TOOS , Mareykanka waxaa uu la kulmay guul darro taariikhi kadib guushii Dimuqraadiyiinta - Trump

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in laga yaabo in siyaasaddiisa masaafurinta muhaajiriinta ay ahayd mid aad u adag, gaar ahaan dadka in ka badan toban sano ku noolaa gudaha Mareykanka.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Shiinaha ayaa beeniyay in ay basaaseen madaxa shirkadda Nvidia

    shirkadda tiknolojiyada Mareykanka

    Shiinaha ayaa iska fogeeyay waxa uu ku tilmaamay eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn oo sheegaya in uu basaasay aasaasaha iyo madaxa shirkadda tiknoolajiyadda Maraykanka ee Nvidia.

    Jensen Huang ayaa lagu eedeeyay in uu xiriir jacayl la lahaa haweeney looga shakisan yahay in ay u basaasaysay dowladda Beijing. Shirkadda Nvidia, oo sameysa qalabka elektaroonikada ee loo yaqaan Chips-ka ee loo isticmaalo garaadka macmalka ah (AI), ayaa sheegtay in ay bilowday baaritaan ku saabsan eedeymahan.

    Shirkaddu waxay intaas ku dartay in aysan jirin sabab ay ku rumaysato in sirteeda ganacsi la helay ama la jabsaday. Shirakddu waxay sheegtay in ay aaminsan tahay in dowladda Mareykanka ay la socodsiin laheyd hadii ay taasi dhacdo maadama ay kormeer sirdoon ku haysay haweeneydaas.

    Saamiyada shirakdda Nvidia ayaa hoos u dhacay kaddib markii ay soo baxeen arrimaha la xiriira haweeneydan basaasnimada lagu eedeeyay.

    Muuqaal ay leedahay wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu arkay Jensen Huang iyo Alice Huang oo ah haweeneyda looga shakiyay basaasnimada oo jooga maqaayad ku taal Taipei sanadkii hore.

    Sidoo kale akhri:

  2. Imaaraatka ayaa si kumeel gaar ah u xiray mid ka mid ah xeebaha dalka

    Shidaal daatay

    Xeeb ku taal Imaaraatka ayaa la xiray kaddib markii ay halkaas soo gaartay saliid ku daatay badda.

    Dowladda hoose ee Khor Fakkan oo ah halka ay ku taal dekadda Imaaratka ee Shaariqa ayaa ku dhawaaqday xiritaanka Xeebta Luluweh in ay tahay mid ku meel gaar ah.

    Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xigatay cilmi-baare deegaanka ah oo ka tirsan Machadka PAX ee Holland ayaa sheegaya in sawirro dayax-gacmeedka laga qaaday Axaddii ay muujinayaan in saliid cayriin ay ku daadatay biyaha xeebta bari ee Imaaraatka Carabta.

    Dagaalka Iran iyo Mareykan ayaa weli socda, waxaana si joogto ah loo weerara maraakiibta shidaalka ee mara markinka Hormuz.

    Sidoo kale akhri:

  3. 13 muhaajiriin ah ayaa geeriyooday kaddib markii ay ku degtay Giriigga doontii ay la socdeen

    Badda Giriigga

    Ciidamada ilaalada xeebaha Giriigga ayaa sheegay in 13 qof ay dhinteen kaddib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay ku degtay meel ka baxsan xeebaha jasiiradda Crete.

    Ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 18 qof, kuwaas oo dhammaantood u dhashay dalka Suudaan.

    Dadkaasi waxaa la soo badbaadiyay xilli ay jireen mugdi iyo xaalado cimilo oo duufaan watay. Dad kale ayaa sidoo kale laga soo badbaadiyay laba doon oo kale oo lagu arkay meel u dhoweyd.

    Sarkaal ka tirsan ilaalada xeebaha oo shuruud ka dhigay in aan magaciisa la sheegin ayaa u sheegay wakaaladda wararka Reuters in dadka badbaaday “ay qabow la jareynayeen”

    Mas’uuliyiintu waxay shegeen in aan la cadeyn karin waxa keenay geerida balse waxay sheegeen in ay aaminsan yihiin in doonta ay badda ku jirtay maalmo, ayna ku adkeyd in ay timaado xeebta dabeylo xooggan oo jiray aawgeed.

    Jasiiradda Crete ayaa noqotay meel muhiim ah oo ay ka soo galaan Midowga Yurub muhaajiriinta naftooda soo geliyay safarada khatarta ah.

