oo ku saabsan saamaynta dhaqaale ee dagaalka Xuutiyiinta

    Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo saamaynta dhaqaale ee dagaalka Xuutiyiinta Yemen uu ku yeelanayo Sacuudiga.

    Waxaa la saadaalinayaa in wax-soo-saarka guud ee gudaha Sacuudiga (GDP) uu sanadkan hoos u dhici doono 3.6%, iyadoo arrimaha arrintan ka qayb qaadanaya ay ka mid yihiin hoos u dhaca wax-soo-saarka iyo dhoofinta shidaalka, iyo xiritaanka garoomada diyaaradaha.

    Garoomada diyaaradaha ee waaweyn ee Sacuudiga ayaa hakiyay howlahooda ilaa Sabtida soo socota, waxaana sii kordhaya tirada shirkadaha diyaaradaha ee joojinaya duullimaadyadooda ku tagi lahaa dalkaas.

    Weerarrada Xuutiyiinta ayaa sidoo kale carqaladeeyay laba shir oo waaweyn oo ka dhacayay Sacuudiga. Shirarkaas waxaa ka mid ah Shirweynaha Caalamiga ah ee Shidaalka oo Axaddii ka furmay magaalada Riyadh, kaas oo ajandihiisa laga saaray magacyada dhowr mas’uul oo sare oo ka tirsan shirkadaha shidaalka.

    Warar dheeraad ah

    Khariirad
    Qoraalka sawirka, Khariirad
  9. Maxay dumarka kaga badan yihiin ragga xanuunka dhanjafka (Migraine), maxaase laga yeeli karaa?

  10. Turkiga oo baarlamaanka u gudbinaya heshiiska difaaca ee Sacuudiga iyo Pakistan

    Recep Tayyip Erdogan
    Qoraalka sawirka, Recep Tayyip Erdogan

    Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in uu dhawaan baarlamaanka u gudbin doono hindise sharciyeedka ku saabsan ku biirista heshiiska difaaca ee Maka, si loo ansixiyo.

    Recep Tayyip Erdogan ayaa yiri: “Turkigu waxa uu garab taagan yahay Sacuudiga iyo walaalihiisa Sacuudiga, isaga oo ka soo horjeeda weerarrada sharci-darrada ah ee ka baxsan bani’aadannimada.”

    Erdogan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dalkiisu uu xoojinayo iskaashiga dhinaca difaaca ee Pakistan iyo Sacuudiga, isaga oo ku salaynaya heshiiska Maka.

    Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ayaa 6-dii August heshiis difaac oo wadajir ah ku kala saxiixday magaalada Maka.

    Pakistan ayaa ku dhawaaqday in ay ciidamo u dirtay Sacuudiga, si ay uga qayb qaataan difaaca dalkaas.

    Warar dheeraad ah

  11. Wararka oo kooban

  12. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay karantiishay qof looga shakisan yahay xanuunka Ebola

    Xanuunka Ebola waa mid si fudud la isu qaadsiin karo
    Qoraalka sawirka, Xanuunka Ebola waa mid si fudud la isu qaadsiin karo

    Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday inay karantiil ku samaysay muwaadin Soomaaliyeed oo ka soo safray dalka Congo.

    war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda cafimaadka ayaa lagu sheegay in qofka la karantiilay la xaqiijiyey inuu la soo safray qof u geeriyooday cudurka Ebola.

    Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in qofkan loo gudbiyay xarunta Karantiilka iyo daweynta cudurka Ebola ee isbataalka Forlarniini ee Muqdisho si loo qiimeeyo xaaladiisa caafimaad.

    dhawaan ayay ahad markii dowladda Kenya ay xaqiijisay dhimashada muwaadin Kenyan ah oo ka yimid dalka congo islamarkana qabay xanuunka.

    Waar dheeraad ah

  13. Weerarrada garoonka Riyaad: Xiisadda Bariga Dhexe ma waxay gashay marxalad khatar ah

  14. Shirkadaha diyaaradaha ee Qatar iyo imaaraadka oo joojiyay duullimaadyadii ay ku tagi jireen Sacuudiga

    Etihad Airways
    Qoraalka sawirka, Etihad Airways

    Shirkadda diyaaradaha ee Etihad Airways ayaa sheegtay in ay joojisay dhammaan duullimaadyadeeda u kala gooshi jiray Abu Dhabi iyo magaalooyinka Riyadh, Jeddah iyo Dammam ee Sacuudiga, illaa toddobaadka soo socda.

    Shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa iyaduna si ku-meel-gaar ah u hakisay dhammaan duullimaadyadeeda ku tagi jirtay Sacuudiga.

    Xuutiyiinta Yemen ayaa uga digay dalalka kale in ay duullimaadyo ku tagaan Sacuudiga.

    Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh ayaa la xiray kadib weerarro ay Xuutiyiintu geysteen maalmihii u dambeeyay, kuwaas oo sababay dhimashada dhowr qof.

    Waar dheeraad ah

  15. Xuutiyiinta oo uga digay Mareykanka inay jawaab "xanuun badan" ka bixin doonnaan haddii uu soo farageliyo

    Xuutiyiinta
    Qoraalka sawirka, Xuutiyiinta

    Xuutiyiinta ayaa Maraykanka uga digay in uu wajihi doono “jawaab xanuun badan” haddii uu ku lug yeesho dagaalka Yemen.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, Sacuudiga ayaa Washington ka codsaday in ay ka caawiso ka hortagga Xuutiyiinta.

