Baghaei: Hadii Hormuz uu furan yahay, maxay Maraykanku ula xiriireen Ruushka?

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa ku jeesjeesay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo yiri, "Haddii marinka Hormuz uu furan yahay, maxaa keenay in Mareykanku naafto u doonto Ruushka?
Baghaei ayaa ula jeeday hadalkiisa heshiiska uu Ruushku naafta uga iibinayo Mareykanka kaas oo dhawaan uu ku dhawaaqay madaxewyne Donald Trump.
Baghaei, oo la hadlayay weriyeyaasha intii lagu guda jiray shirkiisa jaraa’id ayaa sheegay in sheegashada Mareykanka iyo xaqiiqda jirta ay kala duwan yihiin. Wuxuu intaas ku daray, way sheegan karaan in marinkani uu waayay muhiimaddiisii ama in Iran ay weyday awooddii ay ku saameyn jirtay xaaladda, balse annagu waxaan sameyn doonnaa wixii noo gaar ah."
“Sheegashooyinkaas ma quseeyaan suuqyada, xaqiiqda ah in Mareykanku uu u weecday dalal kale si ay shidaal u helaan ayaa wax kasta sheegeysa” ayuu yiri Baghaei
Sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, "Inta ay Maraykanku sii wadaan xayiraadda dhanka badda iyo tan dhaqaalaha ee ay saareen Iran, amni kuma soo laaban doono marinka Hormuz."
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:










