Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Maxaa ilaa hadda laga ogyahay baaritaanka kiis-ciqaabeedka Ilhaan Cumar
Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa toddobaadkan baaritaan ku sameeyey guriga xildhibaanadda matasha gobolka Minnesota Ilhan Cumar, taasoo qayb ka ah waxa lagu tilmaamay "baaritaan dambiyeed heer federaal ah".
Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in maxkamad ay ansixisay amarka lagu galay guriga. Nooca dambiga la baarayo weli si cad looma oga.
Baaritaankani wuxuu daba socdaa hadallo dhowr ah oo ka soo yeeray mas'uuliyiin, kuwaas oo shaki gelinaya dhalashada Mareykanka ee Ilhaan Cumar, taas oo ay heshay sannadkii 2000 markii ay ka timid dalka Kenya.
Ilhaan Cumar, oo gobolka Minnesota matalaysay tan iyo sannadkii 2018, ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay "kororka ugu dambeeyay" ee "ololaha cabsigelinta siyaasadeed" ee uu wado Madaxweyne Donald Trump. Madaxweynaha ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay arrintan.
Maraykanka oo ugu baaqay Israa'iil inay wax ka qabato fal ay ku kaceen Israa'iiliyiinta sida sharci darrada ah u deegaansada dhulka Falastiin
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sheegay in Washington ay ugu baaqday Israa'iil inay wax ka qabato rabshadaha dadka sida sharci darrada ah u deegaansada dhulka Falastiin ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Mr. Rubio ayaa u sheegay wariyeyaasha in sawirrada la garaacayo weriye Mareykan ah Jimcihii ay ahaayeen kuwo dhib badan oo aan sawir wanaagsan ka bixinayn Israa'iil.
Faalladan ayaa timid ka dib markii Safiirka Mareykanka ee Israa'iil Mike Huckabee uu weerarkii lagu qaaday Heidi Levin, oo ka warramaysay weerarrada dadka deegaansanaya dhulka Falastiiniyiinta ee sharci darradaha ay ku qaadayaan geedaha saytuunka, ku tilmaamay "fal fool xun oo argagixiso."
Shalay, koox diblomaasiyiin Yurub ah oo u safray Daanta Galbeed ayaa lagu bartilmaameedsaday aagaas.
Masar oo ka taageereysa Sacuudiga dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta
Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa yeelan doona kalfadhi degdeg ah ka dib markii uu weydiistay xubnaha baarlamaanka inay ansixiyaan taageerada Sacuudi Carabiya ee dalka taa oo ka dhan ah weerarrada Xuutiyiinta haddii la codsado.
Masar waxay ku biirtay faragelinta militariga ee Sacuudigu hoggaaminayo ee Yemen sannadkii 2015, inkastoo doorkeedu uu inta badan diiradda saarayay sugidda marinnada maraakiibta ee Badda Cas halkii laga sugi lahaa hawlgallada dagaalka ee safka hore.
Tan iyo markii dagaalka Yemen uu dib u qarxay bishii July, Xuutiyiintu waxay kordhiyeen weerarrada bartilmaameedyada Sacuudiga, oo ay ku jiraan xarumaha tamarta iyo Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Riyadh, halkaas oo 13 qof lagu dilay weerar toddobaadkii hore. Xuutiyiintu waxay sheegeen in duqeymaha cirka ee Sacuudigu ka geysto meelaha ay maamulaan ay dileen oo ay dhaawaceen tiro badan oo rayid ah.
War deg deg ah, Diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo ku burburtay Sacuudiga
Isbahaysiga milatari ee uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay in laba qof oo ka tirsanaa shaqaalaha diyaaradda helicopter-ka ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay Najran.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters, afhayeenka isbahaysiga, Turki al-Maliki, ayaa bayaan uu soo saaray Axadda maanta ah ku sheegay in diyaarada oo ahayd noocaa qumaatig u kaca ee helicopter-ka Sacuudiga ay ku burburay gobolka Najran ee dalkaas, kaddib cilad farsamo, taas oo sababtay dhimashada labada qof ee shaqaalaha diyaaradda.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaradu helicopter-ku ay ku burburtay goob hoos timaadda maamulka wasaaradda Ilaalada Qaranka ee Sacuudiga.
Maraykanka oo war ka soo saaray marinka Hormuz
Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in “inta ugu badan” weerarrada Iran ay ku qaaday maraakiibta marinka Hormuz ay “fashilmeen”.
Tim Hawkins, oo ah afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), ayaa Fox News u sheegay in “97 boqolkiiba maraakiibta isku dayay inay maraan marinka Hormuz ay si guul leh uga gudbeen marin-biyoodka, iyaga oo aan bartilmaameed u noqon gantaallada Iran”.
Waxa uu intaas ku daray in “milatariga Mareykanku uu gacan ka geystay isku-dubaridka ilaalinta kumannaan markab oo si nabad ah uga gudbay marinkan”.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay kordheen weerarrada lagu qaadayo maraakiibta ganacsiga iyo kuwa shidaalka qaada ee marinka Hormuz.
Xarunta Hawlgallada Badda ee Ganacsiga ee UK ayaa sheegtay in 12 markab ay soo sheegeen in weerarro lagu qaaday agagaarka marinka Hormuz toddobaadkii la soo dhaafay.
Weerarrada sii kordhaya ee Xuutiyiinta iyo heshiiska difaaca Maka: Muxuu Turkigu samaynayaa si uu u taageero Sacuudiga?
Sheekada dheemanka casaanka ah ee markii ugu horreysay muddo ku dhow 100 sano lagu soo bandhigayo Faransiiska
Dowladda Shiinaha oo ugu baaqday Israa'iil in ay joojiso arrin ay ka wado gudaha Gaza
Maxay eersatay xoghayihii warbaahinta ee Trump ee xilka bannaysay?
Sida kareemo isqurxin oo xoog badan ay maqaarkeyga u baabi'iyeen
Wiil 16 jir iyo nin 80 jir ah oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ingiriiska
Wiil 16 jir ah iyo nin 80 jir ah ayaa dhintay ka dib markii diyaarad yar ay ku burburtay meel u dhow Loch Lomond.
Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa looga yeeray goobta shilku ka dhacay abaaro 16:45-kii maalintii Jimcaha.
Booliisku waxay sheegeen in la xaqiijiyay geerida wiilka iyo ninka, isla markaana la wargeliyay qoysaskooda.
Xaddidaadyo ku meel gaar ah oo dhanka hawada ah ayaa hadda lagu soo rogay aaggaas, iyadoo ay socdaan baaritaan ay waddo Waaxda Baarista Shilalka Diyaaradaha.
Diyaaradda nooca Piper Tomahawk II ah ayaa ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee Glasgow galabnimadii Jimcaha, saacadda markay ahayd 16:17.
Waxay joojisay gudbinta xogta saacadda markay ahayd 16:37, iyadoo ku sugan meel dhawr mayl u jirta dhanka waqooyi-bari ee Drymen, oo ka tirsan Stirling.
Ka hor intaas, diyaaraddu waxay ka duushay Garoonka Diyaaradaha ee Cumbernauld subaxnimadii Jimcaha, saacadda markay ahayd 11:46, waxayna duulimaad 15 daqiiqo ah ku tagtay Garoonka Diyaaradaha ee Glasgow.
Waxay halkaas joogtay ilaa qiyaastii saacadda 13:00, ka hor inta aysan sameyn duulimaad laba saacadood qaatay oo u jeeday dhanka waqooyi-bari, kuna socday Newport-on-Tay, kadibna ay soo jeesatay oo ay dib ugu laabatay Glasgow.
Waxay garoonka diyaaradaha ku sugnayd muddo wax yar ka badan saacad, ka hor inta aysan mar kale kicin oo aysan bilaabin duulimaadkeedii ugu dambeeyay.
Gavin Birch-Williams, oo ah agaasimaha guud ee Garoonka Diyaaradaha Glasgow, ayaa yiri: "Waxaan ka warqabnaa dhacdo ku lug leh diyaarad yar oo ka duushay Garoonka Diyaaradaha Glasgow.
"Tani waa dhacdo aad u murugo badan, dhammaan shaqaalaha iyo maamulka Garoonka Diyaaradaha Glasgow waxay dareenkooda murugada iyo tacsidooda la wadaagayaan asxaabta iyo qoysaska ay dhibaatadani saameysay."
"Shey aan la aqoonsan" oo ku dhacay markab shidaal oo marayay meel u dhow xeebta Sacuudi Carabiya
Ururka Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegay weerar lagu qaaday markab siday shidaal, kaas oo marayay meel u dhow xeebta Jubail.
Sida uu sheegay ururku, markabka waxaa shalay ku dhacay shay aan la aqoonsan oo la soo tuuray, iyadoo dhacdadu ka dhacday masaafo dhan 126 kiiloomitir meel u jirta Jubail, oo ku taal waqooyi-bari ee dalka Sacuudi Carabiya.
Ururku wuxuu intaas ku daray in dhammaan shaqaalihii saarnaa markabka ay badqabaan, isla markaana laga soo daadgureeyay markabka oo la geeyay goob ammaan ah.
Weli lama soo saarin wax warbixin ah oo ku saabsan saameynta deegaan ee ka dhalan karta dhacdadan.
Trump oo sheegay inay dhagaystaan wadahadalada madaxda Iran
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu awood u leeyahay inuu maqalo dhammaan ereyada mas'uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Isagoo ka hadlayay isu soo bax olole ka hor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka, Mr. Trump ayaa raaciyay, "Dabcan, tani waa mid sir ah oo qarsoodi ah, haddana waan ka saaray sirnimadii."
Qayb kale oo khudbaddiisa ka mid ah, Madaxweynaha Mareykanka wuxuu dagaalka lala galay Iiraan ugu yeeray "dhoolatus milatari."
Wuxuu sidoo kale sheegay sidee dalalka Carabta dareemi doonaan haddii aan magaca uga bedelo Marinka Hormuz "Marinka Trump? Si fudud ayaan taas u samayn karnaa."
Si aad wax badan u akhrido:
Qiimaha shidaalka oo gaaray $110 markii ugu horeysay
Qiimaha saliidda ayaa gaaray $110 halkii foosto, waana markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso.
Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha dhaqaalaha, kor u kaca qiimahan ayaa ka dhashay walaac laga qabo xiisadaha sii kordhaya ee Bariga Dhexe.
Maalintii Jimcaha, qiimaha saliidda cayriin ee nooca Brent ayaa kor u kacay $3.94, isagoo gaaray $109.86; waana heerka ugu sarreeya tan iyo 19-kii bishii Maajo.
Dhanka kale, qiimaha saliidda cayriin ee Mareykanka (oo loo yaqaan WTI) ayaa isna kor u kacay $3.44, wuxuuna gaaray $101.41; taas oo ah heerka ugu sarreeya tan iyo 17-kii bishii Sebtembar.
Si aad wax badan u akhrido:
Afhayeenkii cusbaa ee Aqalka Cad oo is casishay shan maalmood uun kadib
Katie Zacharia ayaa ka tagaysa xilka afhayeenka Aqalka Cad, shan maalmood oo keliya kadib markii ay markii ugu horreysay si rasmi ah warbaahinta ula hadashay, iyadoo kulankaasi uu dhaliyey dhaleeceyn xooggan.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu Zacharia kula taliyey inay xilka dib uga fiirsato haddii aysan ku qanacsanayn, isaga oo sheegay in warbaahintu si adag ula dhaqantay.
Kulankeedii ugu horreeyay ee warbaahinta Talaadadii ayaa socday wax ka yar 15 daqiiqo, waxaana lagu weydiiyey saddex su’aalood oo keliya. Waxay sidoo kale wajahday su’aalo ku saabsan aqoontooda iyo u diyaargarowgeeda xilka.
Muran xooggan ayaa ka dhashay shahaadooyinkeeda sharciyeed kadib markii la ogaaday inaysan ku guuleysan imtixaanka qareennimada ee Mareykanka, inkastoo Trump iyo dad kale ay hore ugu tilmaameen qareen.
Zacharia ayaa Khamiistii qiratay inaysan imtixaankaas ka gudbin, balse waxay sheegtay inay Shiinaha kaga shaqeysay arrimaha sharciga ganacsiga caalamiga ah iyadoo haysata aqoontii iyo shahaadooyinkii ku habboonaa.
Wareysiyo ay siisay Fox News ayay ku sheegtay in loo shaqaaleysiiyey arrimaha xiriirka iyo isgaarsiinta, ee aan loo qorin shaqo sharciyeed.
Dhanka kale, xisbiga Dimuqraadiga oo ka faa’iidaysanaya bixitaankeeda, iyagoo u arka calaamad muujinaysa fashil ka dhex jira Aqalka Cad ee Jamhuuriga.
Bixitaanka Zacharia ayaa noqonaya kii ugu dhaqsiyaha badnaa ee ka dhaca kooxda warbaahinta ee Aqalka Cad intii uu Trump xilka hayey. Xilligii madaxweynenimadiisii koowaad, Anthony Scaramucci ayaa xilka agaasimaha isgaarsiinta Aqalka Cad kaga tagay kaddib 10 maalmood.
Si aad wax badan u akhrido:
Trump oo hakiyey canqabataynno la saari lahaa Ruushka
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa adeegsaday awooddiisa madaxweynenimo si uu u hakiyo cunaqabataymo dhowr ah oo ka dhan ah Ruushka, laba maalmood ka hor inta aan la dhaqan gelin.
Cunaqabataymahan waxaa ansixiyey Kongareeska Mareykanka, waxaana Trump saxiixay bishii Sebtembar. Hase yeeshee, habeenkii Jimcaha ayuu soo saaray amar madaxweyne oo uu ku sheegay in hakinta qaar ka mid ah cunaqabataymaha ay tahay mid dan u ah Mareykanka. Tallaabadan ayaa dhalisay dhaleeceyn uga timid qaar ka mid ah xildhibaannada Mareykanka.
Go’aankan ayaa imanaya iyada oo uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya Trump iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, gaar ahaan heshiis muran dhaliyey oo Mareykanku toddobaadkii hore Ruushka kula galay soo dejinta naaftada.
Labada hoggaamiye ayaa toddobaadkan is-weydaarsaday hadallo kulul. Zelensky ayaa si dadban u dhaliilay Trump, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka mid noqdo “hoggaamiyeyaasha dhabta ah” intii uu ka qaybgalayey shir madaxeedka Midowga Yurub. Tani waxay timid kaddib markii Trump uu sheegay in Zelensky uu ka adag yahay la macaamilkiisu marka loo eego Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Sharciga cusub ee cunaqabataymaha Mareykanka ayaa sidoo kale Trump siinayey awood uu canshuur gaadheysa 100% ku soo rogi karo badeecadaha ka yimaada shanta dal ee ugu badan ee iibsada shidaalka iyo gaaska Ruushka, gaar ahaan Shiinaha iyo Hindiya.
Cunaqabataymaha ayaa sidoo kale lagu beegsaday mas’uuliyiin sare oo Ruush ah, oo uu ku jiro Putin, hay’adaha maaliyadeed ee Ruushka iyo maraakiibta loo yaqaan “shadow fleet” ee loo adeegsado in lagu hareer maro cunaqabataymaha jira.
Subax wanaagsan, ku soo dhawaada tebinteenna tooska ah. Waa maalin sabti ah, bisha October ay tahay 17. Halkan nagala socda, mahadsanidiin.
Bukaano silsilado lagu xiray oo laga soo badbaadiyay goob dhaqan celin oo sharci darro looga shakisan yahay