Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Maxaa ilaa hadda laga ogyahay baaritaanka kiis-ciqaabeedka Ilhaan Cumar

    Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa toddobaadkan baaritaan ku sameeyey guriga xildhibaanadda matasha gobolka Minnesota Ilhan Cumar, taasoo qayb ka ah waxa lagu tilmaamay "baaritaan dambiyeed heer federaal ah".

    Waaxda Caddaaladda ayaa sheegtay in maxkamad ay ansixisay amarka lagu galay guriga. Nooca dambiga la baarayo weli si cad looma oga.

    Baaritaankani wuxuu daba socdaa hadallo dhowr ah oo ka soo yeeray mas'uuliyiin, kuwaas oo shaki gelinaya dhalashada Mareykanka ee Ilhaan Cumar, taas oo ay heshay sannadkii 2000 markii ay ka timid dalka Kenya.

    Ilhaan Cumar, oo gobolka Minnesota matalaysay tan iyo sannadkii 2018, ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay "kororka ugu dambeeyay" ee "ololaha cabsigelinta siyaasadeed" ee uu wado Madaxweyne Donald Trump. Madaxweynaha ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay arrintan.

  2. War deg deg ah, Maamul cusub oo loo magacaabay gobolka Tigrey ee waqooyiga Itooboiya.

    Dowladda Itoobiya ayaa maamul ku-meel-gaar ah ka dhisaysa gobolka Tigray ee waqooyiga dalka, tallaabadan ayaa timid laba toddobaad kaddib markii ciidamada federaalku ay dib ula wareegeen caasimadda gobolka, Mekelle, isla markaana ay dib u riixeen ciidamada Eritrea oo muddo kooban galay qaybo ka mid ah Tigray.

    Maamulka cusub ee ku-meel-gaarka ah ayaa loo xilsaaray soo celinta amniga, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee burburay iyo diyaarinta doorashooyinka gobolka.

    Tigray wuxuu ahaa xudunta dagaal ba'an oo intii u dhaxaysay 2020 illaa 2022 dhexmaray ciidamada federaalka Itoobiya iyo dagaalyahannada Tigrayga.

    Inkasta uu jiray muddo kooban oo ay Colaadda dhammaatay, kaidb heshiis nabadeed, balse khilaafaadka la xiriira awoodda siyaasadeed, hub-ka-dhigista iyo dib u soo celinta dadka barakacay weli lama xallin.

    Muddada lixda bilood ah ee loo asteeyay maamulka cusub ayaa dhalisay su'aalo ku saabsan in geeddi-socodka doorashooyinka iyo xil-wareejinta siyaasadeed ay aqbali doonaan dadka Tigrayga.

    Dhanka kale, xiisadaha sii kordhaya ee u dhexeeya Itoobiya iyo dalka deriska la ah ee Eritrea ayaa laga cabsi qabaa inay horseedi karaan in dagaallo hor leh ay ku fidaan xuduudaha dalalka, isla markaana ay ku lug yeeshaan dalal kale oo gobolka ku yaalla, taas oo sii xumayn karta xasillooni-darrada ka jirta Geeska Afrika.

  3. Milatariga Iiraan oo ku dhawaaqay shardi ay dib ugu furi karaan marinka Hormuz

    Mohammad Akraminia, afhayeenka milatariga Iran, ayaa shardi uga dhigay furitaanka Marinka Hormuz in Mareykanku ka baxo gobolka, isaga oo ka digay in haddii ciidamada Mareykanku ay sii joogaan gobolka, laga saari doono.

    Jimcihii, 14-ka Oktoobar, ayuu bartiisa bulshada ee X ku qoray: “Haddii Mareykanku ka baxo gobolka, Marinka Hormuz waa la furi doonaa, waxaa la dhisi doonaa amni wadajir ah oo ay ka qayb qaataan dalalka gobolka, dhaqaalaha adduunkuna wuu hagaagi doonaa. Xitaa haddii uusan bixin, annagaa ka saari doonna.”

    Afhayeenka milatariga Iran ayaa sidoo kale, hadallo kale oo ay warbaahintu baahisay, Mareykanka ku eedeeyay inuu sabab u yahay amni-darrada ka jirta dhinaca bari ee Marinka Hormuz. Waxa uu milkiilayaasha maraakiibta ugu baaqay inay isticmaalaan marin ay ciidamada qalabka sida ee Iran u asteeyeen maraakiibta doonaya inay maraan marin-biyoodkan.

    Waxa uu ku andacooday in maraakiibta isticmaasha marinkan ay ammaan ahaan doonaan.

    Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada lagu qaadayo maraakiibta ganacsiga ee ku sugan gudaha iyo hareeraha Marinka Hormuz, isla markaana uu si weyn hoos ugu dhacay isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodkan muhiimka ah.

    Dhammaadkii toddobaadkii hore, waxaa la diiwaangeliyay in Sabtidii ay marinka ka gudbeen shan markab oo xamuul ah oo keliya, halka aan wax markab ahi ka gudbin Axaddii. Tani waxay ka duwanayd 31-kii markab ee marinka ka gudbay dhammaadkii toddobaadkii ka horreeyay, sida ay muujinayaan xogta shirkadda Kepler ee la socota dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

    Dhanka kale, Mareykanku waxa uu sii wadaa go'doominta badda ee uu ku hayo dhoofinta shidaalka Iran. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dhoofinta saliidda cayriin ee Iran ee badda lagu qaado ay gaartay eber bishii Oktoobar, marka la eego xogtii la heli karay xilligii warbixinta la daabacay. Reuters ayaa soo xigatay shirkadda Vertexa oo bixisa xogta tamarta.

    Tehran ayaa hore u shaacisay in dib u furista Marinka Hormuz ay ku xiran tahay in Iran ay fuliso shuruudaheeda ku aaddan soo afjaridda khilaafka kala dhexeeya Mareykanka. Mohammad Baqer Qalibaf, afhayeenka Golaha Wadatashiga Islaamiga ah ee Iran, ayaa sheegay in Marinka Hormuz aanu furmi doonin ilaa Iran ay fuliso toddobada shuruudood ee ku xusan is-afgaradkii Islamabad.

    Marinka Hormuz waa mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan adduunka ee loo adeegsado gaadiidka tamarta. Ka hor intii aanu bilaaban dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ay la galeen Iran bishii Febraayo ee sannadkan, qiyaastii shan meelood meel ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha laga dhigay (LNG) ayaa soo mari jiray marinkan.

  4. Maxaa keenay in jilaaga Bollywood-ka ee Cimraan Khan lagu amro inuu ka baxo Hindiya?

  5. Isbahaysiga Sacuudiga oo sheegay inuu burburiyay diyaarad aan duuliye lahayn oo ku sii jeedday bariga dalka

    Isbahaysiga milatari ee uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu hawada ku burburiyay diyaarad aan duuliye lahayn oo ku sii jeedday gobolka Bariga Sacuudiga subaxnimadii Jimcaha.

    Isbahaysiga ayaa bayaan kooban ku sheegay in diyaaradda la qabtay lana burburiyay ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkeeda. Hase yeeshee, bayaanka laguma sheegin cidda soo dirtay diyaaradda ama bartilmaameedkii ay ku sii jeedday.

    Sidoo kale, isbahaysigu ma uusan bixin faahfaahin ku saabsan khasaaraha nafeed ama midka hantiyadeed ee ka dhashay dhacdada.

    Dhanka kale, warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa soo werisay duqeymo ka dhacay gobolka Saada ee waqooyiga Yemen, kaas oo xuduud la leh Sacuudiga.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  6. Farmaajo oo si wayn uga soo horjeedsaday nooca doorasho ee guddiga doorashada shaaciyeen la shaaciyay

    Madaxwaynihii hore ee soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa si wayn uga soo horjeedsaday jadwalka iyo hanaanka doorasho ee ay ku dhawaaqeen guddiga qaran ee doorashooyiinka.

    "Waxaan si xooggan u cambaaraynaynaa go'aanka goonni qaadashada ah ee uu ku dhawaaqay guddiga doorashada halka dhinac ah ee uu samaystay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud" ayuu ku yiri bayaan uu bartiisa facebook ku shaaciyay.

    waxaa uu intaa ku daray in go'aanka guddiga doorashada uu dalka halis galinayo haddii la fuliyo.

    "Hannaanka is-doorashada ee uu qaatay Madaxweynweynaha muddo xileedkiisa dhammaday, waxa ay halis gelinaysaa dowladnimada iyo mustaqbalka dalka, waxa ayna horseedaysaa doorashooyin isbarbar socda iyo dagaallo sokeeye oo dalka ku baaha," ayuu yiri.

    Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed cabdulahi Farmaajo ayaa ku baaqay in la sii ab-qado wadahadaladii looga hadlayay doorashooyiinka.

    "Maadaama aan lagu go’aamin karin hannaan hal dhinac ah iyo rabitaanka shakhsiyadeed masiirka siyaasadeed ee dalka iyo mustaqbalka dowladnimada, waxaan ku baaqaynaa in la sii ambaqado wadahadalladii socday, lana qabto doorasho loo dhan yahay oo degdeg ah" ayuu intaa ku daray.

  7. Weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan Sacuudiga saamayn ma ku yeelanayaan cumrada

  8. Trump oo weerarrada Ukraine ku qaaday warshadaha shidaalka Ruushka ku tilmaamay kuwo ceeb ah

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerarrada cusub ee Ukraine ku qaaday warshadaha sifeynta shidaalka ee Ruushka ku tilmaamay kuwo “ceeb ah”.

    Wareysi uu siiyay warbaahinta Newsmax ayuu Trump ku sheegay in tallaabooyinka Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ay horseedi doonaan kor u kaca qiimaha shidaalka ee suuqyada caalamka.

    Trump ayaa sheegay inuusan aragti wanaagsan ka qabin Zelensky, isaga oo intaas ku daray in wada-hadallada uu la yeesho madaxweynaha Ukraine ay uga adag yihiin kuwa uu la yeesho Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

    Hadallada Trump ayaa yimid kaddib markii Zelensky uu sheegay in Ukraine aysan sii tixgelin doonin xabbad-joojinta dhinaca tamarta ee Trump ku dhawaaqay, maadaama Ruushku uu weli weerarro ku hayo kaabayaasha tamarta ee Ukraine.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  9. Sacuudiga oo sheegay in diyaar-garowga Koobka Aasiya 2027 uu socdo, iyadoo ay jiraan weerarrada Xuutiyiinta

    Mas’uuliyiinta qabanqaabinaya Koobka Qaramada Aasiya ee kubadda cagta ee Sacuudiga ayaa sheegay in diyaar-garowga tartanka sannadka 2027 uu u socdo sidii loo qorsheeyay, inkastoo ay sii xoogeysanayaan weerarrada Xuutiyiinta ee dalkaas.

    Guddiga qabanqaabada Sacuudiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallaabooyinka lagama maarmaanka ah la qaadayo, iyadoo lala kaashanayo Xiriirka Kubadda Cagta Aasiya (AFC).

    Koobka Aasiya ee 2027 ayaa la qorsheeyay in la qabto 7-da Janaayo ilaa 5-ta Febraayo 2027, waxaana martigelin doona magaalooyinka Jeddah, Riyadh iyo Khobar ee Sacuudiga.

    Sacuudiga ayaa maalmihii la soo dhaafay la kulmay weerarro isdaba joog ah, kaddib markii uu sii xoogeysanayay dagaalka uu la galay Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iran.

    Dhanka kale, waxaa dib loo dhigay dhowr munaasabadood oo isboorti, oo ay ku jirto horyaalka kubadda cagta gudaha Sacuudiga.

    Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Aasiya, Sheekh Salman bin Ebrahim Al Khalifa, ayaa Arbacadii wariyeyaasha u sheegay in go’aanka kama dambaysta ah ee tartanka la sugi karo ilaa dhammaadka bisha Nofeembar.

    Wuxuu sheegay in haddii loo baahdo tartanka dib loo dhigi karo muddo sannad ah, laguna qaban karo sannadka 2028.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  10. Shiinaha oo Israa’iil ugu baaqay inay joojiso deegaamaynta Daanta Galbeed

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi, ayaa sheegay in Israa’iil ay joojiso dhismaha deegaannada Yuhuudda ee Daanta Galbeed ee la haysto.

    Wang Yi ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog, oo ka dhacay dalka Azerbaijan.

    Bayaan kulanka kaddib la soo saaray ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Shiinuhu uu Herzog u sheegay in Shiinuhu mar walba u arko arrinta Falastiin “caddaalad-darrada taariikheed ee ugu weyn qarnigan”.

    Wang Yi ayaa sidoo kale sheegay in marin buuxa loo furo Gaza, si labada milyan ee qof ee rayidka ah ee halkaas ku nool aan loogu khasbin inay ku noolaadaan xaalado adag.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  11. Madaxwayne Xasan sheekh" Cid dagaal lagu qaadayo iyo cid dagaal u socoto ma laha”

    Madaxwaynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa beeniyay in dowladda ay qorshaynayso in ay weerar ku qaado xubnah mucaaradka ee Muqdisho ku sugan.

    Madaxwaynaha ayaa carabka ku adkeeyay in aysan jirin cid ay dowladda dagaal ku qaadayso.

    “Baryahan magaalada waxaad ka maqleyseen niman odayaal ah oo waawayn oo saaxbo ah oo nabad dari iyo dagaal iyo iyaga in naftooda halis ku jirto, waxaan rabaa xildhibaanada sharafta leh inaan idin sheego cid dagaal lagu qaadayo iyo cid dagaal u socoto ma laha” ayu yiri madaxwayne Xasan sheekh.

    Madaxwayne Xasan ayaa dhanka kale sheegay in ay diyaar u yihiin inay la fariistaan oo la hadlaan madaxda mucaaradka.

    “Guriyihiin nabad ku jooga, ra’yiga siyaasadda ee aad qabtaan la imaada diyaar ayaan u nahay inana idinla fariisano oo aan idinka dhageysano, diyaar u nahay wixii macquul ah inaan idinla qaadano”

    Balse waxaa uu xusay in aysan jirin “talo dhexda la dhigayo”, dalkana ay dowlad ka jirto.

    “Dalka dowlad ayuu leeyahay, dowlad dalka hogaamisa joogto, Talada dhuntay ee meesheedi lahayn ee la yiraahdo talaad dhexda dhig, talo dhexda la dhigayo ma jirto,”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  12. Xuutiyiinta Yemen oo sheegay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Sacuudigu leeyahay

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Sacuudigu leeyahay, taas oo isugu jirtay mid sahamin iyo mid dagaal, kuna duulaysay hawada gobolka Ma’rib.

    Yahya Saree, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, ayaa bayaan uu ku baahiyay barta Telegram ku sheegay in diyaaradda ay gobolka ka waday waxa uu ku tilmaamay “hawlo cadowtinimo”.

    Saree ayaa sheegay in ciidamada Xuutiyiintu ay diyaaradda ku soo rideen “hub ku habboon”, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  13. Faahfaahin ka soo baxaysa weerar gantaallo oo Xuutiyiintu ku qaadeen madaxtooyada Cadan

    Dowladda Yemen ee uu Sacuudigu taageero ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Shaykh al-Zindani uu nabad qabo, kaddib weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen madaxtooyada magaalada dekedda leh ee Cadan.

    Xuutiyiinta ayaa hore shan gantaal oo kuwa riddada dheer ah ku weeraray Qasriga Al-Maashiq, oo ay sheegeen in loo adeegsado xarun hawlgallo oo uu leeyahay isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo.

    Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen shan qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

    Midowga Yurub iyo dalalka Khaliijka ayaa dib u dhigay shir-madaxeed ay toddobaadka soo socda ku yeelan lahaayeen Sacuudiga, sababo la xiriira weerarrada sii socda ee Xuutiyiinta.

    Sidoo kale, waxaa la baajiyay munaasabado isboorti iyo kuwo dhaqameed.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  14. Maxaa ilaa hadda laga ogyahay baaritaanka kiis-ciqaabeedka Ilhaan Cumar

  15. Safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga oo muwaadiniinteeda uga digtay weerarrada garoomada diyaaradaha

    Safaaradda Mareykanka ee Sacuudiga ayaa digniin amni u dirtay muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo uga digtay xaaladda amni ee ka dhalatay weerarrada lagu qaaday garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga.

