Madaxweyne Trump oo sheegay in laba toddobaad gudahood Washington go’aan ka gaarayso arrinta Iiraan

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay labada toddobaad ee soo socda ku go’aamin doonto inay tallaabooyin dheeraad ah ka qaaddo Iran iyo in kale, ama ay ansixiso heshiis suuragal ah oo lala gaaro Tehran

Kooban

Tebin toos ah

  1. Aqalka Cad ee Maraykanka oo war ka soo saaray hadal uu shalay sheegay madaxweyne xigeenka JD Vance

    JD Vance

    Goobaha siyaasadda ee Washington ayaa weli hadal-hayn iyo mala-awaal ka dhex socdaan, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Donald Trump iyo ku-xigeenkiisa JD Vance.

    Arrintan ayaa timid kaddib qoraal uu Vance shalay baahiyay, kaas oo uu dagaalka Iran ku eedeeyay inuu sabab u ahaa guuldarradii lama filaanka ahayd ee xisbiga Jamhuuriga ka soo gaartay doorashooyinkii dhexe ee Maraykanka.

    Si kastaba ha ahaatee, sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa BBC u sheegay in Aqalka Cad uu ka warqabay qoraalka ka hor inta aan la baahin.

    Sarkaalka ayaa intaas ku daray in Trump aanu wax dhib ah ka qabin qoraalka, taasina ay sabab u ahayd inuu taageero markii suxufiyiintu wax ka weydiiyeen hadal uu shalay ka jeediyay Aqalka Cad.

    JD Vance ayaa si weyn loogu arkaa inuu yahay xubinta ka tirsan dadka sida dhow ula shaqeeya Trump ee ugu yaraa xiisaha uu u qabay suurtagalnimada dagaal ka dhan ah Iran. Waxa kale oo uu si weyn u metelaa garabka xisbiga Jamhuuriga ee doonaya in Maraykanku ka fogaado faragelinno milatari oo dibadda ah oo muddo dheer socda.

    Si kastaba, kala aragti duwanaanshahan ayaa inta badan ka dhici jiray albaabbada xiran, ilaa qoraalkii shalay uu Vance baahiyay.

    Sidoo kale akhri:

  2. Dal muslim ah oo soo bandhigay gantaal casri ah oo ay iyagu soo saareen

    Pakistan

    Dagaalka cirka ee casriga ah, awoodda diyaaradaha dagaalka laguma qiimeeyo oo keliya waxqabadka raadaarkooda, xawaarahooda ama awooddooda duulimaad, balse waxaa sidoo kale muhiim ah inta uu le'eg yahay masaafada ay ka ogaan karaan diyaaradaha cadowga iyo nooca hubka ay u adeegsan karaan inay ku bartilmaameedsadaan.

    Pakistan ayaa dhowaan ku guuleysatay tijaabada Gantaal kuwa lidka diyaaradaha oo lagu magacaabo Fa'az, kaas oo milatariga dalkaasi ku tilmaamay gantaalkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee gudaha Pakistan lagu sameeyo.

    Sida ay sheegtay waaxda xiriirka dadweynaha ee milatariga Pakistan (ISPR), gantaalkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee gudaha dalka lagu farsameeyo.

    Waxa uu ku qalabaysan yahay nidaam casri ah oo lagu hago marxaladda ugu dambaysa ee duulimaadka, wuxuuna awood u leeyahay inuu masaafo dheer ku haleelo bartilmaameedyada hawada.

    Militariga Pakistan ayaa sheegay in soo saarista gantaalkani ay muujinayso khibradda farsamo, hal-abuurka iyo isku-filnaanshaha warshadaha difaaca Pakistan.

  3. Qalalaase ka dhex taagan kooxda Trump, iyadoo indhaha lagu hayo xoghayaha difaaca

    Tump

    Kaddib guuldarradii weynayd ee taariikhiga ahayd ee xisbiga Jamhuuriga ka soo gaartay doorashooyinkii dhexe ee toddobaadkan, waxaa soo baxaya calaamado muujinaya in khilaaf iyo qalalaase siyaasadeed uu ka dhex jiro dadka ku dhow Madaxweyne Donald Trump.

    Indhaha ayaa hadda ku sii jeeda Xoghayaha Difaaca Maraykanka, Pete Hegseth, iyadoo xubno kale oo ka tirsan maamulka Trump ay ka biyo diideen hoggaamintiisa, iyaga oo ku eedeynaya inuu gacan ka geystay in maamulka Maraykanku galo dagaal aan shacabka raalli ka ahayn oo ka dhan ah Iran, kaas oo xisbiga Jamhuurigu uu doorashada ku mutay khasaare siyaasadeed.

    Trump ayaa qiray in arrintani jirto, balse ilaa hadda wuxuu u muuqdaa inuu weli garab taagan yahay Hegseth.

    Wareysi uu khadka telefoonka ku siiyay telefishinka ABC News ayuu Trump ku sheegay in uu helo “wicitaanno ku saabsan isaga”, balse aanu fahmin sababta loo soo hadal qaadayo.

    Trump ayaa intaas ku daray: “Waxaan si buuxda iiga go'an tahay inaan xilka ku sii hayo.”

    Xildhibaan Thomas Massie oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, isla markaana si joogto ah u dhaliila Trump, ayaa sheegay in madaxweynuhu ay tahay inuu xilka ka qaado Hegseth ka hor inta aanu baarlamaanka cusub shaqada bilaabin.

    “Waa inuu sidaas sameeyaa inta uu weli fursad u haysto in beddelkiisa ay ansixiyaan Senatku,” ayuu Massie ku qoray barta X.

    Sidoo kale akhri:

  4. Iiraan oo si adag ugu jawaabtay eedeyn ay u jeediyeen Midowga Yurub

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya in Iran ay ku lug leedahay colaadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen, isaga oo ka jawaabayay hadallo ka soo yeeray madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub.

    Ismaaciil Baghaei ayaa dhankiisa Midowga Yurub ku eedeeyay inuu qayb ka yahay cunaqabateynta iyo go'doominta dhaqaale ee lagu hayo shacabka Yemen. Waxa uu sheegay in arrintaasi ay Midowga Yurub ka dhigayso mid qayb ku leh xadgudubyada baahsan ee xuquuqda aadanaha ee Yemen.

    Mar sii horreysay, madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Kaia Kallas, ayaa cambaareysay weerarrada Xuutiyiintu ku qaadeen Sacuudiga iyo sii xoogeysiga howlgalladooda milatari ee Yemen. Waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada, oo ay ku jirto Iran, inay joojiyaan taageerada milatari ee ay siiyaan Xuutiyiinta.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Yemen ee Qaramada Midoobay si rasmi ah u aqoonsan tahay ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in 21 khubaro milatari oo ajaanib ah ay Xuutiyiinta kala shaqeynayaan howlaha milatari. Waxay sheegtay in khubaradaasi ay ku jiraan 14 xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran iyo toddoba xubnood oo ka tirsan ururka Xisbullah ee Lubnaan.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa eedeymahaas ku tilmaamay “warar been abuur ah”, isaga oo sheegay in faafintooda looga dan leeyahay in lagu qariyo xaqiiqooyinka, laguna marin habaabiyo ra'yiga dadweynaha.

    Sidoo kale akhri:

  5. Cabdiraxmaan Al-Sayed oo sheegay halka arrin ee uu kula shaqaynayo Trump hadduu sameeyo

    Maraykanka

    Cabdiraxmaan Al-Sayed, oo ah senatarka cusub ee xisbiga Dimuqraadiga ee laga soo doortay gobolka Michigan, ayaa dhowr daqiiqo ka hor barnaamijka Morning Joe ee telefishinka MS NOW kaga hadlay guushii uu ka gaaray ololaha doorashada.

    Al-Sayed ayaa sheegay in haddii madaxweynaha Maraykanku uu danaynayo “inuu lacag dheeraad ah jeebabka dadka ka soo saarp, isla markaana uu meel mariyo qorshaha “daryeel caafimaad oo loo siman yahay”, uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo madaxweynaha iyo cid kasta oo arrintaas diyaar u ah.

    Waxa uu sheegay in ololihiisa doorashada uu ku salaysnaa mideynta dadka, si ay ugu wada istaagaan xuquuqaha aasaasiga ah, shaqo abuurka iyo mushahar qofka u saamaxaya inuu daboolo baahiyaha nololeed.

    Sidoo kale akhri:

  6. 20 sanno ka dib dhacdo kale oo taariikhiya oo la filayo inay ka dhacdo Maraykanka

    Maraykanka

    Gobolka Alaska ayaan in ka badan 20 sano dooran guddoomiye gobol (Governor) oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

    Guddoomiyihii ugu dambeeyay ee Dimuqraadi ah, Tony Knowles, ayaa xilka ka degay sannadkii 2002.

    Hadda, Jonathan Kreiss-Tomkins, oo loo yaqaan JKT, ayaa qiyaastii 20 dhibcood kaga horreeya musharraxa Jamhuuriga ee ugu dhow, Bernadette Wilson, inkasta oo aanu weli gaarin aqlabiyadda codadka.

    Haddii uu guuleysto, siyaasigan 37-jirka ah ee hore uga tirsanaa baarlamaanka gobolka ayaa sidoo kale noqon doona guddoomiyihii ugu da'da yaraa taariikhda Alaska.

    Kreiss-Tomkins ayaa ah musharraxa keliya ee Dimuqraadiga ah ee afarta musharrax ee tartamaya. Ololihiisa doorashada ayuu xoogga ku saaray dhimista biilasha korontada, isaga oo soo jeediyay in arrintaas lagu gaaro horumarinta gaaska dabiiciga ah iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

    Waxa uu ballanqaaday inuu maamulkiisa ku soo dari doono xubno ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo siyaasiyiin madaxbannaan.

    Toddobaadkii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada, waxa uu taageero ka helay Lisa Murkowski oo ah senatarka Jamhuuriga ee gobolka Alaska.

    Sidoo kale akhri:

  7. JD Vance oo guuldarrada doorashada ku eedeeyay dagaalka Iran – Maxaa ugu dambeeyay wararka doorashada?

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Xisbiga Dimuqraadiga ayaa guul weyn ka gaaray doorashada dhexe ee Mareykanka, isagoo aqlabiyad ka helay labada aqal ee Kongareeska: Aqalka Wakiillada iyo Aqalka Senate-ka.

    Hoggaamiyeyaasha Dimuqraadiga ayaa u dabbaaldegaya guushan doorasho, laba sano oo keliya kaddib markii looga adkaaday doorashadii guud ee Mareykanka ee 2024.

    Hoggaamiyaha laga tirada badan yahay ee Aqalka Wakiillada, Hakeem Jeffries, ayaa sheegay in Kongareesku uu awood u yeelan doono inuu “xakameeyo oo dheellitiro awoodda laanta fulinta ee faraha ka baxday”.

    Dhanka kale, Jamhuuriyiintu waxay u muuqdaan kuwo dib u qiimaynaya guuldarradooda. Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance ayaa khasaaraha taariikhiga ah ee xisbiga ku eedeeyay dagaalka Iran, arrintaas oo Madaxweyne Trump uu qiray inay “inta badan run tahay”.

    Waxaa weli la sugayaa natiijooyinka dhowr iyo toban kursi oo Aqalka Wakiillada ah, laba tartan oo Aqalka Senate-ka ah iyo laba doorasho oo guddoomiye gobol.

    Tirinta codadka laba tartan oo aad isugu dhow oo Aqalka Senate-ka ah ayaa weli ka socota gobollada Alaska iyo Mississippi. Weli lama oga goorta natiijooyinkooda la shaacin doono.

    Falcelinta caalamka ee natiijooyinka doorashada ayaa kala duwanayd. Warbaahinta Ruushka ayaa hadal haysay in natiijooyinka doorashada dhexe ay saamayn ku yeelan karaan heshiiska nabadeed ee Ukraine. Hase yeeshee, Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in Ruushku uu sii wadi doono difaacidda “danaheeda” dagaalka, iyadoon loo eegin natiijada doorashada Mareykanka.

    Dhanka Shiinaha, jawaabtiisu waxay ahayd mid aan hadal badnayn, iyadoo Beijing ay doonayso inay xiriir deggan la yeelato Washington, ka hor shir madaxeed ay labada dal yeelanayaan dabayaaqada bishan.

    Sidoo kale akhri:

  8. Kuraasta ilaa hadda lagu kala guuleystay Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga

    Doug Ford,
    Qoraalka sawirka, Doug Ford,

    Natiijada 48 kursi oo ka mid ah doorashada dhexe ee Mareykanka ayaan weli la shaacin. Sida ay hadda wax u socdaan, xisbiga Dimuqraadiga ayaa ilaa hadda ku guuleystay 240 kursi oo ka mid ah Aqalka Wakiillada.

    Dhanka kale, xisbiga Jamhuuriga ayaa ilaa hadda helay 147 kursi. Waxaa xusid mudan in loo baahan yahay 218 kursi si xisbi uu aqlabiyad uga helo Aqalka Wakiillada.

    Aqalka Senate-ka, Dimuqraadiyiinta ayaa ku guuleystay 52 kursi, halka Jamhuuriyiintu heleen 44 kursi.

    Natiijooyinka ilaa hadda la shaaciyay waxay muujinayaan in Dimuqraadiyiintu aqlabiyad ka heleen Aqalka Senate-ka, xitaa haddii aan weli la shaacin natiijada labada kursi ee harsan.

    Sidoo kale akhri:

  9. Xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka oo sheegay saddexda arrimood ee ugu waaweyn ee ay mudnaanta siinayaan

    Maraykanka

    Kaddib markii ay ku guuleysteen doorashooyinkii Kongareeska, xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in saddexda arrimood ee ugu waaweyn ee ay mudnaanta siinayaan ay yihiin soo afjaridda dagaalka Iran, yaraynta culayska ka dhashay kor u kaca qiimaha maciishadda iyo in maamulka Trump lagula xisaabtamo tallaabooyinkiisa.

    Hoggaamiyeyaasha Dimuqraadiyiinta ayaa sheegay in Kongareesku aanu mar dambe noqon doonin hay'ad hoos timaadda maamulka Trump.

    Dhanka kale, xisbiga Jamhuuriga, oo la kulmay mid ka mid ah guuldarrooyinkiisii doorasho ee ugu waaweynaa, ayaa wajahaya caqabado la xiriira mustaqbalka xisbiga iyo kala fogaanshaha qaar ka mid ah siyaasiyiinta sida dhow ula shaqeeya Trump, oo uu ku jiro Madaxweyne ku-xigeenka JD Vance.

    Natiijooyinka doorashada ayaa sidoo kale su'aalo ka keenay mustaqbalka dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee MAGA, oo magaciisu ka soo jeedo halkudhiggii ololaha Trump ee ahaa “Make America Great Again” (Maraykanka dib uga dhig dal weyn).

  10. Muxuu yahay baasaboorka cusub ee Soomaaliya yeelanayso, muxuuse uga duwan yahay kuwii hore?

    Baasaboorka

    Dawladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in bisha Diiseembar ee sannad kan 2026 la daabici doono Baasaboor nooc cusub ah oo ay yeelanayso Soomaaliya.

    Boosaboorka cusub ayaa ka kooban sida kuwii horeba seddexda heer ee kala ah kan shaqaalaha, kan diblomaasiyiinta iyo kan caadiga ah.

    Baasaboorka waxaa jaldigiisa iyo gudihiisaba ka muuqda qoraal iyo astaamo muujinaya in Soomaaliya ay kamid tahay wadamada ku mideysan Ururka Bulshada Bariga Afrika, waxaana loogu safri doonaa sida dallalka kale ee ku jira ururka.

    Agaasimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya Xuseen Qaasim Yuusuf (Iidow) oo waraysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay in horraanta bisha Diiseembar ee sannad kan la bixin doono noocyadii ugu horeeyay ee Baasaboorka cusub.

    "Soomaaliya waxay yeelanaysaa Baasaboor cusub oo casriya, Baasaboorkaas oo waafaqsan nidaamka caalamiga ah ee lagu qiimeeyo, Baasaboorada casriga ah" ayuu yiri Agaasime Xuseen Iidow.

  11. Cristiano Ronaldo oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha heer qaran

    Cristiano Ronaldo
    Qoraalka sawirka, Cristiano Ronaldo

    Halyeeyga kubadda cagta Portugal, Cristiano Ronaldo, ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay gabi ahaan-ba ciyaaraha heer caalami.

    Weeraryahanka oo 41 jir ah ayaa xulka Portugal u dhaliyay 146 gool, wuxuuna u ciyaaray 234 kulan. Labadan tiro ayaa ah rikoodh caalami ah tan iyo markii uu xulka u saftay kulankiisii ugu horreeyay sannadkii 2003.

    Bishii hore, Ronaldo ayaa isaga baxay xerada tababarka xulka Portugal kaddib markii loo sheegay inuusan ku bilaaban doonin safka hore kulankii ay Denmark kula ciyaarayeen tartanka Nations League.

    Muuqaal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka, ayuu Ronaldo ku yiri:

    “Shacabka Purtaqiiskow waxaa la gaaray maalintii aan wareejin lahaa lambarka toddobaad ee funaanadda xulkeenna.”

    “Waligay ma aanan dareemin in funaanaddani ay aniga oo keliya ii gaar tahay, balse muddo 23 sano ah waxaan mudnaan iyo mas'uuliyad u lahaa inaan xirto, difaaco, isla markaana geeyo garoomo kubadeed oo kala duwan oo dunida ku yaalla.”

    “Maanta waxaa la gaaray waqtigii aan ku wareejin lahaa jiilka xiga. Ma ahayn go'aan sahlan, sababtoo ah go'aannada qaar laguma gaaro maskaxda oo keliya, balse qalbigana waa lagu gaaraa.”

    Sidoo kale akhri:

  12. Iiraan oo ka jawaabtay hadalkii madaxweyne xigeenka Maraykanka

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ku tilmaamay “Khamaar lagu khasaaray” oo aan awoodin inuu ka tago miiska khamaarka, isaga oo ka jawaabayay hadalladii Vance ee ku saabsanaa doorka dagaalka Iran uu ku lahaa guuldarradii doorashada ee xisbiga Jamhuuriga.

    Qalibaf ayaa bartiisa X dib ugu baahiyay qayb ka mid ah hadalkii JD Vance, isaga ooka dibna qoray: “Madaxdaadu waxay diyaarinayaan wejiga xiga ee dagaalka, halka Maraykanku qarka u saaran yahay inuu ku dhaco godka siyaasadda ah ee ah Israa'iil.”

    Waxa uu intaas kaddib u jeediyey madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka“Jooji khudbadaha masraxa laga dhaho. Maxaad hadalkaas ugu sheegi weyday madaxdaada?”

    Horey, JD Vance ayaa dagaalka Iran ku tilmaamay sababta ugu weyn ee keentay guuldarrada xisbiga Jamhuuriga ee doorashooyinkii dhexe ee Maraykanka.

  13. Wall Street Journal: Xuutiyiinta ayaa ka dalbaday Sacuudiga lacag dhan 51 bilyan oo dollar si loo soo afjaro dagaalka

    Wargeyska Wall Street Journal ayaa qoray in Xuutiyiinta Yemen ay dalbadeen magdhow dhan 51 bilyan oo dollar iyo in la aqoonsado dowladdooda Yemen, intii lagu jiray wada-hadallo ay la lahaayeen Sacuudiga oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro colaadda.

    Wargeysku waxa uu sheegay, isaga oo soo xiganaya dad xog-ogaal u ah wada-hadallada, in Xuutiyiintu ay dalbadeen lacagtaas si loogu magdhabo sannado badan oo duqeymo cirka ah oo Sacuudigu ka fulinayay Yemen iyo go'doomintii dalkaas lagu soo rogay.

    Inkasta oo tirooyin kale lagu soo qaaday wada-hadalladii xigay, haddana waxaa muuqata in kharashka heshiis suuragal ah uu gaari karo tobannaan bilyan oo dollar.

    Wall Street Journal ayaa qoray in Sacuudigu wajahayo go'aanno adag, kaddib markii fallaagada Xuutiyiintu ay kordhiyeen weerarrada ay ku qaadaan xarumaha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha ee dalkaas, isla markaana ay ku sii siqeen magaalada dekedda leh ee Cadan.

    Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed bin Salmaan, ayaan doonayn inuu wada-hadallo dhammaystiran la galo Xuutiyiinta isaga oo aan marka hore guulo ka gaarin dhinaca dagaalka ee gudaha Yemen, sida ay sheegeen saraakiil Sacuudiyaan ah.

    Dhanka kale, waxa uu ka walaacsan yahay in ciidamo dheeraad ah oo Yemen loo diro ay sababi karaan dhimasho badan oo askarta soo gaarta iyo caro ka dhalata gudaha dalka Sacuudiga.

    Dowladda Sacuudiga iyo hoggaamiyeyaasha Xuutiyiinta kama aysan jawaabin codsi uu Wall Street Journal u diray oo ahaa inay faallo ka bixiyaan warbixintan.

  14. Senatar Bernie Sanders oo sheegay inay muhim tahay in lala xisaabtamo Trump

    Bernie Sanders,
    Qoraalka sawirka, Bernie Sanders,

    Senatarka sare ee Maraykanka Bernie Sanders, ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump lagula xisaabtamo siyaasaddiisa iyo tallaabooyinkiisa, kaddib markii xisbiga Dimuqraadigu uu la wareegay Kongareeska.

    Mar barnaamijka Newsnight ee BBC-da la weydiiyay in Dimuqraadiyiintu ay hadda bilaabi doonaan baaritaan ama tallaabooyin siyaasadeed oo ka dhan ah Trump iyo qoyskiisa, Bernie Sanders ayaa si kooban ugu jawaabay: “Shaki kuma jiro.”

    Inkasta oo Bernie Sanders uu yahay siyaasi aan si rasmi ah uga tirsanayn labada xisbi ee waaweyn (Independent), haddana wuxuu xiriir dhow la leeyahay xisbiga Dimuqraadiga. Waxa uu sidoo kale sheegay in inkasta oo xisbigu guulo ka gaaray doorashooyinkii dhexe haddana aanu taageero badan ka haysan shacabka.

  15. Warar hor leh oo ka soo kordhay dabaqii ku dumay xaafada Islii

    Dabaqii Islii ku dumay

    Kooxaha samatabbixinta ayaa weli howlgalka badbaadinta ka wada dabaqii ku dumay waddada sagaalaad ee xaafada Islii ee magaalada Naiorbo.

    Xildhibaanka degmada Kamakunji, oo xaafada Isliina ka tirsan tahay Yuusuf Xasan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa ka hadlay sida howlgalladu u socdaan.

    "Maalintii 13-aad ee hawlgalka samatabbixinta, ayaa saaka aroortii hore burburka dhismaha ku dumay Waddada 9-aad ee xaafadda Islii laga soo saaray laba mayd oo kale. Shaqaalaha gurmadka ayaa hadda ku hawlan sidii ay u soo saari lahaayeen mayd saddexaad, taas oo tirada dadka dhintay ka dhigaysa shan qof." ayuu yiri Yuusuf.

    Wuxuu intaaa sii raaciyey: "Tani waa war murugo leh oo ku saabsan qoysaska ay dhibaatadu saamaysay, dadka ku nool Islii iyo guud ahaan deegaanka Kamukunji. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qoysaska dhammaan dadkii ku geeriyooday musiibadan."

    "Qoysaska weli sugaya in la helo dadkooda: waan idin garab taagannahay, hawlgalka baadigoobkuna wuu sii socon doonaa ilaa laga helo qof kasta oo la la'yahay."

  16. Itoobiya iyo Suudaan oo midba midka kale diblomaasiyiin ka cayriyey

    Abiy
    Qoraalka sawirka, Abiy

    Itoobiya iyo Suudaan ayaa midba midka kale diblomaasiyiin ka cayriyey, kaddib markii ay is-weydaarsadeen eedeymo la xiriira taageeridda kooxaha fallaagada ah ee ka hawlgala dhulka dal kasta.

    Wararka ayaa sheegaya in Suudaan ay amartay in diblomaasiyiinta Itoobiyaanka ahi dalka ka baxaan, taas oo jawaab u ahayd go'aankii Itoobiya ay lix diblomaasi oo Suudaani ah siisay 48 saacadood oo ay dalka kaga baxaan.

    Suudaan ayaa Itoobiya ku eedeysay inay u oggolaatay xoogagga milateriga ee RSF inay dhulkeeda ka soo qaadaan weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo lagu beegsanayo gudaha Suudaan.

    Itoobiya ayaa beenisay eedeyntaas, iyadoo iyaduna Suudaan ku eedeysay inay taageerto kooxaha fallaagada ah ee la dagaallamaya ciidamada dowladda ee gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

  17. Tartanka hubka: 10-ka dal ee leh hubka ugu badan Afrika

    10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.
    Qoraalka sawirka, 10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.

    Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.

    Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.

    10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.

    Nigeria waxaa loo arkaa dalka ugu horeeya gobolka ee hub soo iibsashada. Qiyaastii 16 boqolkiiba hubka gobolka la keenay waxaa la yimid Nigeria. Hubka ay la soo degtay Nigeria noocyada ugu badan waa diyaaradaha dagaalka, helikobtaro, gawaarida gaashaaman, maraakiib iyo drones.

    Nigeria waxay hubka ka soo iibsatay meelo kala duwan oo hal dal kama aysan keensan. Waxaana ka mid ah dalalka ay hubka ka soo iibsatay Turkey, Kuuriyada Koonfureeda, Shiinaha, Netherlands, France, Italy, Brazil, Mareykanka, Ruushka, Koonfur Afrika, Pakistan, Canada, Sacuudiga, Austria iyo Malaysia. Waxay la timid lix meelood meel hubka ay keensadeen dalalka Afrika ee ka hooseysa Saxaraha.

  18. Suuqyada maaliyadeed ee caalamka oo sare u kacay kaddib guushii Dimuqraadiyiinta ee doorashooyinkii Mareykanka

    Qiimaha shidaalka cayriin ayaa hoos ugu dhacay 100 doollar foostadii.
    Qoraalka sawirka, Qiimaha shidaalka cayriin ayaa hoos ugu dhacay 100 doollar foostadii

    Suuqyada maaliyadeed ee caalamka ayaa sare u kac weyn sameeyay kaddib guushii Xisbiga Dimuqraadiga ee doorashooyinkii dhextaalka ahaa ee Mareykanka, halka qiimaha shidaalka cayriin ayaa hoos ugu dhacay 100 doollar foostadii.

    Qiimaha shidaalka Brent ee suuqyada caalamka ayaa galabnimadii Arbacada hoos u dhacay in ka badan 8%, isagoo gaaray qiyaastii 95 doollar foostadii. Tani waa qiimihii ugu hooseeyay ee la diiwaangeliyo labadii bilood ee la soo dhaafay.

    Hoos u dhaca qiimaha shidaalka ayaa inta badan lala xiriirinayaa hadal uu jeediyay Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance, kaas oo sheegay in dagaalka ka dhanka ah Iran uu ka mid ahaa arrimaha sababay guuldarrada Xisbiga Jamhuuriga ee doorashada.

    Hadalkaas ayaa u muuqday mid ku kallifay maalgashadayaasha inay dib u qiimeeyaan walaaca laga qabo in xiisadda Bariga Dhexe ay sii kororto.

    Maalgashadayaashu waxay sidoo kale fiiro gaar ah u yeesheen baaqii Vance ee ahaa in xabbad-joojin la sameeyo, tallaabooyin lagu xakameynayo sicir-bararka iyo sare u kaca qiimaha maciishadda, iyo dib-u-eegis lagu sameeyo xiriirka Mareykanka iyo Israa'iil.

    Xaaladdan ayaa sare u qaaday rajada laga qabo suuqyada maaliyadeed, iyadoo qaar ka mid ah maalgashadayaashu ay aaminsan yihiin in jihada siyaasadeed ee cusub ee doorashada kaddib ay yareyn karto, suurtagalnimada dagaal ballaaran oo dhex mara Mareykanka iyo Iran.

    Dhanka kale, suuqyada saamiyada Mareykanka ayaa iyaguna diiwaangeliyay koror weyn.

    Tusmada saamiyada Dow Jones Industrial Average, ayaa xiritaanka suuqa ku kacday 3%, halka S&P 500 ay korortay 1.6%. Sidoo kale, Nasdaq oo inta badan ka kooban saamiyada shirkadaha tiknoolajiyadda ayaa kor u kacday 1.4%.

    Sidoo kale akhri:

  19. Markii uu Trump yiri "waan jeclahay Ilhaan"

    Ilhaan
    Qoraalka sawirka, Ilhaan

    Marka la soo hadal qaado Trump iyo Ilhaan Cumar, waxaa durbaba maskaxdaada ku soo dhacaya hadallo ay is dhaafsadeen labadooda.

    Trump ayaa dhowr mar oo hore weerar afka ah ku qaaday Ilhaan Cumar iyo guud ahaanba Soomaalida ku nool Mareykanka iyo Soomaaliyaba.

    Si kooban, waxaan dib u yara milicsaneynaa hadalladii Trump marka laga yimaado hadalladii adkaa ee uu u muujinayay.

    Waxa aad loo xasuustaa hadal uu yiri Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump xili uu mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida iyo xildhibaan Ilhaan Omar oo ka tirsan Aqalka Kongareeska lagana soo doorto gobolka Minnesota, xilli uu ka hadlayay isku soo bax ka dhacay Pennsylvania, dabayaaqadii sanadkii 2025-kii.

    Intii uu ka hadlayay isku soo baxa oo uu dhinacyo badan soo hadal qaaday, ayaa waxaa sidii looga bartay khudbadiisa ku soo hadal qaaday Soomaalida.

    Waxa uu soo hadal qaaday xijaabkeeda oo uu ku tilmaamay ''koofiyad yar'' isaga oo ku baaqay in la masaafuriyo.

    "Waan jeclahay Ilhan Omar, wax walbuu magaceedu yahayba, iyadoo xiran koofiyadda yar," Trump ayaa yiri, isagoo kala jeeda xijaabkeeda.

    Madaxweynuhu isaga, Ilhaan uma arko "qof fiican oo Mareykanka usoo haajirtay". Balse iyadoo ku faaneysa ayay u doodday xuquuqdeeda xirashada xijaabka ee gudaha Aqalka Wakiillada.

    Sidoo kale akhriso:

  20. Trump oo qiray in go'aankiisii ahaa inuu dagaal ka rido gobolka Khaliijka uu qayb weyn ka qaatay guuldarradii Jamhuuriga

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qiray in go'aankiisii ahaa inuu dagaal ka rido gobolka Khaliijka uu qayb weyn ka qaatay guuldarradii xisbiga Talada haya ee Jamhuuriga ka soo gaartey doorashada Dhextaalka ah.

    Trump hase yeeshee wuxuu ku adkaystay in uu mar kale qaadan lahaa go'aankaas haddii ay fursad kale soo marto. Halka Ku-xigeenkiisu uu su’aal geliyay in dagaalkaasi uu u qalmay khasaaraha iyo kharashaadka ka dhashay.

    Xisbiga Dimuqraadiga ayaa si buuxda ula wareegey gacan-ku-haynta maamulka labada aqal ee Wakiillada iyo Senate-ka Maraykanka, ka dib doorashooyinka Muddada Dhextaalka ee taladadii ka dhacday dalkaas.

    Natiijadan oo talada sharcidajinta si weyn ugu janjeerisey dhanka mucaaradka, ayaa dhanka kale waxay dhabar-jab weyn ku tahay Madaxweyne Donald Trump, oo inta ka dhiman muddada xileedkiisa wajahi doona mucaarad ragaadinaya.

    Sidoo kale akhri: