Afar arrimood oo keeni kara in baaritaan lagu sameeyo Trump ka dib guuldarradii xisbigiisu kala kulmay Kongareska

Trump
    • Author, Debosman Jr. brand
    • Role, Wariyaha Aqalka Cad
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka ayaa la wareegay maamulka Kongaress-ka oo ka kooban Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada ka dib doorashooyinka xilliga dhexe.

Aqlabiyaddan uu xisbigu helay ayaa siin doonta awood uu ku riixo arrimo kale, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira dhinaca dhaqaalaha.

Dimuqraadiyiintu waxay go'aansadeen inay baaritaan ku sameeyaan qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamulkii Trump, oo uu ku jiro isaga laftiisu.

Dad xog ogaal ah ayaa sheegay in la bilaabay ururinta xogta loogu talagalay baaritaanka, isla markaana la eegayo cidda loo yeeri karo si ay hor timaado baarlamaanka oo ay u bixiyaan caddeymo.

Halkan waxaa ku xusan qaar ka mid ah waxyaabaha ay Dimuqraadiyiintu doonayaan inay gaaraan ka dib markii ay aqlabiyad ka heleen Koongareeska Mareykanka.

Qoyska Trump iyo hawlaha maaliyadeed

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa dhowr jeer sheegay in haddii ay fursad u helaan, ay baaritaan ku sameyn doonaan hawlaha waaweyn ee la xiriira ganacsiyada qoyska Trump.

"Waxaan xaqiijin doonnaa in lacagta dadweynaha si habboon loo isticmaalo, isla markaana aan la xadin ama si aan habboonayn loogu wareejin dad kale" ayuu u sheegay BBC-da Suhas Subramanyam, oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga oo laga soo doorto gobolka Virginia.

Arrimaha la baari doono waxaa ka mid ah xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya dhanka lacagaha dhijitaalka ah (cryptocurrency) iyo weliba hawlaha ganacsi ee caalamiga ah ee Jared Kushner, oo uu soddog u yahay madaxweynaha.

Waxaa jira arrimo kale oo arrimahan ka dambeeya, sida kiiska diyaarad gaar ah oo raaxo leh, oo qiimaheedu yahay 400 oo milyan oo doollar, taas oo ay dowladda Qatar siisay Trump, haddana loo isticmaalo diyaaradda madaxweynaha (Air Force 1).

Sidoo kale, waxaa jira qandaraasyo dhanka amniga ah oo la siiyay shirkado xiriir la leh qoyska Donald Trump.

"Waxaa iga yaabiyey waa in aysan dowladdu oo keliya ahayn, balse ay sidoo kale mas'uuliyiinteeda, madaxweynaha laftiisa iyo qoyskiisuba ay si ikhtiyaari ah ugu lug leeyihiin musuqmaasuq, iyagoo aan wax ciqaab ahna ka cabsanayn" ayuu yiri Subramanyam.

Aqalka Cad ayaa dhowr jeer beeniyay eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa ama falalka sharci darrada ah.

Air Force 1

Hegseth iyo waaxda Difaaca

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali xayeysiin WhatsApp
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ayaa ballanqaaday inay baaritaan ku sameeyaan Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, iyagoo eegaya sida uu u maareeyay dagaalka Iiraan ee billowday bishii Febraayo; arrimahaas oo ay ka mid yihiin khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah, yaraanta hubka, kharashka ku baxay dagaalka, iyo eedeymo ku saabsan qorshe xumo.

Sida ay xaqiijisay il wareed, waxaa jira arrimo kale oo laga yaabo in la baaro, oo ay ka mid yihiin weerarro lagu qaaday maraakiib ku sugnaa badda Caribbean-ka; kuwaas oo dowladdu sheegtay in loo fuliyay si loo carqaladeeyo hawlaha dadka ka ganacsada daroogada ee isku dayaya inay galaan dalka Mareykanka.

Bishii Abriil, koox xildhibaanno Dimuqraadi ah oo ka tirsan Aqalka Wakiillada ayaa billaabay dadaal ballaaran oo lagu doonayo in xilka looga qaado Hegseth, iyagoo ku eedeeyay "dambiyo culus" oo la xiriira dagaalka Iran.

Si xilka looga qaado qofka, waxaa Aqalka Wakiillada looga baahan yahay oo kaliya aqlabiyad codad ah, balse si qofka loogu helo dambi loogana qaado xilka, waxaa loo baahan yahay ogolaanshaha laba saddex meelood-laba (2/3) oo ka mid ah xubnaha Aqalka Senate-ka.

Weli ma dhicin in mas'uul xil siyaasadeed haya xilka looga qaado qaabkan oo kale.

Khubarada qaar ayaa aaminsan in dhaleeceynta uga imaanaysa sharci dejiyeyaasha ay sababi karto in Hegseth xilka laga qaado ama uu iskiis isaga casilo.

"Haddii ay arrintu dhaawacayso sumcadda dowladda oo ay keenayso dhaleeceyn uga timaada warbaahinta, waxaa laga yaabaa in Trump uu xilka ka qaado qofkaas, maadaama uusan doonayn in sumcadda maamulkiisa ay sii xumaato" ayuu yiri David Miller oo ah borofisar ku takhasusay cilmiga siyaasadda iyo arrimaha madaxtooyada, kana hawlgala Jaamacadda American University ee Washington.

"Tani waxay guul u noqon kartaa xisbiga Dimuqraadiga" ayuu yiri.

Richard Painter oo horey uga tirsanaan jiray Aqalka Cad xilligii maamulkii George W. Bush, ayaa u sheegay BBC-da in sidoo kale dib loogu laabto arrinta dagaalka Iiraan.

"Waxa ugu muhiimsan ayaa ah in dagaalkan uusan oggolaansho ka helin hay'adda sharci dejinta; arrintu ma ahan cidda haysa xilka Xoghayaha Difaaca" ayuu yiri.

Painter ayaa xusay in "Dastuurka Mareykanku uu dhigayo in kongress-ka (Baarlamaanka) uu go'aamiyo in dagaal la galo" sidaas darteedna ay tahay in Kongress-ku "u yeero dadkan" si ay fikirkooda u dhiibtaan.

Bayaan uu soo saaray, afhayeenka Waaxda Difaaca Kingsley Wilson ayaa difaacay tallaabooyinka uu qaaday Hegseth, isagoo ku tilmaamay hoggaamiye is beddel sameeyay, kaas oo soo gaabiyay habraacyada dheer ee la xiriira hawlgallada milatari. "Haddii aad si dhow u eegto, Waaxda Difaaca, oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Pete Hegseth, ayaa qabatay wax ka badan intii hore" ayuu yiri.

Xir-xiridda ajaanibta

ICE

Xubno sare oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga oo uu ku jiro Robert Garcia ka soo jeea dhashay California, kaasoo noqon kara guddoomiyaha guddi ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ka dib aqlabiyadda xisbiga, ayaa arrinta socdaalka u aqoonsaday mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee ay tahay in Aqalka Wakiilladu baaro.

Baaritaanku wuxuu eegi karaa eedeymaha ku saabsan anshax xumada ay sameeyeen wakiilada ICE intii lagu guda jiray weerarrada ka dhacay dalka oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, raadintani waxay noqon kartaa mid adag ama mid siyaasadeed oo adag.

Trump wuxuu galay ololaha doorashada 2024 isagoo ballanqaaday inuu masaafurin doono muhaajiriinta, taas oo taageerayaashiisu ay soo dhaweeyeen.

Si kastaba ha ahaatee, ra'yi ururin dhawaan la sameeyay, xitaa codbixiyeyaasha hore ee Trump, ayaa muujinaya in dad badan oo Mareykan ah aysan ku faraxsanayn sida saraakiisha kastamka ee Mareykanka ay u sameeyeen weeraro dhowr magaalo oo dalka ah horraantii sanadkan.

Dacwad ku soo oogidda Trump markii 3aad

Waxaa jira kala qaybsanaan ka dhex jirta Dimuqraadiyiinta oo ku saabsan tallaabada lagu doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Trump markii saddexaad.

Qaar ka mid ah, sida Alexandria Ocasio-Cortez, ayaa taageeray arrinta, iyagoo soo xiganaya caddaymo muujinaya sharci darrada dagaalka Iiraan iyo arrimo kale oo loo isticmaali karo in isagoo xilka haya dacwad lagu soo oogo.

Dhanka kale, qaar ayaa aaminsan in taxaddar la sameeyo, iyagoo sheegaya in dadaalkan uusan u badnayn inuu guuleysto, gaar ahaan marka laga hadlayo in Trump awoodda laga xayuubiyo.

Sidoo kale ma cadda in Dimuqraadiyiintu ay yeelan doonaan hal dood oo ay ku sii adkaysanayaan isku daygooda ah inay xilka kaga qaadaan Trump.

"Waxaan sameyn karaa wax kasta oo aan rabo" ayuu Trump ugu sheegay wariyeyaasha xafiiskiisa Aqalka Cad bishii Oktoobar. Wuxuu isku dayga lagu doonayo in xilka looga qaado inta lagu jiro xilligiisii ugu horreeyay oo maxkamad la soo taagay ku tilmaamay "sharci darro."

Ma cadda in dadaallada Dimuqraadiyiintu ay ku doonayaan inay xilka kaga qaadaan Trump ay horseedi doonaan tallaabo macno leh oo ka dhan ah.

Si kastaba ha ahaatee, Suhas Subramaniyam wuxuu aaminsan yahay in tallaabadan loo la qaado ay gudbin doonto farriin muhiim ah.

"Haddii aan diidno inaan tallaabo qaadno ayadoo sababtuna tahay in aan baqayno waxa dadku dhihi doonaan, ama aan aynaan ku guulaysan doonin, ama sababtoo ah dhinaca kale ayaa faragelin doona, taasi waxay noqon doontaa qalad" ayuu yiri.