    Ciidamada ilaalada xeebaha Giriigga ayaa ka soo badbaaday 187 qof saddex meel oo kala duwan maanta.

    Muhaajiriin ka badan 37,000 ayaa soo gaaray Giriigga sanadkan sida ay xustay xogta Qaramada Midoobay. Tiradan ayaa ka badan tii sanadkii hore ee 2025-kii.

    Sidoo kale akhri:

  4. Kenya ayaa martigelisay 40,000 oo ka soo qaxay dagaalka Itoobiya

    Dagaalka Mooyaale

    Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in qiyaastii 40,000 oo Itoobiyaan ah ay soo galeen dalka, isla markaana hadda lagu hayo magaalada Moyale ee ismaamulka Marsabit, kaddib markii ay sii kordheen xiisadaha ka taagan qaar ka mid ah deegaannada Itoobiya.

    Raysalwasaaraha Kenya, Musalia Mudavadi, oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in xiisadda ka taagan Itoobiya ay ku qasabtay kumanyaal in ay u soo qaxaan Kenya.

    “Xiisad ayaa ka jirta dhanka Itoobiya. Dhibaatadaas ayaa keentay in ku dhawaad 40,000 in ay qaxaan oo ay soo galaan Kenya” ayuu yiri.

    Mudavadi ayaa sheegay in uu la xiriiray dhiggiisa Itoobiya, uuna ka codsaday in uu soo farageliyo si xaaladda loo dejiyo, taas oo u oggolaan doonta qoysaskii qaxay in ay dib ugu laabtaan guryahooda.

    "Waxaan u sheegay in uu isku dayo in uu xaaladda dalkiisa dejiyo, si qaxootigu ugu laabtaan guryahooda," ayuu yiri.

    Wuxuu intaa ku daray in dowladda Itoobiya ay u xaqiijisay Kenya in ay ka shaqeyneyso sidii xaaladda caadi loogu soo celin lahaa.

    Dagaal billowday bishii Oktoobar ee sanadkan kaas oo daba socday xiisado muddo dheer soo jirtay oo u dhexeeyay maamulka gobolka Oromiya iyo maamulka gobolka Soomaalida kuwaas oo ku saabsanaa xuduudaha dhulka iyo maamulka aagaggaas ayaa sababay in dadku qaxaan.

    Dagaalku wuxuu barakiciyay kumanyaal qof, qoysas badan ayaa magan-gelyo ka helay dugsiyo, kaniisado iyo xeryo ku-meel-gaar ah, halka qoysas kalena ay qaateen ehelkooda ama xubno ka tirsan bulshada deegaanka.

    Sidoo kale akhri:

  5. Trump: Waxaa suuragal ah in aan arrimaha Iran kala hadlo Xi iyo Putin

    madaxweyne Trump

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in uu rajeynayo in uu la yeesho kulan saddex geesood ah madaxweynayaha Ruushka Vladimir Putin iyo sidoo kale madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, kaas dhinac socda shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha ee Aasiya iyo Baasifigga.

    Madaxweyne Trump ayaa u sheegay wariyayaasha in kulanka looga hadli doono arrimo badan oo ay ku jiraan sidii lagu dhameyn lahaa dagaalka Iran iyo in laga joojiyo hubka nukliyeerka.

    Wargeyska The Wall Street ayaa hore u sheegay in Vladimir Putin uu daneynayo in uu qabto kulan saddex geesood ah oo dhexmara isag, Xi Jinping iyo Donald Trump kaas oo looga hadlayo nabadda Ukraine.

    Dhanka kale, ergayga gaarka Shiinaha u qaabilsan Bariga Dhexe, Zhai Jun, ayaa u safray Tehran halkaas uu wadahadallo kula yeelanayo Ali Bagheri oo ah ku-xigeenka xoghayaha golaha sare ee Amniga Qaranka.

    Sida uu sheegay Esmail Baghai, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran, booqashada ergeyga Shiinaha ayaa ah mid sii wadaysa wadatashiyada dhow ee u dhexeeya Tehran iyo Beijing, kuwaas oo ku saabsan arrimaha labada dal iyo amniga gobolka.

    Sidoo kale akhri:

  6. Madaxweyne Erdogan ayaa ka walaacsan in Trump uu weeraro cusub ku qaado Iran

    madaxweynaha Turkiga

    Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in dalkiisa uusan dooneyn in uu arko mowjado hor leh oo dagaal oo lagu qaado Iran, wuxuuna walaaca uu qabo kula wadaagay khadka taleefoonka wadahadal uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Erdogan ayaa la hadlay wariyeyaasha isagoo diyaaradda saaran kaddib markii uu ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Azerbaijan.

    "Turkiga wuxuu xoojinayaa fursad kasta oo dhibaatooyinka lagu xallin karo iyadoo loo marayo diblomaasiyad iyo wadahadal”, ayuu yiri madaxweyne Erdogan

    “Nasiib-darro, waxaan markale arkeynaa in xaaladdu ay u socoto dhinaca xun”, ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

    Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in ay sameynayaan wax kasta oo suuragal ah oo looga hortagayo xaaladdan.

    Sidoo kale akhri:

  7. Mas’uul sare oo ka tirsan Imaaraatka ayaa ka dhigay xasilloonida-darrada gobolka oo sii dheeraata

    Imaaraatka

    La taliyaha raysalwasaaraha Imaaraatka Carabta, Anwar Gargash, ayaa ka digay in gobolku wajayo “xasillooni-darro iyo hubanti-la’aan muddo dheer qaadaneysa iyo xaalad siyaasadeed iyo mid ammaan oo aan la hubin”. Wuxuu sheegay in bilowgiiba uu Imaaraatka ka horjeeday weerarka Mareykanka ku qaaday Iran.

    Mr. Gargash ayaa sadaashiisa ku sheegay in heshiis siyaasadeed oo dhexmara Mareykanka iyo Iran si loo dhameeyo dagaalka socday 8-da bilood uu yahay “mid aad u adag”.

    “Waa in aan isu diyaarinaa hubaanti la’aan muddo dheer ah, muddo aan la dammaanad qaadi karin xal kama damabeys ah si loo dhiso nidaam xasilloon in uu ka hirgalo gobolka”, ayuu yiri Mr. Garagash oo maanta ka hadlay shir ku saabsan siyaasadda iyo juqaraafiga oo ka dhacay Abu Dhabi sida laga soo xigtay wakaaladda wararka AFP.

    Masu’uulkaas sare oo ka tirsan Imaaraatka waxa uu sheegay cawaaqibka ka dhallankara dagaalka Mareykanka iyo Iran “in uu muddo dheer qaadanayo”, taas oo ku qasbeysa imaaraatka in ay maalgeliyaan “awoodooda difaac si ay uga hortagto weerar iyo in ay xoojiso xiriirkeeda caalamiga ee la xiriira amniga”.

    Anwar Gargash ayaa sidoo kale sheegay in dagaalku uu muujiyay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga difaaca iyo amniga ee Imaaraadka Carabta uu la leeyahay Mareykanka, wuxuuna uga mahadceliyay Faransiiska, Israel, Giriigga, Masar, iyo Hindiya "taageerada iyo wadajirka" ay la leeyihiin Imaaraadka Carabta iyagoo ka difaacaya weerarrada Iran.

    Sidoo kale akhri:

  8. Aniga la'aanteey, Israa'iil maba jiri lahayn - Trump

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trum,p ayaa wareysi uu siiyay telefishinka CBS ku difaacay weerarrada milatari ee Mareykanku ku qaaday Iran, isagoo sheegay in faa’iidooyinka dagaalkaas la arki doono mustaqbalka.

    Trump ayaa intaas ku daray in haddii Iran ay heli lahayd hubka nukliyeerka xilligii uu isaga xilka hayay, taariikhdu si xun u xukumi lahayd.

    Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuusan doonayn in la ballaariyo colaadda milatari ee kala dhexeysa Iran.

    Wareysiga ayaa sidoo kale Trump lagu weydiiyay kharashaadka ku baxa joogitaanka ciidamada Mareykanka ee gobolka.

    Trump ayaa ku jawaabay in dalalka uu Mareykanku difaacay ay tahay inay si buuxda u bixiyaan dhammaan kharashaadka Mareykanka uga baxay dagaalka, isagoo ku dooday in dalkaasi uusa jiri lahayn haddii uusan Mareykanku caawin lahayn.

