Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah oo ay carruur ku jiraan ayaa ku dhintay doon ku degtay xeebaha Jabuuti

    Shaqaalaha IOM oo qaabilaya muhaajiriin meel u dhow Guhere, oo waqooyi ka xigta magaalada dekedda leh ee Obock.
    Qoraalka sawirka, Shaqaalaha IOM oo qaabilaya muhaajiriin meel u dhow Guhere, oo waqooyi ka xigta magaalada dekedda leh ee Obock.

    Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan 15 carruur ah, ayaa ku dhintay kaddib markii doon ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Jabuuti, halka tobannaan qof oo kale weli la la’yahay, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka.

    Doonta ayaa ka soo ambabaxday Jabuuti, iyadoo ku sii jeedday Yemen, waxaana saarnaa 305 qof markii ay rogmatay habeenimadii Khamiista, meel u dhow magaalada dekedda leh ee Obock.

    Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegtay in ku dhowaad 82 qof la soo badbaadiyay.

    Alexandre Coissac, oo ah madaxa xafiiska IOM ee Jabuuti, ayaa musiibadan ku tilmaamay “xusuusin cad” oo muujinaysa khatarta ay muhaajiriintu wajahayaan marka ay raadinayaan nolol cusub meel kale.

    Hay’addu waxay sheegtay in sannad kasta tobannaan kun oo muhaajiriin ah oo ka soo jeeda Geeska Afrika ay galaan safarkan khatarta badan, iyagoo rajaynaya inay gaaraan dalalka Khaliijka si ay uga helaan ammaan iyo shaqo.

    IOM ayaa Axaddii tirada dadka dhintay ka kordhisay 109 qof ilaa 139, kaddib markii la helay meydadka 30 qof oo kale.

    “Waa khasaare nafeed oo aad u murugo badan,” ayuu yiri Coissac.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Digniin ka timid IRGC: Maraakiibta maraya Marinka Hormuz waxaa loo arki doonaa kuwo cadow ah haddii ay damiyaan nidaamyada lagu ogaado dhaqdhaqaaqa

    Taliyaha ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan, Alireza Ozamai, ayaa ka digay in dhammaan maraakiibta damiya qalabkooda hagista iyo kuwa lagu ogaado maraakiibta kale ee maraya marin-biyoodka Hormuz loo aqoonsan doono kuwo “cadow ah”, isla markaana tallaabo adag oo go'aan leh laga qaadi doono.

    Dhanka kale, ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Kazem Gharibabadi, ayaa marin-biyoodka Hormuz ku tilmaamay “khad cas oo la xiriira amniga qaranka iyo aalad ay Iiraan isku difaacdo”.

    Wuxuu sheegay in xayiraadaha lagu soo rogay marinkan ay jawaab u yihiin weerarrada milatari ee Mareykanka iyo Israa'iil.

    Wuxuu intaas ku daray in ka hor inta uusan dagaalku bilaaban aysan wax dhibaato ahi ka jirin isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz, isagoo dalalka kale ugu baaqay inay baaraan sababaha keenay in Iiraan, sida uu sheegay, ay xayiraado ku soo rogto marinkan.

    Hossein Mohebi, oo ah afhayeenka xiriirka dadweynaha ee Ilaalada Kacaanka, ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalladii dhowaan dhacay, isagoo sheegay in ciidamadu ay sugayaan dagaalka kama dambaysta ah.

    Afhayeenku wuxuu farta ku fiiqay hawlgalkii fashilmay ee Bay of Pigs ee Cuba, kaas oo dhacay bishii APril 1961. Hawlgalkaas waxaa fuliyay xoogag mucaarad ahaa oo reer Cuba ah, kuwaas oo taageero ka helayay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, iyagoo isku dayay inay xukunka ka tuuraan Fidel Castro.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. Maxay tahay sababta uu Xiriirka Kubadda Cagta ee Boortaqiiska talaabo anshax marin ah uga qaaday Ronaldo

  4. Qiimaha shidaalka oo hoos u dhacay kaddib markii la shaaciyay heshiis suuragal ah oo Ruushka iyo Ukraine ay ku joojinayaan weerarrada xarumaha tamarta

    Qiimaha shidaalka ayaa Isniintii hoos u dhacay, iyadoo la filayo in sahayda Shidaalka iyo waxyaabaha laga sameeyo ee Ruushku suuqyada u dhoofiyo ay kororto, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shaaciyay in Ruushka iyo Ukraine ay ku heshiiyeen inay joojiyaan weerarrada ay isku hayaan xarumaha tamarta.

    Qiimaha Shidaalka cayriin ee Brent ayaa hoos u dhacay 1.54 doollar, oo u dhiganta 1.47%, isagoo gaaray 103.18 doollar halkii foosto.

    Sidoo kale, shidaalka cayriin ee West Texas Intermediate (WTI) ee Mareykanka ayaa hoos u dhacay 1.54 doollar, oo u dhiganta 1.68%, iyadoo gaartay 90.31 doollar halkii foosto.

    Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay in Ruushku uu si degdeg ah suuqyada Mareykanka iyo kuwa caalamka u gaarsiin doono in ka badan 300,000 oo tan oo naafto ah, taas oo u dhiganta 2.25 milyan oo foosto.

    Sida uu sheegay Trump, Ruushku wuxuu bisha Nofeembar soo diri doonaa 500,000 oo tan oo kale, kaddibna hal milyan oo tan oo dheeraad ah.

    Trump ayaa sidoo kale Axaddii si lama filaan ah u shaaciyay in Ruushka iyo Ukraine ay ku heshiiyeen inay joojiyaan weerarrada ay ku qaadaan xarumaha tamarta ee dhinaca kale.

    Hase yeeshee, madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inuu weli sugayo faahfaahinta heshiiska, halka Ruushku uusan weli ka hadlin arrintan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. Tirada dhimashada ee ka dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Riyadh oo koradhay

    Hay’adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga ayaa sheegtay in muwaadin u dhashay Pakistan oo ku noolaa Sacuudiga uu ku dhintay, halka 11 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerar Axaddii lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Boqor Khaalid ee magaalada Riyadh.

    Marka lagu daro 13-kii qof ee lagu dilay weerarkii Sabtidii lagu qaaday garoonka, tirada guud ee dadka ku dhintay labada weerar ayaa gaartay 14 qof. In ka badan 300 oo qof ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarkii Sabtidii.

    Hay’addu waxay intaas ku dartay in weerarkii Axaddii uu sidoo kale sababay burbur hantiyeed oo ka dhacay garoonka, iyadoo weli la qiimeynayo khasaaraha ka dhashay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Xatooyadii ugu 'wayneed' Talyaaniga: rag la fakaday khamri qiimihiisu ka badan yahay $5.8 milyan oo doolar

  7. Taliye ku xigeenka ciidanka Iiraan: Haddii loo baahdo, weli waxaan beegsan doonnaa maraakiibta “cadowga”

    Habibollah Sayyari, oo ah ku xigeenka isku dubariska ciidanka milatariga Iiraan, ayaa sheegay: “Ma nihin kuwo la xannibay, waxaanan haysannaa agab iyo awood ciidan oo dunida laga yaqaan.”

    Sayyari ayaa intaas ku daray: “Waxaan si adag isu difaacnay, waana sii wadi doonnaa difaaceenna. Haddii loo baahdo, waxaan sii wadi doonnaa weerarrada ka dhanka ah maraakiibta cadowga.”

    Isaga oo aan xusin dhacdo gaar ah, ayuu ku andacooday: “Waxaan weerarnay maraakiibta cadowga, mar kalena waan weerari doonnaa haddii tallaabo ka dhan ah Iiraan la qaado.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. Dowladda Soomaaliya oo BBC-da u sheegtay mowqifkeeda ku aadan xiisadda ka dhex taagan dalalka Itoobiya iyo Eritrea

  9. Kuwait oo hakisay duulimaadyo ku wajahnaa Riyaad oo maanta bixi lahaa

    Shirkadda Kuwait Airways ayaa ku dhawaaqday inay joojisay laba ka mid ah duulimaadyadeeda Axadda ee ku wajahnaa Riyaad iyo kuwa ka imaanayayba.

    Kuwait ayaa sheegtay in go'aankan loo qaatay "hakin ku-meel-gaarka ah ee hawlaha Garoonka Caalamiga ah ee King Khalid ee Riyaad, taas oo ay sameeyeen mas'uuliyiinta Sacuudi Carabiya."

    Horay, shirkadaha Kuwait Island Airlines iyo Akasa Air ee dalka Hindiya ayaa ku dhawaaqay inay kordhiyeen hakinta dhammaan duulimaadyadooda ku socda Sacuudi Carabiya ilaa 13-ka Oktoobar.

  10. Ciraaq oo ka hadashay weerarkii saaka lagu qaaday garoonka Riyaad

    .

    Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa soo saaray bayaan uu ku cambaareynayo weerarkii lagu qaaday Garoonka Caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyaad.

    Weerarkaasi wuxuu horseeday "in aan loo aaba yeelin amniga iyo xasilloonida gobolka", sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay afhayeenka ciidamada qalabka sida.

    Bayaanka ayaa lagu xusay in Ciraaq ay "diiddan tahay kasii badbadinta tallaabooyinka milateri iyo falalka gardarrada ah", maadaama ay arrimahaasi "sii xoojinayaan khilaafaadka, isla markaana ay saameyn xun ku yeelanayaan nabadda".

    "Ciraaq waxay mar walba taageeraysay wadahadalka iyo is-fahamka oo ah beddelka tallaabooyinka milateri ama kuwa rabshadaha wata," ayaa lagu yiri bayaanka.

  11. Midowga Yurub oo ka falceliyay weerarkii saaka Xuutiyiinta ku beegsadeen garoonka Riyaad

    .

    Madaxa Guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in weerarku uu yahay "kor u qaadis khatar ah oo xaaladda lagu sii xumeynayo".

    Qoraal ay soo dhigtay barta X ayay ku tiri: "Waxaan garab taagannahay Sacuudi Carabiya iyo dadkeeda."

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK Ed Miliband ayaa sheegay inuu "aad uga naxay" weerarka, isagoo raaciyay "waxaan garab taagannahay dadka ay waxyeelladu soo gaartay"

    Wuxuu kula taliyay muwaadiniinta Britain inay ka fogaadaan garoonka diyaaradaha, isla markaana ay raacaan talooyinka safarka ee dowladda iyo kuwa mas'uuliyiinta Sacuudiga.

  12. War deg deg ah, Kooxda Xuutiyiinta oo ka digtay in la isticmaalo garoomada diyaaradaha Sacuudiga

    Ka dib weerar dhimasho badan dhaliyay oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Riyaad oo ay ku dhinteen 12 qof, Xuutiyiinta Yemen ayaa ka digay isticmaalka garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga.

    War-saxaafadeed ay soo saareen Xuutiyiinta ayaa uga digay xafiisyada iyo shirkadaha diyaaradaha, iyo sidoo kale dadka safarka ah, inaysan isticmaalin garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga.

    In kasta oo bayaanka Xuutiyiinta uusan si toos ah u xusin weerarkii Sabtidii, Oktoobar 10, haddana kooxdu waxay horey u sheegatay mas'uuliyadda weerarro kala duwan oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Riyaad Khamiistii, Oktoobar 7.

    Sida laga soo xigtay Hay'adda Duulista Rayidka ee Sacuudiga, laba muwaadin oo Sacuudiyaan ah, mid Mareykan ah, laba Bangladesh ah, mid Masri ah, mid Jordanian ah iyo mid Falastiini ah ayaa lagu dilay weerarkii xalay. Weerarku wuxuu sababay in ka badan 300 oo dhaawac ah.

  13. Muxuu Maraykanku qarni kaddib dib ugu laabanayaa fulinta dilka toogashada ah ee fagaaraha ka dhacaya?

  14. War ka soo kordhay Sacuudiga kaddib weerarkii garoonka Riyad

    Hay’adaha duulista rayidka ee Sacuudiga ayaa soo saaray ogeysiis duulimaad oo rasmi ah, oo loo yaqaan NOTAM, kaas oo lagu kordhiyay muddada xirnaanshaha Garoonka diyaaradaha aalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyadh, caasimadda dalka.

    NOTAM waa ogeysiis rasmi ah oo duuliyeyaasha iyo shaqaalaha diyaaradaha siiya macluumaad degdeg ah oo muhiim u ah badbaadada duulimaadyada. Ogeysiiska noocan ah wuxuu ka digayaa khataraha ka iman kara waddada ay diyaaraddu marayso ama goob kasta oo saameyn ku yeelan karta badbaadada duulimaadka.

    Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Sacuudiga weli ma aysan soo saarin bayaan rasmi ah oo ku saabsan kordhinta muddada xirnaanshaha Garoonka Diyaaradaha Riyadh.

    Hore ayaa garoonka loo xiray kadib weerarro ay Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee Riyadh, kuwaas oo ay ku dhinteen 12 qof, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

  15. Geerida mataanaha saacadaha kooban kala dambeyay ee gilgishay quluubta dad badan

    mataanaha
    Qoraalka sawirka, Mataano

    Sheekadan ayaa soo jiidatay dareenka dadweynaha, ma aha oo keliya geerida mataanaha oo ku geeriyooday laba maalmood gudahood, balse sidoo kale xiriirka dhow ee ka dhexeeyay iyo in waalidkood ay ka shaqeeyaan waaxda caafimaadka Nigeria, ayaa sheekada ka dhigtay mid Dareen gaar ah leh.

    Dr. Hadiyah Usman iyo Dr. Aidah Usman, oo labaduba 28 jir ahaa, waxay tan iyo carruurnimadoodii la noolayeen cudurka sickle cell.

    Marka laga soo tago murugada ka dhalatay geerida labada gabdhood ee muddada laba maalmood gudahood ah, dhacdadani waxay sidoo kale iftiiminaysaa saameynta uu cudurka sickle cell weli ku leeyahay Nigeria, oo ka mid ah dalalka adduunka ee ay ugu badan yihiin dadka qaba cudurkan.

    Baraha bulshada, dad badan, gaar ahaan dhallinyarada, ayaa muujiyay murugadooda iyo sida ay uga naxeen geerida mataanaha iyo qoysaskooda, gaar ahaan maadaama ay ku geeriyoodeen 48 saacadood gudahood, iyagoo labaduba ahaa dhakhaatiir da'yar.

  16. Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo cambaareeyay weerarkii Sacuudiga

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee King Khalid ee magaalada Riyadh.

    Qoraal uu ku baahiyay barta X, ayuu ku sheegay inuu “aad uga naxay” weerarka, kaasoo sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sacuudigu ay ku dhinteen 12 qof, boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

    “Weerarrada lagu qaado dadka rayidka ah iyo kaabayaasha ay adeegsadaan waa xadgudubyo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Guterres, isaga oo intaas ku daray in weerarradaasi ay tahay in si degdeg ah loo joojiyo.

    Kani waa weerarkii saddexaad ee Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto ku qaadaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Sacuudiga, iyadoo kooxdaasi ay tan iyo xagaagii sii kordhisay weerarrada ay dalkaas ku hayso.

    Isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sidoo kale sheegay inuu ka jawaabi doono weerarka.

  17. Sida loo ilaaliyo Makka Al Mukarram iyo magaalooyinka kale ee barakaysan

    Masjidka Xaramka
    Qoraalka sawirka, Masjidka Xaramka

    Isbaheysiga ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee taageera dowladda Yemen ayaa sheegay in ciidamada difaaca cirka ee Sacuudiga ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn (drone) oo ay soo direen Xuutiyiinta, ka hor inta aysan soo gelin hawada sare ee magaalada barakeysan ee Maka.

    Inkastoo Xuutiyiinta Yemen ay beeniyeen sheegashooyinkaas, haddana tan iyo markii la baahiyay wararkaas, waxaa jiray dood xooggan oo ku saabsan awoodda iyo waxtarka nidaamyada difaaca cirka ee Sacuudiga, iyo sidoo kale nidaamka difaaca cirka ee ay Riyadh u isticmaasho ilaalinta Maka iyo magaalooyinka kale si looga hortago khatarta weerarrada.

    Sacuudi Carabiya ma aysan shaacin nidaamka difaaca ee loo adeegsaday soo rididda diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee la sheegay inay soo direen Xuutiyiintu, balse Wasaaradda Difaaca dalkaas ayaa bishii Maajo 2026-kii soo bandhigtay muuqaal muujinaya dhowr qalab oo gantaallada laga rido, nidaamka radar-ka, iyo qoryo waaweyn oo lid ku ah diyaaradaha.

    Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegtay in ciidanka difaaca cirka, ee isticmaala hubkaas, ay xil iska saarayaan "ilaalinta goobaha barakeysan iyo ka hortagga khatarta weerarrada cirka ee lagu qaadi karo goobahaas."

    Laanta afka Urduuga ee BBC ayaa wareysatay Hamad Walid, oo ah khabiir ku takhasusay cilmi baarista arrimaha milatariga iyo hubka, si ay u ogaato noocyada hubka uu Sacuudigu u isticmaalo ilaalinta hawadiisa, gaar ahaan ilaalinta goobaha barakeysan ee Islaamka.

  18. Maraykanka oo war cusub ka sheegay weerarkii Sacuudiga

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio,
    Qoraalka sawirka, Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio,

    Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa cambaareeyay weerarka Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka diyaaradaha Riyadh, wuxuuna shaaciyay in muwaadin Maraykan ah uu ku dhintay weerarka.

    “Maraykanku wuxuu si adag u cambaaraynayaa weerarradii argagixiso ee dhowaan ururka Xuutiyiintu ku qaadeen Boqortooyada Sacuudi Carabiya, oo uu ku jiro weerarkii lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee King Khalid ee Riyadh, kaasoo galaaftay nolosha dad badan oo aan waxba galabsan, oo uu ku jiro muwaadin Maraykan ah,” ayu uku yiri Rubio qoraal uu soo dhigay bartiisa X.

    Wuxuu intaas ku daray in weerarradan ceebta leh ay “muujinayaan tixgelin la’aan cad oo ku aaddan nolosha dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Waa in weerarradani hadda la joojiyaa.”

    Rubio wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanku garab taagan yahay Sacuudi Carabiya iyo shacabkeeda.

  19. Trump: Iran waa dal waalan; si dhaqsi ayaan u dhameyneynaa arrintooda

  20. Trump oo wax aan “la aqbali karin” ku tilmaamay weerarkii Sacuudiga

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarkii Sabtidii lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyadh, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof, ku tilmaamay “mid aan la aqbali karin”.

    Waxa uu wariyeyaasha u sheegay in uu la hadli doono dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, kaddib weerarka.

    Trump ayaa intaa ku daray: “Waxa ka dhacay Sacuudiga waa wax aan la aqbali karin.”

    Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa weerarka ku eedeeyay Xuutiyiinta Yemen.