Maxkamadda Sare oo waxba kama jiraan ku sheegtay muddo-xileedka shanta sano ah ee dowladdu ay sheegtay inuu dhaqan-gal yahay

Xigashada Sawirka, .
Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go'aamisay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee Baarlamaanka Federaalka, Madaxweynaha iyo Xukuumadda Federaalka uu ku ekaa sannadkii 2026.
Maxakamadda ayaa xustay in dhammaan tallaabooyinka ay hay'adahaasi qaadeen wixii ka dambeeyay dhammaadka muddooyinkooda ku tilmaantay kuwo aan sharci iyo dastuur midna waafaqsanayn.
Go'aankan maxkmadda ayaa waxaa soo saaray shan garsoore ka dib dacwad uu soo gudbiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taas oo ka dhan ahayd Dowladda Federaalka, gaar ahaan habraacii wax-ka-beddelka loogu sameeyay Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 iyo saameynta sharci ee ka dhalatay.
Maxkamaddu ayaa go'aamisay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee hay'adaha federaalka uu sharciyan ahaa afar sano.
Grsoorayaasha ayaa go'aankooda mudda xileedka gundhig uga dhigay Dastuurkii Kumeelgaarka ahaa ee 2012, isla markaana wax-ka-beddelkii 2026 aanu si cad u sheegin in muddada cusub lagu dabaqayo hay'adihii xilka hayay.
Maxkamadda sare ayaa guddoonkeeda ku sheegtay in muddo-xileedka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka uu dhammaaday 14-kii April2026, halka muddo-xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu dhammaaday 15-kii Maajo 2026.
Tallaabooyinka ay hay'adahaasi qaadeen markii muddo-xileedkoodu dhammaaday waxay Maxkamaddu ku tilmaantay kuwo aan dastuuri iyo sharci ahayn, isla markaana aan waxba ka jirin. Xukuumadda xilgaarsiinta ahna waxay ku koobtay hawlaha maalinlaha ah.
Maxkamaddu waxay dhinacyada siyaasadda ku amartay inay heshiis ka gaaraan hannaanka doorashada, iyadoo waqti cayiman u qabatay in doorasho la qabto.
Dhanka doorashooyiinka Maxkamaddu waxay amartay in dhinacyada ay khusayso ay 30 maalmood gudahood ku gaaraan heshiis ku saabsan hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay, doorashadana lagu qabto 90 maalmood gudahood.
Go'aankan ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho xaaladda siyaasadeed iyo doodda ku saabsan sharciyadda hay'adaha dowladda Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay xil-ka-qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, iyadoo sheegtay in go'aanka Madaxweynaha uusan waafaqsanayn Dastuurka.
qoraalka ay soo saartay maxkamadda ayaa lagu cadeeyay in Madaxweynaha uusan awood u lahayn inuu kaligiis xilka ka qaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Go'aanka maxkamadda sare aya sidoo kale tallaabadaas ku tilmaantay mid aan waafaqsanayn Dastuurka iyo mabaadi'da madaxbannaanida garsoorka.
Maxkamaddu waxay sheegtay in qoraalka xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee lagu baahiyey bogga Facebook ee Madaxtooyada aanu lahayn qodob sharci ah oo loo cuskanayo, ujeeddadiisuna ay tahay in lagu carqaladeeyo ka garnaqista dacwadda dastuuriga ah ee ka furan Maxkamadda Sare.
Bayaanka ay Maxkamaddu soo saartay maanta ayaa lagu sheegay inay tahay hay'adda ugu sarreysa garsoorka dalka, isla markaana ay masuul ka tahay xaqiijinta sarreynta sharciga iyo ku dhaqankiisa, iyo midnimada fasiraadda sharciga.
Maxakamadda ayaa u daliishatay go'aankeeda qodobka 108-aad ee Dastuurkii KMG ahaa ee 2012 iyo qodobka 129-aad ee Dastuurka JFS ee 2026, iyo qodobka 5-aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka, Xeer Lr. 3 ee soo baxay 12-kii Juun 1962.
Ilaa imika ma jiro wax war ah oo ak soo baxay dhanka dowladda federaalka oo ku aadan go'aanka maxkamadda.
Xiriir aan la sameynay qaar ka mid ah madaxda dowladda ayaan ka jawaabin taleefoonadeena ama farrimaheena.
Maxay ka yiraahdeen madaxda mucaaradka?

Qaar ka mid ah mdaxda mucaaradka ayaa soo dhaweeyay go'aanka ka soo baxay maxkamadda sare.
Madaxwaynihii hore ee soomaaliya Sheekh Shariif sheekh Axmed oo kiiska maxkamada u gudbiyay ayaa go'aanka maxkamada ee mudda xileedka hay'adaha dowladda.
"Waxaan rabaa in marka hore aan ku ammaano geesinimada ay qaateen iyo go'aanka ay soo saareen inaan ku ammaano kuna taageero" ayuu yiri sheekh shariif.
Rai'sul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cai Kheyre ayaa ku tilmaamay go'aanka ay soo saareen garsoorayaasha maxkamadda sare mid ay ku "badbaadinayeen umadda Soomaaliyeed"soo dhaweeyay go'aanka maxkamadda sare.
"Waxaa uu ahaa go'aan masiiri ah oo ay umadda Soomaaliyeed ku badbaadinayaan garsoorayaal soomaliyeed,"ayuu yiri Mr Kheyre.
Waxa ay madaxda mucaardaka sidoo kale ka soo horjeedsadeen xil ka qaadista la sheegay in madaxwaynaha ku sameeyay gudoomiyaha maxkamadda sare iyaga oo taageeray go'aanka maxakamada sare ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay go'aanka madaxwaynaha.
Muxuu ka dhigan yahay Go'aanka maxkamadda?
Go'aankan ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho xaaladda siyaasadeed iyo doodda ku saabsan sharciyadda hay'adaha dowladda Soomaaliya.
Tan iyo bilowgii sanadka waxaa la isku hayay oo muran daba dheeraaday oo ku aadanaa mudda xileedka hay'adaha dowladda iyo arrinta wax ka badalka dastuurka.
Waxaa suuragal ah inuu sii xumaado khilaafka u dhexeeya Madaxtooyada iyo madxda mucaaradka.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa rumeysan in go'aanka maxkamadda uu yahaya mid muddo-xileedka siinayaa miisaan garsoor.
Maxamed Mukhtaar oo aad u darsa siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in maxkamadu xaddiday hawlaha maalinlaha ah, iyadoo xaddidaysa awoodaha ka baxsan xilgaarsiinta.
"Siyaasad ahaan, go'aanku wuxuu murankii muddo-xileedka siinayaa miisaan garsoor, Maxkamaddu waxay xukuumadda u oggolaanaysaa hawlaha maalinlaha ah, iyadoo xaddidaysa awoodaha ka baxsan xilgaarsiinta. Halkaas waxaa ka dhalan kara muran cusub oo ku saabsan magacaabista, heshiisyada iyo go'aannada doorashooyinka,amarka ah in 30 maalmood lagu heshiiyo hannaan doorasho, doorashadana 90 maalmood lagu qabto, wuxuu u baahan yahay heshiis siyaasadeed iyo awood fulineed oo dhab ah" ayuu yiri mr Mukhtaar.
Waxaa uu sidoo kale rumeysan yahay in go'aanka maxkamada uu kala saaray qaabka wax-ka-beddelka dastuurka iyo hirgalintiisa.
"Go'aanka maanta wuxuu kala saarayaa wax-ka-beddelka dastuurka iyo in muddada cusub lagu dabaqi karo madaxda hadda xilka haysa. Maxkamaddu waxay aqbashay dooda ah in muddada hay'adaha hadda jira aan la kordhin karin iyadoo aan si cad dastuurka loogu qeexin, sidaas darteed, go'aanku wuxuu si toos ah u taabanayaa saldhigga sharci ee sii-joogitaanka madaxda federaalka," ayuu inta ku daray.
Maxamed Mukhtaar oo aan dhanka kale wax ka waydiinay xil-ka qaadista gudoomiyaha maxkamadda sare ayaa sheegay in arrintan ay keenayso su'aalo taabanaya madaxbanaanida garsoorka.
"Xil-ka-qaadistii Dr Baashe ee shalay waxay arrintan ku kordhinaysaa su'aal ku saabsan madax-bannaanida garsoorka, laakiin nuqulka go'aanka waxaa saxiixay guddi shan garsoore ah oo uusan Baashe ku jirin, sidaas darteed, arrintu waxay dhaafaysaa khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo guddoomiyihii hore. Waxa hadda muhiimka ahi waa xsida hay'aduhu uga jawaabaan. Haddii dhinac walba qaato fasiraad u gaar ah oo uu ku saleeyo amarro siyaasadeed ama ciidan, muranka sharci wuxuu isu beddeli karaa loollan awood oo khatar gelinaya xasilloonida,". ayuu yiri Mr Maxamed Mukhtaar oos iyaaadda ka faalooda
