    “Annaga la’aanteen, Israa’iil ma jiri lahayn. Waxaan rabaa inaan idiin sheego in haddii uusan Donald Trump jiri lahayn, Israa’iil aysan jiri lahayn, sababtoo ah in ka badan hal sano ka hor ayaan dirnay diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee B-2, kuwaas oo weeraray saddexdii gooboodba,” ayuu yiri.

    Qayb kale oo wareysiga ka mid ah, Trump ayaa la weydiiyay inuu ka qoomameynayo taageeradii uu u fidiyay weerarrada Israa’iil ee lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

    Trump si toos ah ugama jawaabin inuu ka qoomameynayo go'aankaas iyo in kale, balse wuxuu yiri: “Haa, waxaa suurtagal ahayd in la beegsado oo keliya xarumaha nukliyeerka, laakiin waxaa jiray dad doonayay in tallaabo intaas ka sii fog la qaado.”

    Trump ayaa ku andacooday inay burburiyeen hubka nukliyeerka ee Iran, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay wada-hadallo lagu gaarayo heshiis.

  9. Tahriibayaal ku dhintay doon kula degtay xeebaha Senegal

    Kooxaha samatabixinta
    Qoraalka sawirka, Kooxaha samatabixinta

    Ugu yaraan 34 qof ayaa dhintay kadib markii doon ay saarnaayeen muhaajiriin ay ku degtay xeebaha dalka Senegal, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Senegal (APS), iyadoo soo xiganaysa ilo rasmi ah.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in hal qof la badbaadiyay, balse aan weli la xaqiijin tirada dadka kale ee la la’yahay.

    Doonida yar ee alwaaxda ka sameysan ayaa ku rogmatay inta u dhexeysa caasimadda Dakar iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Saint-Louis, xilli ay ku sii jeedday Jasiiradaha Canary ee dalka Spain.

    Kooxda Isbaanishka ah ee u doodda xuquuqda muhaajiriinta ee Walking Borders ayaa diiwaangelisay 635 qof oo ku dhintay waddada Badweynta Atlaantikada ee loo maro Jasiiradaha Canary, intii u dhexeysay Janaayo iyo May 2026. Tiradaasi ayaa ahayd tii ugu badnayd marka loo eego waddooyinka kale ee ay kooxdu la socoto.

    Saliou Diouf, oo ah aasaasaha hay’adda Boza Fii ee Senegal, oo caawisa muhaajiriinta, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay, in dhammaan meydadka ilaa hadda la helay ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay Senegal.

    Weli lama xaqiijin jinsiyadaha dadka kale ee doonta saarnaa, iyadoo howlgallada baadigoobka iyo samatabbixintu ay sii socdaan.

    Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, ayaa tacsi u diray qoysaska dadkii ku dhintay shilka, wuxuuna muwaadiniinta dalkiisa ugu baaqay inaysan naftooda halis u gelin safarrada badda ee khatarta badan.

    Qoraal uu ku baahiyay barta X, ayuu ku ballanqaaday in la xoojin doono dadaallada lagu burburinayo shabakadaha abaabula safarradaasi.

    “Waxaan si hagar la’aan ah u sii wadi doonnaa dagaalka ka dhanka ah dadka abaabula safarradan, iyo dadaallada lagu siinayo dhallinyaradeenna sababo ay rajo ugu qabaan inay dalkooda ku noolaadaan,” ayuu yiri.

    Musiibadan ayaa timid xilli ay soo cusboonaadeen walaacyada ku saabsan khataraha ay wajahayaan muhaajiriinta isku dayaya inay badda uga gudbaan Yurub.

    Kooxda Isbaanishka ah ee u doodda xuquuqda muhaajiriinta ee Walking Borders ayaa qiyaastay in ku dhowaad 21 qof ay dhinteen 100-kii qof ee gaaray Jasiiradaha Canary muddadii ay kooxdu la socotay socdaalladaasi.

    Maamulka Senegal ayaa sheegay inay Jimcihii qabteen doon kale oo ay saarnaayeen 142 muhaajiriin ah, kuwaas oo isku dayayay inay gaaraan dalka Spain.

    Dadka doonta saarnaa waxaa ka mid ahaa 23 haween ah, iyo afar caruur ah. Booliiska ayaa sheegay in kooxdu ka koobnayd muwaadiniin u kala dhashay Senegal, Gambia, Guinea-Bissau, Guinea iyo Nigeria.

