Wasiirka difaaca Israa’iil: Shaqadii aan Iiraan ka lahayn weli ma dhammaan

Iyadoo siyaasiga ay loollamaan yihiin Benjamin Netanyahu uu hoggaanka u qabtay dhismaha dowlad cusub oo Israa’iil yeelato, ayaa wasiirka difaaca dalkaasi ku baaqay “midnimo iyo isku duubni” si looga hortago waxa uu ku tilmaamay “halista nukliyeerka Iran”.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Trump: Aad bay u yar tahay in weerarrada Iran dib loo bilaabo haddii wadaxaajoodyadu horumar sameeyaan

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inay aad u yar tahay suurtagalnimada in uu amro in dagaalka Iran dib loo bilaabo, haddii wadaxaajoodyada ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka ay horumar sameeyaan, isla markaana dib loo furo marin-biyoodka Hormuz.

    Trump ayaa hadalkan ku celceliyay shan jeer intii uu socday wareysi uu siiyay telefishinka CNN.

    Waxa uu sheegay in go'aankaasi ku xirnaan doono in Iran ay saxiixdo heshiis adag iyo in kale, isaga oo intaas ku daray in Maraykanku uu dib u bilaabi karo weerarrada haddii loo baahdo, balse uu sheegay in ciidamada Maraykanku ay Iran hore u gaarsiiyeen duqeymo culus.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ee gobolka ay diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan hawlgallada milatari haddii amar la siiyo.

    Waxa uu sheegay in saddex markab oo diyaaradaha dagaalka qaada ay hadda gobolka ku sugan yihiin, mid kalena uu dhowaan halkaas gaaray.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uu aqoonsaday kaabayaal muhiim ah oo ku yaalla gudaha Iran oo la beegsan karo haddii dagaalku dib u qarxo, kuwaas oo ay ka mid yihiin xarumaha korontada iyo buundooyinka.

    Waxa uu sheegay in Maraykanku uu aqoonsaday 38 buundo oo uu sheegay in lagu burburin karo muddo hal saac gudahood ah.

    Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa sheegay inuusan doonayn in la burburiyo kaabayaasha dhaqaalaha Iran, isaga oo xusay in dib u dhiskoodu qaadan karo ilaa toban sano.

    Dhanka kale, Trump ayaa sheegay in awoodda gantaallada Iran ay hadda tahay boqolkiiba 10 oo keliya, halka awooddeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ay ka hartay boqolkiiba 15.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Maraykanka oo Iraq ka codsaday inay xirto inta badan xuduudaha ay la wadaagto Iran

    Wasiirka arrimaha dibadda Iraq, Fu’aad Xuseen,
    Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda Iraq, Fu’aad Xuseen,

    Wasiirka arrimaha dibadda Iraq, Fu’aad Xuseen, ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda Maraykanku ay dalkiisa ka codsatay inuu xiro dhammaan goobaha xuduudaha ee uu la wadaago Iran, marka laga reebo laba marin, taas oo qayb ka ah dadaallada Washington ay ku doonayso inay cadaadis dhaqaale ku saarto Tehran.

    Wareysi uu siiyay telefishinka Al Jazeera ayuu ku sheegay in mid ka mid ah labada marin ee la oggol yahay inay furnaadaan uu ku yaallo gobolka Kurdistan ee waqooyiga Iraq.

    Fu’aad Xuseen ayaa sheegay in Iraq iyo Iran ay leeyihiin marinno xuduudeed oo badan, kuwa rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn, isla markaana ay adag tahay in dhammaantood la xiro.

    Waxa uu intaas ku daray in xiritaanka marinadaasi uu saameyn ku yeelan karo dhaqaalaha Iraq, isaga oo sheegay in Maraykanku weli ku adkeysanayo arrintaas, isla markaana ay labada dhinac hadda wadaxaajood ka leeyihiin.

    Bishii hore, Iraq ayaa si ku-meel-gaar ah u xirtay marinka xuduudda ee Chazhabeh, oo ka mid ah marinada ganacsi ee ugu mashquulka badan ee ay wadaagaan labada dal.

    Wararka ayaa sheegay in xiritaankaasi uu la xiriiray dib-u-eegista tallaabooyinka amniga iyo rakibidda qalab lagu baaro badeecadaha si looga hortago tahriibka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. Warar sheegaya in qaraxyo dhowr ah laga maqlay Bandar Abbas iyo jasiiradda Qeshm ee Iran

    Wakaaladaha wararka rasmiga ah ee Iran ayaa soo sheegay, iyaga oo soo xiganaya dadka deegaanka koonfurta dalkaas, in dhowr qarax laga maqlay xeebaha magaalada Bandar Abbas iyo jasiiradda Qeshm, xilli dambe oo habeenkii Axadda ah.

    Wakaaladda wararka Fars oo xiriir dhow la leh Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegtay in aan weli la helin war rasmi ah oo caddeynaya halka ay qaraxyadu ka yimaadeen.

    Hase yeeshee, wakaaladdu waxay soo xigatay ilo deegaanka ah oo sheegay in dhawaqa qaraxyadu uu ka imaan karay rasaas digniin ah oo loo riday maraakiib lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah ku marayeen marin-biyoodka Hormuz.

    Dadka deggan Bandar Abbas iyo jasiiradda Qeshm ayaa sidoo kale sheegay in ugu yaraan afar qarax laga maqlay halkaas, qaarkoodna ay sheegeen in qaraxyadu sababeen gariir xooggan.

    Wakaaladda wararka IRNA ayaa iyaduna sheegtay in qaraxyo laga maqlay magaalada Sirik.

    Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya sababta qaraxyada ama cidda ka dambeysay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Trump: Aad bay u yar tahay in weerarrada Iran dib loo bilaabo haddii wadaxaajoodyadu horumar sameeyaan

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inay aad u yar tahay suurtagalnimada in uu amro in dagaalka Iran dib loo bilaabo, haddii wadaxaajoodyada ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka ay horumar sameeyaan, isla markaana dib loo furo marin-biyoodka Hormuz.

    Trump ayaa hadalkan ku celceliyay shan jeer intii uu socday wareysi uu siiyay telefishinka CNN.

    Waxa uu sheegay in go'aankaasi ku xirnaan doono in Iran ay saxiixdo heshiis adag iyo in kale, isaga oo intaas ku daray in Maraykanku uu dib u bilaabi karo weerarrada haddii loo baahdo, balse uu sheegay in ciidamada Maraykanku ay Iran hore u gaarsiiyeen duqeymo culus.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada Maraykanka ee gobolka ay diyaar u yihiin inay dib u bilaabaan hawlgallada milatari haddii amar la siiyo.

    Waxa uu sheegay in saddex markab oo diyaaradaha dagaalka qaada ay hadda gobolka ku sugan yihiin, mid kalena uu dhowaan halkaas gaaray.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uu aqoonsaday kaabayaal muhiim ah oo ku yaalla gudaha Iran oo la beegsan karo haddii dagaalku dib u qarxo, kuwaas oo ay ka mid yihiin xarumaha korontada iyo buundooyinka.

    Waxa uu sheegay in Maraykanku uu aqoonsaday 38 buundo oo uu sheegay in lagu burburin karo muddo hal saac gudahood ah.

    Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa sheegay inuusan doonayn in la burburiyo kaabayaasha dhaqaalaha Iran, isaga oo xusay in dib u dhiskoodu qaadan karo ilaa toban sano.

    Dhanka kale, Trump ayaa sheegay in awoodda gantaallada Iran ay hadda tahay boqolkiiba 10 oo keliya, halka awooddeeda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ay ka hartay boqolkiiba 15.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. Eisenkot: Israa’iil waxay si degdeg ah ugu baahan tahay hoggaan cusub

    Gadi Eisenkot,
    Qoraalka sawirka, Gadi Eisenkot,

    Gadi Eisenkot, oo madaxweynaha Israa’iil u xilsaaray inuu soo dhiso dowlad cusub, ayaa sheegay in Israa’iil ay si degdeg ah ugu baahan tahay hoggaan cusub.

    Eisenkot ayaa sheegay in dhismaha dowlad loo dhan yahay oo wax looga qabto xaaladda degdegga ah ay u baahan tahay tallaabooyin hal-abuur leh oo aan ahayn kuwa caadiga ah.

    Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Israa’iil aysan haysan waqti ay ku dheereyso geeddi-socodka dhismaha dowladda ama ay mar kale gasho doorashooyin isdaba-joog ah oo aan dhammaad lahayn.

    Doorashadii baarlamaanka Israa’iil, ma jirin xisbi ama isbahaysi siyaasadeed oo helay kuraasta ku filan ee uu ku dhisi karo dowlad.

    Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, ayaa kaddib markii uu la tashaday hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda, Eisenkot u xilsaaray dhismaha dowladda.

    Eisenkot, oo hore u sheegay in Benjamin Netanyahu uu ka mid noqon karo dowladdiisa haddii hoggaamintiisa la taageero, ayaa sheegay in tani ay tahay imtixaan muhiim u ah hoggaaminta.

    Waxa uu intaas ku daray in qof kasta oo dano gaar ah dartood caqabad ku noqda dhismaha dowladda cusub, halkii uu ka eegi lahaa danta guud, taariikhda lagu xusuusan doono inuu ku guuldarreystay badbaadinta Israa’iil xilli ay baahi weyn u qabtay.

    Dhanka kale, madaxweyne Isaac Herzog ayaa maanta ka digay in Israa’iil ay wajihi karto xaalado aan la hubin iyo isbeddello aan la saadaalin karin, isaga oo tixraacayay natiijooyinka doorashada Kongareeska Maraykanka.

    Waxa uu sheegay in Israa’iil ay hadda, in ka badan sidii hore, ugu baahan tahay dowlad deggan.

    Hore, wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa ku baaqay midnimo qaran si looga hortago waxa uu ku tilmaamay khatarta nukliyeerka Iran, isaga oo ka digay in hawlgallada Israa’iil ee ka dhanka ah Iran aysan weli dhammaan.

  6. Ilaalada Kacaanka Iran oo sheegtay inay dib u farsameeyeen qalab difaac oo Mareykanku sameeyay

    Iiraan

    Cali Bilali, oo ah la-taliye sare oo u qaabilsan taliyaha Ciidanka Cirka iyo Hawada Sare ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, ayaa sheegay in khubarada warshadaha difaaca Iran ay dib u farsamaynayaan qalabka difaaca ee uu Mareykanku sameeyay, si ay u fahmaan una soo saaraan qalab la mid ah.

    Cali Bilali ayaa sidoo kale sheegay in kaydka hubka Iran uu ku filan yahay sannado badan oo soo socda, isla markaana ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin hawlgal.

    Waxa uu ka digay in haddii cadowgu sameeyo xisaab khaldan ama tallaabo kasta oo qalad ah, jawaabta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay noqon doonto mid aad u adag oo burbur weyn geysan karta.

    “Ciidamada qalabka sida waxay sugayaan tallaabo kasta oo khaldan oo cadowgu qaado iyo fursad ku habboon oo ay kaga jawaabaan. Haddii loo baahdo, waxaa la bixin doonaa jawaab aanu dhinaca kale weligiis illoobi doonin,” ayuu yiri.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Madaxweyne Xasan Sheekh : Walaaha Hiiraan caasimada waa la idin siiyey’

    Xasan Sheekh

    Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo maanta ka hadlayey munaasabad lagu caleemasaarayey hoggaamiyaha cusub Hirshabeelle Cali Guudlaaawe Xuseen ayaa soo hadal qaaday xaaladaha ka jira gobolka Hiiraan.

    “ Gobolka Hiiraan dadweynaha ku nool oo la dhihi karo, bulshooyinka dhan ee Hirshabeelle waa wada deggan yihiin, reer Hirshabelle ka tirsan oo an degganayn Hiiraan ma badna, Hiiraan waa meel aad iyo aad muhim u ah, Hirshabeellana muhim u ah, taariikhda dowladnimada Soomaaliya horreyna u tahay,”ayuu yiri madaxweyne Xasan.

    Wuxuu intaa raaciyey inaysan jirin sabab dadka reer Hiiraan aan codkooda loo dhagaysan waayo ama loo tixgelin waayo ama lagala xaajoon waayo.

    “Waa maqalnaa cododka dadka qaarkiisa ee oronaya caasimada ha la keeno Hirshabeele Hiiraan, walaaha Hiiraan, caasimada waa la idin siiyey, waxaa la idinka rabaa caasimadii meel la dego lagu shaqeeyo qofku lahaanshiyo dareemo adinka waxa idin taalla taas waaye, laakiin go’aanka kama dambaysta ah dowladda Hirshabeele iska leh.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. Milatariga Sudan oo xiray wasiir hore oo ay maxkamadda ICC doon doonaysay

    Sudan

    Milatariga Suudaan ayaa sheegay inay xireen wasiirkii hore ee dowladda, Ahmad Haroun, oo lagu eedeeyay inuu galay dambiyo dagaal.

    Haroun waxaa baadi-goobaya Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), taas oo ku eedeysay inuu ku lug lahaa tacaddiyo ka dhacay gobolka Daarfuur horraantii sannadihii 2000-meeyadii.

    Haroun, oo ka tirsanaa hoggaanka sare ee xisbigii talada hayay ee National Congress Party, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu shaqaaleysiin jiray, maalgelin jiray, isla markaana hubeyn jiray maleeshiyaad Islaamiyiin ah.

    Markii ugu horreysay waxaa la xiray sannadkii 2019-kii, balse wuxuu xabsiga ka baxsaday sannadkii 2023-kii, kadib markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee Suudaan.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. War deg deg ah, Imaaraadka oo u gurmanaya Markab dab ku qabsaday badda

    .

    Ilaalada Qaranka ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay badbaadiyeen 22 qof, kaddib markii dab uu ka kacay markab xamuul oo marayay Gacanka Cumaan.

    War ay ku baahisay boggeeda internetka ayay Ilaalada Qaranku ku sheegtay inay wicitaan ka heshay shaqaalaha markabka, kaddib markii dabku qabsaday, ayna gurmad u dirtay goobta.

    Waxay intaas ku dartay in kooxaha gurmadku ay heleen goobta markabka, ayna badbaadiyeen dhammaan 22-kii qof ee Carabta ahaa ee saarnaa.

    “Markii aan siinay gargaarkii degdegga ahaa ee loo baahnaa, waxaan ku wareejinnay hay’adaha ay khuseyso. Dhammaantood xaaladdoodu waa mid deggan,” ayay Ilaalada Qaranku ku sheegtay war-saxaafadeedka.

    Sababta keentay dabka weli lama oga.

    Dhanka kale, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa horay u sheegtay in laba markab oo shidaal siday ay waxyaabo qarxa kula kulmeen badda, dabna uu qabsaday, xilli ay ku sugnaayeen meel u dhow Marinka Hormuz.

    Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in labada markab ay damiyeen qalabkii hagayay, isla markaana ay marayeen marin aan loo oggolayn.

    Waxay ku eedeysay maraakiibta inay ku kaceen xadgudubyo kala duwan, iyadoo sheegtay in mid lagu weeraray bariga Marinka Hormuz, halka kan kalena lagu dhuftay gudaha marinka.

    War kale oo arrintan la xiriira, Taliska Dhexe ee ciidamada Mareykanka CENTCOM, ayaa ku dhawaaqay in la sameeyay ciidan hawlgal gaar ah oo diiradda saaraya Iran, isla markaana la ballaarinayo xannibaadda dhinaca badda ee saaran dekedaha Tehran, taas oo muddo bilo ah jirtay.

    War qoraal ah oo ka soo baxay CENTCOM ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay Iran ka hor istaagi doonto inay hub ku qaaddo waddooyinka dhulka.

  10. Xog ka soo korortay halka lagu hayo hadda madaxweyne xilka laga qaaday lana xabsiyey

    Madaxweyne

    Madaxweynihii hore ee Paraguay, Santiago Peña, ayaa lagu hayaa xabsi ku yaalla xarun milatari, kadib markii lagu soo oogay dacwado la xiriira doorkii lagu tuhunsanaa inuu ku lahaa burburkii bangi.

    Mr Peña ayaa la xiray Jimcihii, daqiiqado uun kadib markii senatarrada dalkaasi, oo ay ku jireen xubno ka tirsan xisbigiisa, ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in xilka laga qaado.

    Fadeexaddan ayaa malaayiin qof ka hor istaagtay inay helaan lacagihii ay bangiga ku keydsadeen.

    Mr Peña, oo ilaa sannadkii hore saamiyo ku lahaa shirkaddii lahayd bangiga, ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

    Ninkan garabka midig ah ee xulafada la ah Donald Trump ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira ku takri-fal kalsooni loo dhiibtay iyo adeegsiga awoodda maamul si uu dano gaar ah u gaaro.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  11. Wasiirka difaaaca Israa’iil oo shaaciyey war weyn oo ku saabsan Iiraan

    Israa'iil

    Iyadoo siyaasiga ay loollamaan yihiin Benjamin Netanyahu uu hoggaanka u qabtay dadaallada lagu soo dhisayo dowlad cusub oo Israa’iil ka dhalata, ayuu wasiirka gaashaandhigga dalkaasi ku baaqay “midnimo iyo isku duubni” si looga hortago waxa uu ugu yeeray “halista nukliyeerka Iran”.

    Israel Katz, ayaa Iran ku eedeeyay inay dib u bilowday dadaallada ay ku doonayso inay ku samaysato hub nukliyeer ah, isaga oo ka digay in hawsha Israa’iil ee la xiriirta Iran aysan weli dhammaan.

    Iran ayaa mar walba ku adkaysatay in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadeed.

    “Waa waajib ina saaran inaan u diyaargarowno xaalad kasta oo dhici karta. Waa inaan midownaa si aan u wajahno hawlaha muhiimka ah ee ina sugaya,” ayuu yiri Katz.

    Waxa uu intaas ku daray in cadawga Israa’iil ay tahay inay ogaadaan in, inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho siyaasadeed oo gudaha ah, haddana ay mideysan yihiin marka ay timaaddo difaaca jiritaankooda.

    Kadib markii midkoodna xisbiyada iyo isbahaysiyada siyaasadeed ee doorashadii baarlamaanka Israa’iil aysan helin aqlabiyadda kuraasta ee ay ku dhisi karaan dowlad, madaxweynaha Israa’iil ayaa kaddib wadatashi uu la yeeshay hoggaamiyeyaasha xisbiyada, Gadi Eisenkot u xilsaaray inuu soo dhiso dowlad cusub.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. War deg deg ah, Bangladesh oo Hindiya ka dalbatay mar kale u soo gacan gelinta ra'iisul wasaarihii hore oo baxsad ku joogta dalkaas

    .

    Wasiirka Sharciga Bangladesh, Maxamud Asaduzzaman, ayaa sheegay in dowladda Hindiya laga codsaday inay Bangladesh dib ugu soo celiso ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas, Sheekh Hasina, iyadoo la raacayo heshiiska isu-celinta dadka dembiyada lagu eedeeyo.

    Wuxuu hadalkan ka sheegay mar uu su’aalo uga jawaabayay suxufiyiinta, kaddib furitaanka aqoon-is-weydaarsi tababar oo Axadda maanta ah ka dhacay hoteel ku yaalla caasimadda.

    “Waxaan dhammaystirnay dhammaan tallaabooyinka sharci ee lagama maarmaanka u ahaa kiiska Sheekh Hasina, annagoo raacnay habraacyada loo dejiyay. Waxaa loola dhaqmi doonaa si waafaqsan sharciga,” ayuu yiri wasiirka.

    “Waxaad arki doontaan in tallaabo kasta oo aan qaadno aysan ku jirin wax dareen shakhsi ah. Waxa keliya ee aan sameynayno waa fulinta sharciga. Haddii aynaan sharciga si sax ah u fulin, waad nagu dhaliili kartaan,” ayuu raaciyay.

    Markii wariyeyaashu weydiiyeen in kiiska lagu qaadi doono maxkamadaha Hindiya, wasiirku wuxuu ku jawaabay: “Arrintani waxay ku xiran tahay dowladda Hindiya. Waxaan ka codsannay inay noo soo wareejiyaan iyadoo la raacayo heshiiska isu-celinta.”

    “Haddii ay noo soo wareejiyaan, waxaan raaci doonnaa habraaca sharciga ee loo dejiyay, iyadoo la waafajinayo shuruudaha sharciga,” ayuu yiri Asaduzzaman.

    Markii wariyaashu weydiiyeen sida Sheekh Hasina dib loogu soo celin karo iyadoo la adeegsanayo heshiiska maxaabiis-is-weydaarsiga, haddii aysan Hindiya maxbuus ka ahayn balse ay tahay “marti sharaf dowladeed”, wasiirka ayaa ku jawaabay: “Aniga aragtidayda, iyadu waa dambiile.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. War deg deg ah, Wixii dhexmaray labadan mas'uul iyo sida loo kala itaal roonaaday

    .

    Madaxweynaha Israa'iil, Isaac Herzog, ayaa Sabtidii u xushay Gadi Eisenkot, oo ah siyaasiga sida weyn ula loollama ra'iisul wasaaraha xilka ka sii degaya ee Benjamin Netanyahu, inuu soo dhiso dowlad cusub.

    War ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Herzog uu hoggaamiyaha xisbiga Yeshar, Gadi Eisenkot, ku wargeliyay inuu doonayo inuu u igmado dhismaha dowladda cusub. Munaasabad rasmi ah oo arrintan la xiriirta ayaa lagu qaban doonaa xarunta madaxtooyada galabta oo Axad ah.

    Eisenkot, oo soo noqday taliyaha guud ee ciidamada Israa'iil intii u dhexeysay 2015 iyo 2019, ayaa sheegay inuu dadaal kasta gelin doono sidii uu u soo dhisi lahaa dowlad cusub.

    Qoraal uu ku baahiyay barta X ayuu ku sheegay in la joogo waqtigii la dhisi lahaa dowlad midnimo qaran ah, isla markaana uu samayn doono wax kasta oo looga baahan yahay mas'uuliyaddaas.

    Eisenkot waxaa taageeray xisbiyo matalaya 67 xubnood oo ka tirsan 120-ka xubnood ee baarlamaanka Israa'iil, halka xisbiyada taageersan Netanyahu ay heleen talo-bixin ay ku taageerayaan 46 mudane.

  14. War deg deg ah, Ku dhawaad boqol qof oo duqeyn lagu dilay dalka Yemen

    Yemen

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay in 83 qof lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay 24-kii saac ee la soo dhaafay fuliyeen isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo.

    Warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhowaad 50 qof ay ku dhaawacmeen weerarradii ugu dambeeyay.

    Dhanka kale, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay inay dib u eegayaan wararkaasi.

    Qaramada Midoobay ayaa sannadkii 2018-kii isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ku eedeysay inuu mas’uul ka ahaa dhimashada rayidka ee dagaalka Yemen in ka badan dhinacyada kale ee dagaalka ku lugta leh.

    Hase yeeshee, xilligaas Sacuudiga ayaa warbixinnadaasi ku tilmaamay kuwo eex ku dhisan, isaga oo diiday eedeymahaas.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Maxey seynisyahannada iyo cilmi-baarayaashu ka yiraahdeen arrintaan raggu la kulmaan xilliga hurdada?

    ..

    Cilmi-baaris ay sameeysay Jaamacadda Shu Yen ee Hong Kong oo cinwaankeedu yahay "Riyooyinka galmada, riyooyinka qoyan iyo biyo-baxa habeenkii" ayaa baaraysa sababta ay raggu ugu biyo-baxaan hurdada.

    Boqolkiiba 80 dadka ka qaybgalay cilmi-baaristan waxay sheegeen in riyooyinka galmada ay sabab u ahaayeen biya-baxooda inta ay hurdaan.

    Inkastoo la aaminsan yahay in dhalinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ay yihiin kuwa ugu badan ee riyooyinka la kulma, haddana cilmi-baaristu waxay ogaatay inay celcelis ahaan 9 jeer sannadkii ku riyoodaan arrimo la xiriira galmo khiyaali ah.

    Cilmi-baaristu sidoo kale waxay muujinaysaa in inkastoo galmadu tahay qayb muhiim ah oo nolosha aadamaha ka mid ah, haddana aad bay ugu yar tahay inay ku soo muuqato riyooyinka.

    "Jirka ninka si dabiici ah ayuu u soo saaraa shahwo. Xitaa haddii uusan ninku galmo sameyn ama si gaar ah isu taaban, shahwada la soo saaray waxay ka baxdaa jirka xilli uu hurdo. Arrintani waa caadi," ayuu yiri Dr. Kamaraj oo ah khabiir ku takhasusay caafimaadka galmada iyo taranka.

    "Sida haweenka caadadu ugu dhacdo, ayaa raggana si dabiici ah ula kulmaan biya-baxa. Laakiin waxaa jira warar khaldan oo lala xiriiriyay awoodda ragga taasoo dhalisay faham khaldan oo badan," ayuu yiri Dr. John Bhupathi.

  16. Muxuu ku taajiray ninkii alwaaxa ku seexanayay?

    .

    Xusuusin sheekdan waa sheeko xiiso leh oo BBC-du baahisay sanooyin ka hor:

    Barnaamijka toddobaadlaha ah ee la yiraahdo "The Boss" waa musalsal ay BBC-du uga hadasho taariikhda ganacsatada heerka sare gaaray. Isbuucan waxaan la hadalnay Mathias Mikkelsen, oo ah ninka aasaasay shirkadda laga leeyahay dalka Norway ee lagu magacaabo Memory.

    Mathias Mikkelsen wuxuu aad ugu dadaalayay inuu dhiso ganacsigiisa, intii uu arrintaas ku gudajirayna wuxuu xitaa meel alwaax ah seexanayay muddo saddex bilood ah.

    Dabayaaqadii sanadkii 2013-kii, isagoo markaas ahaa 23 jir, ganacsadahan wuxuu si iskiis ah u go'aansaday inuu ka tago Norway, uuna aado magaalada Silicon Valley ee gobolka California, Mareykanka.

  17. War deg deg ah, Degdeg: Meydadka hooyadii, aabbihii iyo walaashiis oo laga helay gurigiisa

    .

    Booliiska Poland ayaa saaka xaqiijiyay in saddexda mayd ee laga helay guriga ninkii geystay toogashadii Sabtidii ay ahaayeen aabbihiis oo 53 jir ah, hooyadiis oo 52 jir ah iyo walaashiis oo 21 jir ah.

    Waxay sheegeen in baaritaankii hordhaca ahaa uu muujiyay in dhaawacyada meydadka ay u badan yihiin kuwo ka dhashay rasaas. Baaritaannada ayaa weli socda, mana ku koobna guriga laga helay maydadka.

    Ra’iisul Wasaaraha Poland, Donald Tusk, ayaa Sabtidii sheegay in baaritaanno ay ka socdeen guriga tuhmanaha, halkaas oo laga helay maydadka nin iyo laba haween ah oo la rumeysan yahay inay ahaayeen xubno ka tirsan qoyskiisa dhow.

  18. War deg deg ah, Faahfaahin dheeri ah oo ka soo baxaysa ninkii toogashada gaystay iyo dadka uu laayay

    .

    Waxa laga ogyahay weerarka

    Weerarku wuxuu billowday wax yar ka hor 3-dii galabnimo ee waqtiga maxalliga ah wuxuuna ka dhacay fagaaraha weyn ee Main Market Square ee magaalada Krakow, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Poland.

    Booliisku waxay sheegeen in nin 25 jir ah uu gaari ku galay fagaaraha, kaddibna uu gaarigiisa ka dhex bilaabay inuu rasaas aan kala sooc lahayn ku furo dadka.

    Saraakiil booliis ah oo hubeysan ayaa rasaas isweydaarsaday ninka weerarka geystay, kaas oo la toogtay saddex daqiiqo gudahood markii weerarku billowday, sida ay mas’uuliyiintu shalay sheegeen.

    Waxa laga ogyahay dhibbanayaasha

    Lix qof ayaa ku dhintay weerarka, kuwaas oo kala ahaa afar haween ah iyo laba nin. Saddex ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen Polish, mid British ah, halka labada kale aan weli la aqoonsan.

    Ra’iisul Wasaaraha Poland, Donald Tusk, ayaa sheegay in saddex ka mid ah maydadka laga helay guriga tuhmanaha, oo ku yaalla meel qiyaastii 200km u jirta Krakow, markii ay booliiska la dagaallama argagixisadu baarayeen.

    16 qof oo kale ayaa dhaawacmay, waxaana ku jiray shan qof oo ajaanib ah oo u kala dhashay Austria, Jarmalka, Portugal, Ruushka iyo Britain.

    Laba sarkaal oo booliis ah ayaa iyaguna dhaawacmay. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacyadooda ku sheegay Jakub Kulik iyo Artur Morański, oo labaduba ahaa saraakiil booliis.

    Wasiir ka tirsan dowladda Poland ayaa sheegay in mid ka mid ah saraakiisha uu ku jiro xaalad aad u liidata, kaddib markii saddex xabbadood lagu dhuftay xilli uu isku dayayay inuu xiro ninka weerarka geystay.

    Waxa laga ogyahay ninka weerarka gaystay

    Booliisku waxay sheegeen in ninka weerarka geystay uu yahay 25 jir u dhashay Poland, balse ma aysan shaacin magaciisa.

    Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay inuu xirnaa dhar u eg kuwa ciidamada milatariga, isla markaana uu watay hub heer milatari ah. Hase yeeshee, mas’uuliyiintu waxay caddeeyeen inuusan ahayn askari.

    Wasiirka ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan in tuhmanuhu uu ku dhiirraday fikradaha kooxaha midigta fog. Waxa kale oo uu ku tilmaamay qof aad u xagjir ah, balse faahfaahin dheeraad ah ma uusan bixin.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  19. War deg deg ah, Duqeyn la sheegay in lagu laayay dad carruur iyo haween u badan oo Yemen ka dhacday

    .

    Warbaahinta Yemen ee taageerta Xuutiyiinta ayaa sheegtay in ugu yaraan 33 qof ay ku dhinteen, 39 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo Sacuudigu ka fuliyay agagaarka caasimadda Yemen ee Sanca. Dadka dhintay intooda badan ayaa la sheegay inay yihiin haween iyo carruur.

    Dhanka kale, Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay baarayso wararka ku saabsan weerarradaas.

    Wakaaladda wararka Saba ee ay maamulaan Xuutiyiinta ayaa sheegtay in duqeymuhu dhaceen Sabtidii, 7-dii Nofeembar, ayna ka dhaceen xaafad la deggan yahay oo ku taalla deegaanka Bani Hashish, bariga Sanca. Hase yeeshee, sheegashadaas si madax-bannaan looma xaqiijin.

    Agaasimaha Isbitaalka Suhtna ee Sanca, Cabdulcasiis al-Dilami, ayaa Reuters u sheegay in dad dhowr ah, oo ay ku jiraan shaqaale gargaar, ay weli ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.

    Wuxuu sheegay in weerarradu ay sii socdaan, isla markaana mar kasta oo shaqaalaha gurmadku goobta tagaan uu weerar kale dhaco. Waxa uu intaas ku daray in qaar ka mid ah shaqaalaha gurmadka ay iyaguna ku dhinteen weerarrada.

    Sida uu sheegay, dhaawacyo dhowr ah ayaa isbitaalka la geeyay iyagoo xaaladoodu aad u liidato. Qaar ayaa dhaawacyo culus ka soo gaaray madaxa, laabta iyo lugaha, halka kuwo kalena ay lafuhu ka jabeen.

    Haddii la xaqiijiyo, weerarradani waxay noqon karaan kuwii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii dagaallada u dhexeeya Sacuudiga iyo fallaagada Xuutiyiinta ay dib u billowdeen bishii Luulyo.

    Dib u soo cusboonaanshaha dagaalka ayaa si dhab ah u soo afjaray xabbad-joojintii ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay sannadkii 2022.

    Xuutiyiinta ayaa bilihii u dambeeyay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray garoomada diyaaradaha iyo xarumaha shidaalka ee Sacuudiga, halka Sacuudigu uu duqeymo ka fuliyay Yemen isagoo taageeraya xulafadiisa dalkaas.

    Xiisadaha ugu dambeeyay ee la xiriira colaadda ballaaran ee Mareykanka iyo Iiraan ayaa mar kale sii huriyay dagaalka muddada dheer ka socda Yemen.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  20. War deg deg ah, Degdeg: Iran oo dil ku fulisay saddex nin oo lagu helay in ay la shaqeeyeen Mareykanka iyo Israa'iil

    .

    Wakaaladda wararka Mizan, oo xiriir la leh garsoorka Iiraan, ayaa xaqiijisay in saaka oo Axad ah la fuliyay xukunnadii dilka ahaa ee lagu riday Xasan Deoband, Hamid Kazemi iyo Reza Zanganeh, oo ka mid ahaa dadkii loo xiray dibadbaxyadii bishii Janaayo ka dhacay magaalada Karaj.

    Sida ay sheegtay Mizan, saddexdan nin ayaa lagu xukumay dil iyo la wareegidda hantidooda, kadib markii lagu eedeeyay inay si hufan ula shaqeynayeen Israa’iil iyo Mareykanka, isla markaana qaab hubeysan ay uga qayb qaateen dibadbaxyadii 8-dii iyo 9-kii Janaayo, oo ay ku jireen burburinta iyo gubista goobaha dadweynaha iyo xarumaha korontada.

    Wakaaladdu waxay sheegtay in xukunnada dilka ah ay fuliyeen kadib markii ay ansixisay Maxkamadda Sare ee Iiraan, iyadoo sidoo kale la wareegayo hantida saddexda nin.

    Mizan ayaa intaas ku dartay in 10 qof oo kale loo xiray kiiskan, halka eedeysanayaasha kale lagu xukumay xabsi u dhexeeya shan ilaa 10 sano.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: