Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. IRGC ayaa sheegtay in ay heleen “hub kuwii hore ka casrisan”

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in Iran ay heshay "hub aad casri u ah" kaddib dagaalkii dhawaan dhexmaray iyaga iyo Mareykanka.

    “Intii uu socday dagaalkii afartanka maalmood, Iran waxay inta badan ku tiirsaneyd hubkeedii duugga ahaa balse wixii markaas ka dambeeyay waxay heshay hub aad casri u ah” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Ilaalada Kacaanka, Hossein Mohebi.

    Afhayeenku ma uusan ka hadal faahfaahinta “hubkan aadka casriga u ah” ama sida ay ku heleen.

    Sarkaalka sare oo ka tirsan ciidamada IRGC ayaa intaas ku daray in "Iran ay diyaar u tahay in ay kaga jawaabto fal kasta oo gardarro ah oo dib u soo cusboonaada awood ka badan tii hore, Mareykankana wuxuu la kulmayaa cawaaqib ka xanuun badan kii hore”.

    Sida uu sheegay Mr. Mohebi, "Hadallada ka soo yeeraya mas'uuliyiinta Mareykanka ee ku saabsan in iskaashi-la'aan ay ka dhex jirta hoggaanka Iran ay yihiin kuwo gebi ahaanba been ah, oo lagu qancinayo ujeedka Washington ee guuldarada dagaalka”.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  2. IRGC: Markab ayaa ku degay koonfurta Hormuz kaddib markii ay la qaraxday miino badeed

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Badda ee Iran ayaa sheegay in "markab xamuul oo xad-gudub sameeyay" ay la qaraxday miino badeed taallay Marinka Hormuz.

    Sida ay Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka IRGC sheegeen, markabku wuxuu "isku dayayay in fasax la’aan uu maro marinka halista ah Hormuz" wuxuuna ku dhacay miino.

    Waxaa la sheegay in Markabku u dabqabsaday kaddib markii ay miinada la qaraxday.

    “Markaba siday in ka badan 2,500 oo konteenar ayaa subaxnimadii maanta ku degay biyaha koonfureed ee Marinka Hormuz, sababo la xiriira dab aad u xooggan”, ayaa laga soo xigtay ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran.

    Hay’adaha kale ee la socda dhacdooyinka amniga ee marinka Hormuz ayaan weli soo saarin wax macluumaad ah oo ku saabsan dhacdadan ama suurtagalnimada in la dilay shaqaalihii saarnaa markabka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  3. Vatican-ka: Pope-ka oo laga helay kansarka sambabka, balse qalliinka lagu guuleystay

    Vatican-ka ayaa sheegay in Pope Leo XIV laga helay kansarka sambabka, isla markaana qalliin lagu guuleystay lagaga saaray qaybta hoose ee sambabka midig.

    Pope-ka oo 71 jir ah ayaa Talaadadii qalliin socday 90 daqiiqo loogu sameeyay isbitaalka Gemelli ee magaalada Rome. Baaritaanno kaddib, waxaa laga helay nooc ka mid ah kansarka sambabka oo loo yaqaan adenocarcinoma.

    “Qalliinku si guul leh ayuu ku dhammaaday, wax dhibaato ahna ma dhicin,” ayuu Vatican-ku ku sheegay bayaan. Waxa uu intaas ku daray in Pope-ku uu si caadi ah u soo miyirsaday qalliinka kaddib, isla markaana qolkiisa dib loogu celiyay markii muddo kooban lala socday xaaladdiisa.

    Burada ayaa markii ugu horreysay la ogaaday intii lagu jiray baaritaan caafimaad oo joogto ah, sida uu Vatican-ku sheegay. Waxaa la filayaa in Pope-ku uu isbitaalka ku sii jiro muddo toddobaad ku dhow.

    Hore, dadweyne aad u badan ayaa saacado ku sugayay bannaanka isbitaalka si ay u arkaan Pope-ka.

    Waxay ku qaabileen sacab, salaamo iyo ducooyin caafimaad, iyagoo u gacan haadinayay una dhoolla-caddaynayay markii gaarigiisu marayay, isaga oo isaguna ka jawaabayay salaanta isagoo ka eegaya daaqadda dambe ee gaariga.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  4. Trump: Waxaa laga yaabaa in ay xad-dhaaf ahaayeen weerarrada lagu beegsanayo hoggaamiyeyaasha Iran

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbad uu ka jeediyay isu-soo-bax olole doorasho ku sheegay in laga yaabo in ay xad-dhaaf noqdeen weerarrada lagu beegsanayo hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan intii uu socday dagaalkii 40-ka maalmood ahaa.