    Dhanka kale, xaalad degdeg ah ayaa Sabtidii looga dhawaaqay jasiiradda El Hierro ee dalka Spain, kadib markii ay si weyn u kordheen tirada muhaajiriinta halkaasi gaaraya.

    Sida ay sheegeen maamulka deegaanka, in ka badan 3,300 oo qof ayaa jasiiradda gaaray iyagoo saarnaa ku dhowaad 30 doon, tan iyo bilowgii bishii Nofeembar.

  10. War aan wanaagsaneyn oo ku socda ragga Iskaabulanimada ku gaara 35 sano.

    Ragga 35 jirka ka wayn ayay u badan tahay inay xaasaskooda dhalaan ilmo aad u miisaan yar, islamarka ay dhashaanna waxaa laga yaabaa inay u baahdaan qalabka neefsashada.
    Qoraalka sawirka, Ragga 35 jirka ka wayn ayay u badan tahay inay xaasaskooda dhalaan ilmo aad u miisaan yar, islamarka ay dhashaanna waxaa laga yaabaa inay u baahdaan qalabka neefsashada.

    Ragga go’aansada in ay aabbeyaal noqdaan marka ay da’dooda dhaafto 35 sano ayaa wajahaya suurtagalnimada in ay dhalaan carruur dhicis ah ama qaba cudurka ilmaha maskaxdooda waxyeelleeya ee loo yaqaanno “autism”.

    Taas waxaa sii dheer in sanad walba sanadka kasii dambeeya ay raggan kasii yaraanayso awoodda shahwada iyo tiradeedaba, haddii aysan guursan.

    Arrimahan waxaa lagu ogaaday daraasado badan oo la sameeyay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Waxaa daraasadahaas ka mid ah mid ay soo saartay Jaamacadda Caafimaadka ee Stanford, oo ku taalla Mareykanka, taasoo cilmibaaris iyo qiimayn ku samay in ka badan 40 milyan oo carruur markaas dhalatay ah.

    Inkastoo ay yar yihiin dadka ka war qaba xogta ku saabsan taranka bani’aadanka, haddana waxaa war wanaagsan ah in khubaradu ay ku talinayaan in dadka ay baaritaanno sameeyaan marka hore si ay uga hor tagaan khatarta ku imaan karta carruurtooda cusub.

    Dr. Karla Giusti Zacharias, oo ku taqasustay taranka bani’aadanka, xubinna ka ah kooxda caafimaadka ee isbitaalka São Luiz Itaim Hospital ee magaalada São Paulo, ayaa sheegtay inay si joogto ah ula kulanto ragga jecel in ay carruur yeeshaan.

    "Waxaa ii yimid niman kor u dhaafay da’da 50 ilaa 60 sano oo guursaday dumar dhallinyaro ah islamarkaana doonaya in uur loo qaado,” ayay tiri.

    “Su’aasha ay I waydiinayeen waxay ahayd: “maxay tahay khatarta ay la kulmaan ragga iyagoo da’doodu wayn tahay aabbeyaasha noqonaya?.”

    Sii akhri warbixinta oo dhameystiran.

  11. Waayihii ciidanimo ee Gadi Eisenkot, hogaamiyaha mucaaradka Israa'iil

    Herzog iyo Gadi Eisenkot
    Qoraalka sawirka, Herzog iyo Gadi Eisenkot

    Gadi Eisenkot wuxuu ku dhashay Tiberias wuxuuna ku koray Eilat, oo ka fog meelaha siyaasadeed ee Israa'iil ee Qudus iyo Tel Aviv. Waa wiil ay dhaleen muhaajiriin reer Morocco ah oo yimid Israa'iil 1950-meeyadii wuxuuna ku noolaa nolol dhexdhexaad ah.

    Wuxuu ka soo jeedaa bulsho ka tirsan Yuhuudda Mizrahi, kuwaas oo muddo dheer dareemayay in siyaasad ahaan la takooro. Falanqeeyayaasha qaar ayaa aaminsan in asalkiisu uu ka caawin karo inuu soo jiito codbixiyeyaasha hore u taageeray Netanyahu.

    Si ka duwan Netanyahu, oo ku koray jawi heer sare ah oo ku yaal Qudus, Eisenkot wuxuu caan ku noqday xirfaddiisa milatari.

    Wuxuu ku biiray ciidanka Israa'iil isagoo 18 jir ah wuxuuna u shaqeeyay ku dhawaad 40 sano, isagoo gaaray darajada Madaxa Shaqaalaha ee Ciidamada Difaaca Israa'iil intii u dhaxaysay 2015 iyo 2019.

    Intii uu ku jiray shaqadiisa militariga, wuxuu hoggaaminayay hawlgallada Israa'iil ee Daanta Galbeed intii lagu jiray Intifada Labaad. Waxa kale oo lala xiriiriyay istaraatiijiyad milatari oo loo yaqaan Dahieh Doctrine, taas oo xoogga saareysa isticmaalka xoog militari oo aad u badan oo ka dhan ah meelaha loo adeegsaday in lagu weeraro Israa'iil.

    Iyadoo uu kala duwan yahay siyaasadda Netanyahu, Eisenkot waligiis si cad ugama soo horjeedin hawlgalkii milatari ee Israa'iil ee ka dhanka ahaa Xamaas ka dib weerarradii Oktoobar 7, 2023.

    In kasta oo uusan ahayn siyaasi nabadda jecel, haddana dad badan ayaa u arka hoggaamiye fikir badan leh oo khibrad ballaaran u leh amniga qaranka.

    Sidoo kale akhri:

  12. Ninka loo xil saaray soo dhisidda dowladda Israa’iil oo ballan qaaday dowlad midnimo qaran ah

    Herzog iyo Gadi Eisenkot
    Qoraalka sawirka, Herzog iyo Gadi Eisenkot

    Ninka loo xilsaaray soo dhismaha dowladda cusub ee Israa’iil ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu dhiso dowlad midnimo qaran ah oo wax ka qabata xaaladda degdegga ah, taas oo ay suuragal tahay inuu ka mid noqdo xisbiga ra’iisul wasaaraha hadda talada haya, Benjamin Netanyahu.

    Tan iyo wixii ka dambeeyay doorashadii israa'iil ayaa waxaa Israa'iil ka jiray jahwareer siyaasadeed oo ku aadan soo dhisida dowlad cusub.

    Marxaladahan ayaa ku soo beegmaya xillli ay israa'iil muddooyiinkii u dambeeyay ays oo martay xaalado adag oo dagaal ay al gashay iran iyo duullaanki qaza ee ka dib weerarkii Xmas ee ay ku qaadeen guda israa'iil.

    Sidoo kale akhri:

  13. Ma dhabbaa warkaan ku saabsan quraacda subaxdii la cuno

    Canjeero
    Qoraalka sawirka, Canjeero

    Cunista quraac badan iyo casho yar ayaa kaa caawin karta dhimista miisaankaaga, ayay yiraahdeen cilmi-baareyaashu.

    Markii ay saynisyahannadu sameynayeen cilmi-baarista waxay si sax ah u xakameeyeen cuntada dadka, si ay isu barbar dhigaan saamaynta quraacda culus iyo cashada culus.

    Kooxda Jaamacadda Aberdeen waxay dadkii ay tijaabiyeen ka heleen dad dhimay kalooris, si isku mid ah mar kasta oo ay cunaan cuntadooda ugu culus ee maalinta.

    Laakiin, rabitaankooda cuntada ayaa si aad ah hoos ugu dhacay kaddib markii ay billaabeen cunista quraacda culus, taas oo sahlaysa in uu qofka ka taxaddaro dheelitirka cuntadiisa.

    Cilmi-baareyaashu waxaa kale oo u soo baxday hal fikrad oo ah in habeenku uu yahay wakhtiga ugu xun ee cunto la cuno, sababtoo ah saacaddaas dheef-shiidka ayaa cuntada u beddelaya kiimiko, gaar ahaan marka uu qofku hurdo.

    Dadka cilmi barista ka qeyb qaatay oo 30 qof ahaa ayaa dhammaan loo diyaarinayay quraac, qado iyo casho in ka badan labo bil, iyadoo maalintii loogu dararay 1,700 oo kaloori.

    Waxay hal bil cunayeen quraac aad culus iyagoo isticmaalaya ku dhawaad ​​kala bar kalooriga maalinlaha ah, kaddibna waxaa xigay qado iyo casho fudud, halka bisha kalena ay cunayeen cunto culus fiidkii beddelkii subaxdii.

  14. Trump: Mareykanka waxaa soo gaaray guuldarro taariikhi ah kaddib guushii Xisbiga Dimuqraadiga

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shalay sheegay in Mareykanku uu galay “dib-u-dhac taariikhi ah”, iyadoo Aqalka Cad uu weli wajahayo qalalaase ka dhashay isbeddellada hoggaamineed ee la sameeyay kaddib doorashadii xilliga dhexe.

    Isbeddelladaas waxaa ka mid ah ku dhawaaqistiisa ah in Stephen Miller uu la wareegi doono xilka madaxa shaqaalaha Aqalka Cad, isaga oo beddelaya Susie Wiles.

    Trump ayaa wareysigiisii ugu horreeyay ee toos ah kaddib doorashada siiyay barnaamijka 60 Minutes, halkaas oo uu sheegay in laga yaabo in siyaasaddiisa masaafurinta muhaajiriinta ay “xad-dhaaf ahayd”, gaar ahaan dadka Mareykanka ku noolaa in ka badan toban sano.

    Trump ayaa intaa ku daray in ololaha lagu baacsanayo muhaajiriinta uu doorashadii ka caawiyay, isla markaana uu dhaawacay. Hase yeeshee, wuxuu ku adkaystay in dad badan ay ku ammaanaan tallaabada uu dalka kaga saarayo dambiilayaasha iyo xiritaanka xuduudaha dalka.

    Arrinta muhaajiriinta la beegsanayo ayaa ah mid aad u saameysay Soomaalida deggan dalkaas, gaar ahaan Minnesota.

    Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu madaxwaynaha Maryekanka Donald Trump uu si kulul u weeraray Soomaalida gobolka Minnesota oo uu sheegay in ay dowladda ay tallaabo ka qaadi doonto, ayaa waxay arrintan qalqal ku abuurtay Soomaalida halkaasi ku dhaqan

    Ciidamada ICE ee dalka Mareykanka ayaa dhowr mar howlgallo ka sameeyay gobolka Minnesota, taas oo lagu beegsanayay muhaajiriinta ama dadka sharci-darada ku soo galay Mareykanka amaba si guud aanan sharci heysan, qabqabashada ay wadeen ciidamada ICE ayaa si weyn looga dareemay gobolka Minnesota.

    ICE oo ah ciidan waayahan dambe aad loo maqlayay, gaar ahaan tan iyo markii uu madaxweyne Trump amarka ku bixiyey in la ugaarsado dadka sharci darrada ku jooga Maraykanka ayay dad badan su'aalo iska weydiinayeen ciidamadan iyo howlgalkooda.

    Sidoo kale akhri;

  15. Trump: Aad bay u yar tahay in weerarrada Iran dib loo bilaabo haddii wadaxaajoodyadu horumar sameeyaan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inay aad u yar tahay suurtagalnimada in uu amro in dagaalka Iran dib loo bilaabo, haddii wadaxaajoodyada ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka ay horumar sameeyaan, isla markaana dib loo furo marin-biyoodka Hormuz.

    Trump ayaa hadalkan ku celceliyay shan jeer intii uu socday wareysi uu siiyay telefishinka CNN.

    Waxa uu sheegay in go'aankaasi ku xirnaan doono in Iran ay saxiixdo heshiis adag iyo in kale, isaga oo intaas ku daray in Maraykanku uu dib u bilaabi karo weerarrada haddii loo baahdo, balse uu sheegay in ciidamada Maraykanku ay Iran hore u gaarsiiyeen duqeymo culus.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ee gobolka ay diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan hawlgallada milatari haddii amar la siiyo.

    Waxa uu sheegay in saddex markab oo diyaaradaha dagaalka qaada ay hadda gobolka ku sugan yihiin, mid kalena uu dhowaan halkaas gaaray.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uu aqoonsaday kaabayaal muhiim ah oo ku yaalla gudaha Iran oo la beegsan karo haddii dagaalku dib u qarxo, kuwaas oo ay ka mid yihiin xarumaha korontada iyo buundooyinka.

    Waxa uu sheegay in Maraykanku uu aqoonsaday 38 buundo oo uu sheegay in lagu burburin karo muddo hal saac gudahood ah.

    Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa sheegay inuusan doonayn in la burburiyo kaabayaasha dhaqaalaha Iran, isaga oo xusay in dib u dhiskoodu qaadan karo ilaa toban sano.

    Dhanka kale, Trump ayaa sheegay in awoodda gantaallada Iran ay hadda tahay boqolkiiba 10 oo keliya, halka awooddeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ay ka hartay boqolkiiba 15.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: