Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Waa maxay xanuunkan dhalmo la'aanta sababi kara ee aysan haweenku ku baraarugsaneyn?

    Qiyaastii 10% haweenka ayay xaaladdan heysataa, oo uu ka dhalan karo xanuun aad u daran. Balse weli aad looma baarin, si fiicanna looma fahamsana – welina dawo looma hayo.

    Gabar ayaa waxay tiri, “Dhiigga caadada oo xanuun badan wata ayaa igu billowday markii aan 14 jir ahaa. Waxaan iskuulka u qaadan jiray waxyaabo lagu kululeeyo qeybta hoose ee caloosha aniga oo rajo ka qabay inay maalintii oo dhan i caawin doonaan.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  2. Wasiir ku-xigeenka Isgaarsiinta Iran: Weerarrada dhanka internetka ayaa kordhay maalmihii la soo dhaafay

    Behzad Akbari, oo ah wasiir ku-xigeenka Isgaarsiinta Iran, isla markaana ah madaxa shirkadda kaabayaasha isgaarsiinta dalkaas, ayaa sheegay in weerarrada dhanka internetka ee lagu qaadayo Iran ay si weyn u kordheen maalmihii la soo dhaafay.

    Wuxuu digniin u diray hay’adaha, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsiyada internetka ee gudaha Iran, isagoo qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay:

    “Labadii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa si weyn u kordhay xoogga iyo soo noqnoqoshada weerarrada DDoS ee lagu qaadayo shabakadaha iyo kaabayaasha isgaarsiinta dalka. Qayb weyn oo weerarradaas ka mid ah ayaa lagu xakameeyay nidaamyada difaaca ee gudaha iyo dibadda dalka, waxaana la ilaaliyay xasilloonida shabakadaha.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan kula talinayaa hay’adaha, ganacsiyada internetka, xarumaha kaydiya xogta iyo bixiyeyaasha adeegyada dijitaalka ah inay xoojiyaan diyaargarowga iyo hababka difaaca ee nidaamyadooda amniga, isla markaana ay kordhiyaan la socodka amniga.”

    Digniintan ka timid wasiir ku-xigeenka isgaarsiinta Iran ayaa ku soo beegmaysa xilli ay mar kale sii kordhayaan hadallada kulul ee u dhexeeya mas’uuliyiinta Iran iyo Mareykanka, iyo wararka ku saabsan suurtagalnimada iska horimaad milatari oo dhex mara labada dal.

    Wararka kale ee dheeraadka

  3. Labada guulood ee Soomaaliya ka gaartay tartanka kubadda cagta ee bariag iyo bartamaha Afrika

    Ciyaartii dhexmartay Rwanda iyo Soomaaliya ayaa dhanka Soomaaliya uga dhignayd labada guulood oo isa saran "Mar waxaan gaarnay kulanka kama dambaysta ah marka waxaan u soo baxnay tartanka CAF U-17 AFCON ee 2027, oo ka dhici doonna dalka Maroco, marka laba guul oo waaweyn ayey noo ahayd"ayuu BBC-da u sheegay tababare Daadir.

    Marka laga soo tago guusha Finalka ee xulka Soomaaliya ee kubada cagta ee da'doodu ka yar tahay 17sano ay gaareen haddana qaar ka mid ah ciyaartooyda ayaa aad loo hadal hayey inta kulanka socday iyo ciyaarihii ay ka soo gudbeenba.

    Waa ciyaaryahanka numberka 10.aad u xiran Soomaaliya oo xalay dhaliyey goolkii barbaraha iyo goolhayaha oo isna sabab u ahaa in xulka gaaro Fianlka.

    "Ciyaartoyda gudaha galaya si wadajiray u shaqeeyaan hal ayeyna yihiin laakiin hadal haynta waxaa dhalinaya waxaa waaye numberka 10-aad wuxuu dhaliyey goolkii barbar dhaca laakiin waa gool ay kooxda ka wadashaqayen isagana dhamaystiray, goolhayahahan wuxuu nooleyey in Qaranku u soo baxo Finalka isago qabtay goolal kulaadk, waana ugu mahadceliyanaa kooxda oo dhan"ayuu intaa raaciyey tababare Daadir.

    Tartanka CAF U-17 AFCON ee 2027, waxaa hadda la xaqiijiyey inay u soo baxeen Soomaaliya iyo Uganda, basle Itoobiya iyo Rwanda ayaa ciyaaraya ciyaar ay ugu tartamayaan kaalinta saddexaad oo dalkii u soo baxaa uu ku biirayo Soomaaliya iyo Ugand.

    Wararka kale ee dheeraadka

  4. Masar oo oggolaatay inay Sacuudiga ka taageerto dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen

    Mas’uul sare oo dhanka amniga ah oo u dhashay Masar ayaa Axaddii ku dhawaaqay in dalkiisu oggolaaday inuu taageero Sacuudiga dagaalka uu kula jiro fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen.

    Bayaan ka soo baxay Masar ayaa lagu sheegay in Golaha Difaaca Qaranka, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdel Fattax al-Sisi, uu oggolaaday in Sacuudiga la siiyo “dhammaan taageerada suurtagalka ah” si loo xaqiijiyo ammaankiisa.

    Inkasta oo bayaanku uusan faahfaahin dheeraad ah bixin, haddana al-Sisi ayaa Axaddii baarlamaanka ka codsaday inuu oggolaado in ciidamo iyo hub la geeyo goobaha dagaalka.

    Galabnimadii Axadda, waxaa la sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araghchi, iyo dhiggiisa Masar, Badr Abdellatif, ay khadka taleefanka kaga wada hadleen “arrimaha gobolka”.

    Sacuudiga ayaa taageero ka dalbanayay xulafadiisa, kaddib markii fallaagada Xuutiyiintu ay marar badan gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerareen kaabayaasha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha ee dalkaas.

    Sacuudiga ayaa sheegay inay ku adag tahay inuu soo rido gantaallada ay Xuutiyiintu soo ridaan, maadaama ay beddeli karaan jihada ay u socdaan xilliga la ridayo.

    Ilaa hadda, ugu yaraan 19 qof ayaa lagu dilay gudaha Sacuudiga oo keliya, halka kumannaan duulimaad la baajiyay.

    Axaddii, wasiirka gaashaandhigga Sacuudiga ayaa la kulmay madaxweynaha Imaaraadka Carabta, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

    Xiisadda u dhexeysa Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sare u sii kacaysay sannadihii la soo dhaafay, maadaama ay taageeraan dhinacyo kala duwan oo ku dagaallamaya Yemen.

    Dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo labada dhinacba ku sugan.

    Garoonka diyaaradaha iyo qasriga ay isticmaasho dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa la weeraray toddobaadkii hore.

    Wasaaradda caafimaadka ee Xuutiyiinta ayaa sheegtay in duqeyn cirka ah oo Axaddii ka dhacday magaalada Sacada ee ay fallaagadu maamusho ay ku dhinteen sagaal qof, oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

    wararka kale ee dheeraadka

  5. Qaar ka mid ah dadkii Nabiga (NNKH) aflagaaddeeyay iyo sida ay ku dhinteen

    Mararka qaar waxaa dunida ka dhacay qalalaase meel sare gaaray oo ka dhashay aflagaaddada ka dhanka ah nabiga.

    Haddaba waxaan dib u milicsanaynaa qaar ka mid ah dadkii u gafay Nabiga, oo qaarkood la dilay qaar kalena u dhinteen siyaabo kale.

  6. Wax ka ogow hubka ay Sacuudiga iyo Xuutiyiintu isu isticmaalayaan

  7. Faahfaahin cusub oo laga helay diyaaraddii Tel Aviv ka duushay oo si degdegg ah ugu degtay Bulgaria

    Sida aan horay u soo sheegnay, diyaarad ay leedahay shirkadda Austrian Airlines ayaa Axaddii si degdeg ah uga degtay caasimadda Bulgaria ee Sofia, xilli ay ka soo duushay Tel Aviv kuna sii jeedday Vienna.

    Wararka ayaa sheegay in dhacdadan ay sabab u ahayd digniin amni.

    Wasaaradda Gaadiidka Bulgaria ayaa saacad ka hor bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shaqaalaha diyaaradda Austrian Airlines ay go’aansadeen inay si degdeg ah uga degaan Sofia, kaddib markii diyaaraddu ay ku sii dhawaanaysay Romania, isla markaana la helay hanjabaad sheegaysa in bam uu saaran yahay diyaaradda.

    Mas’uuliyiinta Bulgaria ayaa sheegay in rakaabka diyaaradda laga daadgureeyay kaddib markii ay caga-dhigatay.

    Wargeyska Israel ee Haaretz ayaa sheegay in hanjabaadda bamka uu sameeyay muwaadin u dhashay Austria, kaas oo aan ku jirin rakaabka diyaaradda.

    wararka kale ee dheeraadka

  8. Obama oo difaacay Ilhaan Cumar, kana digay in hay'adaha federaalka loo adeegsado cadaadis siyaasadeed

  9. Goormaa la ciyaaraya ciyaarta kama dambeysta ee Uganda iyo Soomaaliya

    Xulka kubada cagta ee da'doodu ka yar tahay 17sano ee Soomaaliya ayaa dhigay Sabtidii mar kale taariikh weyn oo ay ka soo hoyiyeen tartanka CECAFA U17 kaas oo sanadkan ay martigelinayso dalka Rwanda.

    Soomaaliya ayaa afar dhammaadka tartanka la ciyaartay xulka da'doodu ka yar tahay 17sano ee Rwanda ciyaar ka dhacday garoonka Kigali Pele.

    Tabaraha xulka kubada cagta ee da'adoodu ka yar tahay 17 sano jirka ee Soomaaliya, Daadir Amiin Cali oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in halka ay joogaan ku gaareen niyad wanaag ka muuqda ciyaartooyda iyo xulka oo dhanba.

    Ciyaarta kama dambeysta ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa lagu wadaa in maanta ay dhacdo.

    Ciyaarta ayaa ka dhici doonta 15:30 ama 9 saac iyo bar (waqtiga Bariga Afrika) garoonka Kigali Pelé Stadium.

  10. Ilaalada Kacaanka Iran oo hanjabaad u dirtay Trump iyo Netanyahu

    Saacad ka dib markii Donald Trump uu sheegay inuu si buuxda u taageersan yahay Benjamin Netanyahu, isla markaana hoggaamiyeyaasha labada dal ay carrabka ku adkeeyeen iskaashiga ay ka leeyihiin ka hortagga Iran, ayaa mas’uuliyiin ku sugan Tehran ay ka falceliyeen hadalladaas.

    Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran, Hossein Mohebi, ayaa Axaddii jeediyay hadallo hanjabaad ah.

    “Duqeyn kasta oo lagu qaado kaabayaasha tamarta Iran, inkastoo ay saynisyahannadeenna da’da yar si degdeg ah u dayactiri doonaan, waxay dhulka la haysto weligiis u beddeli doontaa dhul gubtay, waxayna dadka halkaas ku nool ku qasbi doontaa inay u barakacaan saxaraha Siinaay. Dunidu waxay arki doontaa waxa dhici doona,” ayuu yiri.

    Saacad ka hor hadalkaas, ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa farriin uu ku baahiyay baraha bulshada kaga hadlay Iran iyo hadalladii ugu dambeeyay ee Donald Trump, isagoo sheegay in labada dal ay sannadaha soo socda “wada dhammaystiri doonaan hawsha”.

    Trump ayaa horay bartiisa Truth Social ugu qoray, isagoo mar kale muujinaya taageeradiisa buuxda ee Netanyahu, in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay muddo “51 sano ah” ku dhawaaqaysay hal-ku-dhegyada ah “Geeri ha u sugnaato Israel, geeri ha sugnaato Mareykanka”.

    “Waxaan burburin doonnaa shayaadiinta waaweyn iyo kuwa yaryar,” ayuu Trump ku daray.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ay ahayd oo keliya arrin waqti ah ka hor inta aysan Iran ficil u beddelin hadalladaas uu ku tilmaamay kuwo halis ah.

    Wuxuu intaas ku daray in Iran si nidaamsan looga burburiyay dhinacyada milatariga iyo dhaqaalaha, isagoo ka digay in haddii aysan si degdeg ah u beddelin hab-dhaqankeeda, Mareykanku uu arrintaas soo afjari doono waqti aad u dhow.

  11. Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan: "La socda annaguba shaqo inoo harsan ayaa jirta"

    Saacad kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu mar kale muujiyay taageeradiisa “buuxda oo dhammeystiran” ee Benjamin Netanyahu, xilli ay Israa’iil isu diyaarinayso doorashooyinka, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, baraha bulshada ku qoray:

    “Markii ugu dambeysay ee aad isku daydeen inaad hawsha dhammaystirtaan, Iran waxay soo baxday iyadoo ka xoog badan sidii hore. Ma doonaysaan inaad mar kale nasiibkiinna tijaabisaan? Hore u socda! Laakiin ka digtoonaada; annaguna arrimo noo harsan ayaa jira".

    Hadalladan cusub ee Araqchi ayaa jawaab u ah hadallo ay dhowaan jeediyeen Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu, kuwaas oo iyaga oo is taageeraya ku hanjabay in haddii “hab-dhaqanka Iran uusan isbeddelin”, Maraykanka iyo Israa’iil ay iska kaashan doonaan sidii ay “hawsha u dhammaystiri lahaayeen".

    Cabbaas Araqchi ayaa qoraal kale oo uu ku daabacay baraha bulshada habeenkii Axadda ku sii daray, isaga oo ka jawaabaya hadallada Trump iyo Netanyahu:

    “Netanyahu wuxuu Maraykanka ku riixayaa dagaal kale si uu uga baxsado xabsi, isaga oo aan dan ka lahayn cawaaqibka uu dagaalkaasi ku yeelan karo Israa’iil, iskaba daa madaxweynaha Maraykanka".

    Doorashooyinka baarlamaanka Israa’iil ayaa ku beegan ku dhowaad toddobaad kaddib. Natiijada doorashada ayaa wax ka beddeli karta mustaqbalka dowladda Benjamin Netanyahu.

  12. SUBAX WANAAGSAN

    Kusoo dhawaada baahinteenna Tooska ah ee wararka caalamka iyo Soomaaliba!

  13. Dalka Canada dab khasaare geystay oo gubay saldhiga Militari

    Dab weyn ayaa ka kacay saldhig milatari oo ku yaalla dalka Kanada, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, halka tobannaan kalena ay soo gaareen dhaawacyo culus.

    Ra’iisul Wasaaraha Kanada, Mark Carney, ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid ka mid ah musiibooyinkii ugu xumaa ee xilliga nabadda ka dhacay gudaha Kanada, marka la eego taariikhda milatariga dalkaas.

    Sidee ayuu dabku ku billowday?

    Ilaa hadda, ma jiraan faahfaahin badan oo ay mas’uuliyiintu xaqiijiyeen oo ku saabsan waxa sababay dabka khasaaraha badan geystay ee ka kacay saldhigga ciidamada Kanada ee Wainwright. Dabku wuxuu billowday abaare 16:00 waqtiga maxalliga ah ee Kanada.

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in dabku uu ka dhashay dhuun weyn oo gaaska qaadda oo waxyeello soo gaartay xilli saldhigga ay ka socotay dhoollatus milatari oo rasaas nool la adeegsanayay.

    Ra’iisul Wasaare Carney ayaa sheegay in “dab xooggan oo si xawli ah u fiday uu ku baahay saldhigga”, isaga oo aan xaqiijin waxa sababay dabka.

  14. Titanic: Sheekada ninkii keliya ee Afrikaan ahaa ee saarnaa markabka

  15. Wax ka ogoow dibadbaxyada Faransiiska ee sababay in la xiro 1,200 oo qof, bililiqo iyo dab lagu dhajiyay dhismayaal

  16. Wasiirka Difaaca cusub ee Iran: Hadii Maraykanku na duqeeyo askartiisa ayaa u dhiman doonto

    Wasiirka cusub ee difaaca Iran, Mehrdad Akhlaqi ayaa suxufiyiinta uga jawaabay su'aal ku saabsan suurtagalnimada in Maraykanku isticmaalo hubka loo yaqaan "hooyada bambooyinka":

    "Waxaan qaadnay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee la xiriira arrintan, waana xasilanahay. Shaqadeenna waxaan u waddannaa si kalsooni buuxda leh."

    Mudane Akhlaqi, oo baarlamaanku u ansixiyay xilka Wasiirka Difaaca, ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Maraykanku "ay tahay inuu ka fikiro sidii uu ciidamadiisa si nabad ah uga saari lahaa gobolkeenna. Haddii uu bambo ku tuuro, waa inuu ogaadaa tirada ciidamadiisa ee ay qasabka noqon doonto in laga soo saaro gobolka iyagoo meyd ah."

    Sida uu sheegay Wasiirka Difaaca cusub ee Iiraan, "Tani waa isla sababta keentay in Maraykanku ilaa hadda ka waantoobo qaadista tallaabadan. Dabcan, haddii ay hanjabaadahooda ka dhigaan ficil dhab ah, waxay arki doonaan natiijada ka dhalata."

  17. Soomaaliya oo garaacday Kenya, Tanzania iyo Rwanda iyadoo mar kale dhigtay taariikh weyn

  18. Maxay tahay sababta uusan 100 sano ka dib isku beddelin maydka hoggaamiyahan mar laga yaqaanay Soomaaliya

    Xusuusta Vladimir Ilyich Lenin, hoggaamiyihii Kacaankii weynaa ee Ruushka, ayaa loogu dabaaldegay sannad-guuradii 100-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.

    Waxaa jira munaasabo lagu maamuuso oo la qabto kuwaas oo ay ku jiraan xus ciidan, ayadoo lagu qabto goobtiisa xasuusta.

    Mararkan oo kale waxaa meydka Lenin la soo saaraa goobta lagu ilaaliyo isaga iyo Joseph Stalin si loo maamuuso.

    Maydkiisa ayaa sanadkii 1970-kii lagu dahaaray goobta uu yaallo muraayado an xabadu karin. Halka maydkiisu yaallo ayaa mararka qaar la furaa si loogu ogolaado dadweynaha inay daawadaan.

    Markii dalkii hantiwadaaga ahaa ee Midowga Soofiyeeti uu burburay sagaashamaadkii, waxaa la codsaday in la soo saaro meydka Lenin oo la aaso.

  19. Diddy oo loo wareejiyay xabsi kale iyadoo uu weli ka dacwoonayo xukunka lagu riday

    Fanaanka caanka ah ee Mareykanka iyo ganacsade, Sean "Diddy" Combs, ayaa laga wareejiyay xabsi ku yaal gobolka New Jersey una wareejiyay xabsi ammaankiisu hooseeyo oo ku yaal Pennsylvania, isagoo sii wada dadaalkiisa uu ku doonayo inuu maxkamad ku hor istaago xukunkiisa.

    Diddy, oo 56 jir ah, ayaa ku jira xukun xabsi 50 bilood ah wuxuuna gudbiyay racfaan uu ku dalbanayo in la sii daayo oo la baabi'iyo xukunnadiisa la xiriira dambiyada dhilleysiga.

    Mas'uuliyiinta xabsiyada Mareykanka ma aysan sheegin sabab rasmi ah oo loo wareejiyay, iyagoo sheegay inay tahay arrin ku saabsan badbaadada maxaabiista iyo asturnaanta.

    Wareejinta ayaa timid toddobaadyo ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Diddy uu helay daaweyn gaar ah oo xabsiga ah, oo ay ku jiraan helitaanka taleefannada gacanta iyo waxyaabaha kale ee mamnuuca ah.

    Sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka, waxaa sidoo kale lagu soo oogay dacwad anshax marin ah, taasoo sii dheereysay taariikhda la sii deynayo.