    Safaaraddu waxay sheegtay in gaadiidka gaarka loo leeyahay, tareennada ama basasku ay noqon karaan beddelka safarada diyaaradaha ee lagu tagayo ama looga baxayo Sacuudiga.

    Digniinta lagu baahiyay barta X ee safaaradda ayaa muwaadiniinta Mareykanka loogu baaqay inay raacaan farriimaha digniinta ee ay Waaxda Difaaca Rayidka Sacuudiga ugu soo dirto taleefannadooda gacanta.

    Waxay sidoo kale sheegtay in muwaadiniinta Mareykanku ay ka feejignaadaan suurtagalnimada weerarro lagu qaado garoomada diyaaradaha, xiritaanka hawada, baajinta duullimaadyada iyo carqaladaha kale ee safarka.

    Safaaraddu waxay uga digtay muwaadiniinteeda inay sawirro ama muuqaallo ka qaadaan iska-horimaadyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada, goobaha ay ku dhacaan iyo khasaaraha ka dhasha, ama ay muuqaalladaas faafiyaan.

    Waxay intaas ku dartay in muwaadiniin Mareykan ah qaarkood la xiray kaddib markii ay jebiyeen xeerarkan, oo ay ku jiraan dad sawirro ka qaaday dhismayaasha dowladda, garoomada diyaaradaha iyo goobaha ay gantaalladu ku dhaceen.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  16. Ku-xigeenka taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran: Waxaan diyaar u nahay dagaal dhulka, badda iyo cirka ah

    Mostafa Izadi, ku-xigeenka taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee dalkiisu ay diyaar u yihiin dagaal dhinac kasta ah, isla markaana la sameeyay difaac adag oo dalka oo dhan ah.

    Wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa soo xigatay Izadi oo sheegay: “Ciidamadeennu waxay diyaar u yihiin dhammaan dhinacyada dhulka, badda, cirka, difaaca iyo amniga ee dalka oo dhan, waxaana la dhisay jiid difaac oo adag.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Haddii cadowgu dalkeenna soo weeraro, waan iska caabbin doonnaa ilaa dhammaadka.”

    Sarkaalka sare ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa sidoo kale sheegay in cadowgu ku jiro xaalad adag, isla markaana uu mar kasta soo saarayo sheegashooyin cusub si uu u qariyo xaaladdaas.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  17. CBS: Dib-u-dhiska kaydka gantaallada difaaca Mareykanka wuxuu qaadan karaa sannado

    Warbaahinta CBS News ayaa sheegtay in dib-u-dhisidda kaydka gantaallada Mareykanka ee loo adeegsado qabashada gantaallada cadowga ay qaadan karto sannado, isla markaana dalkaasi uu wajihi karo gabaabsi gantaalladaas ah marka la gaaro sannadka 2030-ka.

    Sida ay CBS sheegtay, Randy George, oo ahaa madaxa shaqaalaha ciidanka dhulka ee Mareykanka, ayaa dabayaaqadii bishii Dicember ee sannadkii hore ka digay yaraanta hubka loo adeegsado difaaca gantaallada, qiyaastii laba bilood ka hor weerarkii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iran.

    Wuxuu qiimeeyay in kaydka gantaallada Patriot iyo THAAD ee Mareykanka uu ka hoosayn doono heerka loo baahan yahay si loo xaqiijiyo diyaargarowga milatari ilaa sannadka 2030-ka.

    Saraakiil Mareykan ah oo CBS la hadlay, balse codsaday inaan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay in yaraantaasi ay sabab u tahay nidaamyada Patriot ee Ukraine loo diray kaddib duullaankii Ruushka ee 2022, gantaallada loo adeegsaday difaaca Israa’iil iyo hoos u dhaca awoodda warshadaha soo saara hubka.

    Warbixinta CBS oo soo xiganaysa qiyaaso ay samaysay Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiyadda iyo Caalamiga ah ee Mareykanka (CSIS), ayaa intaas ku dartay in Mareykanku uu haystay ku dhowaad 2,300 oo gantaal oo Patriot ah ka hor dagaalka Iran.

    Warbixintu waxay sheegtay in intii uu dagaalku socday la adeegsaday inta u dhexeysa 1,430 iyo 1,500 oo gantaal, taas oo u dhiganta qiyaastii 62 ilaa 65 boqolkiiba kaydkii hore.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  18. Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee ka soo dhex muuqday kooxda Arsenal cayaartii ay maalmo ka hor la yeesheen Lille

  19. Trump oo sheegay inuusan hubka nukliyeerka u adeegsan doonin Iran

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan hubka nukliyeerka u adeegsan doonin Iran.

    Wareysi uu siiyay warbaahinta Newsmax ayuu sidoo kale ku sheegay inuusan ka fikirayn in ciidamada Mareykanka ee dhulka loo diro gudaha Iran.

    “Ma adeegsan doono hubka nukliyeerka. Uma baahnin inaan sidaas sameyno,” ayuu yiri Trump.

    Wuxuu sidoo kale ka hadlay bamka loo yaqaan “Mother of All Bombs” (Bamka Hooyada Bambooyinka), kaas oo CNN ay sheegtay in laga yaabo in la tixgeliyo adeegsigiisa weerarro suurtagal ah. Trump ayaa sheegay inuu yahay bam aad u awood badan, balse aanu ahayn hub nukliyeer ah.

    “Waa bam aad u weyn, laakiin ma aha mid nukliyeer ah,” ayuu yiri.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku uu weerar kale ku qaadi karo xarumaha nukliyeerka Iran, oo ay ku jirto goobta Koh Kalang.

    Qayb kale oo ka mid ah wareysiga, ayuu Trump ku sheegay in Mareykanku uu wadahadallo kala leeyahay Ruushka iyo Shiinaha sidii loo dhimi lahaa hubka nukliyeerka.

  20. Bloomberg: Wasaaradda Difaaca Maraykanka ayaa qorshaynaysa inay dib u dhigto daabacaadda warbixinta weerarkii lagu qaaday iskuul ku yaalla Minab ilaa doorashada Maraykanka ka dib

    Warbaahinta Bloomberg ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, in saraakiisha sare ee wasaaradda difaaca Maraykanka ay qorshaynayaan inay dib u dhigaan shaacinta natiijada baaritaanka weerarkii khasaaraha badnaa ee Maraykanku ku qaaday iskuulka Shajarah Tayyiba ee magaalada Minab, ilaa ugu yaraan doorashada dhexe ee Kongareeska Maraykanka ay ka dhacdo ka dib.

    In ka badan 150 qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 123 carruur ah, ayaa ku dhintay weerarkii iskuulka lagu qaaday 28-kii Febraayo, oo ahayd maalintii koowaad ee dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay la galeen Iiraan.

    Sida lagu sheegay baaritaanno hore oo ay Bloomberg samaysay, xog khaldan, sawirro dayax-gacmeed oo duugoobay iyo ku-tiirsanaan xad-dhaaf ah oo la saaray garaadka macmalka ah (AI) ayaa door ku lahaa xulashada iskuulkaas bartilmaameedka weerarka.

    Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, warbixinta baaritaanka Pentagon-ka, oo la bilaabay bishii Maarso, ayaa muddo dhowr bilood ah ku dhowayd in la daabaco. Hase yeeshee, weli lama gaarin go’aan kama dambays ah oo ku saabsan waqtiga la shaacin doono.

    Markii Bloomberg ay su’aalo weydiisay, Pentagon-ku wuxuu sheegay in baaritaanku weli socdo, isla markaana uusan hadda hayn xog cusub oo uu ku dhawaaqo.

    Arrintan ayaa imanaysa xilli in ka badan 70 xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ay warqad u direen xoghayaha difaaca Maraykanka, Pete Hegseth, iyagoo dalbanaya in lala xisaabtamo cidda mas’uulka ka ah dhimashada dadka rayidka ah ee dagaalka Iiraan, oo uu ku jiro weerarkii lagu qaaday iskuulka Minab.