Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan oo u digay Maraykanka eedeynna u jeediyay Israa’iil
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ghalibaf
Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Baqer Ghalibaf, ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay isku dayayso inuu Maraykanka ku lug yeesho dagaal daba-dheeraada oo uu la galo Iiraan.
Waxa uu sheegay in arrintani ay dhibaatooyin u horseedi karto dowladda Maraykanka ee mustaqbalka.
Qoraal uu ku baahiyay barta X, ayuu Ghalibaf ku yiri: “Haddii Washington aysan ka tanaasulin siyaasaddeeda ah ‘Israa’iil ayaa horreysa’, Maraykanka iyo xulafadiisu waxay ku wajahan yihiin xilli madoow.”
Hadalkan Ghalibaf ayaa imaanaya xilli uu weli socdo iska horimaadka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, isla markaana ay jiraan xiisado kala dhexeeya Israa’iil.
Qoraalka sawirka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda kula talisay inaysan u safrin lix dal oo ku yaalla Bariga Dhexe
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda kula talisay inaysan u safrin lix dal oo ku yaalla Bariga Dhexe, kuwaas oo kala ah Iran, Ciraaq, Lubnaan, Liibiya, Suuriya iyo Yemen, sababo la xiriira walaacyada amniga iyo xaddidaadaha la xiriira adeegyada qunsuliyadeed.
Qoraal ay wasaaraddu ku baahisay baraha bulshada, ayay ku sheegtay in dhammaan lixdan dal ay ka jiraan khataro amni oo aad u sarreya marka la eego safarrada, iyadoo lagu daray heerka afraad.
Marka loo eego qiimeynta dowladda Mareykanka, muwaadiniinta waxaa lagula talinayaa inaysan xaalad kasta aysan u safrin dalalka lagu daray heerka afraad.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Goobahani waa kuwo khatar ah. Ha u safrin halkaas xaalad kasta ama sabab kasta ha ahaatee.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale Afghanistan, Ruushka, Ukraine, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ku dartay liiska 23 dal ee ay hadda saaran tahay digniinta safar ee ugu sarreysa.
War deg deg ah, Degdeg: Ku dhowaad 10 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Mandheera
Xigashada Sawirka, Ibrahim Happy
Qoraalka sawirka, Dad ku sugan isbitaalka Mandheera
Wararka naga soo gaaraya magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari
Kenya, ayaa sheegaya in maanta halkaas lagu dilay ku dhowaad 10 qof, kadib
markii ay soo weerareen dabley hubeysan.
Dadkan ayaa isugu jira injineero iyo askar ilaalineysay waddo laami ah oo laga dhisayo inta u dhaxeysa magaalada Mandheera iyo degmada Carabiya, gaar ahaan deegaan la yiraahdo Ceelgarsu.
Weerarkan ayaa dhacay abaare 8:30 barqanimo ee maanta.
BBC-du waxay xaqiijisay sided qof oo meyd ah oo haatan la
geeyay goobta meydadka lagu keydiyo ee isbitaalka weyn ee magaalada Mandheera.
Weriye madax banana oo ku sugan isbitaalka oo aan la xiriirnay
ayaa inoo xaqiijiyay in labo kamid ah dadka la dilay ay yihiin askar, shank
amid ah ay yihiin injineerada waday dhisidda wadada laamiga ah iyo darawalkii
waday.
Saddex kamid ah ayaa ah Soomaali.
Waxaa dadkan la dilay xili ay saarnaayeen gaari ayna ku sii
jeedeen goobta shaqo.
Ilaa hadda lama oga cidda soo weerartay askarta iyo
injineerada la dilay, mana jirto cid sheegatay weerarkaas.
Wadadan ayaa la sheegay in dhismaheedu socday lixdii bilood
ee la soo dhaafay.
Wixii faahfaahin oo ka soo baxa warkan, halkan ayaan
idinkula socdosiin doonaa.
Tirada dadka ku dhintay qarax ka dhacay Turkiga oo korortay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Warshadda birta
Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay, halka 12 kalena ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay warshad soo saarta noocyada kala duwan ee biraha, oo ku taalla meel u dhow magaalada dekedda leh ee Izmir, galbeedka dalka Turkiga.
Dhammaan dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxay ahaayeen shaqaale ka tirsanaa warshadda Habas Demir Celik ee Aliaga, taas oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee soo saara birta dalkaas, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu.
Muuqaallo laga soo duubay goobta ayaa muujinayay dab weyn oo ka kacay gudaha warshadda iyo qiiq aad u badan oo cirka isku shareeray.
Guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in qaraxu uu dhacay xilliga duhurkii, kaddib markii wiish siday kuleyliye cusub uu dumay, taasoo sababtay in agabkii uu siday uu ku dhaco foorno ku taallay qaybta hoose.
Shilalka ka dhaca goobaha shaqada ayaa weli ah dhibaato muddo dheer ka taagnayd dalka Turkiga, sida ay sheegtay hay'adda madaxa bannaan ee Turkish Health and Safety Labor Watch, oo u doodda badbaadada iyo xuquuqda shaqaalaha.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa markii hore sheegay in tirada dadka dhintay ay ahayd 16, balse Wasiirka Caafimaadka, Kemal Memişoğlu, ayaa markii dambe ku dhawaaqay in mid ka mid ah dadkii dhaawacyadoodu halista ahaayeen uu geeriyooday, taasoo tirada dhimashada ka dhigtay 17 qof.
Dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in qaraxu uu dhulka ruxay, iyadoo qof ka mid ah uu markii hore u malaynayay in dhulgariir dhacay.
Bayaan ay soo saartay shirkadda maamusha warshadda ayaa lagu sheegay in shilku uu dhacay xilli dayactir qorshaysan lagu samaynayay mid ka mid ah foornooyinka korontada ku shaqeeya ee warshadda.
Guddoomiyaha gobolka Izmir, Süleyman Elban, ayaa warbaahinta u sheegay in la rumaysan yahay in dad qaar ay weli ku hoos jiraan burburka dhismaha.
Trump oo ku dhawaaqay in dagaalka Iran uu milatari ahaan dhammaaday, kaddib kulan uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Qatar
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Trump
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Iran uu “dhinaca milatariga ka dhammaaday”, isaga oo tilmaamay in horumar laga sameeyay dadaallada lagu soo afjarayo colaadda ka taagan Bariga Dhexe.
“Waxaan sii ilaalin doonnaa xaaladda sida ay hadda tahay, waxaana sidaas u sameynaynaa codsi ka yimid dalalka deriska la ah Iran,” ayuu yiri Trump.
Isaga oo warbaahinta kula hadlayay Aqalka Cad, ayuu Trump sheegay in suurtagalnimada uu Mareykanku dib ugu bilaabi karo weerarrada Iran ay tahay “mid aad u yar”.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ka digay in Mareykanku diyaar u yahay inuu qaado tallaabo milatari haddii xaaladdu is beddesho.
Mas’uuliyiinta Iran ayaa marar badan shaki geliyay hadallada madaxweynaha Mareykanka ee ku saabsan suurtagalnimada in la soo afjaro colaadda.
Markii la weydiiyay sababta uusan si rasmi ah ugu dhawaaqin dhammaadka dagaalka, Trump wuxuu sheegay in qaar ka mid ah xulafada Mareykanka ee ku sugan gobolka Gacanka Faaris ay weli wajihi karaan weerarro kaga yimaada Iran.
“Waxaan halkaas ku leenahay xulafo aad u wanaagsan, waana inaan hubinno ammaankooda,” ayuu yiri Trump.
Trump ayaa shalay Aqalka Cad kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani, halkaas oo ay kaga wada hadleen sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Iran.
Farriin uu ku baahiyay barta X, ayuu ra’iisul wasaaraha Qatar ku sheegay inuu wadahadallo miro-dhal ah la yeeshay Trump iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance, kuwaas oo ku saabsanaa sidii heshiis loo gaari lahaa, loona soo celin lahaa nabadda gobolka.
Sacuudi Carabiya, Qatar iyo Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa ka mid ah xulafada Mareykanka ee gobolka Gacanka kuwaas oo la kulmay weerarro kaga yimid Iran intii uu dagaalku socday. Sidoo kale, khatarta weerarrada ayaa saameyn weyn ku yeelatay isu-socodka duulimaadyada ee gobolka.
Trump ayaa tan iyo markii xisbigiisa Jamhuuriga uu guuldarro kala kulmay doorashooyinkii bartamaha muddada ee Mareykanka, ee dhacay 3-dii November, muujinayay inuu doonayo inuu yareeyo xiisadda kala dhexeysa Iran.
Muxuu Sanbaloolshe ka doonay Beledweyne? Maxaase ka jira in Itoobiya ay taageereyso?
Xigashada Sawirka, Sanbaloolshe
Qoraalka sawirka, Cabdullaahi Sanbaloolshe
Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Sanbaloolshe isla markaaa horey u soo noqday taliyaha Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NIS, ayaa sheegay in sababta uu tagay magaalada Beledweyne ay tahay in uu ku dareen noqdo dadka uu ka soo jeedo ee gobolka Hiiraan.
Wuxuu si adag uga horyimid hadalkii madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu shalay ka sheegay magaalada Jowhar ee ahaa in reer Hiiraan la siiyay caasimadda, isagoo ku tilmaamay arrinkaas jeesjees iyo wax aan madaxweynaha shaqadiisa ahayn.
Xildhibaan Sanbaloolshe ayaa sidoo kale sheegay in aanu aqoonsaneyn madaxda Hirshabeelle ee hadda la doortay, waxaana uu hoosta ka xariiqay in xuquuda dadkiisa ka maqan ay ku raadsanayaan wadahadal iyo hannaan nabad ku saleysan.
Sidoo kale BBC-da ayaa waydiisay su'aalo badan oo ku saabsan waxa ka jira in dowlado shisheeye ay taageerayaan isla markaana uu dagaal gobolka ka abaabulayo.
Shiinaha ayaa beeniyay in ay basaaseen madaxa shirkadda Nvidia
Xigashada Sawirka, AFP
Shiinaha ayaa iska
fogeeyay waxa uu ku tilmaamay eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn oo sheegaya
in uu basaasay aasaasaha iyo madaxa shirkadda tiknoolajiyadda Maraykanka ee
Nvidia.
Jensen Huang ayaa
lagu eedeeyay in uu xiriir jacayl la lahaa haweeney looga shakisan yahay in ay
u basaasaysay dowladda Beijing. Shirkadda Nvidia, oo sameysa qalabka
elektaroonikada ee loo yaqaan Chips-ka ee loo isticmaalo garaadka macmalka ah
(AI), ayaa sheegtay in ay bilowday baaritaan ku saabsan eedeymahan.
Shirkaddu waxay intaas ku dartay in aysan jirin sabab ay ku
rumaysato in sirteeda ganacsi la helay ama la jabsaday. Shirakddu waxay
sheegtay in ay aaminsan tahay in dowladda Mareykanka ay la socodsiin laheyd
hadii ay taasi dhacdo maadama ay kormeer sirdoon ku haysay haweeneydaas.
Saamiyada shirakdda Nvidia ayaa hoos u dhacay kaddib markii
ay soo baxeen arrimaha la xiriira haweeneydan basaasnimada lagu eedeeyay.
Muuqaal ay leedahay wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu
arkay Jensen Huang iyo Alice Huang oo ah haweeneyda looga shakiyay basaasnimada
oo jooga maqaayad ku taal Taipei sanadkii hore.
Imaaraatka ayaa si kumeel gaar ah u xiray mid ka mid ah xeebaha dalka
Xigashada Sawirka, Reuters
Xeeb ku taal Imaaraatka ayaa la xiray kaddib markii ay
halkaas soo gaartay saliid ku daatay badda.
Dowladda hoose ee
Khor Fakkan oo ah halka ay ku taal dekadda Imaaratka ee Shaariqa ayaa ku
dhawaaqday xiritaanka Xeebta Luluweh in ay tahay mid ku meel gaar ah.
Wakaaladda
wararka ee AFP oo soo xigatay cilmi-baare deegaanka ah oo ka tirsan Machadka
PAX ee Holland ayaa sheegaya in sawirro dayax-gacmeedka laga qaaday Axaddii ay
muujinayaan in saliid cayriin ay ku daadatay biyaha xeebta bari ee Imaaraatka
Carabta.
Dagaalka Iran iyo Mareykan ayaa weli socda, waxaana si
joogto ah loo weerara maraakiibta shidaalka ee mara markinka Hormuz.
13 muhaajiriin ah ayaa geeriyooday kaddib markii ay ku degtay Giriigga doontii ay la socdeen
Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidamada ilaalada xeebaha Giriigga ayaa sheegay in 13 qof
ay dhinteen kaddib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay ku degtay meel ka
baxsan xeebaha jasiiradda Crete.
Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 18 qof,
kuwaas oo dhammaantood u dhashay dalka Suudaan.
Dadkaasi waxaa la soo badbaadiyay xilli ay jireen mugdi iyo
xaalado cimilo oo duufaan watay. Dad kale ayaa sidoo kale laga soo badbaadiyay
laba doon oo kale oo lagu arkay meel u dhoweyd.
Sarkaal ka tirsan ilaalada xeebaha oo shuruud ka dhigay in
aan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in dadka
badbaaday “ay qabow la jareynayeen”
Mas’uuliyiintu waxay shegeen in aan la cadeyn karin waxa
keenay geerida balse waxay sheegeen in ay aaminsan yihiin in doonta ay badda ku
jirtay maalmo, ayna ku adkeyd in ay timaado xeebta dabeylo xooggan oo jiray aawgeed.
Jasiiradda Crete ayaa noqotay meel muhiim ah oo ay ka soo
galaan Midowga Yurub muhaajiriinta naftooda soo geliyay safarada khatarta ah.
Ciidamada ilaalada xeebaha Giriigga ayaa ka soo badbaaday
187 qof saddex meel oo kala duwan maanta.
Muhaajiriin ka badan 37,000 ayaa soo gaaray Giriigga sanadkan
sida ay xustay xogta Qaramada Midoobay. Tiradan ayaa ka badan tii sanadkii hore
ee 2025-kii.
Kenya ayaa martigelisay 40,000 oo ka soo qaxay dagaalka Itoobiya
Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda Kenya
ayaa xaqiijisay in qiyaastii 40,000 oo Itoobiyaan ah ay soo galeen dalka, isla
markaana hadda lagu hayo magaalada Moyale ee ismaamulka Marsabit, kaddib markii
ay sii kordheen xiisadaha ka taagan qaar ka mid ah deegaannada Itoobiya.
Raysalwasaaraha Kenya, Musalia Mudavadi, oo ka hadlay
arrintan ayaa sheegay in xiisadda ka taagan Itoobiya ay ku qasabtay kumanyaal
in ay u soo qaxaan Kenya.
“Xiisad ayaa ka jirta dhanka Itoobiya. Dhibaatadaas ayaa
keentay in ku dhawaad 40,000 in ay qaxaan oo ay soo galaan Kenya” ayuu yiri.
Mudavadi ayaa
sheegay in uu la xiriiray dhiggiisa Itoobiya, uuna ka codsaday in uu soo
farageliyo si xaaladda loo dejiyo, taas oo u oggolaan doonta qoysaskii qaxay in
ay dib ugu laabtaan guryahooda.
"Waxaan u
sheegay in uu isku dayo in uu xaaladda dalkiisa dejiyo, si qaxootigu ugu
laabtaan guryahooda," ayuu yiri.
Wuxuu intaa ku daray in dowladda Itoobiya ay u xaqiijisay
Kenya in ay ka shaqeyneyso sidii xaaladda caadi loogu soo celin lahaa.
Dagaal billowday
bishii Oktoobar ee sanadkan kaas oo daba socday xiisado muddo dheer soo jirtay
oo u dhexeeyay maamulka gobolka Oromiya iyo maamulka gobolka Soomaalida kuwaas
oo ku saabsanaa xuduudaha dhulka iyo maamulka aagaggaas ayaa sababay in dadku
qaxaan.
Dagaalku wuxuu
barakiciyay kumanyaal qof, qoysas badan ayaa magan-gelyo ka helay dugsiyo,
kaniisado iyo xeryo ku-meel-gaar ah, halka qoysas kalena ay qaateen ehelkooda
ama xubno ka tirsan bulshada deegaanka.
Trump: Waxaa suuragal ah in aan arrimaha Iran kala hadlo Xi iyo Putin
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Madaxweynaha
Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu rajeynayo in uu la yeesho kulan saddex geesood ah madaxweynayaha
Ruushka Vladimir Putin iyo sidoo kale madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping,
kaas dhinac socda shir-madaxeedka
Iskaashiga Dhaqaalaha ee Aasiya iyo Baasifigga.
Madaxweyne Trump
ayaa u sheegay wariyayaasha in kulanka looga hadli doono arrimo badan oo ay ku
jiraan sidii lagu dhameyn lahaa dagaalka Iran iyo in laga joojiyo hubka
nukliyeerka.
Wargeyska The Wall
Street ayaa hore u sheegay in Vladimir Putin uu daneynayo in uu qabto kulan
saddex geesood ah oo dhexmara isag, Xi Jinping iyo Donald Trump kaas oo looga hadlayo nabadda
Ukraine.
Dhanka kale,
ergayga gaarka Shiinaha u qaabilsan Bariga Dhexe, Zhai Jun, ayaa u safray
Tehran halkaas uu wadahadallo kula yeelanayo Ali Bagheri oo ah ku-xigeenka xoghayaha golaha sare ee
Amniga Qaranka.
Sida uu sheegay
Esmail Baghai, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, booqashada
ergeyga Shiinaha ayaa ah mid sii wadaysa wadatashiyada dhow ee u dhexeeya
Tehran iyo Beijing, kuwaas oo ku saabsan arrimaha labada dal iyo amniga gobolka.
Madaxweyne Erdogan ayaa ka walaacsan in Trump uu weeraro cusub ku qaado Iran
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in
dalkiisa uusan dooneyn in uu arko mowjado hor leh oo dagaal oo lagu qaado Iran,
wuxuuna walaaca uu qabo kula wadaagay khadka taleefoonka wadahadal uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka
Donald Trump.
Sida ay qortay
wakaaladda wararka ee Reuters, Erdogan ayaa la hadlay wariyeyaasha isagoo diyaaradda
saaran kaddib markii uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Azerbaijan.
"Turkiga
wuxuu xoojinayaa fursad kasta oo dhibaatooyinka lagu xallin karo iyadoo loo
marayo diblomaasiyad iyo wadahadal”, ayuu yiri madaxweyne Erdogan
“Nasiib-darro,
waxaan markale arkeynaa in xaaladdu ay u socoto dhinaca xun”, ayuu yiri madaxweyne
Erdogan.
Madaxweynaha
Turkiga ayaa sheegay in ay sameynayaan wax kasta oo suuragal ah oo looga
hortagayo xaaladdan.
Mas’uul sare oo ka tirsan Imaaraatka ayaa ka dhigay xasilloonida-darrada gobolka oo sii dheeraata
Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
La taliyaha raysalwasaaraha Imaaraatka Carabta, Anwar Gargash, ayaa ka digay in gobolku
wajayo “xasillooni-darro iyo hubanti-la’aan muddo dheer qaadaneysa iyo xaalad
siyaasadeed iyo mid ammaan oo aan la hubin”. Wuxuu sheegay in bilowgiiba uu
Imaaraatka ka horjeeday weerarka Mareykanka ku qaaday Iran.
Mr. Gargash ayaa
sadaashiisa ku sheegay in heshiis siyaasadeed oo dhexmara Mareykanka iyo Iran
si loo dhameeyo dagaalka socday 8-da bilood uu yahay “mid aad u adag”.
“Waa in aan isu
diyaarinaa hubaanti la’aan muddo dheer ah, muddo aan la dammaanad qaadi karin
xal kama damabeys ah si loo dhiso nidaam xasilloon in uu ka hirgalo gobolka”,
ayuu yiri Mr. Garagash oo maanta ka hadlay shir ku saabsan siyaasadda iyo
juqaraafiga oo ka dhacay Abu Dhabi sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AFP.
Masu’uulkaas sare
oo ka tirsan Imaaraatka waxa uu sheegay cawaaqibka ka dhallankara dagaalka
Mareykanka iyo Iran “in uu muddo dheer qaadanayo”, taas oo ku qasbeysa
imaaraatka in ay maalgeliyaan “awoodooda difaac si ay uga hortagto weerar iyo
in ay xoojiso xiriirkeeda caalamiga ee la xiriira amniga”.
Anwar Gargash
ayaa sidoo kale sheegay in dagaalku uu muujiyay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga
difaaca iyo amniga ee Imaaraadka Carabta uu la leeyahay Mareykanka, wuxuuna uga
mahadceliyay Faransiiska, Israel, Giriigga, Masar, iyo Hindiya "taageerada
iyo wadajirka" ay la leeyihiin Imaaraadka Carabta iyagoo ka difaacaya
weerarrada Iran.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trum,p ayaa wareysi uu siiyay telefishinka CBS ku difaacay weerarrada milatari ee Mareykanku ku qaaday Iran, isagoo sheegay in faa’iidooyinka dagaalkaas la arki doono mustaqbalka.
Trump ayaa intaas ku daray in haddii Iran ay heli lahayd hubka nukliyeerka xilligii uu isaga xilka hayay, taariikhdu si xun u xukumi lahayd.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuusan doonayn in la ballaariyo colaadda milatari ee kala dhexeysa Iran.
Wareysiga ayaa sidoo kale Trump lagu weydiiyay kharashaadka ku baxa joogitaanka ciidamada Mareykanka ee gobolka.
Trump ayaa ku jawaabay in dalalka uu Mareykanku difaacay ay tahay inay si buuxda u bixiyaan dhammaan kharashaadka Mareykanka uga baxay dagaalka, isagoo ku dooday in dalkaasi uusa jiri lahayn haddii uusan Mareykanku caawin lahayn.
“Annaga la’aanteen, Israa’iil ma jiri lahayn. Waxaan rabaa inaan idiin sheego in haddii uusan Donald Trump jiri lahayn, Israa’iil aysan jiri lahayn, sababtoo ah in ka badan hal sano ka hor ayaan dirnay diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee B-2, kuwaas oo weeraray saddexdii gooboodba,” ayuu yiri.
Qayb kale oo wareysiga ka mid ah, Trump ayaa la weydiiyay inuu ka qoomameynayo taageeradii uu u fidiyay weerarrada Israa’iil ee lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Trump si toos ah ugama jawaabin inuu ka qoomameynayo go'aankaas iyo in kale, balse wuxuu yiri: “Haa, waxaa suurtagal ahayd in la beegsado oo keliya xarumaha nukliyeerka, laakiin waxaa jiray dad doonayay in tallaabo intaas ka sii fog la qaado.”
Trump ayaa ku andacooday inay burburiyeen hubka nukliyeerka ee Iran, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay wada-hadallo lagu gaarayo heshiis.
Tahriibayaal ku dhintay doon kula degtay xeebaha Senegal
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Kooxaha samatabixinta
Ugu yaraan 34 qof ayaa dhintay kadib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay ku degtay xeebaha dalka Senegal, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Senegal (APS), iyadoo soo xiganaysa ilo rasmi ah.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in hal qof la badbaadiyay, balse aan weli la xaqiijin tirada dadka kale ee la la’yahay.
Doonida yar ee alwaaxda ka sameysan ayaa ku rogmatay inta u dhexeysa caasimadda Dakar iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Saint-Louis, xilli ay ku sii jeedday Jasiiradaha Canary ee dalka Spain.
Kooxda Isbaanishka ah ee u doodda xuquuqda muhaajiriinta ee Walking Borders ayaa diiwaangelisay 635 qof oo ku dhintay waddada Badweynta Atlaantikada ee loo maro Jasiiradaha Canary, intii u dhexeysay Janaayo iyo May 2026. Tiradaasi ayaa ahayd tii ugu badnayd marka loo eego waddooyinka kale ee ay kooxdu la socoto.
Saliou Diouf, oo ah aasaasaha hay’adda Boza Fii ee Senegal, oo caawisa muhaajiriinta, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay, in dhammaan meydadka ilaa hadda la helay ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay Senegal.
Weli lama xaqiijin jinsiyadaha dadka kale ee doonta saarnaa, iyadoo howlgallada baadigoobka iyo samatabbixintu ay sii socdaan.
Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay shilka, wuxuuna muwaadiniinta dalkiisa ugu baaqay inaysan naftooda halis u gelin safarrada badda ee khatarta badan.
Qoraal uu ku baahiyay barta X, ayuu ku ballanqaaday in la xoojin doono dadaallada lagu burburinayo shabakadaha abaabula safarradaasi.
“Waxaan si hagar la’aan ah u sii wadi doonnaa dagaalka ka dhanka ah dadka abaabula safarradan, iyo dadaallada lagu siinayo dhallinyaradeenna sababo ay rajo ugu qabaan inay dalkooda ku noolaadaan,” ayuu yiri.
Musiibadan ayaa timid xilli ay soo cusboonaadeen walaacyada ku saabsan khataraha ay wajahayaan muhaajiriinta isku dayaya inay badda uga gudbaan Yurub.
Kooxda Isbaanishka ah ee u doodda xuquuqda muhaajiriinta ee Walking Borders ayaa qiyaastay in ku dhowaad 21 qof ay dhinteen 100-kii qof ee gaaray Jasiiradaha Canary muddadii ay kooxdu la socotay socdaalladaasi.
Dadka doonta saarnaa waxaa ka mid ahaa 23 haween ah, iyo afar caruur ah. Booliiska ayaa sheegay in kooxdu ka koobnayd muwaadiniin u kala dhashay Senegal, Gambia, Guinea-Bissau, Guinea iyo Nigeria.
Dhanka kale, xaalad degdeg ah ayaa Sabtidii looga dhawaaqay jasiiradda El Hierro ee dalka Spain, kadib markii ay si weyn u kordheen tirada muhaajiriinta halkaasi gaaraya.
Sida ay sheegeen maamulka deegaanka, in ka badan 3,300 oo qof ayaa jasiiradda gaaray iyagoo saarnaa ku dhowaad 30 doon, tan iyo bilowgii bishii Nofeembar.
War aan wanaagsaneyn oo ku socda ragga Iskaabulanimada ku gaara 35 sano.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Ragga 35 jirka ka wayn ayay u badan tahay inay xaasaskooda dhalaan ilmo aad u miisaan yar, islamarka ay dhashaanna waxaa laga yaabaa inay u baahdaan qalabka neefsashada.
Ragga go’aansada in ay aabbeyaal noqdaan marka ay da’dooda dhaafto 35 sano ayaa wajahaya suurtagalnimada in ay dhalaan carruur dhicis ah ama qaba cudurka ilmaha maskaxdooda waxyeelleeya ee loo yaqaanno “autism”.
Taas waxaa sii dheer in sanad walba sanadka kasii dambeeya ay raggan kasii yaraanayso awoodda shahwada iyo tiradeedaba, haddii aysan guursan.
Arrimahan waxaa lagu ogaaday daraasado badan oo la sameeyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Waxaa daraasadahaas ka mid ah mid ay soo saartay Jaamacadda Caafimaadka ee Stanford, oo ku taalla Mareykanka, taasoo cilmibaaris iyo qiimayn ku samay in ka badan 40 milyan oo carruur markaas dhalatay ah.
Inkastoo ay yar yihiin dadka ka war qaba xogta ku saabsan taranka bani’aadanka, haddana waxaa war wanaagsan ah in khubaradu ay ku talinayaan in dadka ay baaritaanno sameeyaan marka hore si ay uga hor tagaan khatarta ku imaan karta carruurtooda cusub.
Dr. Karla Giusti Zacharias, oo ku taqasustay taranka bani’aadanka, xubinna ka ah kooxda caafimaadka ee isbitaalka São Luiz Itaim Hospital ee magaalada São Paulo, ayaa sheegtay inay si joogto ah ula kulanto ragga jecel in ay carruur yeeshaan.
"Waxaa ii yimid niman kor u dhaafay da’da 50 ilaa 60 sano oo guursaday dumar dhallinyaro ah islamarkaana doonaya in uur loo qaado,” ayay tiri.
“Su’aasha ay I waydiinayeen waxay ahayd: “maxay tahay khatarta ay la kulmaan ragga iyagoo da’doodu wayn tahay aabbeyaasha noqonaya?.”
Waayihii ciidanimo ee Gadi Eisenkot, hogaamiyaha mucaaradka Israa'iil
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Herzog iyo Gadi Eisenkot
Gadi Eisenkot wuxuu ku dhashay Tiberias wuxuuna ku koray Eilat, oo ka fog meelaha siyaasadeed ee Israa'iil ee Qudus iyo Tel Aviv. Waa wiil ay dhaleen muhaajiriin reer Morocco ah oo yimid Israa'iil 1950-meeyadii wuxuuna ku noolaa nolol dhexdhexaad ah.
Wuxuu ka soo jeedaa bulsho ka tirsan Yuhuudda Mizrahi, kuwaas oo muddo dheer dareemayay in siyaasad ahaan la takooro. Falanqeeyayaasha qaar ayaa aaminsan in asalkiisu uu ka caawin karo inuu soo jiito codbixiyeyaasha hore u taageeray Netanyahu.
Si ka duwan Netanyahu, oo ku koray jawi heer sare ah oo ku yaal Qudus, Eisenkot wuxuu caan ku noqday xirfaddiisa milatari.
Wuxuu ku biiray ciidanka Israa'iil isagoo 18 jir ah wuxuuna u shaqeeyay ku dhawaad 40 sano, isagoo gaaray darajada Madaxa Shaqaalaha ee Ciidamada Difaaca Israa'iil intii u dhaxaysay 2015 iyo 2019.
Intii uu ku jiray shaqadiisa militariga, wuxuu hoggaaminayay hawlgallada Israa'iil ee Daanta Galbeed intii lagu jiray Intifada Labaad. Waxa kale oo lala xiriiriyay istaraatiijiyad milatari oo loo yaqaan Dahieh Doctrine, taas oo xoogga saareysa isticmaalka xoog militari oo aad u badan oo ka dhan ah meelaha loo adeegsaday in lagu weeraro Israa'iil.
Iyadoo uu kala duwan yahay siyaasadda Netanyahu, Eisenkot waligiis si cad ugama soo horjeedin hawlgalkii milatari ee Israa'iil ee ka dhanka ahaa Xamaas ka dib weerarradii Oktoobar 7, 2023.
In kasta oo uusan ahayn siyaasi nabadda jecel, haddana dad badan ayaa u arka hoggaamiye fikir badan leh oo khibrad ballaaran u leh amniga qaranka.
Ninka loo xil saaray soo dhisidda dowladda Israa’iil oo ballan qaaday dowlad midnimo qaran ah
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Herzog iyo Gadi Eisenkot
Ninka loo xilsaaray soo dhismaha dowladda cusub ee Israa’iil ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu dhiso dowlad midnimo qaran ah oo wax ka qabata xaaladda degdegga ah, taas oo ay suuragal tahay inuu ka mid noqdo xisbiga ra’iisul wasaaraha hadda talada haya, Benjamin Netanyahu.
Tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii israa'iil ayaa waxaa Israa'iil ka jiray jahwareer siyaasadeed oo ku aadan soo dhisida dowlad cusub.
Marxaladahan ayaa ku soo beegmaya xillli ay israa'iil muddooyiinkii u dambeeyay ays oo martay xaalado adag oo dagaal ay al gashay iran iyo duullaanki qaza ee ka dib weerarkii Xmas ee ay ku qaadeen guda israa'iil.
Ma dhabbaa warkaan ku saabsan quraacda subaxdii la cuno
Xigashada Sawirka, Social
Qoraalka sawirka, Canjeero
Cunista quraac badan iyo casho yar ayaa kaa caawin karta dhimista miisaankaaga, ayay yiraahdeen cilmi-baareyaashu.
Markii ay saynisyahannadu sameynayeen cilmi-baarista waxay si sax ah u xakameeyeen cuntada dadka, si ay isu barbar dhigaan saamaynta quraacda culus iyo cashada culus.
Kooxda Jaamacadda Aberdeen waxay dadkii ay tijaabiyeen ka heleen dad dhimay kalooris, si isku mid ah mar kasta oo ay cunaan cuntadooda ugu culus ee maalinta.
Laakiin, rabitaankooda cuntada ayaa si aad ah hoos ugu dhacay kaddib markii ay billaabeen cunista quraacda culus, taas oo sahlaysa in uu qofka ka taxaddaro dheelitirka cuntadiisa.
Cilmi-baareyaashu waxaa kale oo u soo baxday hal fikrad oo ah in habeenku uu yahay wakhtiga ugu xun ee cunto la cuno, sababtoo ah saacaddaas dheef-shiidka ayaa cuntada u beddelaya kiimiko, gaar ahaan marka uu qofku hurdo.
Dadka cilmi barista ka qeyb qaatay oo 30 qof ahaa ayaa dhammaan loo diyaarinayay quraac, qado iyo casho in ka badan labo bil, iyadoo maalintii loogu dararay 1,700 oo kaloori.
Waxay hal bil cunayeen quraac aad culus iyagoo isticmaalaya ku dhawaad kala bar kalooriga maalinlaha ah, kaddibna waxaa xigay qado iyo casho fudud, halka bisha kalena ay cunayeen cunto culus fiidkii beddelkii subaxdii.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shalay sheegay in Mareykanku uu galay “dib-u-dhac taariikhi ah”, iyadoo Aqalka Cad uu weli wajahayo qalalaase ka dhashay isbeddellada hoggaamineed ee la sameeyay kaddib doorashadii xilliga dhexe.
Isbeddelladaas waxaa ka mid ah ku dhawaaqistiisa ah in Stephen Miller uu la wareegi doono xilka madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, isaga oo beddelaya Susie Wiles.
Trump ayaa wareysigiisii ugu horreeyay ee toos ah kaddib doorashada siiyay barnaamijka 60 Minutes, halkaas oo uu sheegay in laga yaabo in siyaasaddiisa masaafurinta muhaajiriinta ay “xad-dhaaf ahayd”, gaar ahaan dadka Mareykanka ku noolaa in ka badan toban sano.
Trump ayaa intaa ku daray in ololaha lagu baacsanayo muhaajiriinta uu doorashadii ka caawiyay, isla markaana uu dhaawacay. Hase yeeshee, wuxuu ku adkaystay in dad badan ay ku ammaanaan tallaabada uu dalka kaga saarayo dambiilayaasha iyo xiritaanka xuduudaha dalka.
Arrinta muhaajiriinta la beegsanayo ayaa ah mid aad u saameysay Soomaalida deggan dalkaas, gaar ahaan Minnesota.
Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu madaxwaynaha Maryekanka Donald Trump uu si kulul u weeraray Soomaalida gobolka Minnesota oo uu sheegay in ay dowladda ay tallaabo ka qaadi doonto, ayaa waxay arrintan qalqal ku abuurtay Soomaalida halkaasi ku dhaqan
Ciidamada ICE ee dalka Mareykanka ayaa dhowr mar howlgallo ka sameeyay gobolka Minnesota, taas oo lagu beegsanayay muhaajiriinta ama dadka sharci-darada ku soo galay Mareykanka amaba si guud aanan sharci heysan, qabqabashada ay wadeen ciidamada ICE ayaa si weyn looga dareemay gobolka Minnesota.
ICE oo ah ciidan waayahan dambe aad loo maqlayay, gaar ahaan tan iyo markii uu madaxweyne Trump amarka ku bixiyey in la ugaarsado dadka sharci darrada ku jooga Maraykanka ayay dad badan su'aalo iska weydiinayeen ciidamadan iyo howlgalkooda.