    Trump ayaa xalay taageerayaashiisa kula hadlay isu-soo-bax ka dhacay gobolka Ohio, wuxuuna yiri: “Waxaa laga yaabaa inaan xadka dhaafnay marka ay timaaddo hoggaamiyeyaasha Iiraan, sababtoo ah hadda ma garanayno cidda aan la macaamilayno.”

    Trump wuxuu hadalkiisa ula jeeday hoggaamiyeyaashii hore iyo saraakiishii sarsare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee lagu dilay dagaalkii Israa’iil iyo Mareykanka ay kula jireen Iiraan.

    Cali Khamenei, oo xilligaas ahaa hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ayaa maalintii koowaad ee dagaalka, 29-kii Maarso 2018, la dilay isaga iyo dhowr taliye oo sare oo milatari, oo ay ku jireen madaxa guud ee ciidamada iyo wasiirkii gaashaandhigga, iyo sidoo kale mas’uuliyiin siyaasadeed oo sar-sare, oo uu ku jiray xoghayihii Golaha Difaaca.

    Trump ayaa aaminsan in dilka dhowr hoggaamiye oo sare oo Iiraan ah uu sii adkeeyay in la ogaado cidda Mareykanku kala xaajoonayo arrimaha muhiimka ah.

    Hore ayuu u sheegay in weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ay horseedeen “isbeddel nidaam” oo ka dhacay Iiraan, wuxuuna dhowr jeer ku celceliyay in Mareykanku xiriir la leeyahay “hoggaamiyeyaasha cusub ee Iiraan”.

    Dhowr saacadood ka hor hadalka Trump, Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa hadallo la mid ah u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Wuxuu sheegay in Mareykanku aanu weli hubin sida go’aannada looga gaaro heerarka ugu sarreeya ee hoggaanka Iiraan, isla markaana habka go’aan-qaadashada dalkaasi aanu si cad ugu muuqan Mareykanka.

    Doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ayaa la qaban doonaa toddobaadka ugu horreeya ee bisha Nofeembar.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  5. IMF: Weerarrada Sacuudiga lagu qaadayo waxay saameyn taban ku yeelan karaan dadka dunida oo dhan

    Madaxa Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa sheegay in weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Sacuudiga ay saameyn taban ku yeelan karaan “qof kasta oo dunida ku nool”.

    Hadalkan ayaa yimid kaddib markii Xuutiyiinta Yemen ay gantaallo ku weerareen dhisme ku yaalla xarunta shirkadda weyn ee shidaalka ee Saudi Aramco, magaalada Dhahran ee bariga Sacuudiga.

    Sida ay sheegtay Aramco, weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday dhisme xafiisyo, waxaana waxyeello soo gaartay saddexda dabaq ee ugu sarreeya.

    Wasaaradda Tamarta Sacuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in weerarku sababay dab kooban.

    Isla waqtigaas, waxaa la soo sheegay in afar qof ay ku dhaawacmeen firirka gantaallo ay difaaca cirka ee Sacuudigu ku qabteen hawada magaalada Riyadh, caasimadda dalkaasi.

    Shalay, Sacuudiga ayaa isaguna duqeyn ku qaaday bakhaar weyn oo shidaal lagu kaydiyo oo ku yaalla Sanca, caasimadda Yemen, taas oo ay gacanta ku hayaan Xuutiyiinta.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  6. Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka oo Bank of America ku ganaaxday jebinta cunaqabateynta

    Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay Bank of America ku ganaaxi doonto lacag ka badan 1.2 bilyan oo doollar, kaddib markii lagu eedeeyay inuu jebiyay sharciyada ka hortagga lacagaha sharci-darrada ah iyo cunaqabateynta.

    Bank of America ayaa ah bangiga labaad ee ugu weyn Mareykanka.

    War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in bangigu uu ku guuldarreystay inuu soo sheego dhaqdhaqaaqyo maaliyadeed oo laga shakiyay, kuwaas oo qiimahoodu ka badan yahay shan bilyan oo doollar.

    Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in, heshiis kale oo lagu soo afjaray arrintan, bangiga lagu ganaaxay 11 milyan oo doollar, taas oo la xiriirta xadgudubyo la tuhunsan yahay oo ka dhan ah barnaamijyada cunaqabateynta.

    Cunaqabateynahaasi waxaa ka mid ah kuwa saaran Iiraan iyo Ruushka, iyo sidoo kale tallaabooyinka la xiriira maandooriyaha iyo argagixisada caalamiga ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  7. Dhoofinta shidaalka Ciraaq oo korortay, xilli ay carqalad ka jirto isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz

    Wasaaradda Shidaalka Ciraaq ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dhoofinta shidaalka ceeriin ee dalkaasi ay gaartay ku dhowaad 2.7 milyan oo fuusto maalintii.

    Afhayeenka wasaaradda, Salim Rakabi, ayaa wakaaladda wararka dowladda Ciraaq u sheegay in wasaaraddu ay ku dadaalayso sidii ay u ilaalin lahayd, isla markaana u kordhin lahayd xaddiga shidaalka la dhoofiyo, iyadoo ay jirto waxa uu ku tilmaamay “xiisad caalami ah oo dhanka tamarta ah oo ka taagan marin-biyoodka Hormuz”.

    Sida uu sheegay, dhoofinta shidaalka ceeriin ayaa si weyn u korortay, iyadoo bishii May ay ahayd qiyaastii 200,000 oo fuusto maalintii, halka ay hadda gaartay ku dhowaad 2.7 milyan oo fuusto maalintii.

    Waxa uu sidoo kale xusay in qorshayaal lagu kordhinayo dhoofinta shidaalka laga sii marinayo dekedaha waqooyiga iyo koonfurta dalka ay socdaan, si buuxdana looga faa’iideysto awoodda dhuumaha shidaalka ee isku xira Ciraaq iyo Turkiga.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  8. Sidee ayay afar sarkaal oo ka tirsanaa maamulkii hore, oo uu ku jiro Jeneraal Taddasa, uga baxsadeen gacanta TPLF?

    BBC-da ayaa xaqiijisay in afar sarkaal oo sarsare oo ka tirsan gobolka Tigray, oo uu ku jiro madaxweynihii ku-meelgaarka ahaa ee hore ee gobolka, Jeneraal Taddasa Warrada, ay ka baxsadeen gacanta Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF), ayna ciidamada difaaca Itoobiya geeyeen magaalada Maqale.

    Saraakiishan ayaa la xiray kaddib markii TPLF ay u qaaday deegaanno ku dhow xadka Eritrea, sababo la xiriira dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya.

    Saraakiisha, oo uu ku jiro Jeneraal Taddasa, ayaa in ka badan toddobaad lagu hayay hoteello, guryo iyo goobo kale, iyadoo kolba meel loo wareejinayay. Sida uu sheegay sarkaal ka mid ah saraakiisha baxsatay, waxay ka baxsadeen deegaanka Ramdha ee ku dhow xadka Eritrea.

    Korneyl Tawalda G/Tinsaa'e, oo hore u ahaa madaxa laanta amniga milatariga ee gobolka Tigray, kana mid ah saraakiisha ka baxsatay gacanta TPLF, ayaa BBC-da laanta Tigrinya uga warramay sida uu u baxsaday iyo duruufihii uu ku jiray muddadii uu xirnaa.

    BBC: Xaggee ayaa la idinku hayay? Goorma ayaana Maqale la idinka qaaday, sideese wax u dhaceen?

    Korneyl Tawalda: Waxaa nalaga qaaday Maqale, waxaana nalagu xiray Aduwa iyo Aksum. Ma xasuusto maalinta saxda ah, balse waxay ahayd xilli ay dowladda Itoobiya ku dhowayd inay gasho Maqale. Waxaa nala qaaday shantii galabnimo. Habeenkii oo dhan ayaan lugaynaynay. Dabadeed, qaar naga mid ah waxaa la geeyay Aksum, halka qaar kalena la geeyay Aduwa.

    BBC: Haddaba, sidee ayaad ku baxsateen? Dad badan ayaa su’aashan isweydiinaya. Waxaa la sheegayaa in TPLF ay idin sii daysay.

    Korneyl Tawalda: Nama aysan sii dayn ee annaga ayaa iskeen u baxnay. Waxaan jeclaan lahaa inaanan hadda ka warramin dhammaan faahfaahinta sida aan u baxsanay. Kaligay kama hadli karo arrintaas. Waxaa wanaagsan in si tartiib tartiib ah looga hadlo sida aan ku baxsannay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  9. Jahawareerka Trump ka haysta xasaradaha dunida ka aloosan, todobaadyo ka hor doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka

  10. 7 xeeladood oo kuu sahli kara shukaansiga baraha bulshada

    Inta badan dhalinyarada waxay lamaanahooda kula kulmaan bogagga Internet-ka, gaar ahaan baraha xiriirka bulshada, hase yeeshee badankood waxay la'yihiin xirfaddii ay guul uga soo hoyin lahaayeen xiriirkooda noocaas ku unkama.

    faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  11. Sidee bay ugu suurtogashay ninkan in uu baraha bulshada ka sameeyo £120,000 sannadkii

  12. Dibadbax ka dhashay go'aan dowladda Azerbaijan ay si dadban ugu xaddidayso xirashada xijaabka ee ardayda

    Go’aanka dowladda Azerbaijan ay si dadban ugu xaddidayso xirashada xijaabka ee ardayda iyo shaqaalaha dugsiyada ayaa dhaliyay dibadbaxyo. Dibadbaxyadan ayaa yimid kaddib markii qaar ka mid ah dugsiyada laga hor istaagay arday iyo macallimiin inay fasallada ka qaybgalaan.

    Iyadoo dibadbaxyadu sii fidayaan, ayaa dadka isticmaala baraha bulshada ee Azerbaijan waxay soo sheegeen in ay dhibaato kala kulmayaan gelitaanka Instagram iyo TikTok, iyagoo sheegay in barahaasi ay ku geli karaan oo keliya adeegga VPN-ka.

    Arrintan ayaa dhalisay tuhun ah in la xaddiday gelitaanka baraha bulshada, xilli ay socdaan dibadbaxyo looga soo horjeedo xayiraadaha xijaabka ee dugsiyada.

    Saraakiisha dowladda weli ma xaqiijin in la xannibay barahaasi, balse dadka dhaliila dowladda ayaa dhibaatooyinka gelitaanka ku xiriiriyay dibadbaxyada looga soo horjeedo xayiraadda xijaabka ee dugsiyada.

    Weriye BBC ah ayaa arrintan ka hubiyay dhowr qof oo uu yaqaanay, kuwaas oo iyaguna awoodi waayay inay galaan barahaasi. TikTok ayaa shaqaynayay hal mar oo keliya, siddeed jeer oo la tijaabiyay.

    Qaar ka mid ah dadka isticmaala internetka ayaa sidoo kale sheegay in YouTube uu gaabis yahay, ay dhibaato ka haysato gelitaanka akoonnada Gmail, isla markaana uu jiro cilad guud oo dhanka internetka ah.

    Dowladda weli wax faahfaahin ah kama bixin arrintan, mana aysan xaqiijin in la xannibay baraha bulshada. Hase yeeshee, dad badan ayaa dhacdadan ku xiriirinaya go’aan ka soo baxay Golaha Wasiirrada oo la xiriira dharka ay ardaydu ku labisan karaan dugsiyada.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  13. Shan waxyaabood oo aad sameyn karto haddii telefoonka lagaa xado

    Arrintan qof walba ayay ku dhici kartaa. Bandhig faneed ayaa ka socda meel bannaan oo ka mid ah goobaha laga dukaameysto. Waadna ku raaxeysaneysaa.

    Xoogaa kaddib waxaad gacanta gelineysaa jeebkaaga hore. Waad qarracmeysaa. Telefoonkaaga wuu maqan yahay.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  14. Sacuudiga oo wajahaya dhibaato aan hore loo arag

    Xuutiyiinta Yemen oo markii hore khatar ku ahaa maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Baabul Mandab, ayaa hadda noqday khatar sii kordheysa oo ku wajahan Sacuudiga.

    Weerarrada cirka iyo kuwa dhulka ee ay Xuutiyiintu ku qaadayaan Sacuudiga ayaa weli socda, halka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo uu duqeymo culus ku hayo fariisimaha Xuutiyiinta.

    Hase yeeshee, baajinta duulimaadyada xilli la qabanayo laba shir oo waaweyn oo kala ah Shirweynaha Maalgashiga Sacuudiga iyo Shir-madaxeedka Caalamiga ah ee Shidaalka, ayaa dowladda Sacuudiga gelisay xaalad aan hore loo arag.

    Arrintan ayaa timid iyadoo dad magac ku leh warshadaha shidaalka iyo bangiyada ay sheegeen inaysan shirarkan ka qaybgeli doonin sababo la xiriira walaaca amni.

    warar kale oo dheeraad ah

  15. Netanyahu oo wajahaya Cadaadis sii kordhaya toddobaad ka hor doorashada Israa’iil

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xaqiijiyay in madaxa hay’adda sirdoonka Masar uu Israa’iil joogay ka hor weerarradii Xamaas ee dhacay Oktoobar 2023, balse wuxuu mar kale ku adkaystay inuusan la kulmin Cabbaas Kaamil.

    Netanyahu ayaa beeniyay eedeymaha sheegaya inuusan wax tallaabo ah ka qaadin digniinihii uu Kaamil ka bixiyay suurtagalnimada weerarro.

    Wareysi uu siiyay telefishin ayuu Netanyahu ku sheegay inuusan ogeyn cidda la hadashay Kaamil, balse qof kasta oo arrintaas ku lug lahaa uu isku dayayay inuu isaga eedda dusha ka saaro, isla markaana uu qofkaas ka difaaco masuuliyadda.

    Iyadoo toddobaad ay ka harsan tahay doorashada Israa’iil, isla markaana toddobaad laga joogo sannad-guuradii weerarkii 7-dii Oktoobar, ayaa Netanyahu waxaa sii kordhaya cadaadiska lagu saarayo inuu sharaxo fashilkii dhanka sirdoonka ee suurageliyay weerarradii Xamaas.

    warar kale oo dheeraad ah

  16. Trump oo banaabax ka dhacay Ohio ku weeraray muhaajiriinta Soomaalida ah

  17. Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay qaraar lagu Taabbo-gelinayo Dastuurka

    Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay shir aan caadi ahayn, ayaa ka hadlay fulinta Dastuurka iyo taabagalintiisa.

    Arrintan ayaa looga hdlay shirka uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre, oo agu ansixiyay Qaraarka Taabbo-gelinta Dastuurka, iyada oo goluhu u saaray Guddi ka kooban wasiirro oo uu guddoominayo Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

    Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay shirka guddiga ayaa "loo igmaday dardargalinta fulinta dastuurka isla markaana uu waajibaadkooda qeyb ka yahay in muddo labo bilood ( 2) ah ay kusoo diyaariyaan, Xeer-nidaamiyaha dhismaha Xukuumadda, sida uu qabo Dastuurka, xeerkaas oo markii ugu horeysay uu dalka yeelanayo tan iyo 1968-dii, qeexayana tirada xukuumadda iyo waajibaadyada".

  18. Xuutiyiinta oo mar kale weeraray Goobo muhiim ah oo Sacuudiga ku yaalla

    Dowladda Sacuudiga ayaa xaqiijisay in la bartilmaameedsaday dhisme xafiisyo oo ay leedahay shirkadda shidaalka ee Aramco, kuna yaalla magaalada Dhahran.

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay in uu bartilmaameedsaday xarumo shidaal oo ku yaalla galbeedka Yemen, oo ay ku jirto caasimadda Sanca.

    Xuutiyiinta Yemen oo hore khatar ugu ahaa maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Baabul Mandab, ayaa hadda noqonaya khatar sii kordheysa oo ku wajahan Sacuudiga.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akrin karto:

  19. Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug

    Qoraal lagu baahiyey barta Faceboog ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey go’aan ay maxkamaddu ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee ka dhacday maamul goboleedka Galmudug bishii sagaalaad.

    “Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixisay natiijada doorashada ku celiska ah ee Golaha Wakiilladda Dowlad Goboleedka Galmudug ee uu Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimuhu u soo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Federaalka.”ayaa lagu yiri qoraalka la soo dhigay barta Faceboog ee Maxkamada Sare ee Soomaaliya

    Hoos ka akhri go'aanka maxkamadda Sare ee Soomaaliya ka soo saartay doorashadii ku celiska ahayd ee Galmudug.

  20. Tirada weerarada cirka ee Sacuudigu ku qaaday Yemen muddo 24 saacadood gudahood ah

    Afhayeenka milatari ee kooxda Ansar Allah, Yahya Saree, ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay Yemen ku qaadday 104 weerar oo cirka ah iyo kuwo gantaallo ah, kuwaas oo sida uu sheegay lagu bartilmaameedsaday goobo rayidku ku sugan yihiin oo ku yaalla magaalada Sanca iyo siddeed gobol oo Yemen ah.

    Saree, ayaa bayaan uu ku baahiyay barta Telegram ku sheegay in weerarradu ay beegsadeen gobollada Dhamaar, Tacis, Camraan, Lahj, Al-Jawf, Ma’rib, Sacda iyo Xudeyda.

    Waxa uu sheegay in weerarrada lagu fuliyay diyaaradaha dagaalka ee F-15 iyo Typhoon, kuwaas oo ka duulay saldhigyada Khamis Mushait iyo Daa’if, iyadoo sidoo kale gantaallo laga soo tuuray Najraan.

    Waxa uu intaas ku daray in weerarradu ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah, balse ma uusan sheegin tirada dadka waxyeelladu gaartay.

    Saree, ayaa sidoo kale sheegay in tirada guud ee weerarrada cirka iyo gantaallada ee Sacuudigu qaaday tan iyo markii ay colaadda sii xoogaysatay ay gaartay 2,281, sida ku cad tirakoobka kooxda.