    Mohammed al-Bakhiti, oo ka tirsan xafiiska siyaasadda Xuutiyiinta, ayaa wakaaladda u sheegay: “Haddii Maraykanku ku biiro duullaanka ka dhanka ah Yemen, kama labalabeyn doonno in aan go'aan ka gaarno jawaabta aan ka bixinayno. Jawaab degdeg ah oo xanuun badan ayaan ka bixin doonnaa, taas oo lagu beegsan doono Maraykanka iyo dhammaan danihiisa gobolka.”

    Waxa uu sidoo kale uga digay shaqaalaha xarumaha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga in ay ka fogaadaan goobahaas, isaga oo sheegay in ay noqdeen bartilmaameedyo sharci ah.

    Habeenkii Isniinta, qarax kale ayaa laga soo sheegay magaalada Riyadh, balse Sacuudiga ayaa sheegay in uu ka hortagay gantaal ay Xuutiyiintu soo rideen.

    Kadib weerarkii ay Xuutiyiintu Sabtidii ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh, kaas oo ay ku dhinteen 13 qof, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ka fiirsanayo in Maraykanku ku biiro weerarrada Sacuudiga ee ka dhanka ah Xuutiyiinta.

    Tallaabadan ayaa imanaysa inkasta oo wararku sheegayaan in Trump uu hore u diiday codsiyo gargaar oo uga yimid dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman.

    Waar dheeraad ah

  16. Arday ayaa la xiray kaddib markii labo macallin lagu toogtay iskuul ku yaal Faransiiska

    Iskuul ku yaal Faransiiska

    Arday ayaa la xiray kaddib markii maamule iyo macallin lagu toogtay iskuul ku yaal koonfurta Faransiiska saakay.

    14 jir ayaa soo galay dugsiga dhexe ee Lakanal oo ku yaal magaalo yar oo 11 mayl bariga kaga beegan Marseille.

    Rasaas ayuu furay kaddibna waxaa qabtay mid ka mid ah shaqaalaha sida ay warbaahinta Faransiiska u sheegeen saraakiisha deegaanka.

    Ma jiro cunug ku dhaawacmay marka laga reebo macallimiinta oo dhaawacoodu uusan halis aheyn.

    Sida uu sheegay duqa magaalada Aubagne oo ah halka uu ku yaal iskuulka, eedeysanaha ayaa ah arday dhigta fasalka 11-aad.

    Xafiiska dacwad oogaha Marseille ayaa bilaabay baaritaan la xiriira toogashada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska.

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in aan loo malaynayn in dhacdadan ay xiriir la leedahay dibadbaxyada dugsiyada, iyadoo soo xiganaysa ilo-wareedyo xog-ogaal u ah baaritaanka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Qaboojiyeyaasha dukaamada waaweyn ee Faransiiska ayaa weerar internetka ah lagu qaaday

    Weerar internetka ah

    Weerar dhanka internetka ah oo weyn oo ka dhacay Faransiiska ayaa sababay in qaboojiyeyaasha dukaamo waaweyn oo dalka ku yaal ay istaagaan, taasoo keentay in la burburiyo cuntooyin keydsanaa iyo kuwa ku jiray qaboojiyeyaasha.

    Sida la soo sheegay, kooxda soo qaaday weerarka Internetka waxay ku guuleysteen in ay meel fog ka hagaan qaboojiyeyaasha, iyagoo bartilmaameedsaday nidaamyada xakamaynta ee shirkadda maamusha barnaamijka kombiyuutarka ee hawshaas loo adeegsado.

    Ilaa 200 oo dukaan ayey dhibaato soo gaartay. Agaasimaha guud ee shirkadda Cooperative ayaa weerarka ku tilmaamay mid “aad u culus, oo aan horay loo arag, isla markaana aan la aqbali karin.”

    Xafiiska Xeer-ilaalinta Paris ayaa sheegay in uu bilaabay baaritaan. Gobolka Alsace, laba dukaan oo waaweyn oo kaliya ayaa sheegay in khasaaruhu ka badan yahay 300,000 oo doolar, iyadoo laga digay in khasaaraha guud ee dalka oo dhan uu gaari karo malaayiin doolar.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  18. Saraakiisha hay'adda socdaalka Maraykanka oo baaray guriga Ilhan Cumar

  19. Garoonka diyaaradaha Riyadh ayaa hakiyay duulimaadyada

    Sacuudiga iyo Yemen

    Guud ahaan duulimaadyada dalka Sacuudiga ayaa si weyn loo carqaladeeyay iyadoo Xuutiyiintu ay sii wadaan weerarada gantaalada ay ku ridayaan dalkaas.

    Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh ayaa maalintii labaad hakiyay ku dhowaad dhammaan duulimaadyada, kaddib markii lagu soo qaaday saddex weerar oo dhimasho sababay maalmihii la soo dhaafay.

    Afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka dagaallamaya Yemen ayaa sheegay in ay dabagalayaan khatarta ka imaneysa gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

    Mar sii horeysay, wuxuu sheegay in gantaal nooca ballistic-ga ah oo lala beegsaday magaalada Khamis Mushayt ee koonfur-galbeed la qabtay, lana burburiyay.

    Dhowr ka mid ah madaxda sare ee shirkadaha caalamiga ah ee tamarta ayaa laga saaray jadwalka shir weyn oo arrimaha tamarta ah ee ka dhacaya Riyadh.

    Dhanka kale, wararka ka imaanaya Yemen ayaa sheegaya in uu sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Taciz, kaas oo go’doon geliyay ciidamada Xuutiyiinta. Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay xaaladda dadka magaalada ku nool. Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) wuxuu ka digay masiibo bani'aadannimo.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  20. Xadgudub galmo oo loo geystay dad naafo ah, oo gilgilay Koonfurta Kuuriya